Quantcast
Channel: Yusuf Garaad
Viewing all 305 articles
Browse latest View live

Faahfaahin Howlgalka Midowga Yurub ee Geeska Afrika oo qabtay 6 Soomaali ah

$
0
0
Intii aan joogay Seychelles, waxaa la ii qabanqaabiyay in aan dushiisa tago markab dagaal oo uu Talyaanigu leeyahay oo ka tirsan Howlgalka Atlanta ee ciidammo badeed oo Midowga Yurub ay Badweynta India kaga ilaaliyaan burcad badeedda.

Markabka, oo magaciisa la yiraahdo FASAN waa markab dagaal.  Magaalada Victoria oo Jaziiradda Mahe ee oo ka mid ah 150 Jaziiradood oo uu ka kooban yahay dalka Seychelles ayaan ka raacnay dayaarad militeri oo kuwa qummaatiga u kaca ah.  Tobaneeyo daqiiqo ka dib waxay dul degtay markabka VIRGINIO FASAN.

Markabka waxaa la socda ciidan ka socda dalal kala duwan oo Yurub ah iyo askari ka soo jeeda dalka Djibouti si uu uga tarjumo haddii la qabto burcad badeed af Soomaali ku hadlaya.

Waxay nooga warrameen sida ay uga howlgalaan Badweynta India ayaga oo baadigoobaya burcad-badeed.  Waxay noo fasireen markaabta kale iyo weliba dayaarado iyaguna howlgalka ka mid ah oo qaarna Djibouti joogo qaarna ay badda ku jiraan.

Lix Soomaali ah oo ku eedeysan fal burcad-badeed









Isu geyn waxaa muuqata sida ciidammada howlgalka Atlanta ay u feejigan yihiin, u hubeysan yihiin uguna qalbeysan yihiin gaadiid cir, mid badeed iyo qalab isgaarsiineed oo casri ah, taas oo ay uga adag yihiin kooxdii isku dayda in ay weerarto markab maraya badda Soomaaliya ama badweynta ku beegan Soomaaliya.

Sawirrada aan soo bandhigay waxaa ka mid ah lix eedeysane oo aan la kulmay iyaga oo Seychelles la geeyay afar maalmood hortood. Wejiyadooda lama garan karo maaddaama ay yihiin eedeysanayaal oo aan dembi lagu helay jirin ilaa iyo hadda.

Qabashadooda waxaa loo adeegsaday Helicopter, dayaarad sahan ah, doon dheereysa hubeysanna iyo markab dagaal.

Wiilasha Soomaaliyeed oo aan wadajir iyo mid midba ula kulmay, ugu yaraan laba ka mid ah ayaa igu ooyay.

Waxay ila noqotay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee laga yaabo in ay ku hamminayaan in ay fal dembiyeed ka geystaan badda Soomaaliya, waaba haddii ay weli jiraana aan ugu digo in ay ka waantoobaan in ay khatar geliyaan naftooda ama xataa haddii ay naftoodu u badbaaddo ay xorriyaddooda.

Halkan waxaan ku soo bandhigayaa qaar ka mid ah sawirro ay qaadeen kooxdii aan isla soconnay iyo sawirro ciidanka Atlanta ay qaadeen oo muujinaya socdaalkeyga iyo weliba wiilal Soomaaliyeed oo lix ah oo bishii hore laga soo qabtay ku aadka badda Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu tuhmay in ay yihiin burcad-badeed laakiin aan weli la saarin Maxkamad.


Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa wiilashaas Soomaaliyeed oo la qabtay bishii hore aakhirkeedii sidii ay ugu qaban lahayd Qareen isla markaasna uu Diblomaasi Soomaaliyeed goob joog uga ahaan lahaa dacwadda.



Canada iyo Ireland waa Saaxiibbadeen

$
0
0

Wasiirka Socdaalka ee Canada, Axmed Xuseen, ayaa caawa ka wadahadalnay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Canada.

Wasiirka oo telefoon igula soo xiriiray, waxaan uga mahadceliyay taageerada Canada ay la garab taagan tahay DOwladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaan uga mahadceliyay deeq lacageed oo hor leh oo ay Canada ugu deeqday Laamo ka tirsan Qarammada Midoobay oo howlo samafal iyo horumarineed ka wada Soomaaliya.

Waxaan Wasiirka si gooni ah uga mahadceliyay booqashadiisii dhoweyd ee xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.  Maaddaama uu Wasiirku qaxootinnimo soo maray wuxuu tusaale fiican oo ay ku daydaan uu u noqon karaa dhallinyarada xeryaha ku jiraa in haddii ay aqoon iyo dadaal ay isku darsadaan ay wax weyn qabsan karaan.

Waxaa kale oo aan Wasiirka soo qaadnay sidii ay Soomaaliya ay Safaarad ugu yeelan lahayd Ottawa, caasimadda dalka Canada.

Dhankiisa wuxuu Wasiirku qiray in Canada ay aragto tallaabooyin muhiim ah oo billow ah oo ay qaadday Dowladda cusub ee Soomaaliya.


Jamhuriyadda Ireland


Isla toddobaadkan waxaan telefoonka ku wadahadalnay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Jamhuriyadda Ireland, Simon Coveney.  

Ra'iisal Wasaare ku xigeenka waxaan ka wadahadalnay iskaashiga labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ireland ee dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid tahay diblomaasiyaddu.


Wadahadalkani Wasiirka Ireland aan la yeeshay wuxuu ahaa midkii labaad, laba bilood gudahood.

Canada iyo Ireland waxay ka mid yahay dalalka marti geliyay qaxooti Soomaali ah.

Doodihii Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Toban Qeybood)

$
0
0
Arday aan Jaamacadda Ummadda kula hadlay 2017
Waa doodo siddeetamaadkii ka dhacay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo u dhexeeyay ardayda Jaamacadda, Macallimiinta iyo aqoonyahanno kale oo dhinac ah iyo qaar ka mid ah Madaxdii Dowladda ee berigaas.

Doodahaas waxyaabaha ka dhashay oo aan si faahfaahsan ay qormooyinka halkan ku lifaaqani uga hadlayaan waxaa ka mid ah socdaal ardayda iyo macallimiinta Jaamacaddu ay ku tageen Jiidda Difaaca ee Qeybta 21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobollada Mudug, Galguduud iyo Hiiraan.  Socdaalkaas waxaa loo bixiyay mataaneynta Qalinka iyo Qoriga.

Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed - Qeybta Koowaad






Taariikh ku saabsan Toban Geeriyootay

$
0
0

Axmed - Kismaayo, Soomaali sharfan iskuna kalsoon

Axmed Maxamed Cali Axmed-Kismaayo oo in badan ahaa weriye u shaqeeyay Radio Muqdisho, Wargeyska Riyaaq oo uu isagu ka ahaa tifatire iyo Idaacadda BBC oo aakhirkii ku geeriyooday dalka India.

General Cadde Muuse - Qeybta Koowaad

Waxuu ahaa General, Madaxweyne ka noqday Puntland.  Arrin nabad doonnimo oo aniga iyo isaga ina dhex martay oo markhaatigeedii joogo ayaan qormadaan iyo qeybteeda labaadba aan ku soo bandhigayaa.

General Cadde Muuse - Qeybta Labaad

Waxay daba joogtaa qeybta koowaad.

Kayd wuxuu ahaa abwaan suugaanta tiraya waxaana uga horreysay Macallinnimo uu muddo dheer ku shaqeeyay.  Aniga wuxuu Macallin iigu ahaa Dugsiga Hoose Dhexe ee Maxamuud Xarbi, Muqdisho.

Macallin, mufakir iyo siyaasi intaba wuxuu ahaa. Ugu dambeyntiina wuxuu ku laabtay macallinnimo ilaa uu geeriyooday.  Waa walaal sabab weyn ku leh koboceyga maskaxeed iyo in aan saxaafad ka shaqeeyo.
Weriye dadaal badan, saaxiibbi badan oo da’ aad u yar ku dhintay.
Wuxuu ahaa khabiir saxaafadeed oo wakhti dheer ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Radio Moscow. Agaasime Guud ka noqday Wasaarado ay ka mid tahay Warfaafintu. Ahaa weriyihii gaarka ahaa ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Weriye iyo madaddaaliye aad u caan ah oo wakhti dheer ka shaqeeyay saxaafadda. Radio Muqdisho, TV-ga Qaranka, BBC, VOA iyo Universal TV, iyo HornCable intaba wuu ka shaqeeyay.
Wuxuu ahaa qoraa iyo siyaasi dad iyo dal jecel.

Mahad wuxuu ahaa weriye ka tirsan HornAfrik oo Shabaab ay dishay.  Cali Sharmaarke oo ahaa Madaxa Idaacadda ayaa qabanqaabiyay aaska Mahad, markii ay qabuuraha ku soo aaseenna waddada soo ku soo laabshada idaacadda ayaa isagana lagu dilay.

Halgamaagii Gobannimo doonka, noqdayna Wasiirka Arrimaha Dibadda markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay.

Afar Milyan oo Mahadcelin

$
0
0
Qormooyinka bloggeyga waxaa la akhristay 4 milyan oo jeer oo hal milyan oo ka mid ah la akhriyay sagaalkii bilood ee sannadkan ugu dambeeyay.

Waan kuu mahadcelinayaa akhriste kastow.  Waan kaaga mahadcelinayaa mar kasta oo aad furtay bloggeyga si aad u akhriso.

Waxaan kaaga mahadcelinayaa qaddarinta iyo akhrinta taariikhda, xogta, afkaarteyda iyo macluumaadka kale ee isugu jira wax aan u soo joogay iyo howl aan anigu qeyb ka ahaa oo aan barteyda ku daabacay.

Waxaan mahad intaa ka sii badan u dirayaa akhristaha marka uu macluumaadka helay ka fekeray ee ra’yi ka dhiibtay amaba macluumaadkeyga qaar kale ku sii biiriyay.

Mahadsanid iyo adigaa mudan ayaan ku leeyahay akhriste kasta oo iiga mahadceliyay akhrinta qormooyinkeygow.  Sidoo kale mahadsanid, akhristaha mar kasta igu dhiirrigeliya in aan soo bandhigo macluumaad intaa ka badan.

Waxaan ka cudur daaranayaa in aan sannadkaan intiisa badan aan ka gaabiyay diyaarinta Qormooyinkii aad iiga baratay, maaddaama ay qormooyinkeygu ay hadda ku saabsan yihiin waxqabadka dowladda iyo gaar ahaan howlaha aan anigu toos ugu lug leeyahay.

Waxaan halkan ku soo dhejiyay jaantuus muujinaya akhtistayaashu waddammada ay kala joogaan iyo aaladaha ay adeegsadaan marka ay akhrinayaan bloggan.

Waxaa kale oo aan halkan ku soo lifaaqay qormooyin ka mid ah kuwa aad loo xiiseeyay markii aan daabacay hadda ka hor.  Waa laga yaabaa in aanad hore u arag.  Qormooyinka isu geyntoodu waa 32 cinwaan oo aan u qeybiyay Afarta mowduuc ee waaweyn ee hoos ku qiran.  Mid marka aad dhagsiiso ayuu kuu furayaa in kale.


Waa doodo siddeetamaadkii ka dhacay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo u dhexeeyay ardayda Jaamacadda, Macallimiinta iyo aqoonyahanno kale oo dhinac ah iyo qaar ka mid ah Madaxdii Dowladda ee berigaas.



Waa siddeed qormo oo laba ka mid ahi ay yihiin min laba qeybood. Dhammaantood waxay ku saabsan yihiin xusuusteyda Taliskii militeriga ee dalka ka talinayay October 1969 - January 1991.

Aragtida Castro ee Geeska Afrika 1977 -  Afar Qeybood

Arkiifiyada Jarmalka ayaa 2005 dibadda soo dhigtay wixii looga wadahadlay shir qarsoodi ahaa oo 1977 uu Fidel Castro ka dib markii uu booqday Geeska Afrika uga warbixiyay Hoggaamiyihii Jarmalka Bari.

Taariikh ku saabsan Toban Marxuum

Dadkan oo isugu jira halgamayaal Gobannimodoon, siyaasiyiin, saraakiil, weriyayaal iyo mufakiriin waxaan ka hadlay taariikhdooda, howl aan wadaqabannay, wixii na dhex maray ama aaskoodii.  Inta halkan ku qorani marnaba kama tarjumi karto noloshooda ama wax qabadkooda oo buuxa.


Hambalyo 2018 Howlwadeennada Arrimaha Dibaddow

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Sucuudiga
Waxaan hambalyo u dirayaa Agaasimayaasha, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qoysaskooda munaasabadda sannadka cusub ee 2018 awgeed.

Waxaan leeyahay shaqo Qaran oo adag ayaad soo qabateen iyada oo lagu jiro marxalad adag.

Waxaan idiinkugu hambalyeynayaa howlaha wadajirka noogu qabsoomay haddaan nahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah annaga oo kaashaneyna waaxyaha kale ee Dowladda wakhtiyada qaarna qorshayaalkooda iyo waxqabadkooda fasireyna oo suuqgeyneyna si aan ugu saacidno in ay gaaraan yoolka ay higsanayaan.

Waxaan halkan idinku xusuusinayaa qaar ka mid ah howlaha noo qabsoomay tan iyo markii aan idinku soo biiray bishii April 2017 intooda aan bulshadana la wadaagi karno.

Xiriirka Wadar-geesoodka

Golaha Guud ee Qarammada Midoobay
Shirka Muqdisho
Waxaan fagaarayaasha caalamiga ah  ee Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, urur Goboleedka IGAD, Shirkii Afrika iyo Yurub, Shiinaha, Afrika iyo Japan, Afrika USA, Dalalka ku xeerab Badweynta India iyo qaar kale oo badan aan si sharaf leh ugu matalnay dalkeenna. Ururradaas oo aan badankood ka mid nahay asaasayaashooda, waxaan Dowladaha hadda xubnaha ka ah u fasirnay siyaasadda Dowladda, horumarka uu dalku gaaray iyo midka aan higsanayo.  Waxaa kale oo aan fagaraayaashaas gacan uga geysannay baadi-goobka xallinta mushkilado ka jira Gobollo kale oo adduunka ah sida khilaafka Sudan-ta Koofureed oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ay hadda ku howlan yihiin xal u raadintooda iyo mowqifka caalamka badankiis uu ka qaatay magaalada Quddus al Shariif oo aan innaguna ka muujinnay New York, Qaahira iyo Istanbul. 

