Quantcast
Channel: Yusuf Garaad
Viewing all 305 articles
Browse latest View live

Bandow - Taxanaha Maxaabbistii 77 - Qaybta Tobnaad

$
0
0
Sawir tusaale ah
Habeenkaa Hargeysa dadka aan kula kulmay waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Maxamed Nuur “Kolombo” oo aan Radio Muqdisho ka wadashaqeynay laakiin loo soo beddelay Radio Hargeysa.

Wuxuu ii kaxeeyay in uu i soo baro dhallinyaro reer Hargeysa ah.  Waxaan tagnay guri aan ka fogeyn Hoteelka Maaweel oo aan ku soo degey. Halkii ayaan ku sheekeysannay. Miyuusik ayaan dhegeysannay.  Dhallinyarada qaar way qayilayeen qaarna sheekada uun ayay ku jireen.  

Maaddaama aan yara daallanaa, howlaheyga berrito in aan u diyaar garoobana aan u baahan ahay, waxaan u sheegay dhallinyaradii in aan u hoyanayo Hoteelkeygii.   Waxaa la ii sheegay in aan la bixi karin oo ay bandow tahay.  Hadde ogow Hoteelkeygu waa meel ii muuqata.

Arrintaasi dhibaato ayay igu noqotay.  Inkasta oo aanan si buuxda u xusuusan, waxaan u maleynayaa in aan habeenkii seexday isla guriga.

Aroortii waxaan xusuustaa in aan arkay dad lagu sido baabuur shabaqle ah, kuwaas oo markii aan meelaha wareystay la ii sheegay in ay yihiin dad xalay ku xadgudbay bandowga.

Nin aan magaciisa Cali ku soo koobayo ayaan u xil saarnay in uu waraaqaha maxaabbiista ku raadiyo qoysaskooda.  Si kale haddii aan u dhigo, waxaan u sheegnay in uu wakiil naga ahaan doono, xataa marka aan Muqdisho tagno in aan isaga la soo xiriiri doonno.

Cali iyo waxaan isbaray Xasan – Kuuriya oo ah madaxa Idaacadda Hargeysa. Xasan wuxuu ballanqaaday in uu gacan siiyo Cali, haddii uu isgaarsiin u baahdana uu aniga igu soo xiro ama farriintaasa i soo gaarsiiyo.

General Morgan 

Aniga iyo Beatrix waxaan u tagnay General Morgan, Taliyaha qeybta 26aad oo shir kula jira Generaallo Xamar uga yimid oo malahayga kormeer ah.

Qol yar oo iska caadi ah oo salooto yari taallo oo aan qiyaasi karo in aanuu ahayn Xafiiskiisa rasmiga ah ayaa nala fariisiyay. 

Ma jecleysan arrinkaas oo waxaan u qaatay mar haddii uu shir kula jiro wafdi Muqdisho uga yimid in ay suurta gal tahay in uu farriin noo soo faro in aan berry u soo laabanno.  Waxaa kale oo iyadana aan baqdin ka qabay in ay dhici karto in aan galno sugitaan aan natiijadiisa la hubin oo saacado badan naga qaata.

Laakiin inyar ka dib, General Morgan ayaa noogu yimid qolkii aan fadhinnay.  Halkaas ayaan shirkeennii ku dhammaysannay. Si wanaagsan ayuu u aqbalay arrinka aan u soconnay.   Waxaan ugu soconnay in uu saddex waxyaabood gacan naga siiyo.

In waa marka horee uu la socdo oo naga warqabo in aan degaanka joogno iyo howsha aan u fulineyno.

Marka labaad in xeryaha ciidanka haddii aan u baahanno aan tegi karno oo aan magacyada maxaabbiista u sheegi karno.

Ugu dambeyn waxaan ka weydiisannay in Cali oo naga wakiil ah oo aan waraaqaha uga tagi doonno uu dusha ka ogaado, wax dhibaato ahna aan howshaas loogu geysan.

