Quantcast
Channel: Yusuf Garaad
Viewing all articles
Browse latest Browse all 305

Xilwareejinta Galmudug waa Safar Billow ah

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf, waxaan ugu hambalyeynayaa sida sharafta leh ee uu xilkii Madaxtinnimada Galmudug ugu wareejiyay Madaxweynaha Cusub, Axmed  Cabdi Kaariye, Qoorqoor.

Waxaan u arkaa Hoggaamiye ay dhinacyo badan oo ayagu aan isku ujeeddo ahayn, ay si sharci darro ah isugu bahaysteen la dagaallankiisa in uu maamulkiisu saldhigan waayo.

Waxaanse anigu ku xusuusan doonaa Hoggaamiye nabad doon ah. Suurta geliyay in ay Galmudug degto caasimadda. Iyo in uu heshiis la galo Ahlu Sunna oo Madaxdii isaga ka horreysay oo dhan ay is fahmi waayeen. Si uu labadaas oo markaa isku xirnaa u suurta geliyana oggolaaday in awoodda xafiiskiisa ay la qeybsato Ahlu Sunna.

Xilwareejinta ka dhacday caasimadda Dowlad Goboleedka, oo ku dhacday jawi amni ahaan iyo siyaasad ahaanba deggan, waa tii ugu horreysay ee nooceeda ah. Waa tallaabo horumar ah oo ku wajahan mideynta Dadweynaha Galmudug ee muddo dheer ku kala qeybsanaa go’aammo inta badan Muqdisho lagu gaaray.

Tallaabadani ma ahan dhammaad ee waa billowga safar dheer. Waa mid ay tahay in lagu xaqiijiyo midnimo waarta, taas oo hadda meel fiican mareysa. Waa safar xoojinayo dhismaha hey’adaha Dowladda oo qaarkood ay u baahan yihiin in hadda la unko. Waa safar kabaha loo illaday horumarinta Gobolka oo ka arradan waddooyin wanaagsan iyo deked, ku dar adeeg caafimaad iyo waxbarasho tayo leh.


Bogaadin iyo mahadcelin ayay mudan tahay cid kasta oo gacan ka geysatay in ay suurta galaan isfaham iyo xilwareejin qurxoon.

Tallaabooyinka billowga ah ee uu qaaday Madaxweyne Qoorqoor waa kuwo soo dhoweyn, bogaadin iyo garab qabasho mudan.

Fursadaha qaarkood uu xilligu u sabab yahay waa in laga faa’iideystaa inta aan xilligu isbeddelin. Caqabadaha ka hor yimid Madaxdii hore waa in cashar laga bartaa si looga feejignaado.

Galmudug waa in ay soo jiidataa aqoonyahanno iyo xirfadlayaal ka faa’iideeya kheyraadka Gobolka ee magaca Galmudug uu tilmaamayo marka xaraf xaraf loo kala qaado.

Khalad ma aha haddii aan iraahdo Galmudug waxay u taagan tahay Geel, Ari, Lo’, Maanyo, Ugaar, Doog, Udug iyo Ganacsi maaddaama Geesinnimo iyo dagaal laga gudbay.

Hantiilayaasha Gobolka ka soo jeeda ee Sharikadaha ugu waaweyn iyo Hoteellada ugu bilicsan uguna badan ku leh Xamar iyo Ganacsadayaal kale oo Soomaaliyeed waa in loo abuuraa fursado ku dhiirri geliya in ay ka faa’iideystaan kheyraadka Galmudug taas oo shacabku ka heli doono shaqo, adeeg iyo suuq, dabcan Dowlad Goboleedkuna canshuur.

Sida ay dadka qaar dhahaan in nabadda iyo dhismaha Dowladnimada Soomaaliya ay ku xiran tahay Gobollada Dhexe anigu ma qabo.

Waxaanse u qabaa in nabad iyo horumar ka hirgala Galmudug ay qeyb muhiim ah ka yihiin nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 305

Latest Images

Trending Articles