![]() |
Mohammed oo mas'uul ka ah Synagogue ku taalla Kolkata |
India, inkasta oo khilaaf ba’ani uu marmar ka dhex dhaco, haddana dadka India ee diimaha kala duwan waxaa ku badan dulqaadka.
Magaalada Kolkata oo xarun u ah Gobolka West Bengal oo ay ku nool yihiin in ka badan 90 malyan oo ruux, waxaa 250 sano ee u dambeeyay ku dhex noolaa dad Yuhuud ah oo ka soo waxay Ciraaq.
Dadkaas oo markii ay ugu tira badnaayeen ahaa agagaarka 100 kun oo ruux, waxay sannadihii dambe billaabeen in ay u guuraan Israel.
![]() |
Nazes Afroz |
Synagogue oo ah meelaha ay diintooda ku caabbudaan oo shan ah ayay ku lahaayeen Kolkota. Saddex ka mid ah ayay tagaan Yuhuudda tirada yare ee ku soo haray Kolkota. Labadii Synagogue ee kale waxay u dhiibeen dad Muslimiin ahi in ay u hayaan oo ay iyagu mas’uul ka ahaadaan.
Ninka sawirka sare ka muuqda oo la yiraahdo Maxamed Kahliil ayaa ka mas’uul ah Synagogue-a uu dhex taagan yahay.
Nazes Afros oo ah reer Kolkata, oo aan wadashaqeyn jirnay oo isagu sawirka qaaday ayaan weydiiyay sababta Yuhuuddu u doorbidday Muslimiinta. Wuxuu ii sheegay in ay u arkaan in ay ayagu fahamsan yihiin diinta Yuhuudda.
Waxaan xusuustay in Soomaalidu intii aanay Yurub ku soo badan oo aanay makhaayado ku yeelan, gaar ahaan kuwa jooga dalalka ay ku yar yihiin makhaayadaha hilibka xalaasha ah laga helo ay tegi jireen makhaayadaha Yuhuudda ee gada hilibka Kosher oo ah xoolo sida muslimka loo gowracay.
Waxaa kale oo aan xusuustay in meelaha aan muslimku ku badnayd ay Soomaalida wiilasha u gudi jireen Yuhuuddu.