Xusuusnow, Maxaabbiista ehelkooda la raadinayo waa rag ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

General Morgan si wanaagsan ayuu u soo dhoweeyay howsha aan wadno, dalabkeenna si buuxda ayuu nooga aqbalay.

Markii uu shirku noo dhammaaday, isla markiiba kuma uu laaban Generaalladii uu ka yimid.  Annaga ayuu na sagootiyay.  Wuxuu nagula lugeeyay koriddoor dheer.  Aniga ayuu garabkayga gacanta saartay sidii ciyaalka xaafadda.  Wuxuu ii sheegay in uu shir kula jiray Saraakiil Muqdisho ka yimid, laakiin marka loo sheegay in aan nimid uu iyaga u sheegay in uu u soo laaban doono.  Waan uga mahadceliyay arrintaas.  Wuxuu ku jawaabay in ay waajib ku ahayd maaddaama uu isagu nala ballamay.

Gaarigeenna markii uu na geeyay oo aan is macsalaameynay, ayay Beatrix oo la yaabtay sida uu Generaalku noo soo dhoweeyay iyo sida uu iila kaftamay ama uu garabka ii haystay oo kalsoonida uu iigu muujiyay waxay i weydiisay in aan Morgan wax isu nahay.  Waxaan u sheegay in aynaan wax gooniya isu ahayn. i Ka dibna waxay i weydiisay in aan isku qabiil nahay.  Sidii oo kale ayaan mar labaad ugu jawaabay.

Kismaayo, 1995. 
Kalsoonida uu maalintaa ii muujiyay ayaa keentay in 1995 General Morgan oo Warlord ah oo Kismaayo haysta, General Caydiid oo duullaan ku ahina uu Goob Weyn u fadhiyo, in aan ku dhiirrado in aan dayaaradaha qaadka Nairobi ka raaco oo aan Kismaayo ugu tago.
 
Dad badan ayaa iiga digay safarkaas, laakiin General Morgan oo aan fooneeye East Leigh yaalla aan ku sii wargeliyay imaatinkeyga, wuxuu iga doonay airporka Kismaayo oo aad uga baxsan magaalada inkasta oo aan is dhaafnay.

Dhowrkii maalmood oo aan magaalada joogayna, inta badan wuu ila socday.  Xataa Hargeysa ayuu iga wareystay.

Markii aan shirka Morgan soo dhammaysannay, aniga iyo Beatrix waxaan soo kaxeynay Cali oo ah wiilkii aan howsha u xilsaarnay, waxaan u sheegay in haddii ay dhibaato kala soo gudboonaato ciidanka uu Xasan – Kuuriya u sheego in uu Generalka wargeliyo.

Xasan – Kuuriya isagana waxaan ka codsaday in Cali haddii culeys ay hey’adaha amnigu soo saaraan uu wargeliyo General Morgan.

Magaalada inta aan joogay waxaan ku arkay Saraakiil Sare oo Jaamacadda aan isku soo gaarnay qaarnay.

Berigaas waxaa caadi ahayd in saraakiil sare oo militeri ahi Jaamacdda soo galaan si ay u dhammaytiraan aqoontooda heer digrii Jaamacdeed.  Waxay u badnaayeen Kulliyadaha Injineerinka, Sharciga iyo Dhaqaalaha.

Marka ay qalin jebiyaanna waxay ku laaban jireen howlahoodii Militeriga.

Hargeysa markii ay howsha badankeeda nooga dhammaatay waxaan u gudubnay Gebileey. 

Borame iyo Soo Noqosho - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Kow iyo Tobnaad

$
0
0
Hargeysa waxaan uga gudubnay Gabiley.  Waxaan magaalada soo galnay iyada oo roob aad u xooggani uu da’ayo.   Magaalo aadan aqoon, qof waddada socdaana aanuu jrin oo roob laga okoranayo ma ahayn sida ugu sahlan ee howl looga fulin karo.

Waxaan tagnay Dukaan, ka dibna waxaan xusuustaa in guri naloo tilmaamay oo aan waraaq geynay.