Waxaan ku guuleysannay in aan si xallad leh Muqdisho ugu marti-gelinno shir caalami ah oo laba maalmood socday oo Diblomaasiyiin sare, Generaallo iyo mas’uuliyiin kale oo afartameeyo dal ka socday ay ka soo qeyb galeen oo daba joogay shirkii London.


Labada maalmoodba waxaa shirka furay Madaxweynaha, waxaana inta badan shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha iyada oo ay ka qeyb galayaashana ay ka mid yihiin Madaxda heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal ee Golayaasha dalka.

Diblomaasiyadda Soomaaliya waxay fagaareyaal caalami ah iyo shir doceedyo badan ay ku soo bandhigatay siyaasadda maaliyadeed ee Dowladda oo ku dhisan la dagaallanka musuqmaasuqa, kordhinta dakhliga, siyaasadda daalacan ee aan dahsooneyn ee maaliyadeed oo ay diyaar u tahay in lagala xisaabtammo dakhliga soo gala iyo sida ay ku bixiso iyo in ay ka dhowrsato qaadashada deynta. 

Ka sokow in ay tahay Dowlad wanaagga dalkeenna u roon, haddana waxay arrimahaasi ku saleysan yihiin siyaasadda Hey’adda Lacagta Adduunku ay jaangoysay oo haddii lagu dhaqmo ay u dheganuglaan karto in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.  Taasi haddii ay qabsoonto waxay noo suurta gelineysaa in aan la macaamilno Bankiga adduunka, isla markaana ay Dowladdu daabacdo lacag ay aqoonsan yihiin hey'adaha maaliyadda ee caalamku.  Howshaas oo hadda ka soo gudubtay tijaabooyin waaweyn waxay heshay taageerada hey’adaha maaliyadeed ee adduunka iyo Dowlado badan oo ay ku jiraan kuwo deyn nagu leh.
Amiirka Qatar, Golaha USA & Dunida Muslimka, New York


Galaangal Diblomaasiyadeed oo qoto dheer ka dib, waxaa noo suurta gashay in Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 193 dal uu u codeeyo Garsoore Cabdiqawi Yusuf oo dib loogu doorto Maxkamdda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague.

Markii ugu horreysay waxaan sannadkan u tartameynaa in aan qabanno Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD oo uu u tartamayo mus'uul Soomaali ah.

Xiriirka laba-geesoodka

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Erdogan
Waxaa sannadkan noo suurta gashay in aan ka dhowrsanno in aan qeyb ka noqonno khilaaf diblomaasiyasadeed oo ka dhex dhashay dalal aan xiriir dhow oo walaaltinnimo la wadaagno.  Waxaa noo suurta gashay in dhammaantood aan iskaashi la lahaanno welibana uu badankood uu kor u kacay iskaashiga aan la leennahay.

Waxaa noo suurta gashay in sannadkaan aan kaalmo dhaqaale oo micna leh ka helno Boqortooyada Sucuudiga oo noogu deeqday 50 milyan oo doollarka Mareykanka ah.  Waxaa noo suurta gashay in wadaxaajood ka dib uu dalka Turkigu kordhiyo lacagta uu ku kabo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.
Waxaan guddi isku dhaf ah oo dhaqaale iyo ganacsi dhowaan la sameysannaynaa dalka Turkiga.  Waxaan mashaariic horumarineed oo boqollaal milyan oo doollar ku kacaya aan kula heshiinnay dalaka Mareykanka iyo Qadar.

Waxaan dalalka Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Sudan mid kasta aan goonidiisa ugula heshiinnay in aan dhisno guddi isku dhaf ah oo heer Wasiir ah oo ka shaqeeya iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta iyo sahlidda isu socodka.

Madaxweynaha iyo Amiirka leh dhaxalka UAE
Waxaa noo suurta gashay in la kordhiyo tirada deeqaha waxabarasho ee heerarka Jaamacadaha iyo weliba tababbarrada shaqaalaha Dowladda ee waddamo dhowr ahi ay inoo fidiyaan.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Norway, Villa Somalia
Waxaa inoo suurta gashay in dalka India oo sannadkii 2017 ay qiyaastii shan kun oo Soomaali ahi ay visa ka doonteen Nairobi uu hadda billaabo in visa-ha uu ku bixiyo caasimadda Soomaaliya.  Dalal kale ayaan iyagana hadda wadahadal la leennahay oo aan ka dalabnay in ay tallaabadaas oo kale ay ku dhaqaaqaan.

Waxaa dalka Booqasho ku yimid wufuud sare oo wadaxaajood la yeeshay Dowladda.  Qaar kale oo ka sii culusna waan filaneynaa in ay dhowaan dalka yimaadaan.

Maxaabbiis

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee India, New Delhi
Waxaa noo suurta gashay in maxaaabbiis Soomaaliyeed aan ka soo deyno jeelasha Ethiopia.  

Waxaan  ku guuleysannay in aan India la galno heshiis dib loogu soo celinayo dalka 117 Maxbuus, kuwaas oo iyaga oo wakhtigooda xabsigu uu dhammaaday dalka ku soo noqon doona horraanta sannadkan cusub.  

Waxaan Seychelles ka soo celinnay 15 maxbuus oo dalkaa ku xirnaa.  Waxaa keliya oo hadda ku haray 6 Maxkamad sugayaal ah oo aan u qabaneyno Qareenno, isla markaasna uu Maxkamaddu marka ay dhacayso goobjoog ka ahaan doono mas’uul matalaya Soomaaliya.

Waxaa howl hordhac ah aan ka billownay Soomaalida ku xanniban Liibiya., ka dib markii uu Madaxweynuhu u xil saaray Wakiil heer Danjire ah. Waxay waanwaani noo socotaa dalal kale oo dhowr ah oo ay Maxaabbiis Soomaaliyeed ku xiran yihiin.


Gurmad

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Muqdisho
Waxaa inoo suurta gashay in qeyladhaanta xaaladda abaarta dalka ku habsatay ay ka soo jawaabaan Dalal aan saaxiib nahay, Hey’adaha Qarammada Midoobay iyo Ururro samafal ah taas oo suurta gelisay in laga baaqsado dhibaato macluuleed oo inta na soo gaartay ka daran.

Cilaaqaadkeenna wanaagsan iyo codsiyoaan deg deg ah oo aan dirnay awgood, waxaa suurta gashay in dhammaan Soomaalidii ku dhaawacantay weerarkii arga-gixiso ee 14 Oktoobar 2017 kuwooda dalka wax looga qaban kari waayay ay helaan daryeel caafimaad oo toddobaad gudahiis loo qaaday isbitaallo ku yaalla dalka dibaddiisa. Dhaawaca intiisa badan waxaa lagu qaaday dayaarado bukaan qaad ah.  Qaar dadkaas  ka mid ah oo bogsooday ayaa hadda dalka dib ugu soo laabtay.



Fursad


Waxaa hadda dib loo dhisayaa machadka Diblomaasiyadda oo dhismahiisu uu dhakhsa u billaaban doono, kaas oo marka la dhammaystiro aan ku kalsoon ahay in uu soo saari doono kaadir cusub oo ah diblomaasiyiin aqoon sare leh oo si ilbaxnimo leh qalinkooda iyo afkooda ugu daafaca dalkeenna kuna horumariya danaheenna.

Hadda waxaan haysannaa tababbarro diblomaasiyadeed oo ay noo fidiyeen dalal dhowr ah, kuwaas oo aan hubo in ay wax weyn tari doonaan dhallinyarada diblomaasiyiinta ah iyo kuwa dhowaan nagu soo biiray.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjirayaasha aan ka dalabnay in ay dalka dib ugu soo laabtaan ka dib markii ay si wanaagsan u dhammaysteen xilligii Danjirennimo ee caasimadaha ay wakiilka nooga yihiin.  Danjirayaashaas oo billaabay in ay dalka dib ugu soo laabtaan waxaan ugu hambalyeynayaa in ay si wanaagsan u ebyeen howshooda.  Waxaan rajeynayaa in ay dhowaan Wasaaradda iyo laamaha kale ee Dowladdu ay ka faa’iideystaan doonaan khibradda, aqoonta iyo xogta ay urursadeen sannadaha badan oo ay shaqo wanaagsan ka hayeen caasimadaha dalalka ay wakiilka nooga yihiin.

Waxaan dhowaan Golaha Wasiirrada hordhigi doonnaa Danjirayaasha xilalkaa loo magacaabayo oo inta ay fursaddu saamaxeyso ka imaan doona Wasaaradda Arrimaha Dibadda sida uu sharcigu qabo.

Waxaan u mahadcelinayaa howlwadeennadii Wasaaradda Arrimaha Dibadda dib u soo billaabay burburka ka dib iyaga oo ku shaqeynaya goob aan ahayn Xarunta Wasaaradda soona gaarsiiyay heerka ay maanta mareyso.

Waxaan leeyahay waxaan hadda haysannaa fursad aqoon iyo khibradeed, mid rabitaan iyo u-heellanaan iyo mid dhaqaale oo dhaanta intii hore.

Howladeennada Arrimaha Dibadda
Waxaan haysannaa fursad aan hore ugu marinno siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ah mid ku saleysan una adeegeysa nabadgelyada iyo horumarka dhaqaale iyo kan bulsho ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed.  Waa siyaasad dooneysa in ay daryeesho muwaaddinka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibaddiisa, sugtana xuquuqdiisa hadba inta ay taagtu tahay.  Si ay taas u gaartana ka shaqeyneysa nabad ku wada noolaashada, isqaddarinta iyo isfara-gashi la'aanta shucuubta caalamka.

Waxaan haysannaa fursad aan ku sii qurxinno habdhaqankeenna diblomaasiyadeed korna ugu qaadno guulaha aan dalka u soo hoyno.  Waxaan haysannaa Hoggaamiyayaal u heellan taageerada howsha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Waxaan haysannaa Madaxweyne khibrad u leh howsha xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo weliba Safaaradaha oo labadaba ka soo shaqeeyay, isla markaasna ay ka go’an tahay in uu Wasaaradda gacan ku siiyo tayaynta diblomaasiyiinta iyo diblomaasiyadda Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Guuleysta. 

Allah ayaa mahadda leh.

Jawaabta Xil-ka-Qaadisteyda

$
0
0
Haddii aad qormadaan u akhrineyso in aad ka hesho war dowladda ama madaxda Qaranka dhaawaca fadlan halkan ku jooji.

Maaddaama aad akhriska sii wadday waxaan u arkaa in aad dooneyso in aad dareenkeyga ogaatid.

Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, waxaan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra'iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta isaga soo hor dhigo 9-ka subaxnimo si aan Golaha Wasiirrada u geyno galabta.  Hase yeeshee qof ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku ayaa ii sheegay in xilka la iga qaaday.

Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay.  Wuuna ii xaqiijiyay.  Ra'iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.

Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa.  Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin.  Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon.

Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xilka aan Qaranka u hayay ee la iga qaaday.

Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo.

Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo  aamminaad aad u weyn.  Waan ka mahadcelinayaa.
Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay.

Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada shaqeyn.  Xiriir dhowna ma aynaan lahayn.  Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa.  Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn.

Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa.  Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen intii aan xilka hayay.  Guddoomiyayaasha labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si aan xilkeyga u guto.

Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran.  Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda, aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin.

Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida, xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan.

Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin.

Ma illoobi karo, dhallinyarada naftood hurayaasha ah ee ka tirsan ciidammada Qaranka oo maalin iyo habeen, soo jeed iyo aniga oo hurda amnigeyga ka mas’uulka ahaa.  Waxaan xusuustaa markii ay runtu timid ee qarax culus lala beegsaday meel aan ka fogeyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda 14-kii Oktoobar, in iyada oo mid wiilasha ka mid ahi uu qaraxa ku dhintay, anigana uu firir yari i soo gaaray oo dhiigeygu baxayo, baabuurna aanuu dhaqaaqi karin,  in ay  ka shaqeeyeen in aniga iyo laba Wasiir oo marti ii ahaa ay lug nooga saaraan Wasaaradda.

Inta aan xusay oo dhan, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyay, uguna dambeeyeen ciidanka i ilaalinayay, midkoodna dhaliil la’aan ma aha.  Waxaanse aamminsan ahay in ay isku waajib iyo ujeeddo yihiin.  Taas oo ah in inta tabartood iyo garaadkooda ah ay ka shaqeynayaa in uu Soomaali kastaa nabad iyo sharaf haysto, nolol wanaagsanna uu ku nollaado.

Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu ujeeddadaas nagu wada guuleeyo.  Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badanna waxaan ka codsanayaa in ay Madaxda, shaqaalaha Dowladda iyo ciidanka ay gacan ku siiyaan u adeegidda Qaranka.

Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya hayan oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirku dani tiri.

Waxaan u mahadcelinayaa Soomaalida inta aan xilka hayay in dhiirri gelisay iyo kuwa talooyinka wanaagsan i siiyay.

Waxaanan aqoon si aan ugu mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee qaddarin Qarankooda loo hayo darteed la igu sharfay caasimadaha adduunka iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

Waxaan dar Allah, cafis ka dalbayaa qof kasta oo waajib iga saarnaa oo aan ka gaabiyay.

Waxaan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed ii xamatay ama ii cambaareysay.

Waxaan Mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa xaaskeyga Yasmin, oo dal jacayl  igu garab istaagtay iyo dulqaadka iyo samirka ay ii muujisay si aan dalka ugu adeego iyada oo xaaladda dhaqaale iyo midda amniba ay adag yihiin. 

Waxay u dul qaadatay in magaalada ay deggan tahay aan afar jeer ka beddesho dayaarad aniga oo aan soo dhaafin airporka.

Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda.
Waxaan taas u leeyahay waxaan ka warqabaa in aan ahay Wasiirkii tobnaan ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya qabta ee ay wada shaqeeyaa isla hal Wasiir Arrimo Dibadeed ee dal ay wadashaqeyn dhowi naga dhexeyso.  Wasiirka i beddelayaa wuxuu noqon doonaa Wasiirkii kow iyo tobnaad ee Soomaaliya maratalaya ee Wasiirkaas is hor fariisan doonaan.
Waxa iigu weyn ee aan ka kororsaday adeegga Qaran ee aan hayay waa in uu ii kordhay fahamka ciladda haysata Dowladnimada Soomaaliya.

