Quantcast
Channel: Yusuf Garaad
Viewing all articles
Browse latest Browse all 305

Galmudug 2020

$
0
0
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor iyo Madaxweyne Ku Xigeenka, Cali-Ciid, waxaan ugu hambalyeynayaa dhismaha Xukuumadda tayada leh ee Galmudug ee qabyada ah.

Aad ayaan ula dhacay miisaanka wadar ahaantooda ay leeyihiin Wasiirrada loo xulay Galmudug. Waan  ku kalsoon ahay in haddii ay u guntadaan ayaga oo kaashanaya Dadweynaha degaannada Galmudug oo dhan ay nabadgelyo, xasillooni iyo horumar u horseedi karaan Gobolka iyo dalkaba.

Waxaan si gaar ah u jecleystay tallaabada ugubka ah ee Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalku ay door bideen xubinnimo Golaha Wasiirrada ah, ugu yaraan inta markaan ah.

Waxaan hubaa in hadda ka dib dhaliil haddii ay Federaalka u jeediyaan looga tala geli doono aragti Xildhibaan ee ay tahay mid ka culus oo ah go’aan Gole Wasiirro Galmudug.

Waxaan ka dhicin saraakiisha sare ee hey’adaha Federaalka iyo mas’uuliyiin gobolka shaqo wanaagsan ka soo qabtay oo isugu jira dad iskood isu xilqaamay iyo qaar ka tirsanaa Dowladihii hore ee Galmudug.

Xubnaha Guddigii Caleema Saarka ka aflaxay iyo dhammaan Golaha Wasiirrada waxaan leeyahay hambalyo. Ilaaheey ha idinla garab galo waajibka culus ee aad qaaddeen.

Waan jeclaa in saamiga gabdhuhu uu intaan ka badan yahay waxaanse rajo ka qabaa in dhammaystirka lagu dheelli tiri doono, maaddaama ay Wasiir Ku Xigeenno badani ay dhimman yihiin.


Xilliga degdegga ah waxaa ugu muhiimsan ilaalinta amniga iyo ka hortagga Coronavirus. Wacyi gelin ayay tabartiinna ugu xoogga badani ay tahay haddii aad sida ugu habboon uga howlgashaan.

Istaraatiijiyad


Nabadgelyada Gobolka oo Ahlu Sunna ay gacan keliya ku soo gaarsiisay meel aad u sarreysa, waxaa hubaa in saraakiisha sare ee Ahlu Sunna iyo siyaasiyiinta ka tirsan maamulka degmooyinka iyo Talisyada ciidanka marka ay iskaashadaan cutubyada Booliiska Federaalka iyo militeriga ay wax badan ku soo kordhin karaan nabadgelyada iyo xasilloonida Galmudug oo dhan.

Waxaa istaraatiijiyad lagu casriyeeyo loogana manaafacdsado u baahan kheyraadka Galmudug ee isugu jira xoolaha, kalluunka, macaadinta faraha badan laakiin hadda ay faa’iidadeedu ku kooban tahay dhagaxa burjikada Ceel Buur iyo gaaska iyo batroolka la xaqiijiyay.

Sidoo kale waxaa u baahan in la gooreeyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreeyaan dhismaha Dekedda Hobyo, dhammaystirka mashruuca waddooyinka Hobyo ilaa Gaalkacyo iyo Guriceel ilaa Gaalkacyo oo hadda dadweynuhu ay iskaa wax u qabso ku wadaan dhismahooda.

Waxaa qabaa in beelaha Gobolka ee wada qabka weyn sida keliya ee lagu hoggaamin karaa ay tahay in ay Dowladdu u hoggaansanaato sarreynta sharciga, madaxbannaanida garsoorka iyo sugidda Xuquuqda aadanaha. 

Dadweynaha gobolka is aamminaddooda, wadashaqeyntooda iyo la shaqeyntooda Dowladda waxaa fure u ah maamul qaddariya, oggol iska warqab iyo wada tashi uu isla xisaabtan barbarsocdo.

Waxaan qabaa in labada Dowlad Goboleed ee jaarka la ah Galmudug lagula noolaado nabadgelyo dhammaytiran iyo iskaashi jootga ah. Sidoo kale Dowlad Goboleedyada kale ee dalka.

Federaalka


Dardaaranka iigu dambeeya wuxuu yahay Galmudug  in aanay ka fogaan Federaalka, aadna ugu dhowaan oo ku milmin.

In Dowladda Galmudug ay xiriir dhow oo wada shaqeyn ay la lahaato Federaalka.  Waxaan qiyaasayaa in uu haddaba jiro xiriirkaasi. Waliba uu doorashadaba ka fac weyn yahay. Waayo Madaxweynuhu wuxuu ka tirsanaa Golaha Wasiirrada. 

Dhanka kale in aan Federaalka looga tanaasulin awoodaha Dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka.

Waajibaadka Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug isma diiddana. Waliba waa isku mid.

Waxa is diiddani waa danaha shakhsiyaadka siyaasadda ka shaqeysta ee Gobolka ka soo wada jeeda oo qaar ay awood ku leeyihiin Dowladda Federaalka. Oo iyaga oo adeegsanaya awooddooda iyo tan shakhsiyaad ganacsato ah oo dano u gaar ahi ay ka dhexeeyaan doonaya in ay inta kale u quus gooyaan.

Iyo qaar iyaguna Gobolka ka soo jeeda oo mucaarad ah iyo xataa qaar ku tirsan Golayaasha Dowladda Gobolka ama kuwa Fereaalka oo u qaba in ay ugu badiso in ay is hor taagaan danaha uu Federaalku rabo in uu Gobolka ka fushado.

Wax qabadka Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa xukumi doona hadba inta uu gaarsiisan yahay sida ay Galmudug isugu waddo siyaasiyiinta Gobolka intooda ugu badan.


Si aanay Madaxda Galmudug u noqon hashii ninka gurrani hooyay, waxay uga dabaalan karaan xaaladda iyaga oo ku shaqeeya Dastuurka dalka iyo kan Galmudug, la yimaada siyaasad furfuran oo horusocod ah, leh dariiq loo maro isla xisaabtan joogta ah, wada tashi iyo in ay ka warqabto wadatashina la sameyso Dadweynaha marka ay gudboon tahay.


Tijaabada ugu weyn afarta sano waxay idin soo mari doontaa kol dhow. Ku shubasho, u yeerin iyo caddaalad mid ay noqotaba waa sida aad Guddiga Doorashada ugala shaqeysaan doorashada Federaalka ee hadda u asteysan 2020/1.

Waan ku kalsoon ahay, Allah idankii, in intaas iyo in kale oo ka badan ay suurta gal yihiin u yihiin Madaxda wada cusub ee Galmudug ay u qabsoomaan afarta sano ee soo socota.

F. G.
Aniga qormadeydu waxay ku kooban tahay miisaanka Wasiirrada oo aan u fiirinayo hal Gole. Laakiin saamiga qabaa'ilka loogu qeybiyay xilalka kala mudan iyo sida loogu jimeeyay xilalka ay Madax degaanka ka soo jeedda ka hayaan Federaalka, anigu hoos uguma daaddegin, umana dhuun daloolo.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 305

Trending Articles