Markaas ka dib Borame ayaan u gudubnay.

Wadaddadii laamiga ahayd ee marna wanaagsanayd meelaha qaarna dayactir u baahnayd ee aan Muqdisho ka soo qaadannay waxay nooga dhammaatay meel u dhexeysa Gebiley iyo Borama.  Ma hubo in aay ahayd Dila’ iyo in ay ahayd Gorayo-Cawl.

Waxaan galnay waddo aan laami ahayn.  Waa dhul dhagax ah.  Xawaaraha uu gaarigu ku socon karo aad ayuu isu dhimay.

In yar ka dib ayaan tagnay Borame.  Waa magaalo dhagax miiran ah, ku dhex taalla Buuro waawweyn oo dhagax ah, iyada lafteeduna kala sarreysa.  Xilliga roobka waa degaan aad u qurux badan.   Dhulka aflaamta qaar aan ka daawaday, siiba aflaamta Cowboy-ga lagu jilo ayaan soo xusuustay.

Waxay ahayd magaalo aad u dad badan.

Buur la yiri way guuxdaa xilliyada qaarkood ayaan arkay oo aan magaalada ka fogeyn.  Aad ayaan ula yaabay.

Waxaan markiiba soo xusuustay in hadda degaankaas uu dhul gariir ka dhacay.  Waxaan markaa u qaatay in laga yaabo in buurta uu hoos jiifo lava aan dibadda u soo bixin.

Mas’uuliyiinta Dowladda ee Borame ayaan kulannay, Saldhigga Booliiskana waan tagnay. Waxaan u fasirnay howsha aan Borame u nimid.  Sida aan dooneynay gacan ugama aynaan helin iyada oo sababtu ahayd arrimo kale oo magaalada markaa ka taagnaa oo ay ku mashquulsanaayeen.  Waan ka qanacnay.

Si kastaba ha ahaatee howsheennii waa ay noo qabsoontay.

Borame iyo guud ahaanba Gobolka Awdal, safarkaas wax badan kamaan fahmin.  1990 ayay ahayd markii aan baadiyaha Gobolka ku wareegay oo aan baabuur ku tegey Weeraar oo aan habeen ku hoyday.  

Socdaalkeygii Qol-u-jeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar, Quqi, Beysaarre iyo Baki,  waxaa igu wehliyay Alard du Bois-Raymond oo markaa aan ICRC ka wada tirsaneyn oo madax u ahaa xafiiska Borame.  Markii dambe wuxuu noqday madaxa Laanta Socdaalka ee dalka Switzerland.  

Socdaalkaas oo ahaa kii iigu horreeyay ee aan baaddiye shaqo u tago, haddii Eebbe idmo qoraal ayaan mar kale uga warrami doonaa.

Mar kale iyo waddadii dheereyd

Borame marka aan ka bogannay waxaa halkaa nooga billowday in aan waddadeennii dib ugu laabanno.  Magaalo kasta oo aan soo marnay oo aan waraaqaha maxaabbiista uga soo tagnay waa in aan dib ugu laabanno si aan u hubinno inta waraaqood ee ay suurta gal noqotay in qoysaskii ay u socdeen la gaarsiiyay, ka dibna aan uga qaadno jawaabaha u socda Maxaabbiista.

Markaas ayaan Hargeysa ku noqonnay annaga oo Gebileey sii marnay.  Habeen kale ayaan Hargeysa joognay.  Maalintii xignay ayaan socdaalkii sii wadannay. Waxaan u hoyannay Shiikh si aan uga baaqsanno kuleylka Berbera.  

Shiikh

Madaxa Idaacadda Hargeysa ayaa waraaq iigu qoray Guddoomiyaha Shiikh oo ay saaxiib ahaayeen.  Guri dhismihiisu ka duwan yahay magaalada ayaa nala dejiyay.  Berigaas aqoon uma lahayn laakiin hadda marka aan dib uu fiiriyo waxaan u maleynayaa nooca dhismaha Victorian in uu ahaa.  Waxaan xusuustaa markii aan gudihiisa galnay in Beatrix ay markiiba billowday ma moodeyn guri noocan ahi in uu halkan ku yaallo oo ay fiiro ugu dhaqqaday marba meel gooni ah.