Ila soo dhowee Cawad, Wasiirka Cusub ee W. A. D.

$
0
0
27 Sano markii ugu horreysay een Xil Wasaaradeed wareejiyo
Waxaa sharaf ii ah oo aan ku faraxsan ahay in aan maanta xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo ISkaashiga Caalamiga ah aan ku wareejiyo Wasiirka cusub, Axmed Ciise Cawad oo inta aan la magacaabin ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Washington.

Wasiir Axmed oo ah nin aan hore u soo wadashaqeynay annaga oo laba Danjire ah waa nin xog ogaal u ah Wasaaradda siiba xaaladda ay Safaaradaheennu ku sugan yihiin.

Waxaan u mahadcelinayaa sida uu ii sharfay iyo qaddarinta uu ii muujiyay.  Waxaanan u rajeynayaa in uu Allah ku guuleeyo xilka ka sii culus kii uu hore u hayay ee uu Qaranka maanta u qaaday.

Wasiirka iyo Wasaaraddaba waxaan ku taageeri doonaa wax Allah wixii karti iyo aqoon igu jira, welibana waxaan hadda u madax bannaan ahay in aan cod kore ugu qeyliyo haddii ay dhacdo in Wasiirka kaalintiisa dastuuriga ah iyo maqaamka uu Dowladda ku leeyahay la isku dayo in la wiiqo.


Laba Danjire oo isku wareejiyay xilka Wasaaradda
Sawirku waa mid aan Safaaraddeenna Washington ku galnay 2016 aniga iyo Axmed Ciise Cawad mar aan ahayn laba Danjire.  Axmed wuxuu fadhiyay caasimadda Mareykanka ee Washington aniguna waxaan fadhiyay Xarunta Qarammada Midoobay ee New York.

Waxaan u mahadcelinayaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Wasiir ku Xigeenka iyo dhammaan madaxda, diblomaasiyiinta, shaqaalaha iyo marti sharaftii ka qeyb gashay munaasabadda.

Wasaaradda iyo howlwadeennadeeda waxaan u rajeynayaa guul aad uga sarreysa inta ay hadda mareyso.

Ugu dambeyn wxaan u mahadcelinayaa Ra'iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha oo iyagu nagala soo qeyb galay munaasabadda xil wareejinta oo ahayd markii ugu horreysay 27 sano ee xil Wasaaradeed aan wareejiyo.

Kaddare: Waan Ceeboobay!

$
0
0

Xuseen Shiikh Axmed Kaddare oo ahaa dhaqan yaqaan ayaa beri Radio Muqdisho ka sii deyn jiray Barnaamij toddobaadle ah oo ku saabsan Dhaqanka.

Kaddare AUN wuxuu ahaa hadalyaqaan, caqli u saaxiib ah.  

Wuxuu ahaa nin dadaal badan oo hey’ado kala duwan si uun ugu lug leh.
 
Wuxuu ahaa Agaasime Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.  Waxaa kale oo uu ka shaqeyn jiray Akademiga Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Gobolka Banaadir-na wuxuu ka mid ahaa khubaro marka ganacsi cusub shati la siinayo hubisa magaca ay qaadanayaan in uu yahay munaasib, higgaaddiisuna ay sax tahay.

Wuxuuna ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Markii la qorayay far Soomaaliga, wuxuu keenay far iyo habqoraal uu Soomaaliga u dejiyay oo ka mid ah alif ba’dii iyo hababkii la qiimeeyay in iyada la qaato iyo in kale.

Kaddare, maaddaama aan Raadiyaha ka wadashaqeyno, Jaamacaddana aan wada dhiganno siddetamaadkii, yahayna nin aad iiga khibrad iyo aqoon badan, wuxuu ahaa nin aan la sheekeysto oo aan galbaha qaar kula ballamo Afarta Jardiino ama Siinaay oo uu inta u dhexeysa degganaa.  Waxaan ula kulmi jiray in aan ka kororsado taariikh, dhaqan iyo suugaan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay Madaxda Idaacaddu u yeertay Kaddare oo ay ku wargelisay in Barnaamijkiisa Toddobaadlaha ah la joojinayo oo uu ka mid yahay dad shaqada laga fariisiyay. 

Kaddare ww ninka bidix fog kaa soo eegaya
ee shaarka cad. Goobtu waa Jaamacadda
Dadku marka shaqada laga joojiyo muran iyo dacwad ayay inta badan ka keeni jireen.  Kaddare sidaas oo kale ayaa laga filyay, laakiin wuu ku duwanaaday.

Wuxuu ku jawaabay: Waxaan ahay nin weyn oo ceeboobay ee iga raalli ahaada.

Maxaa dhacay ayaa la weydiiyay?

Wuxuu yiri:

waan is howlayay oo aniga oo duruufo iyo xaalad adag ku shaqeynaya ayaan haddana baaris, diyaarin iyo soo jeedin Barnaamij qiimo leh aan usbuuc kasta isku howlayay.  Waxaan moodayay in ay dhegeystayaasha iyo Madaxda idaacadduba ay ku qanacsan yihiin tayada Barnaamijkeyga.  Ayna fahmi karaan duruufta aan ku shaqeynayo.  Oo markaas ay abaal iiga hayaan.  Sidaa darteed ayaan aniguna is lahaa dhankaaga ka tiiri.

Laakiin hadalkiinna marka aan maqlay waxaa ii soo baxday in aan la igu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayay intii aan soo shaqeynayay.  Marka waan ceeboobay oo waxay ahayd in aan is garto in aan Barnaamijkeyga lagu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayo.   Markaasna aan anigu isaga tago meesha.

Raalli ka ahaada intii aad ii dulqaadateen.  Haddana in aad ii sheegteen waad ku mahadsan tihiin.

Inkasta oo ay labada mas’uuliyadood ay kala culus yihiin, haddii aan fikirka Kaddare qaato waxay noqoneysaa in aan ceeb la wadaago.  Waxaase jira asbaabo aan uga duwan ahay oo aan ugu bareeray "ceebta". 

Maanta xilligeedii ma joogo in aan faahfaahiyo, dalkana dani uguma jirto in aan sii faaqido.

Sidaad Doontid Yeel Maaha

$
0
0

Saxaafadda, siiba saxaafadda bulshada sida Facebook, ayay dad badani ku dhaliilaan sida ay dadka qaar u adeegsadaan, nooca iyo qaabka wararka ay soo dhigaan iyo faallooyinka ay ka bixiyaan waxa la soo qoro.

Dunida oo dhan ayay dhaliilahaasi dood ka abuureen.  Soomaalida lafteeda dad badan ayaa cabashadaas qaba.

Saaxiibkeey ayaa shalay i dhegeysiiyay Hees  ah wacyi-wadaag oo tusaale u soo qaadaneysa khaladdaadka jira qaarkood.

Waxay ila noqotay in iyada oo qoran aan u soo bandhigo saaxiibbada ku taxan barteyda.

Heesta waxaa ku luuqeysa Deeqa Afro.  Hal-abuurka heestu wuxuu soo koobay qaar badan oo ka mid cabashada social media laga qabo.

Social mediuhu
war hooy sidaa maaha
Qarankana sumee maaha
Kala sooc dadkana maaha
Madaxdii la soo doorto
Eedeyn u saar maaha
War hooy sidaa maaha

Sidaad doontid yeel maaha
Fannaaniinta caay maaha
Heesahooda soo qaado
Si xun wax uga sheeg maaha

Dumarkeenna Soomaaliyeed
Ceebtooda soo raadi
Sawirradiyo videowga
Ruux kale ka soo qaado
Commentiga ku caay maaha

Weriyaha socdaalkaahe
Shacabkiisu sugayaane
Si uu warar u gaarsiiyo
Qoraallada uu soo saaro
Sii kala fasiro maaha
Xumaantana u saar maaha
War hooy sidaa maaha

Ruux bukoo sariir saran
Sawirkiisa soo qaado
Dadka saddqa ka aruuri
Hadhowtana ha siin maaha

Heesta waxaad ka dhegeysan kartaa Youtube.  Ku dhowaad milyan jeer ayaa la daawaday.

Taxanaha Maxaabbiistii Dagaalkii 77 – Taariikh koooban

$
0
0
Mengistu oo garab taagan Castro
Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa dhex maray dagaal qaraar oo billowday sannadkii 1977.  Waxay ahayd xilligii dunida uu ka jiray dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Midowga Soofiyeeti iyo xulufadiisa oo dhinac ah iyo reer Galbeedka oo uu hoggaaminayay Mareykanku.

Inkasta oo marka uu dagaalku billaabanayay ay labada dhinacba gacan saar la lahaayeen iskuna halleynayeen Midowga Soofiyeeti, haddana Ethiopia waxaa uga horreeyay Mareykanka oo muddo dheer tababbaray ciidankeeda hubeynayayna.

Isbeddel ka dhacay Ethiopia 1974 ayaa taas soo af jaray oo Ethiopia waxay ku biirtay xulafada Midowga Soofiyeeti.

Dagaalkii 1977 oo ahaa mid aad u kulul, waxaa Soomaaliya ciidankeedu xoog ku galay dhulka Soomaalida Ethiopia iyo weliba degaanno kale oo aan hadda ka tirsaneyn Gobolka.  Ciidanka Ethiopia oo kaashanaya hub culus oo Soofiyeetigu ku soo daad gureeyay iyo ciidan xooggiisu ka yimid dalka Cuba iyo Yementa Koofureed ayaa dhimay xawaaraha uu ku socday ciidanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Midowga Soofiyeeti ayaa amar ku bixiyay, ficil ahaanna xaqiijiyay oo dib ugu soo celiyay ciidanka Soomaaliya soohdintooda.

Soofiyeetigu inkasta oo uu ciidankiisa keenay goobta dagaalka, haddana isagu toos ulama dagaallamin ciidanka Soomaaliya.  Dagaalkaas waa lagu hoobtay labada dhinacba.

Soomaaliya ciidankeedu wuxuu ku soo laabtay soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Ethiopia. 

Sida cinwaanka taxanaha ka muuqata, ujeeddada qormadeydu ma ahan in aan ka hadlo dagaalkii 1977 faahfaahintiisa iyo lafagurkiisa.  Waxay qormadeydu ku kooban tahay maxaabbiista dagaalka. Weliba waxaan ka hadli doonaa kaalin aan anigu shakhsiyan ka qeyb qaatay 10 sano ka dib markii uu dagaalku dhammaaday. 77 waa 1977 oo aan soo gaabiyay.


Maxaabbiis iyo Maqanayaal

Ciidanka Soomaaliya waxaa uu la soo noqday dhowr kun oo maxbuus oo Ethiopian ah oo uu gacanta ku dhigay intii dagaalku socday.  Waxaa wehliyay hal duuliye oo Cuba u dhashay oo isagana ay soo qabteen ka dib markii ay soo rideen dayaaraddiisii dagaalka.

Waxay isugu jireen militeri iyo shacab sida ay ku doodeen.

Laakiin ciidanka Soomaaliya, midkii aan soo laaban waxaa looga talo galay in uu dhintay.  Inkasta oo ay ciidanka Soomaaliya maxbuus ahaan u soo qabteen dhowr kun oo Ethiopian ah, haddana, marnaba talada laguma darin in uu jiro askari Soomaaliyeed oo gacanta u galay ciidammada Ethiopia in nolol lagu heyn doono oo xabsi la geyn doono.

Cadaawadda labada dal u dhexeysay iyo Ethiopia waxay mareysay meel xun.  Ethiopia waxay u arkaysay in Soomaalidu ay gardarro ugu soo duushay dalkeeda, dhimasho aad u badan, dhaawac ka sii tiro badan iyo burbur weyna ay u geysatay. Sababahaas iyo qaar kale dartood, Soomaalidu waxay iska dhaadhicisay in aan Ethiopia xabsi dhigi doonin haddiiba ay askari Soomaaliyeed dagaalka ku qabato.

Qofkii aan ka soo noqon waxaa looga talo galay in uu dhintay.

Ragga qaar waa la dhaxlay, xaasaskoodana waa la guursaday.  Carruurtoodii agoon ahaan ayaa looga talo galay loona koriyay.

Waxaa markiiba muhiim noqday xeerar caalami ah oo xilliyadaas oo kale la miciinsado.  Waa Axdiga Geneva oo xilliyada dagaalka la adeegsado.

Nasiib wanaag waxay labada Dowladoodba ay ka mid yihiin dowladaha saxiixay Axdiga Geneva ee soo baxay 1949, oo ah xeerarka caalamiga ah ee xilliyada dagaalka ay tahay in loo hoggaansanaado.


Axdiga Geneva ee 1949

Axdiga Geneva wuxuu soo baxay sannadkii 1949.  Soomaaliya waxay saxiixday  02 Luulyo 1962.  Waa laba sano ka dib markii ay xorriyadda qaadatay.  Ethiopia waxay iyadu xubin ka noqotay 02 Oktoobar 1969.

Xeerarkaas oo ka kooban afar xeer oo waaweyn, mid ka mid ah oo ah Xeerka Saddexaad ayaa qeexaya Dowladaha heshiiska saxiixay, sida ay tahay in ay ula dhaqmaan haddii ay qof dagaal ku qabtaan oo ay maxbuus ahaan u kaxeystaan.

Waxaa ka mid ah qofka isaga oo hubeysan oo dagaallamaya la qabtay, kan dagaallamayay laakiin markaas aan dagaalka qeyb ka ahayn ama aan ka qeyb qaadan karin sida kan is dhiibay, dhaawaca iyo bukaanka.

Xuquuqda maxaabbiista uu siinayo Axdiga Geneva, oo ah kuwo badan, haddana si waafi ah u qeexan, ayaa waxaa ka mid ah in maxbuusku uu akhbaartiisa u diri karo qoyskiisa iyo in ay tahay in qoyskiisu akhbaarta ay u soo diraan la soo gaarsiiyo iyada oo dabcan loo marayo dariiq daalacan oo uu heshiisku qeexayo.

