Dhallinyarada maanta qaarkood marka aan la sheekeysto waxay igu yiraahdaan waxaa naloo sheegay in aad BBC ka shaqeyn jirtay. Markaa ma filayo in ay yaqaannaan Axmed - Keyse oo Yurub Jaamacad uga qalin jebiyay ka hor inta aan Soomaaliya qaadan gobannimadeeda.
Laakiin taariikhda halyeeyada Soomaaliyeed waa muhiim in la barto. Waxaana waajib ah in jiilba uu jiilka xiga u gudbiyo ilaa laga helayo Dowlad iyo hey’ado baaris iyo aqooneed oo abaabula keyd la taaban karo ama Online ah ama labadaba oo laga helo taariikh kasta oo mudan oo Soomaaliyeed, mid wanaagsan iyo mid kaleba.
Axmed Xaaji Ducaale, oo loo yiqiin Axmed - Keyse, ayaa Arbaca 8-da January 2020 ku geeriyooday Tuscon, Arizona oo ah dalka Mareykanka.
Ahmed Xaaji Ducaale, oo loo yiqiin Axmed – Keyse, waxaa lagu xusuustaa kaalintiisii Madaxbannaanida Somaliland Midowga labada Gobol ee Soomaalida ee unkay, kuna Midoobay Jamhuriyadda Soomaaliya sannadkii 1960.
Waxaan sadarradan hoose ee kooban ku soo qaadanayaa taariikhda dheer ee quruxda badan ee Axmed – Keyse.
Waa kuma Axmed – Keyse?
Ahmed Keyse wuxuu ku dhashay Burco 1927. Aaabbihiis, Xaaji Ducaale Abdullah, wuxuu ahaa aqoonyahan diinta Islaamka. Wuxuua Qaaddi ka ahaa Maxkamadaha Shareecada berigii Ingiriisku maamulayay Somaliland. Hooyadiis, Xaliimo Abdi, waxay geeriyooday isaga oo toddoba jir ah. Sidaa darteed waxaa soo korisay Oorida Aabbihiis, Shariifo Sayid.
Axmed – Keyse 1938 ayuu iskuul ka billaabay Berbera. Laakiin waxaa ka arbushay dagaalkii labaad ee adduunka,
Markii uu Talyaanigu ku duulay oo uu Ingiriiska ka qabsaday Berbera, Axmed – Keyse iyo qoyskiisu waxay u qaxeen Cadan.
Dhowr sano ka dib markii ay soo laabteen, wuxuu Axmed Keyse ku biiray Dugsiga taarikhiga ah ee Shiikh oo markaa cusbaa gacantana ay ku hayeen saraakiil Ingiriis ah.
1948, Axmed – Keyse wuxuu ku guuleystay in uu Waxbarasho u tago Machadka Handoub ee Sudan. Afar sano markii uu halkaa wax ku baranayay waxaa loo diray Engaland si uu waxbarashadiisa u sii kororsado.
1956 ayuu ka qalin jebiyay Jaamacadda Keel ee woqooyiga England, isaga oo bartay Siyaasadda Dhaqaalaha kuna baasay dhibacaha u sarreeya.
Somaliland ayuu ku laabtay waxaana loo magacaabay kaaliye Guddoomiye Degmo. In yar ka dib markii laga warhelay howlihiisa Gobannimo-doonka ah, ayna isku dheceen Ingiriiskii uu la shaqeynayay, wuxuu Axmed – Keyse u baxsaday Ethiopia.
Ugu dambeyntii halgankiisa Gobannimo-doonka, Axmed – Keyse wuxuu ka mid ahaa wafdi afar xubnood ka kooban oo damaanadda Gobannimada la soo saxiixday Ingiriiska, ka dib markii ay booqdeen London.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Cali Garaad Jaamac
Xaaji Ibraahim Nuur
1960 wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii horseeday wadahadalkii labada Gobol ee Soomaalida ee unkay, kuna Midoobay Jamhuriyadda Soomaaliya.
Haddii aan soo koobo Axmed – Keyse wuxuu Soomaaliya ka noqday Xildhibaan iyo Wasiirka Beeraha.
Ka dibna wuxuu noqday Danjiraha Soomaaliya ee Bonn, oo markaa ahayd caasimadda Jarmalka Galbeed.
Wuxuu uga gudbay in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Qaahira iyo ka dib Cadan.
Dowladda militerigu waxay u magacawday Danjiraha Soomaaliya ee London halkaas oo uu nagu matalayay ilaa iyo 1975. Danjiraha London ayuu ahaa xilkii ugu dambeeyay ee rasmi ah ee uu Axmed – Keyse u qabto Soomaaliya.
Danjire hore oo Soomaali ah oo aan wax ka weydiiyay Axmed – Keyse, wuxuu qiray in uu ahaa nin aqoontiisu ay sarreyso, Soomaalinnimadu ay ku weyn tahay, yaqaanna kaftan iyo erayo lagala haro.
Axmed – Keyse, waa Aabbaha dhalay Khadra Ducaale, oo ah Wasiirkii Ganacsiga ee ugu horreeyay Dowladda hadda jirta.
Khadra oo aabbaheed iyo Soomaalinnimadiisa ku faanta, in badan ayay iiga warrami jirtay Axmed - Keyse. Hadda markii aan uga tacsiyeeyay geeridana waxay ii sheegtay in Aabbaheed uu in yar ka hor geeridiisa u duceeynayay Soomaali oo dhan.
Allah ha u naxariisto Axmed – Keyse, ducadiisana Soomaali oo dhan Allah ha u aqbalo. Waxaan rajeynayaa annagana in badan oo naga mid ahi in ay ugu duceyso Naxariista Janno.
Waxaan geerida uga tacsiyeynayaa Wasiir Khadra, qoyska Axmed – Keyse iyo Soomaali oo dhan. Waxaan Allah uga baryayaa in uu ka waraabiyo Naxariista Janno.
Waxaan u mahadcelinayaa Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo aan ka helay inta badan xogta aan halkan ku soo gudbiyay.