Waa guri aan markaa mid kale ka dambeyn oo ku dhow meel hoobad ah.  Dhir dabiici ah ayaa ka dambeysa.

Runtii waa meel haddii adeeg wanaagsan loo yeelo noqon kartay goob nasasho ama dalxiis loo tago.

Waa guri uu degganaan jiray  sida la ii sheegay ninkii Ingiriis ee degaankaa ugu sarreeyay xilligii gumeysiga.

Maalintii xigtay ayaan socdaalkeenna sii wadannay.  Burco, Caynaba iyo Laas Caanood ayaan midba mar ku hakannay.  Annaga oo ku talo-galkeennu yahay in aan aroorta u baxno Qardho iyo Boosaaso ayaan habeenkaas u hoyannay Garowe.

Garowe

Markii aan Garowe soo galnay, Hotel degnay, oo aan qubeysannay ee casho u soo baxnay ayaan arkay darawalkii baabuurka oo sita shandaddiisii oo aniga i sugaya.

Wuxuu ii sheegay in aanuu Boosaaso noo raaci doonin oo uu isla caawa Muqdisho aadi doono.

Waxaan weydiiyay sababta oo aan u qaatay cabasho aniga ama Beatrix nagu saabsan in uu sheegan doono.  Waxaan is lahaa aad ka xallisid.  Laakiin arrinka uu sheegtay sidaa ma ahayn.

Wuxuu yiri shaqo uu arji u qortay inta aanuu Xamar ka soo bixin ayuu hadda Radio Muqdisho ka maqlay in dadkii araajida soo qortay loo yeeray.  Waxaa loo sheegay in ay imtixaan u yimaadaan Garoonka Kubbadda Cagta ee Banaaddir.

Mowjadaha gaa-gaaban ee Radio Muqdisho waxaa berigaas laga dhegeysan jiray dalka oo dhan, waddammada deriska ah iyo Khaliijka.  Waxaa kale oo aan xusuustaa in dad Roma naga dhegeystay ay waraaq noo soo direen.

Darawalkii aniga oo arkaya ayuu ku dhacay gaari isjiid ah oo Muqdisho u baxaya.

Waa Garowe.  Beatrix iyo aniga ayaa isku soo harnay.  Berri waxaan rabnaa in aan aadno Boosaaso.  Waa waddadii aan darteed u soo kaxaysannay darawalka, isagiina waa naga tegey.

Waxaan isku soo qaadnay in aan darawal ka raadsanno magaalada.  Haddana waa ay nala noqon weyday.  Waxaan goosannay in aan labadeennu isku qaadno waddada dheer ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo inteeda badan aan weli markaas laami la saarin.


Berri subax waxaa na sugeysa waddada Qardho.

Qardho iyo Boosaaso - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Laba iyo Tobnaad

$
0
0
Salaadda subax marka la tukaday anse weli qorraxdii soo bixin ayaan aniga iyo Beatrix ku dhacnay waddada laamiga ah ee ka baxda Garowe, annaga oo u soconna Jihada Qardho. 

In yar markii aan soconnay waddadii laamiga ahayd waa ay dhammatay.   Cagafyo kala nooc nooc ah iyo baabuur iska orgayaal ah iyo mishiinno kale oo waddada dhismaheeda loo adeegsanayo iyo shaqaale dhulka tuban ayaan dhex marnay markii waddada nalaka dejiyay. 

Waxaan marnay waddo dheer oo maalintaa soo dhan aan ku socon doonno oo inta badan dhagax ah.  Waddooyin badan oo miliqsan waan aragnay marnabase qiyaasteennu nama habaabin. 