Siyaad iyo Mengistu

Labada Hoggaamiye ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre iyo Ethiopia, Gaashaanle Sare Mengistu Haile Mariam oo ahaa niman ay ayaga taladu gacantooda ugu jirto, waxay oggolaadeen in ay u hoggaansamaan Heshiiska Geneva ee dalalkoodu ay qeybta ka yihiin. Taas macnaheedu ma ahan in dhammaantiis sida uu yahay loogu hoggaansamay oo aan innaba lagu xad gudbin.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, oo magaciisa loo soo gaabiyo ICRC, waa hey’ad ay howsheeda ugu weyni tahay in ay dhowrto nolosha iyo sharafta dhibbanayaasha dagaalka iyada oo u mareysa sharciyad caalami ah oo uu ka mid yahay Axdiga Geneva.  Waxay billowday in ay diiwaan geliso maxaabbiista labada dhinac ay kala hayaan.

Waxaa kale oo ay maxbuus kasta ka soo qaadday waraaq uu u dirayo oo qoyskiisa ama ehelkiisa oo uu ku wargelinayo in uu nool yahay, xiran yahay iyo caafimaadkiisa.

Soomaaliya waxay maxaabbiista Ethiopia-ka ah ku haysay xabsiyo ay ka mid yihiin Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, Xabsiga Dhanaane iyo Xabsiga Laanta Buuro.

Labada Dowladood mid kastaaba goonidisiisa ayuu isaga hubinayay waraaqaha ay maxaabbiista iyo qoysaskoodu isu dirayaan oo ay Laanqeyrta Caas u kala gudbineyso in ay yihiin kuwo ku kooban akhbaarta qoyska oo keliya.  Waraaquhu waxay ahaayeen kuwo furan oo aan bakhshad ku jirin.  Marka ay Dowlad waliba ay waraaqaha mid mid u akhriso oo ay iska hubiso in aan sir iyo macluumaad kale midkoodna ku qornayn waraaqda, ayay shaabbadeynsay ka dibna ay u gudbineysay Laanqeyrta Cas.

Warqadda waxaa ku qoran magaca maxbuuska, magaalada uu ku dhashay iyo sannadka iyo hooyadii magaceeda.

Maxaabbiistu maaddaama ay sannado badan xabsi ku jireen marka loo oggolaanayo in ay waraaq u qoraan qoyskooda, waxaa adkaatay in dadka ay waraaqaha u soo qoreen laga helo meelaha ay cinwaan uga soo dhigeen.

Qaarkood magaalo ayay ku soo qoreen, laga yaabo in qofka ay u soo qoreen uu dhintay, ama magaalada uu shaqo u joogay lagana beddelay oo uu ka guuray muddo hore.

Dowladdii berigaa jirtay ma oggolaan in magac qabiil laga qoro maxbuuska Soomaaliga ah ee ku xiran Ethiopia.  Dowladdu waxaa kale oo ay diiddaneyd in Warbaahinta laga sheego magacyada maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran Ethiopia amaba meel fagaare ah laga sheego ama lagu soo dhejiyo magacyadooda.

Waxay dooneysay in maxbuus kasta qoyskiisa si yar oo hoose loo wargeliyo in uu nool yahay kuna jiro xabsi Ethiopia.

Waxaa intaa dheer in aan qoyska waraaqda loo soo qoray uu fahamkoodu yahay in wiilkoodii, walaalkood ama aabbahood - mid uu yahayba -  uu dhintay 1977 sidaa darteedna uma qabaan in uu nool yahay oo baadi goob kuma jiraan.

Howsha maxaabbiista Soomaalida ee ku xirnaa Ethiopia oo aan si toos uga qeyb qaatay 10 sano ka dib qabashadoodii, khibradda aan ka kasbaday oo ay ka mid tahay wixii hey’adaha amniga na dhex maray, waxa aan kala kulmay qoysaska maxaabbiista ee aan warka farxadda leh u geeyay, dareenkoodu sida uu noqday iyo ugu dambeyn mar kasta oo aan soo xusuusto howlgalkaas samafal ee sharafta lahaa sida uu dareenkeygu noqdo waxaan insha Allah kugula wadaagi doonaa qormooyin aan bartaan ku soo bandhigi doono mustaqbalka dhow. 

Sarkaalka Goobta ee ICRC

$
0
0

Sarkaalka Goobta ee ICRC

Taxanaha Maxaabbiistii Dagaalkii 77 - Qaybta Labaad


FIAT 127
Sannad ka hor ayaan soo dhammaystay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Weli ma guursan. Waxaan hadda u shaqeeya Bankiga Dhiigga ee Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo aan mas’uul ka ahay xiriirka Dadweynaha.  Si kale haddii aan u dhigo, waxaan qaabbilsan ahay in dadweynaha aan ka dhaadhiciyo in ay dhiig ugu deeqaan bukaanka iyo dhaawaca. 

Sidoo kale shaqaale ammin dhimman ayaan ka ahay Radio Muqdisho, halkaas oo aan ka tirsan ahay Xafiiska Wararka.  Howsheydu marna waa Tifatirka Wararka Idaacadda, marna waa tebinta Wararka iyo ugu yaraan hal barnaamij oo aqoon kororsi ah oo ay tahay in aan toddobaadkiiba mar soo saaro.  

Wargeyska Xiddigta Oktoobar, isagana waxaan ugu shaqeeyaa qoraa ka tirsan Bogga Saddexaad ee Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta oo waxa la iga rabaa tiro cayiman oo maqaallo ah bil kasta.

Toddobaad kasta waxaan saddex galbood Macallin ka ahay Xarunta Dhaqanka Faransiiska oo aan markaa af Soomaali u dhigayay fasal Ajnebi ah oo ay ardaydiisa ka mid yihiin Australian, Jarmal, Mareykan, Carab iyo qaar kale.  Ka dib waxaan uga wareegin baridda Af Faransiiska arday Soomaali iyo ajnebi usgu jirta.

Waxaan wataa gaari yar oo ah FIAT 127 oo Bankigu leeyahay oo taargadeedu tahay G. D. oo markaa u taagnayd Gaadiidka Dowladda.

Habeenkii ama galabtii aan firaaqo helo waxaan marba meel ku ballannaa dhallinyaro Soomaaliyeed ama ajnebi ah si aan muxaadaro ama dood uga wada qeyb galno, maktabad isu raacno, shineema ama tiyaatar u wada aadno, u caweyno, u sheekeysanno ama aan ku tartanno kubbadda koleyga ama shataranji oo aan aad u jeclaa.

Galbaha qaar waxaan tagaa xeebta Liido ama xeebta Hotel Curuuba si aan wax ugu akhristo ama qoraal ugu diyaarsado aniga oo ka faa’iideysana neecawda badda.  Ama si aan ugu fekero halkaa aniga oo daawanaya qorrax dhaca quruxda badan siiba marka aad xeebta joogto.

Isu geyn waxaan ahaa nin ku xiran dhallinyaro aad u badan iyo dad kaleba. Ha ahaadeen dhallinyarada Jaamacadda weli ku jirta.  Kuwa aan isla soo qalin jebinnay oo hey’adaha Amniga iyo kuwa kale ee Dowladda u shaqeeya.  Ama qaar aan qalinley wada nahay oo aan Saxaafadda ka wada shaqeyno.  Ciyaalka  xaafadda iyo kuwa aan macallinka u ahay markaas ama aan hore ugu ahaan jiray.  Dhallinyaro aan basketball wada cayaari jirnay oo qaarkood hadda ay u saftaan naadiyada heerka koowaad.

Waxaan ahaa nin yar ah oo faraxsan aadna ugu han weyn mustaqbalka.

ICRC

Aniga oo nolshaa ku jira ayaa bartamihii 1987, waa toban sano ka dib dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia ay Laanqeyrta Cas, ICRC, waxay ii xil saartay in aan baadi goobo qoysaska maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran Ethiopia oo aan ku wargeliyo in ay nool yihiin, kuna jiraan xabsi Ethiopia.  Howshaasi waxay ahayd mid markaas ka hor ku adkaatay Laanqeyrta Cas maaddaama la diiday in qabiil lagu baadi goobo dadka, isla markaasna la diiday in idaacad ama meel kale oo fagaare ah lagu soo bandhigo magacyada maxaabbiista.

ICRC waxay igu qaadatay Sarkaalka Goobta (Field Officer).  Waxaa farta la iga saaray liis aan qiyaasayo in ay ku qornaayeen magacyada 238 maxbuus oo Soomaali ah oo ku xiran Ethiopia oo ehelkoodu u haysto in lagu dilay dagaalkii ay aadeen 10 sano ka hor kana soo laaban waayeen.

Waxaa kale oo la ii dhiibay waraaqda uu mid kastaa u soo diray qoyskiisa ama qof ehelkiisa ah. 

Qaar fara-ku-tiris ah ayaa horteey la wargeliyay qoyskooda.  Ka hor inta aanan shaqada billaabinna howshu waxay badankeedu ku koobnayd Muqdisho.  

Isla maalinta aan shaqada billaabay waxaa la i siiyay gaari Land Cruiser ah. Waan ka dallacay FIAT 127.  Waxaan hadda helay Land Cruiser marmarna Suzuki aan ku shaqeeyo iyo shidaal aan kala go’ lahayn. 

Waxaa ii dheeraa in la ii sheegay in diyaar la iila yahay wixii kale ee tas-hiilaad ah ee aan u baahdo si aan uga shaqeeyo baadigoobka iyo soo helidda qoysaska Soomaaliyeed ee maxaabbiista.  Waxaa la ii oggolaa in aan qof u dirsan karo howl muddo gaaban ama xataa dheer si uu gacan ii siiyo.  Waa in aan qori karo shaqaale ila shaqeeya oo howsha cayiman iiga qabta gobollada dalka.


Fasiraadda Magacyada


Waxaan shaqada ka billaabay in aan derso magacyada maxaabbiista Soomaalida iyo macluumaadka caatada ah ee la socda.

Maalin oo dhan waxaan akhriyaa oo ku celceliyaa oo qaar xafidaa magacyada maxaabbiista.  Mid kasta waxaan u fiirsadaa magaciisa iyo kan hooyadiis.  Waxaan magacyadooda ka dhex goobaa magac qof aan aqaan ay wadaagaan si aan qofkaas telefoon ama fool-ka-fool u soo weydiiyo bal in uu yaqaan maxbuuska ama hooyadiis.

Waxaa kale oo aan magacyada maxaabbiista iyo hooyooyinkood ka raadiyaa magac aan Soomaaliya oo dhan laga adeegsan oo lala xiriirin karo degaan gaar ah, sida, Qowdhan, Calas, Meecaad, Muunye, Mayow, Ayaanle, Muunye, Qorane, Meydhane, Fiidow iyo qaar kale oo badan.  Magacyada haweenka waxaan ka baaraa Cambara, Xasna, Timiro, Asli, Mullaaxo, Faay iyo kuwo kale.  

Waxaan u fiirsadaa Magaalada uu ku dhashay.  Da’diisa waan is xusuusiyaa.

Waxaan isku dayaa intaasi in ay ra’yi iga siiyaan tallaabadii aan ku dhaqaaqi lahaa si aan u helo maxbuuska qoyskiisa.


Maab Maskaxeed


Waxaan howshaas ka billaabay Gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle, inkasta oo aan xoogga saaray Muqdisho oo berigaas ahayd magaalo si sahlan aad uga heli karto dad aad u badan oo nooc walba leh oo ka soo jeeda magaalo kasta oo dalka ka mid ah.

Waxaan xusuustay in caasimaddeennu ay tahay Soomaaliya oo la soo koobay.   Muqdisho ayaan u sameeystay khariidad maskaxeed oo magaalada iga dhex tuseysa Gobollada dalka oo dhan.

Iyada oo aan qabiil ahayn balse degaan ku saleysan, ayaa waxaa jiray goobo ganacsi sida dukaammo, makhaayado, hoteello iyo xafiisyada sharikado gaar loo leeyahay oo wararka gobollada ay isku weydaarsadaan dadka degaankaas ka soo jeeda.  Waxaa ka mid ahaa meelo laga shaaho oo galbihii iyo fiidkii idaacadaha lagu dhegeysto.  Khasab ma ahan ninka hoteelka ama makhaayadda lihi in uu Gobolkaa ka soo jeedo laakiin macaamiishiisa ayaa u badan.

Goobahaas iyo suuqyada ay baabuurtu gobolladu ka baxaan sida Siinaay iyo Yoobsan waxay ka mid ahaayeen goobaha aan tago si aan magacyada maxaabbiista ula wadaago.

Waxaa kale oo aan tegi jiray xafiisyada Dowladda, iskuullada, goobaha waxbarashada, Saldhigyada booliiska, suuqa xoolaha, suuqa Huri Waa', Suuq Bacaad iyo marba xeryaha ciidan ee aan u helo fursad aan ku tago sida Madaxtooyada oo Booliiska Dableyda la ii oggolaaday in aan u akhriyo magacyada ciidanka iyo saraakiisha xabsiga ku jira.

Muqdisho ayaa ii noqotay Soomaaliya oo la soo koobay.  

Makhaayadaha waaweyn oo ay caan ku yihiin reer woqooyigu oo ay Hudheello ugu yeeri jireen.  Meesha ay ka baxaan basaska iyo baabuurta kale ee woqooyi u socda. Woqooyi aniga markaas wuxuu ii yahay woqooyi uun.  Ma aqaan magacyada ama lahjadda lagu kala garto Hargeysa iyo Borame ama xataa Hargeysa iyo Gebileey.

Goobaha ay reer barigu fariistaan galabtii iyo fiidkii.

Hoteelka iyo makhaayadaha dadka Gobollada Dhexe ay u badan yihiin iyaga oo weliba u kala qeybsanaa degmo degmo. Sida reer Ceel Buurka iyo reer Ceel Dheer oo lahaa degaanno goobo dhowr ah oo kala duwan.

Reer Hiiraanka meesha laga helo.  Sida aan Baydhaba iyo Gedo aniga oo aan aadin aan reer Baydhaba iyo reer Gedo ugula kulmi karo Muqdisho.

Reer Waamo halka aan ka heli karo ayaan dersay.  Liisku kala go' ma lahayn.

Waxaa mar kasta fure ii ahaa saaxiibbada idaacadda, ardaydii aan wax soo wada barannay iyo macallimiinteydii in aan raadiyo qofka reer Kismaayo ah oo aan weydiiyo meesha aan ka heli karo dad badan oo reer Kismaayo iyo haddii ay suurta gal tahay qaar hadda tegeya Kismaayo si ay farriin iga qaadaan.

Maalin iyo habeen waa waxa iigu badan ee aan ka shaqeeyo, maskaxdeyduna ay ku mashquulsan tahay.

Qoysas dhowr ah ayaan sidaa ku helay oo aan wargeliyay.  Waxay ahayd fursa aad u weyn.  Mar kasta oo aan qoys helo oo aan ku wargeliyo in aabbahood ama wiilkoodii aanuu dhiman ee ku jiro xabsi Ethiopia waxay ahayd munaasabad farxaddeeda aan la koobi karin inta badanse ku billaabata ooyin.

Aniguna marka aan howshaas soo qabto waxaan maalintaas u farxi jiray ku dhowaad sida uu qoysku ugu farxay warka aan u geeyay.

Howshaas waxaan u galay safar dhulka ah oo aan ka billaabay Muqdisho waxaanna ku tegey tegey Boorama.  Waxaan ku hakaday degmo kasta oo ku taalla waddada dheer ee Muqdisho iyo Borama isku xirta.  Qaaarkood habeen ama laba ayaan seexday.  Waxaan maray Garowe ilaa Boosaaso oo aan Qardho saacado joogay sii socod iyo soo laabadba.  Muqdisho ilaa Luuq oo aan midba mar ku sii hoyday Buur iyo Baydhaba, ka dibna aan soo laabadkii ku leexday Garbahaarreey, Buur Dhuubo iyo Qansax Dheere.

Waixii aan kala kulmay ka akhriso qoeybaha soo socda oo Taxanaha Maxaabbiistii Dagaalkii 77.

F. G.Adiga oo ku mahadsan in aad Qormada akhrisay, fadlan aragtidaada ku reeb halkan hoose.   

Suleymaan iyo Walaakiis - Taxanaha Maxaabiistii 77 - Qaybta Saddexaad

$
0
0
Maalin uu xafiiska ICRC ka xumaaday mashiinka lagu sawiro dokumentiga, ayaan xilli qiyaastii kowdii duhurnimo ay dhaaftay waxaan tegey xarun wax laga sawiro oo ku taallay hotel Shabeelle hoostiisa.

Liiska maaxbbiista iyo dhowr xaashiyood oo ay Maxaabbiista qaarkood u soo direen ehelkooda ayaan ka sawirtay.  Waxaan u diyaarinayay in aan qof u dhiibo gacan iga siiya howsha.

Koobbiyadii aan meesha ku sameeyay iyo liiska ayaan Dukaanlihii mid mid isula tirannay ka dibna lacagtii ayaan bixiyay.  Intii aan waraaqaha kala gureynay, aan sawireynay ka dibna aan tirineynay ayaa wiil dhallinyaro ah oo meesha taagnaa waxaa uu yara qooraansaday liisaska.  Waxaa ka muuqday rabitaan in uu ogaado waxa ay yihiin magacyadani.

Amar Ilaaheey,  wuxuu markii dambe si ixtiraam leh ii weydiiyay liisasku waxa ay yihiin.  Waan u fasiray oo u sheegay in ay yihiin maxaabbiis dagaalkii 77 ay Ethiopia ku qabatay, laakiin reerahoodu aanay ka warqabin oo ay u heystaan in ay dagaalkii ku dhinteen.  

Suleymaan hadal kale ima dhihin laakiin aammuskiisu ma ahayn in uu jawaabta ku qancay ee waxaa weli ka muuqday in uu arrinta u hammuun qabo.  Sheeko ahaan miyuu u daneynayaa? War jacayl miyaya ka tahay? Mise waxaa dhici karta in dad uga maqan yahay dagaalkii? Sida ay tahay iimuu sheegin, laakiin igama dhaqaaqin, eegmadana kama uu joojin waraaqaha miiska saaran.

Markaas ayaan weydiiyay bal in uu jiro qof ay ehel yihiin oo la aamminsan yahay in uu ku dhintay dagaalkii 77.  Wuxuuna ii sheegay in walaalkii uu dagaalka ku dhintay.

Halkaas ayaan liiska ka baarnay ka dib markii uu ii sheegay magaca walaalkii laakiin waan ka weynay liiska aan markaa gacanta ku hayay.

Waxaan Suleymaan u sheegay in uu jiro liis kale oo aan xafiiska uga soo tegey.  Waxaan u tilmaamay halka uu yahay xafiiska ICRC iyo saacadaha shaqadu kuwa ay yihiin.  Nambarkeyga telefoonkana waan siiyay.

Wuxuu i weydiistay in uu hadda i raaci karo.  Waan ka aqbalay.  Xafiiska marka aan tagnay, ayaan fariisiyay fadhi dabacsan waxaanan soo hor dhigay liiska maxaabbiista oo dhammaystiran si uu uga baaro magaca walaalkiis.

Anigu waxaan fariistay kursigeyga oo waxaan ku mashquulay kombiyuutarka.

In muddo ah markii aan wax qoranayay, ayaan mar dambe madaxa kor u qaaday.  Waxaan ku soo baraarugay Suleymaan oo ay wejigiisii ilmo qoysay. 

Inta aanan farxadda la wadaagin, waxaan marka hore hoosta ka xirtay xafiiska si aan shaqaale ama dad kale iigu soo gelin oo aanay Suleymaan su’aalo ku boobin.

Ka dibna waxaan soo saaray kaarar uu maxbuus waliba mid gooni ah leeyahay, si aan u hubiyo tafaasiisha aan ka heyno oo dhan in qofkani uu yahay Suleymaan walaalkiis.

Magaca aabbaha, kan hooyada, meesha uu ku dhashay iyo da’da iyo in aan qoyskiisu weli ka warqabin, intaba waxay is yeesheen Suleymaan walaalkiis.

Waxaan markiiba u keenay biyo iyo faanta qabow si uu shucuurtiisa u dejiyo. Waxaanan geeyay meel uu wejiga ku dhaqdo.

Sida dareenkiisu noqday darteed Suleymaan markaas ma qori karin waraaq jawaab ah.  Waxaan siiyay foomka uu ku soo qori lahaa jawaabta.

Waxaan goostay ninkaas dareen ahaan dhaawacan in aanan magaalada ku sii deyn. Waxaan ku qaaday gaarigeyga oo aan geeyay guri General militeri ah oo adeerkiis ahi uu degganaa oo ku yaallay ka soo horjeedka akademiga militeriga.

F. G. Adiga oo ku mahadsan, fadlan aragtidaada / dareenkaaga ku reeb halkan hoose. 

Caliyaale iyo Naar Weyne - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Afraad

$
0
0

Waxaan dhowr jeer tegey tuulada Caliyaale oo qiyaastii 15 u jirta Muqdisho.  Waddada Balac ayay ku taallaa inta u dhexeysa Ceel Cirfiid iyo Garas Bintow. Waxaan raadinayay Cabdullaahi Bashiir oo wiilkiisu uu ka mid yahay maxaabbiis markaas ku jirtay xabsi Ethiopia in ka badan 10 sano, ehelkooduna uu u haysto in ay dagaalkii ku dhinteen.

Inkasta oo qof yaqaan aan ka waayay tuulada markii aan dhowr jeer tegey, haddana waxay igu noqotay wax aanan ku qanci karin.

Caliyaale oo xafiiskeyga sidaa ugu dhow in aan soo saari waayo maxbuuska aabbihiis waxay igu noqotay xujo igu taagan.  Waxaa kale oo aan ku qanci waayay in tuulo sidaa u yar ay dadkoodu is aqoon waayaan.

Mar kasta waan ka fekeri jiray kiiskan.  In ay meel wax ka khaldan yihiin ayaan dareemay.  Xaggee wax ka khaldan yihiin ayay su’aashu noqotay?

Waxyaabo badan ayaa madaxeyga ku soo dhacay oo aanan hadda wakhti kaaga lumineyn.

Sida maanta oo kale ayaan maalin Jimco ah la sheekeysanayay dhallinyaro aan saaxiibbo nahay.  Waxaa ka mid ahaa Allah ha u naxariistee Cabdulqaadir Cali Iidle oo aan Raadiyo Muqdisho ka wada shaqeyno.  Inta sheekadu ay socoto waxaa maskaxdeyda qeyb ka mid ah ku taagan arrinta maxaabbiista kiisaskooda oo marba mid i hor imaanayaa.

Mar qura ayaan soo xusuustay magaca Cabdullaahi marka uu joogo Caliyaale in laga yaabo in uu noqdo Cabdulle.  Si ka culus qiyaas ayaa wax ii sheegeen in ninka aan la’ahay ee reer Caliyaale aanuu ahayn Cabdullaahi Bashiir ee noqon uu ahaan karo Cabdulle Bashiir.

Waan sugi waayay Sabti iyo maalin shaqo.  Isla markii ayaan dhaqaajiyay.  Daqiiqado yar ka dibna waxaan tegey Caliyaale.

Sida aan ku tababbartay magaalada marka aad raadineyso dadka asalka ah ee laga yaabo in ay muddo dheer joogeen, dadka oo dhanna la macaamila waxaa ka mid ah dadka xirfaduhu ay u furan yihiin sida macallinka Quraanka, Imaamka Masjidka, makhaayadlaha, Timo Jaraha iyo kaariga suuqa baabuurta.

Naar Weyne

Waxaan u tegey nin kabo tolaya oo aan ag fariistay.  Markii shaqadii uu markaa gacanta ku hayay uu ka soo jeestay ayaan weydiiyay ma taqaan Cabdulle Bashiir oo reer Caliyaale ah?  Wuu ii sheegay in uu yaqaan laakiin uu maanta ku maqan yahay tuulo la yiraa Naar Weyne oo lagu duceysanayo.

Naar Weyne wuxuu iigu tilmaamay in uu waddada ka baxsan yahay laakiin uu la siman yahay Caliyaale.

Waxaan weydiiyay wiil uu dhalay oo dagaalkii 1977 ku dhintay in uu jiro.  Nacam, ayay noqotay jawaabtu.  Wuu xaqiijiyay arrintaas oo waliba wiilka magaciisa ayuu ii sheegay.  Magaca uu ii sheegay iyo ninka aan waraaqda ka sido magaciisu waa iskeeneen.

Naar Wyne ayaan tilmaantii la i siiyay ku tegey.  Waa goob lagu walimeysanayo.  Rag aad u fara badan ayaa jooga.  Xoolana waa la qashay.  Cabdulle waa la i tusay.  Waxaan u sheegay in aan arrin ka leeyahay oo aan u baahan ahay in aan gooni u baxno.  Wuu iga yeelay inkasta oo nin saaxiibkiis ahi soo raacay.

Geed ayaan ag istaagnay markaasaan u billaabay sheeko kooban.  Waan isu sheegay qofka aan ahay iyo hey'adda aan ka socdo.  Waxaan u sheegay in aan maqlay in waiilkiisu uu ku geeriyooday dagaalkii 1977.  Waxaan u raaciyay in ay jiraan dad loo haysto in ay dagaalka ku dhinteen, laakiin ka badbaaday oo Dowladda Ethiopia ay xabsi ku hayso.  Ma maqashay ayaan iri warkaas.

Wuxuu ii sheegay in uu war noocaas ah dad ka maqlay laakiin run iyo been waxa ay tahay aanuu isagu ogeyn.

Waxaan u sheegay in ay run tahay.  Waxaa kale oo aan u sheegay in wiilkiisu uu maxaabbiistaas ka mid yahay.   Waraaqna aan uga sido.   In yar ka dib, waraaqda uu u soo direy ayaan u akhriyay.

Markii uu cabbaar aammusnaa ayaan haddana u sheegay in uu wiilkiisu jawaab ka sugayo.  Waxaan u fasiray in ay tahay in uu jawaabta noogu keeno xafiiskeenna Muqdisho oo aan u tilmaamay si aan u gaarsiinno wiilkiisa.  Waxaan ugu daray in aan anigu ka qori karo jawaabta isla hadda haddii uu diyaar yahay.  Tan dambe ayuu aqbalay.


Caqli mase Cilmi

Wuxuu billaabay in uu ii yeeriyo farriinta uu wiilkiisa u dirayo.  Aniguna inta aan kadalloobsaday oo bowdadeyda sida miis aan xaashida saaray ayaan billaabay in aan qoro farriinta.

Isaga oo sida macallin dugsi quraan i kor taagan oo ii yeerinaya farriinta, laakiin codkiisu deggan yahay, anna aan qorayo ayaa waxaa hadalkiisii kala gooyay oo ka dhex galay saaxiibkiis.

“Cabdullow waa kula yaabbanahay.” Ayuu hadalka ku billaabay.  “Ma ninkii toban sano mootanaay oon duugtiisii dhignay aad hadda la warramee?”

Cabdulle oo aniga i soo xiganaya ayaa ku jawaabay, “Sidaad u hadlee xeey tahay! Ma waadan maqleyn warka ow igaarku hadda noo sheegaayay? Waa nool yahay maqli meyn haddoo?

Mowqifkiisii wuu ka soo dabcay laakiin jawaabta Cabdulle bixiyay ma wada qancin saaxiibkiis.

“Xataa haddow nool yahay, ooy run tahay, ma nin gacan Amxaaro ku jira aad warqad u diree?

Cabdulle intuu saas u fiiriyay, ayuu ugu jawaabay, “Inta labada oday ka wadahadlaayaan eey ka shiran tahay”.

Kelmaddaas Cabdulle ku jawaabay waan ka helay laakiin markaas macna aad u weyn iima sameyn. 

Hase yeeshee dhacdooyin sannad ka dib aan arkay ayaa hadalkiisii iiga dhigay mid aan soo xusuusto, welibana xusuusteyda ka go'i waayay fahamka siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee aan kala kulmay ninkaas tuulo joogga ah.

Cabdulle iilama ekeyn nin iskuul dhigtay. Hase yeeshee, wuxuu ku hadlay hadal diblomaasiyadda wada xaajoodka ka tarjumaya.  Ku saleysan khibrad.  Haddana aan Ilaaheey ka quusan ee samafilasho ah.

Wuxuu gartay in labadii dirirtaa ay heshiin karaan.  Wuxuu gartay in Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Hailemariam laga yaabo in ay wadahadlaan, taasina ay horseedi karto in maxaabbiista la is weydaarsado.

Caqliga iyo garashadu mararka qaar waxay ku tusayaan wax aan dadka kula asaagga ahi arki karin.