Annaga oo aad u kulul ayaan goor duhur ah tagnay Qardho.  Waa magaalo dhexaad.  Xilligaa aan joognay aad u kulul. Kulaylka jawiga waxaa noogu darsamay safarka iyo welwelka aan ka qabno in aan habowno ama wax uun ay si naga noqdaan. 

Batuun

Markiiba howsha baadi-goobka qoysaska ayaan galnay.  Qaddar yar ka dib waxaan la kulannay gabar aan magaceeda ku soo koobayo Batuun.  Walaalkeed ayaan waraaq uga sidnaa.  

Waraaqdii markii ay ka bogatay jawaabna ay diyaarisay ayaan weydiiyay in ay ka warqabtay walaalkeed in uu nool yahay iyo in kale.  Waxay noo sheegtay in ay hadda ka hor maqashay in uu nool yahay oo uu xabsi ku jiro.  Inta ay samysay hilib oodkac ah ayay u qaadday.  Waxay aaday Ethiopia. 

Waxay noo sheegtay iyada oo la kaashaneysa rag SSDF ka tirsanaa oo Ethiopia joogay ay isku dayday in ay aragto walaalkeed, taasina ay shaqeyn weyday.  Xataa waxaa u suurta-geli weyday in loo xaqiijiyo in uu nool yahay oo uu xabsi ku jiro.

Ma hubo in ay Batuun nagu tiri in mar labaad u baxday safar noocaas ah.  Warqadda aan u keennay Batuun aad ayay ugu faraxday.  Waxayna markiiba intii aan howsha ku jirnay ay midkeenba u keentay barafuun haddiyad ah oo aan aad uga helay.

Markii aan qadeynay ayaan sii wadannay safarkeennii.  Markaa anigaa ayaa gaariga wada.  Waxaan ka carareynaa in ay qorraxdu dhacdo inta aynaan gaarin Boosaaso.

Inta suura-gal ah ee ugu badan ee gaarigu dhagaxa ku dul roori karo ayaan eryayaa.  Marka ay qorraxdii sii gaabaneyso, waxaan fishaa in buurta nooga muuqata meesha ugu dambeysa ee ishu ay qabato marka aan gaarno ay baddu noo muuqan doonto.  Laakiin mar kasta oo aan bartaas gaarno, waxaa mar kale meesha ugu shisheysa ee ishu qabato nooga muuqaneysa buur kale.  Waa buuro aan kala go’ lahayn.

Daalka, kuleylka, shanqaraha aan dhegaha u rooneyn ee gaariga dhagaxa maraya ka yeeraya, waddo xumada, aniga iyo Beatrix xataa sheeko ma jirto.

Mar kasta oo buur kale ay noo sii muuqato, iyada oo qorraxdiina sii dhacayso annagana waxaa nagu sii badanaya welwelka.

Gobolka Bari hore uma imaan.  Laakiin ilaa xad ayaan sheekooyin badan ka haystaa.   

Boosaaso

Marka laga soo tago waxoogaagii aan iskuulka ku soo qaatay, in magaalada oo la dhihi jiray Bender Qaasim ay tahay magaalo taariikhi ah iyo kaalinteedii ganacsigii fooxa iyo beeyada ee Faraaciinta, walaalkeey Ismaaciil Cumar AUN ayaa dhowr sano ahaa Isu-duwaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Bari.  Marka uu fasax ama shaqo u yimaado Muqdisho, ayuu nooga sheekeyn jiray Gobolka baaxaddiisa iyo waxyaabaha u gaarka ah; Sida in degmooyinkiisa qaaarkood doon uun lagu tegi karo ee aan waddo jirin.

Waxaa kale oo uu noo sheegay in ay Gobolka ka soo degaan waxyaabo badan oo qaarkood laga soo geliyo dalka dekado macmal ah oo canshuurta lagala dhuuntay.  Sidaa darteed ay waxyaabahaas qiimahoodu aad uga jaban yihiin kuwa xamar yaalla. Waxaa ka mid ahaa saacadaha, boorsooyina, dharka, goglaha iyo katiifadaha, maacuunta, waxyaabaha korontada ama bateriga ku shaqeeya sida rikoorrada oo berigaas kuwa labada cajaladood qaadaa ay ahaayeen farsamada ugu sarreysa, raadiyayaasha, mashiinnada xisaabta, nalalka iyo qalabka kale ee korontada iyo wax kasta oo waxtar leh oo dibadda laga keeno.

Wax aan wakhtiga eegnaba, ugu dambeyntii waxaan soo gaarnay waddo aan laami ahayn, laakiin la simay si laami loo saaro oo gaarigu aad ugu xawaareyn karo.   Waddadaas markii aan muddo yar ku soconnay, qorraxdiina ay markaa dhacday oo salaadda makhrib la tukaday laakiin weli iftiin ah, ayaan waxaan galnay Boosaaso.

Hotel aan u maleynayo in magaciisu uu ahaa Milano ayaan tagnay.  Magaaladu dhaqdhaqaaq noocaasa ma laha.  Dad waddooyinka socda ma aynaan arag.  Gaadiid aan keenna ahayna intii yarayd ee magaalada aan joognay waxaan ka aragnay hal baabuur oo kuwa xamuulka ah oo magaalada ka soo baxaya.

Nin aan hoteelka ugu tagnay ayaa meel deyrad gudaha ku taalla na fariisiyay inta uu malahaa qolalka soo diyaarinayo ama uu soo hubinayo nin la hadlay oo gudaha u galay hoteelka. 

Wuxuu naga wareystay meesha aan ka nimid, markaas ayaan u sheegnay in aan Garowe saaka ka soo baxnay.

Oday meel aan naga fogeyn gogol ku fadhiyay.  Ayaa wuxuu yiri: “Adduunyooy xaalkaa ba’. Ma dadkii xalay Garowe ku hoyday ayaa caawa Boosaaso nala jooga!”.
Wuxuu u dan leeyahay in uu tilmaamo in adduunku casri noqday oo maalin keliya loo kala socon karo Garowe iyo Boosaaso.

Xilli Boosaaso laga xagaa baxay ayay ahayd.  Iga rumeyso waxaa howl noqotay iska daa nooca aan dalbanno ee in casho naloo helo.  Dadaal ay ka mid tahay in la tegey makhaayad la xiray, aakhirkii waxaa nala siiyay raashin.

Cashada ka dib waa naloo digay.  Haddii aan berri joogeyno waa in meesha aan wax ka cuni doonno aan hadda sii wargelinno si loogu talo galo.  Iyaga ayaan u xil saarnay howshaas.

Maalintii xigtay waan joognay.  Waxay ahayd maalin dhinacna aan ku faraxsan ahay in aynaan shalay habaabin, welibana aan soo dheereynay.  Dhinacna aan jawiga magaalada xammili kari la’ahay.  Berbera ayaan markiiba soo xusuustay.

Goobihii tirada yaraa ee aan maalintaas tegey waxaa ka mid ahaa Xarunta Isgaarsiinta ee Gobolka Bari oo walaalkeey wakhti badan ka ahaa Isu-duwaha Isgaarsiinta, ninka hadda joogaana uu yahay saaxiibkiis oo aan is naqaan.  Derejada Isu-Duwaha Gobolka hadda lama adeegsado.  Qiyaasteyda waxay u dhigantay Wasiirrada Dowlad Goboleedyada ee hadda jira.  Isu Duwayaashu waxay ahaayeen mas’uuliyiinta ugu sarreeya howlaha Wasaaradda ee heer Gobol.


1995 iyo 2002 

Safarkeygii 1987, markii iigu xigtay ee aan Boosaaso tago waxay noqotay 1995 mar dad Soomaali ah oo tarxiil ah uu markab ku soo daadiyay xeebta.  Laba maalmood ayaan Boosaaso soo joogay oo aan af Soomaali, af Ingiriisna iyo af Faransiisba aan caalamka ugu soo tebiyay dhibaatada dadkaas haysatay.