F. G. Adiga oo ku mahadsan, fadlan aragtidaada / dareenkaaga ku reeb halkan hoose.

Halxiraalaha Xannaanada Xoolaha – Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Shanaad

$
0
0

Sawirkani waa tusaale. Ma ahan Soomaaliya.
Markii farta la iga saaray liiska maxaabbiista, warbixin kooban ayaa la iga siiyay dadka qaar nawaaxiga Muqdisho ay heliddoodu adkaatay.  

Waxaa ka mid ahaa nin cinwaankiisu yahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, laakiin inkasta oo Wasaaradda dhowr jeer la tegey laga waayay qof magaciisa aqoonsada.

Ninkaas waxaan hadda magac ahaan u adeegsanayaa in uu ahaa Cabdi.

Waa nin uu walaalkiis oo maxbuus Ethiopia ku xirani uu waraaq u soo diray laakiin si lagu wargeliyo la la’ yahay.

Mar iyo laba markii aan tegey Wasaaradda oo dad badan aan wareystay waa la garan waayay.

Ninku in uu yahay dhakhtar xoolaha, in uu yahay Agaasime ama xisaabiye, in uu yahay darawal, in uu sheybaar ka shaqeeyo midna kuma cadda waraaqda.  Xataa waaxda uu ka tirsan yahay kuma qorna ama in uu Gobol ka shaqeeyo iyo in uu xarunta joogo ma ogin.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ku laabtay Wasaaradda goor duhurkii ku beegan inta aanan qado tegin.

Waaxda Shaqaalaha ayaan tegey.  Waxaa kale oo aan la kaashaday nin  Wasaradda ka shaqeynayay in ka badan 10 sano.

Waxaan u sheegay in aan hubo in Cabdi Wasaaradda ka shaqeynayay 1977.  Laakiin ka dib aanan ka warqabin.  Bal maskaxdaada dib ugu laabo oo feker.  Qof magacaa lahaa oo Wasaaradda ka tegey, dhintay ama meel kale loo beddelay haddii aad xusuusan karto.

In door ah markii uu fekeray, liiska shaqaalahana la eegay.  Cabdi waa la gartay.

Waxaa la ii sheegay in uu Cabdi weli ka tirsan yahay Wasaaradda, qeybta xannaada Digaagga, oo uu joogo beer Digaagga lagu xannaaneeyo oo ku taalla Waddada Afgooye Km 13.

Dhowr xarun oo digaagga lagu xannaaneeyo oo qaar ay Wasaaraddu leedahay qaarna uu yahay ganacsi ayaa waddada Afgooye ku yaallay.  Markaa tilmaan wanaagsan ayaan ka qaatay.

Waan u mahadceliyay.  

Km 13

Wakhti aniga oo aan lumin ayaan ku dhacay waddada Afgooye.  Daqiiqado yar ka dib beerta ayaan gaaray..  Iridda hore nin aan kula kulmay ayaa ii tilmaamay oo farta ku fiiqay guriga Cabdi oo markaa ii muuqda.

Guriga ayaan tagey oo gabar guriga joogtay ayaan weydiiyay.  Markii hore su’aalo yar ayay i weydiisay, sida kummaad ahayd? iyo maxaad ka rabtaa?

Waan isu sheegay, shakigana waan ka saaray.

Ka dibna, nin beer falaya oo meel dhinaca midig iiga began oo xerada dhexdeeda ah aan ku soo maray oo i soo eegay markii aan soo dhaafayay ayay ii tilmaantay oo ay tiri waa kaas Cabdi.

Inkasta oo aan meeshu sidaa iiga fogeyn, haddana qorrax kulul ayaa jirtay. Gaariga ayaan ku laabtay, ka dibna waxaan u tegey Cabdi oo beer falidda joojiyay marka uu arkay baabuurka gurigiisa hor istaagay ee haddana dhankiisa u soo dhaqaaqay.

Geed aan u maleynayo in uu garas ahaa ayaan hoostiisa la tagey oo u warramay.

Walaalkiis oo dagaalkii 1977 loo qaatay in uu ku dhintay ayaan si tartiib tartiib ah oo qaarba mar ah ugu sheegay in uu nool yahay, waraaqna aan uga sido.

Cabdi shucuurtiisa oo dhan ayaa mar keliya is beddeshay, waxayna igu qaadatay wakhti dhan in aan sugo marmarna aan ku tuuro kelmad aan ku dejinayo.

Waxoogaa ka dib, markii uu miyirsaday, oo murugada uu warkeygu xusuusiyay uu ka soo yara kabanayo oo ay isu beddeleyso nooc farxad billow ah ayuu ii soo hor kacay dhinaca gurigiisa asaga oo waraaqda walaalkiis gacanta ku sita laakiin aammusan.   Guriga markii aan nimid gabadha ayay meel aan iga fogeyn ku wada hadleen.  Codkooda ma wada maqleyn laakiin waan hubay in uu warka farxadda leh la wadaagay marka aan eegay luqadda jirkooda.  

Wuu igu soo laabtay.  Aad ayuu iigu mahadceliyay.  Biyo ayuu i siiyay.  Ka dibna qado ayuu igu martiqaaday inkasta oo aan ka cudur daartay.

Wixii markaa ka dambeeyay, Cabdi si joogto ah ayaan ugu imaan jiray ugu yaraan bil kasta hal mar si aan ugu keeno waraaq uu walaalkiis u soo diray,  jawaabatana aan uga qaado.

F. G.Qormadaan waxaa xigi doonta mid ku saabsan nin aanan magaciisa sheegi doonin oo isku dayay in uu ka been abuuro howlahan samafalka ah ee xasaasiga ah.

Taxanaha Maxaabbistii 77 - Qaybaha I - V

$
0
0

Been-abuur - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Lixaad

$
0
0
Xiintooy, Jowhar.
Raadinta ehelka maxaabbiista Soomaalida ee ku jiray xabsiyada Ethiopia, ka dib markii lagu qabtay dagaalkii 1977, waxaa ka shaqeeynayay dad qaarba mar ku soo biiray.  

Xafiiska ICRC ee qaabbishan howshaan waxaan 1987 ku nahay saddex ruux.  Faadumo Shiikh Cabdi oo inta badan howsha xafiiska wadda, dibaddana marmar u shaqo tagta oo baadigoobta qoysaska maxaabbista, marna qoysas la helay oo la wargeliyay u geysa waraaqaha kana soo qaadda jawaabaha.

Aniga oo shaqadeyda oo dhami ay tahay baadigoodbka qoysaska maxaabbiista iyo xiriirintooda oo ah in waraaqaha bil walba loo geeyo jawaabana laga keeno.

Iyo Beatrix Attinger oo inta aniga iyo Faadumo aan qabanno oo kale qabata, Madaxna ka ah Waaxda Baadigoobka ee aan ka wada tirsan nahay.

Faadumo iyo Beatrix waxaa howshaan u dheer booqashada iyo ka warqabka maxaabbiista Ethiopian-ka ah ee ku xiran Soomaaliya.

Waxay hey’addu ammin kooban adeegsatay laba nin oo gacan ka geysta raadinta qoysaska maxaabbiista Soomaalida.

Midkood waxaan u dirnay Jowhar oo waxaa loo dhiibay waraaqaha u socday Shabeellaha Dhexe.

Sahay ugu filan baska, Hoteelka, Raashinka, Taksiga iyo telefoonka muddo toddobaad ah ayaan siinnay iyo waliba xoogaa dheeri ah haddii kharash aan la sii qorsheyn uu ku soo baxo.

Tababbar iyo hanuunin ku saabsan xasaasiyadda howsha iyo sida nabadsugidda ama booliisku haddii ay shakiyaan ay tahay in uu ku qanciyo ayaa la tusay.  Muhiimadda howshana waa loo fasiray waana la diray isaga oo sita koobbi waraaqaha Gobolkaas u socda oo dhan iyo liiska maxaabbiista.

Marka uu amba baxay waxaan ka filayay usbuucaas haddii uu laba ama saddex qoys soo helo in ay tahay libin mudan in loo dabbaal dego.

Laakiin ninkii wuxuu soo laabtay laba maalmood ka dib.  Waxaan u qaatay in hey’adaha amnigu ay ka soo saareen magaalada.  Laakiin wuxuu ii sheegay in ay howshii soo dhammaatay.  Dhammaantood wuu soo helay qoysaskii loo diray.  Mid kastana jawaab ayuu ka sidaa.

Maaddaama aan khibrad u leeyahay culeyska howshan waxaa igu adkaatay in aan aammino in laba maalmood lagu soo helay qoysaskii Shabeellaha Dhexe.

Waxaan soo xusuustay Xaawa Cabdi oo ah hooyo Soomaaliyeed oo deggan Budbud oo aad uga fog Jowhar oo wiilkeeda oo aanay ka warqabin in uu nool yahay uu waraaq uga soo diray xabsi Ethiopia ah.

Waraaqdeedii ayaan baaray, waxayna ku calaameysan tahay in loo geeyay, jawaab magaceedu ku saxiixan yahayna wuu ka sidaa.
Waxaan weydiiyay sida uu u helay Xaawa Cabdi oo ku nool Budbud oo ka fog Jowhar.  Wuxuu ii sheegay in ay isbitaalka ku jirtay oo ay xanuunsanayd oo uu halkaa kula kulmay.

Waxaan weydiiyay maaddaama cinwaankeedu yahay Budbud, maxaa kugu dhaliyay in aad Isbitaalka Jowhar ka raadiso.  Wuxuu ii sheegay wiil iyada la socday in uu magaalada kula kulmay.

Sheekadu waa ay isu keey qaban weyday.  Qof weyn oo ku hor taagan oo wax ku kallifaya aan la aragna in aad hadalkiisa rumeysan weydo waa ay culus tahay.

Waan u mahadceliyay wixii uu lacag shaqeystayna waan siinnay.  Laakiin markii aan arrinta ka fekeray waa ay igu cuslaatay in aan sidaas ku aammino.   Xataa farta ay ku qoran tahay inta badan waa isku mid oo wuxuu ii sheegay in uu isagu u qoray.

Safar Hubsiimo 

Waxaan Xafiiska la wadaagay tuhunka aan qabo.  Kaas oo la ila gartay.  Waxaan goostay in aan arrintan daba-gal ku sameeyo oo aan soo hubiyo.

Waraaqihii aan koobbigooda isaga u dhiibay ayaan soo qaatay.  Waxaan tegey Jowhar.  Waxaan ka billaabay nin cinwaankiisu ahaa Shaneemada Jowhar.  Ninkii waan ka waayay goobta.  Laakiin meel la iigu tilmaamay ayaan ka helay.   Waxaan uga warramay askarigii waraaqda u soo qoray oo xabsiga Ethiopia ku jira.

Meeshii aan ka filayay in uu yiraahdo shalay ama dorraad ayaa waraaqdaas la ii keenay, arrintu waa ay ka fogeyd.  Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu maqlo in qofkaasi nool yahay, xiran yahayna. 

Maaddaama safarkeyga gaabani ahaa hubinta in Jawaabihii Jowhar laga keenay ay sax ahaayeen iyo in kale, safarkeygii halkaas ayaan ku soo geba gebeeyay.

Agaasime ka tirsan Warshadda Sonkorta, ahaana garsoore Kubadda Koleyga, Cabdulqaadir Mille, oo ahaa arday aan Jaamacadda ka wada baxnay laakiin iga horreeyay ayaan la soo qadeeyay. Liiska maxaabbiista ayaan la wadaagay bal in qoyskii uu ii heli karo i soo wargeliyo. Ka dibna waxaan ku soo laabtay Muqdisho.

Wuxuu qadada iigu sameeyay guri qurux badan oo uu degganaa, leh beer nasasho oo dhir iyo ubax udgoon oo leh wiifow carruurta iyo dadka is jeceli ku cayaaraan.  Sababta aan xusayo waa in aan sheego in gurigaasi ahaa mid ay Dowladdu siisay.


Jawaabihii uu keenay wiilkii aan shaqada u dirnay dhammaantood waxaan u aragnay been-abuur, waxaanna ka soo qaadnay waxba kama jiraan.


Wakhti kale iyo safarro dhowr ah oo gaa-gaaban ayay nagu qaadatay in aan soo helno dhammaan qoysaskii ay waraaquhu u socdeen ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Khatar weyn ayay ahayd iyo cuqubo laga gelayo in maxaabbiis ku xiran xabsi oo reerkoodu uu mood

Waxay khiyaamo ku ahayd Maxaabbiista oo is moodsiinayay in reerkoodu ka warqabo, dhanka kalana aan war sax ah ka heleyn reerka yaa dhashay, yaa dhintay, yaa guursaday.

Sidoo kale waxay khiyaamo ku ahayd qoysaska oo iyaga oo weli u haysta in wiilkoodii, aabbahood ama walaalkood uu ku geeriyooday dagaalka, haddana laga warbixiyay in qoyska la wargeliyay.

Ugu dambeyntana waxay khiyaamo ku ahayd hey’adda intaas oo dadaal iyo kharash ah gelisay isku xirka maxaabbiista iyo qoysaskooda in laga wasakheeyo shaqada sharafta badan.

Laakiin nasiib wanaag intaas oo dhan waan ka badbaadnay.


Sagaashameeyadii aniga oo BBC u shaqeeya ayaan ninkii is aragnay, iguma soo qaadin arrinkii anna dacwad ma qabin.

F. G.

Qormada toddobaad ee Taxanaha Maxaabbiistii 77 waxaan ku billaabayaa, safarkii dheeraa ee dhulka ahaa ee Muqdisho ilaa Boorame aan ku marnay aniga iyo Beatrix Attinger.

Beled Weyne - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Toddobaad

$
0
0
ICRC waxay Geneva ka soo magacowday 1987 Richard Anderegg oo ah Madaxa ICRC ee Soomaaliya.  Waa nin firfircoon, howsha samafalkana sida diin oo kale u aamminsan. Cidna aan ka gabban marka ay baahi samafal u muuqto. Annagana sidoo kale nagu dhiiri geliya.

Malahyga taasi waa waxa uu eeday markii uu dagaalku ka qarxay Hargeysa iyo Burco sannadkii 1988.

Beatrix Attinger oo ah gabar dhallin yar oo aan is da’ aaddan nahay laakiin khibradda shaqo ee ICRC iga badan ayaa ku wehlisa ajnebiga Xafiiska.  Labaduba waa Swiss.

Xafiiska waxaa iiga soo horreysay Faadumo Shiikh Cabdi oo howsha baadi-goobka ka shaqeysa howsheeduna ay u badan tahay xafiiska. Axmed Tifow iyo Cali Adan ayaa ayguna ka mid ah howlwadeennada Xafiiska u fuliya shaqooyin kala duwan.

Beatrix Attinger iyo anigu waxaan qaban qaabinnay safar dhulka ah oo aan ku tegeyno toban gobol oo dalka ka mid ah.  Waxay soo jeedisay in aan labadeenna oo keliyihi aan is raacno, baabuurka Madaxa Xafiiska aan qaadanno oo ah Land Cruiser yara cusub.

Buurta Shiikh iyo Waddooyinka miliqsan ee Boosaaso

Markii aan soo xog wareystay darawaliinta gobollada u baxa waxay iiga digeen laba marin.  Waa Waddada isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo aan markaa laami ahayn. Waa waddooyin badan oo kala leexleexda qaarkood ay dib isugu soo dhacaan, summadna aan lahayn. Waxay iigu dareen inta badan in ay tahay dhul aad u weyn gaadiidka iyo tuulooyinkuna ay ku yar yihiin. Taas oo macnaheedu yahay in haddii aad waddo aan tii saxda ahayn raacdo ay suurta gal tahay in aad muddo socota adiga oo aan arag cid aad ka hubsato in jihada Boosaaso aad ku joogto iyo in kale.

Darawaliinta qaar waxay iiga digeen Buurta Shiikh oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid u baahan khibrad darawalnimo oo sarreysa.  Buuraha bacaadka ah ee Muqdisho marka laga tago, Buurta keliya oo aan markaas khibrad u leeyahay waa Yasoomman oo ku taal waddada Ceel Buur meel u dhaxeysa Buulo Burte iyo Maxaas oo aan ogahay in ay tahay khatar.  Markii aan la barbardhigay darawaliinta labadaba yaqaanna waxay ii sheegeen buuraha Shiikh in ay ka khatar badan yihiin  Yasoomman.

Ugu dambeyn waxaa la ii sheegay in haddii ay dhacdo in gaarigu uu hallaabo aan u baahan doonno qof makaanik ah oo waddada naga badbaadiya.

Sidaa darteed waxaan fasiraad badan ka dib, Beatrix ku qanciyay in aan kireysanno darawal makaanik ah, yaqaannana waddada Boosaaso iyo sida loo maro buuraleyda Shiikh.

Nin hadda Xildhibaan ah ayaa naga kaxeeyay Muqdisho. Waxaan sidannaa caag weyn oo biyo nadiif ah oo la cabo ay noogu jiraan iyo darmuus weyn oo biyaha u keydiya qabowga.

Waxaa noo raran barmiil shidaal ah iyo sanduuq bir ah oo uu noogu jiro agabka baabuurta lagu cilladtiro xag makaanik iyo xag koronto.  Caag saliidda baabuurta ah iyo laba taayar oo dhigaal ah.

Maaddaama berigaas xasaasiyad laga qabay magaca iyo wax kasta oo Ethiopia ku saabsan, annaguna aan wadno liiska ciidan Soomaaliyeed oo u xiran Ethiopia iyo waraaqo ay ku shaabbadeysan yihiin hey’adaha amniga Ethiopia, waxaan sidannaa waraaq ay na siisay Wasaaradda Arrimaha Guduhu oo fasireysa howsheenna.  Waxaa kale oo aan sidannaa waraaq Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah oo oggolaashadii kow ay he’addu dalka ku timid.

Billowga Waddada Dheer

Goor subax ah ayaan Xamar ka shiraacannay.  Magaalo kasta oo aan tagno waxaa noo qorsheysan in aan booqanno Saldhigga Booliiska, Guddoomiyaha Degmada ama kan Gobolka haddii ay Xarun Gobleed tahay.   Meelaha qaarna waxaan la heshiin doonnaa qof aan u dhiibno waraaqaha si uu qoysaska maxaabbiista ee degaankaas u raadiyo ilaa aan ku soo marno soo laabadkeenna.

Balcad markii aan ka baxnay ayaa darawalku billaabay in marka dhinaca midig ee waddada uu ku arko god, uu gaariga u weeciyo dhinka bidix.  Beatrix waxay ku adkeysatay in uu mar kasta ku joogo seedkiisa xataa haddii uu god ku yaallo.

Waxaan xusuustaa in uu u sheegay sannado badan oo uu darawal ahaa, weligiinna aanuu shil gelin.  Waxay ugu jawaabtay in aanay diyaar u ahayn in ay ku dhimato shilka ugu horreeya ee uu geli doono.


Waddada Jowhar waa mid aan dayactir helin tan iyo markii gumeysiga aan ka  xoroownay.

Qaddar yar ka dib waxaan tagnay Jowhar.  Waxaan ka cunteynay Dalxiiska meel loo yaqaan oo Geedo aad u waaweyn leh oo ay Wasaaradda Dalxiisku leedahay. 

Waxaan u gudubnay Buulo Burte.  Waxaa Jowhar nooga billowday waddo wanaagsan oo ay Dowladda Kacaanku dhistay.  Waxaan gaarnay Buulo Burte.  Waa magaalada aan ka dhigtay Dugsiga Hoose. Waa magaalo aan guri guri u aqaan.  Waxaan ku lahaa xiriirro fara badan oo ah ciidanka ay aabbahay wada shaqeynayeen, macallimiinta oo hadda qaarkood ay yihiin ardaydii aan isku fasalka ahayn sida Axmednuur Shiikh Cilmi oo gacan na siiyay, bahda Sportiga oo ay magaaladu caan ku tahay iyo dad kale oo badan. 

Waxaan u gudubnay Tuulada Halgan oo ay ku eg tahay waddada wanaagsan ee uu Kacaanku dhisay.  Waxaa dib u billaabata waddo codsaneysa dayactir oo Gumeystuhu dhisay. 

Tuulada Garziani oo ku taal buur fiiqeed ayaa noo xigtay.   Intaba waxaan shir kula yeelannay qof mas’uuliyad degaanka ah haya iyo ugu yaraan hal qof oo macallin, dhakhtar, ama ganacsade ah.  Waxaan kala hadalnay arrinka maxaabbiista qaarkoodna waxaan uga tagnay koobbi waraaqaha Maxaabbiista ee u socda qof degaankaas cinwaankiisu yahay.

Beled Weyne

Waxaan u gudubnay Beled Weyne oo aan isla habeenkaas shir la yeelannay Isuduwaha Caafimaadka, Dr. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal ajnebi ah oo ka socday Italian Medical Team.

Mar kale arrinta maxaabbiista ayaan u fasirnay, koobbiyaal waraaqaha Beled Weyne u socda-na waan uga tagnay. 

Beatrix waxay jiif ka heshay xerada Italian Medical team.  Aniga iyo darawalkii waa nagu adkaatay in aan helno Hotel haya laba qol oo uu naga kireeyo caawa.  Waan ogaa magaalada in ay joogaan qaar ka mid ah qaxooti ka badan nus malyuun qof oo Ethiopia ka soo qaxay xilligii dagaalka.   Laakiin ma garan sababta ay hoteelladeedu sidaa ugu cammiran yihiin.

Markii dambe ayaan helnay hotel ay laba sariirood ka bannaan yihiin mid saddexaadna uu nin aynaan garaneyn jiifo oo markaa hurda.

Korontadu waxay tagtay oo la demiyay xilli habeen barkii ku dhow.  Aniguna maaddaama aan yara daallanaa hurdo culus ayaan la dhacay.  Goor dambe ayaan soo baraarugay.  Waa mugdi.  Waxaa ka daran in qolka dhexdiisa looga hadlayo af aanan waxba ka fahmeyn marka laga reebo in aan gartay in uu yahay af Xabashi.

Wax aan ku fasiro ama aan uga talo galo ayaan garan waayay.

Waxoogaa markii aan dhegeystay waxaan gartay in codku yahay hal qof oo cid la hadleysaa aanay jirin.

Waxaan garan waayay ninka qolka nooga soo horreeyay in uu xabashi yahay iyo in uu Soomaali yahay.  In uu waalan yahay iyo in kale. In uu qarwayo iyo in ay ulakac tahay oo uu howl kale ku jiro.

Ma garan, laakiin iftiinka waagu wuxuu soo bikaacay aniga oo sugi la’.  Marka aan arkay in wax waliba ay caadi u muuqdaan, waxaan mar ku shakiyay in aan codkaas maqlay iyo in aan ku riyooday.  Laakiin darawalkii ayaan si hoose u weydiiyay oo isaguna ii xaqiijiyay.  

Waxaa lagu fasiray in ninku uu qarwayay.  Waa laga yaabaa in ay run tahay.

F. G.
Qormada tan xigta, waxaan Gaalkacyo ka heli doonnaa hooyo Soomaaliyeed oo saygeedii oo ay dhimasho uga talo gashay aan waraaq uga sidno

Matabaan ilaa Berbera - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Siddeedaad

$
0
0
Beled Weyne ayaan goor subax ah ka baxnay.  Waxaan tagnay barta ciidanku fadhiyo ee lagu baaro baabuurta ee loo yaqaan Centoquindice oo ah 115 oo af Talyaani ah, waxaa loola jeedaa in ay 115 km u jirto Buulo Burte.  Halkaas ayaan bidix u weecannay oo ku dhacnay waddada u socota Jihada feer feer oo ah soohdinta Ethiopia oo markaas noo jirta qiyaastii afartameeyo km.

Maaddaama Buulo Burte ay noo jirto 115 km, iyaduna ay Muqdisho u jirto 220 Km markaa waxaan caasimadda ka soo fogaannay masaafo dhan 335 km.

Waxaa na soo daba galay gaari Landcruiser ah nooca loo yaqaan hardtop.

Waxaa saaran dhowr nin oo dhar rayid ah lebbisan.  Waan ka shakinnay.  

Ma badneyn laakiin gawaari la dhaco oo soohdinta lagala tallaabo ayaa jiray beryahaas.  Khatartaas oo ah mid mar walba nala deris ah marka laga billaabo Beled Weyne ilaa aan gaarno Boorame maaddaama ay waddadu inta badan la teedsan tahay soohdinta Ethiopia oo jabhada cartamayaa ay isku abaabulayaan kana soo duulaan marka ay karaan.  Dhanka Soomaaliyana ay intaa ka goosanayaan saraakiil sare oo militeri ah iyo rag ka baxsanaya in xabsiga la dhigo siyaasad ama fal dambiyeed awgood.

Raggaas u tallaabaya Ethiopia, haddii ay caasimadda ka soo baxayaan waa qarsoodi iyo dhuumasho. Laakiin marka halkaan la soo gaaro, waxaa laga yaabaa baabuur lagaa furtay in lagu sii jidmaro, taas oo laba sano ka dib ku dhicday ICRC.

Markii aan isku daynay in aan ka dheereeyno oo aan xawaaraheenna kordhinny, sidoo kale ayuu gaariga na daba socdaa sameeyay.

Markii aan isku dayno in aan aasheen u soconno si uu noo dhaafo, isaguna xawaaraha ayuu dhimay.

Runtii waxaa noo caddaatay in gaarigani uu annaga na daba joogo.

Laakiin ma ciidanka amniga oo annaga na hubinaya in aynaan Ethiopia u socon baa mise waa niman annaga nagu maqan oo weerar ah?

Annagu jihadeennii ayaan isaga soconnay.  Waddadii burbursanayd waxay ku dhammaatay Jawiil.  Tog weyn ayaa ag mara.  Waxaa keliya oo uu biyo leeyahay xilliga roobku ka da'o degaankaas ama buuraleyda Ethiopia ee uu ka soo billowday.  Waxaa dul saaran kaabad aad u dheer.

Waa kala-bayr saddex geesood ah.  Waxaa ku kala leexda waddada Muqdisho aadda, midda Feer Feer marta oo Ethiopia u gudubta.  Iyo waddada aan mari doonno oo xilligii Kacaanka uu Shiinuhu dhisay oo tagta Burco. 

Waxaan halkaa iigu dhammaaday degaannada aan anigu hore u tegey ama ay gurigeenna si joogta ah u imaan jireen dad ka soo safray. 


Matabaan ilaa Gaalkacyo

Waddada ugu dheer Soomaaliya, uguna dhismo iyo toosnaan wanaagsan ayaan cagta saarnay.

Markaan dhankaas u beyrnay ayaa noogu dambeysay gaarigii na daba socday.

Matabaan, Guriceel ayaan sii marnay ka dibna waxaan tagnay Dhuusa Marreeb.  Waxaa xarunta Qaybta 21aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u xilsaaran Difaaca aagga soohdinta inta u dhexeysa Tiyeeglow ilaa Gaalkacyo, ciidankeeduna uu hoos u gaaro Buulo Burte oo guutooyin Taangiyo iyo madaafiicda goobta ahi ay u deggan yihiin.  Waa xarun ciidan iyo basaasiin badan. Xataa Jabhadda Soomaali Galbeed Xafiis ayay ku lahayd.  Howlaha ugu badan ee magaalada ka socdaa waa howlaha ciidanka.

Waxaan xog badan ka helay muddo markaas laga joogo laba sano oo annaga oo arday iyo macallimiin Jaamacadda isugu jirna uu Taliyihii Qaybta 21aad ee xilligaas General Morgan uu nagu marti qaaday Qaybta. Taxanaha Doodaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aad isla bartaan ka heleyso ayaad booqashadaas wixii aan ka qoray aad ka akhrisan kartaa.

Cadaado ilaa Gaalkacyo ayaan marba meel istaagnay si howsha samafalka ee aan wadno aan dadka ugu fasirno.  Gaalkacyo markii aan gaarnay oo aan dadka weydiinnay bal in ay yaqaannaan qoysaska waraaqaha loo soo diray ee degaankaas, ayaa markiiba la gartay hooyo Soomaaliyeed oo ninkeedii uu u soo diray waraaq.

Waa ay noo timid.  Bartii ayaan isku wareysannay, shaahna aan ku wada cabnay.

Markii ay waraaqda ka jawaabtay, waxay na weydiisay waxa ay u diri karto carruurteeda aabbahood.  Waxaan u sheegnay waraaq iyo sawirro qoyska ah oo keliya in la oggol yahay.  Dib ayay u noqotay waxayna keentay sawir iyada iyo carruurta ah.

Garowe

Halkaas ayaan uga gudubnay oo aan tagnay Garowe.  Waa magaalo markaas la leeyahay aad ayay u cammiran tahay.  Sababtu waxay ahayd sharikadda dhiseysa waddada Boosaaso oo keentay darawaliin iyo shaqaale kale oo badan.  Xero gaar ahna ajnebigu u deggan yahay.  Dad kale oo raba in ay shaqo ka raadsadaan sharikadda ama ay ganacsi u badan makhaayado ay abuuraan oo lacag ka sameeyaan shaqaalaha ayaa iyaguna ka mid ah dadka aan sharikadda u shaqeyn laakiin Garowe u yimid nolol raadis.

Inkasta oo dadka magaaladu ay markaas u arkayeen in ay aad u cammiran tahay, haddana waxay ahayd magaalo yar weliba marka loo fiiriyo inta ay hadda tahay.

Habeenkaas waxaan xarunta Hanuninta Dadweynaha ku daawaday riwaayad ka socotay halkaas.  Ujeeddadeydu waxay ahayd dhexgalka, fahamo isla markaana dareemo nolosha magaalada xilliga yar ee aan joogo.  Halkaas ayaan habeen ku hoyannay.

Laas Caanood iyo Caynaba

Subixii xigay waxaan tagnay Laas Caanood, xarunta Gobolka Sool. Isla howshii ayaan ka fulinnay.  Waxaa noo xigtay Caynaba. Magaalo kasta marka aan ka baxno waxaan eber geynayay saacadda mayltiriska ee baabuurka si aan u ogaado masaafada ay magaalooyinku isu jiraan.

Caynaba marka aan tagnay oo aan qortay inta ay u jirto Laas Caanood. Ayaan shaah u fariisannay cooshad yar.   Rag meesha taagtaagnaa qaarna fadhiyay oo marna gabadha ajnebiga ah eegaya marna annaga na eegaya ayaan weydiiyay tuuladan magaceeda.

Jawaabta la i siiyay ma ahayn mid aan marnaba filanayay.  “Waar degmaan nahaye ha noo gefin”  ayaa mid igu yiri.  Waxaaban mar u qaatay in ay i khaldayaan laakiin markii dambe waxaan ogaaday in ay tahay Degmo buuxda.

Burco

Burco ayaan uga gudbnay oo aan wakhti badan ku qaadannay.  Guddoomiyaha Gobolka Cali Xaayow ayaa xafiiskiisa nagu qaabbilay.  Mas’uuliyiin kale oo badan oo Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco ka socda ayuu soo fariisiyay.  Halkaas ayaan ku kala warqaadannay.

Howshii aan wadnay ayaan ka warbixinnay.  Si wanaagsan ayuuna noo soo dhoweeyay Guddoomiyuhu iyo weliba mas'uuliyiintii kale ee halkaa joogay.

Waxay ahayd magaalo aad u dad badan oo cammiran marka la yiraahdo dadka dhex socda. Laakiin marka aan barbardhigo ra'yiga mala awaalka ah ee awal madaxeyga ku jiray, magaalnimo badani ka muuqan Burco.  Waa marka la eego xagga dhismayaasha, gawaarida iyo lebbiska dadka magaalada. Go'a garabka saaran, ulaha iyo budadka, dhawaaqa ka baxaya magaalada intuba waxay igu noqdeen wax aanan ka fileyn.

Burco oo ay iigu dambeysay 2002 waxaa ka muuqday horumar dhinacyo badan leh oo weyn marka aan barbar dhigo 1987.

Laga billaabo Caynaba, waxaa jiray cabsi ahayd SNM oo mar mar weerar gaadmo ah ka geysan jirtay waddada.  Waxaan xusuustaa sarkaal ay ehelkiisu in badan na soo weydiiyeen bal in uu maxaabbiista Ethiopia hayso uu ka mid yahay laakiin inta markaas ah aynaan magaciisa ka hayn Ethiopia.  Wuxuu ahaa Col. Bashiir oo ay SNM ka qabatay waddada, isaga oo la socda Bas uu Muqdisho ka soo raacay.

Shiikh

Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh.  Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer.   Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa’ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen.

Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen.  Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan.  Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah.

Beatrix oo dul taagan Buurta Shiikh 
Gaariga waxaa wadda Beatrix oo ku adkeysatay in aan buur looga sheekeyneyn sida baabuur loo saaro ama looga dejiyo maaddaama ay Swiss tahay.  Waxay ku adkeysatay in ay iyadu ka dejineyso buurta.  Si xallad leh ayayna u sameysay.

Markii aan ka hoobannay Shiikh inkasta oo ay ahayd wax igu cusub, haddana waxaa ii soo baxday in khatarta ay darawaliintu ay ka hadlayeen ay tahay ka hor inta aan waddo laami ah aan kacaanku saarin buurta.  

Waxaan tagnay meel niman militeri ahi ay bir ku gudbeen waddada oo u dhow Huddisa.

Waxay nagu yiraahdeen dib u noqda ma gudbeysaane.  In yar wadahadal ah iyo waraaqihii aan u soo bixinnay dartood wuu na fasaxay isla askarigii markii hore noo diiday waddada ka dib marka uu la tashaday qof ama ka badan aan indhaheennu qaban oo meel buush ah ku dhex jira.

Bandow

Waxaan markiiba gaarnay magaalada Berbera ee xeebta ah.  Waa bandow habeenkii.  Waxaan ku degnay Hotel Yaxye.

Berbera waxaa igu soo dhoweeyay saaxiibkeey Maxamed Siciid Warsame “Kuukaay” oo aan Radio Muqdisho ka wada shaqeynay loona magacaabay mas’uuliyad sare oo aan u maleynayo in uu ahaa ninka u sarreeya Canshuuraha Berbera.  Magacaabiddiisu waxay ka dambeysay markii uu shahaaddada MBA ee maamulka ka qaatay Machadka horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee SIDAM oo shahaaddadaas ay wadajir u bixin jireen Jaamacad Mareykan ah.  SIDAM shaqaalaha Dowladda ayay tababbari jirtay, waxaana ay Jaamacad Mareykan ah la billowday waxbarasho qaarna Muqdisho lagu qaadanayo qaarna Mareykanka oo shahaaddada MBA laga qaato.

Maxamed Siciid wuxuu ii sahlay in madaxda Dowladda aan si fudud isu wada arragno iyo in xataa ayadoo Bandow ah naloo oggolaado dhaqdhaqaaq habeenkaas oo aan booqannay goobo iyo dad aan dooneynay in aan aragno.  Jawi cakiran oo cadow aan annaga noo muuqan la iska jiro ayaan Berbera ka dareemay.

Hal habeen ayaan seexannay.

Berri subax

Magaalada ugu culus xagga tirada dadka ku nool, xagga tirada hey’adaha Dowladda iyo kuwa ajnebiga ee ku howlan, xagga xamaasadda SNM ee hoosta ka kareysa iyo xagga tirada indhaha hey’adaha amniga ee eegaya dhaqdhaqaaq kasta iyo waxa looga dan leeyahay waa Hargeysa.   Waa magaalada ugu xasaasisan inta aan soo marnay.  In aan howsheenna ka fulinno ayaan rabnaa annaga oo bed qabna, isla markaana aan xorriyaddeenna iyo xorriyadda qof kale midna aan khatar gelin. Feker iyo farsamo ayay naga dooneysaa.

Inkasta oo aan Berbera seexannay, habeenkaas oo dhan waxaan ka fekerayay berri sida aan u wajihi doonno Hargeysa. 

Hargeysa - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Sagaalaad

$
0
0
Berbera jawigeeda dabiiciga ahi ima soo jiidan.  Berigaas noloshu weli ima barin oo khibrad uma lihi ku noolaashada dhul aad uga kulul ama aad uga qabow magaalada Muqdisho.

Kaba darane waxaan aad u dhibsaday jawiga 
col-u-joogga ah ee Berbera ay habeenkii ku sugan tahay.

Ma ogeyn in aan ku soo laaban doono Berbera sannad iyo bar ka dib.  

Ma ogeyn in uu xafiiskeygu noqon doono halkan, gurina aan ka degi doono xaafadda Burca-Shiikh.  

Ma ogeyn in aan markhaati ka noqon doono xadgudub xuquuq aadane oo culus oo aan dhegta uun ka maqli jiray.

Ma ogeyn in ay ahaan doonto magaalo ay dadka deggani, siiba raggu, ay noqon doonaan ku dhowaad sidii naloo xukumay markii aan Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane aan ku jirnay oo ninka doona in uu xerada ka baxo, looga baahan yahay ruqsad uu ku baxo.

Ma ogeyn Bandowga aan hoos-jooggiisa hal habeen dhibsaday in aan habeenno badan ku hoos noolaan doono.

Ugu dambeyn waxaan u dhaqaaqnay jihada Hargeysa.  Waa waddo aan  1985 baabuur ku maray, mar aniga oo ka socda Radio Muqdisho aan soo raacay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Bettino Craxi oo dalka booqanayay oo uu Xamar ka soo kaxeeyay General Maxamed Cali Samatar.  Iyagu Hargeysa ayay toos uga degeen, laakiin qaar weriyayaasha iyo ciidanka hor dhaca ah ka mid ah ayaa ka soo degey Berbera.

Hargeysa waa Caasimadda labaad ee dalka.  Waa magaaladii ugu horreysay ee sare u taagta calan Soomaaliyeed oo xor ah saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960.  Waa munaasabaddii uu Allah ha u naxasriistee gabayaaga Soomaaliyeed ee muxtarimka ah, Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu gabayga caanka noqday ka tiriyay asaga oo tilmaamaya markii la dejinayay calanka Ingiriiska, la saarayna oo lagu beddelay calanka Soomaaliya.  

Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego e
Kaana siib kanna saar

Marka aan Muqdisho joogay, Hargeysa waxyaabaha lagu ammaano waxaa ka mid ahaa hal-abuurka dhanka Fanka, quruxda hablaha, hantida ama aan iraahdee xawaaraha dhaqdhaqaaqa shilinka Soomaaliga iyo nooca raashinka loo kariyo siiba hilibka.

Waxay ahayd meel aad uga fog caasimadda, haddana magaalo wanaagsan ah.  Qofka yiraahda Hargeysa ayaan tegey ama waan ka soo shaqeeyay, wuxuu Muqdisho u digmay qof ku leh waan kaa khibrad badan ahay, dalka iyo dadkana waan kaa aqaan.

Hargeysa ayaan soo galnay.  Gaadiid badan iyo dad aad uga badan waddooyinka magaalada dhex iyo hareera socda.  Saddexdeenna socdaalka ku nimid midkeenna ma yaqaan waddooyinka magaalada. Hoteel aan ku degno iyo xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo aan dooneyno in aan tagno midkeenna ma yaqaan.

Dhowrkii saacadood ee aan laba sano ka hor la imid wafdiga, waxa keliya oo aan xusuustaa in aan booqannay xerada Qaxootiga Gannad iyo Rugta Saraakiisha oo General Gaanni uu qado ugu sameeyay wafdiga, iyagana waddo loo maro ma aqaan.

Nin waddada maraya ayaan u istaagnay oo aan is niri tilmaan ka qaata.  Waan is af garan weynay.  Ninku af Soomaali wuu fahmi waayay.  Ingiriisna ma aqoon. Qaxooti ayaan u qaadannay oo waan isaga gudubnay.

Waxaanse la yaabnay in midkii labaad ee aan u istaagnay uu sidoo kale nagu noqday.  Waxay ahayd wax isku soo aaday oo aan aad ula yaabay.  Maalmihii yaraa ee aan magaalada joogay meel kasta oo aan maro ama aan tago dadka aan kula kulmaa Soomaali ayay ahaayeen.  Ma aqaan maalinta koowaad labadii ruux ee ugu horreeyay ee aan tilmaan weydiisto sababta ay u noqdeen ajnebi.

Hotel Maaweel ayaan filayaa in uu ahaa halkii aan ku degay.

Xasan-Kuuriya


Waxaan markiiba Raadiyay Allah ha u naxariistee, Xasan Ciise Cali Xasan oo loo yiqiin Xasan-Kuuriya oo aan ka wada shaqeynay Radio Muqdisho haddase Madax u ah Radio Hargeysa.  Xasan si qurux badan ayuu noo showeeyay.  Wuu na qado geeyay.

Ujeeddada socdaalkeenna marka aan u sheegnay iyo madaxda aan dooneyno in aan aragno wuxuu ballanqaaday in uu gacan nagu siin doono shaqadeenna, madaxdana uu ballammo nooga soo qaban doono.

General Morgan oo ah Taliyaha Qeybta 26aad ee militeriga ayna u muuqato in inta kale ee Madax joogtaa ay isaga hoos tagaan, ayaa aniga iigu muhiimsanaa in  ballan ka helno.  Waxaan qiyaasayay in uu i xusuusan doono maaddaama Qeybta 21aad ee Dhuusa Marreeb aan ku booqannay annaga oo Jaamacadda ka soconna.  Xasan - Kuuriya ayaa ballanqaaday in uu Morgan soo ballamiyo.

Xarunta Gobolka waxaan ugu tagnay Gaashaanle Sare Buulle.  Markii aan inyar u fasiray ujeeddadeenna, waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan u tarjumo hadduu doonayo gabadha ila socota in ay wada hadlaan, haddii kalena uu kula hadli karo luqadaha badan ee ay ku hadasho midka uu doono.  Waxaan u sheegay in ay ku hadasho afafka Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Spanishka.

Wuxuu ii sheegay in uu kula hadlayo Spanish. Inkasta oo aan mararka qaar u beddelennay af kale si aan isu wada afgaranno.

Waan ogaa saraakiishu in afafka Yurub oo ku hadlaan aanay Ingiriis iyo Talyaani ku koobnayn ee Ruushna ay ku hadlaan qaar badan.  Waxaane illowsanayaa in kuwa ay soo tababbartay Cuba oo militeri iyo nabadsugidba lahaa ay ku hadlaan Spanish.

Buulle guud ahaan wuu soo dhoweeyay howsha aan wadno.

Berri waxaan xerada Birjeex kula kulmi doonnaa General Morgan. 
Viewing all 305 articles
Browse latest View live