Berigaas Dowlad Soomaaliyeed ma jirin, waxayna ahayd ka hor inta aan la sameyn Dowlad Goboleedka Puntland. 

1995 Boosaaso way ka dad badnayd sidii aan ku ogaa 1987, laakiin Boosaasada iga yaabisay waxay ahayd horraantii 2002 markii aan socdaal ku tegey si aan heshiis ula galo SBC, shir saxaafadeedna aan Boosaaso ugu qabto oo aan ku dhawaaqo in BBC, FM looga dhegeysan karo Boosaaso, Qardho iyo Garowe.

Markaas Boosaaso waxay ahayd mid aan la barbar dhigi karin, magaaladii densanayd ee aan arkay 1987. 

Boosaaso waxay ahayd magaalo la mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka amaba qaraddeenna.  Welibana qaar badan ka horumarsan.  Hoteellada, makhaayadaha, gaadiidka cir dhul iyo badba leh, isgaarsiinta, ganacsiga kala socda, shaqaalaha tirade badan ee dekedda, Jaamacadda Bariga Afrika oo aan booqday iyo dhsimayaasha tirada badan ee qaarkood ay aad u qurxoon yihiin.

Qofkii Boosaaso hore u yaqaannay, waxay u ahayd magaalo hor leh. Xataa waan aqoon waayay goobihii aan tegey 1987.

Wararka aan maqlayana, Boosaaso aad ayay hadda uga sii horumarsan tahay, middii intii aan ku ogaa 2002.

Boosaaso - Muqdisho - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Saddex iyo Tobnaad

$
0
0
Boosaaso markii ay howlaheenni nooga dhammaadeen ayaan ka shiraacannay oo mar kale aan soo marnay waddada dheer. Qaddar aan ku hakannay Qardho ka dib waxaan toos u tagnay Garowe.  Habeen markii aan hoyannay waan ka soo gudubnay. 

Cadaado ayaan u istaagnay in aan shidaal ka qaadanno, kaalin shidaal oo nadiif badan oo aan u maleynayo in ay markaa cusbayd.

Oday keligii joogay ayaan shidaalkii ka iibsannay.  Intii gaariga uu ku shubayay shidaalka ayaan odaga iskala sheekeystay oo aan magaciisa weydiiyay.  Adan ayuu ku soo koobay.  Waxaan weydiiyay wiilal uu dhalay oo Xamar jooga in ay jiraan?  Haa mid baa dhigta Jaamacadda, ayuu ka billaabay.  Qaarka kale inta aanuu sheegin ayaan weydiiyay magaca wiilkiisa Jaamacadda dhigta.  Wuu ii sheegay.  Markaas ayaan odaga weydiiyay oo aan ku iri adigu ma Adan hebel ayaad tahay?  Wuu ila yaabay! 

Ka dib waxaan u sheegay in wiilkiisa aan saaxiib nahay.

Qofka keliya ee aan Cadaado wadahadalnay ayuu ahaa, wuxuuna noqday saaxiibkeey Aabbihiis oo aanan weligeyba hore isu weydiin in uu nool yahay iyo magaalada uu deggan yahay ama waxa uu ka shaqeeyo.

Waxaan maalintaas safarkeenna ku hakinnay Beled Weyne oo aan habeen ku hoyannay.  Markaan aniga oo og wixii socodkii hore iga qabsaday, waan ka baaqsaday Hotel.   Waxaan jiif ka helay xarunta Italian Medical team.

Maalintii xigtay ayaan subaxnimadii ka soo baxnay Beled Weyne waxaanan ku soo laabannay Muqdisho goor galab ah.

Ilaaheey mahaddiis intaa aan soconnay Muqdisho ilaa Boorama, Borama ilaa Garowe iyo Boosaaso, Boosaaso ilaa Muqdisho baabuurka wax cillad ahi nagama gelin.  Marka laga reebo in shidaal, saliid iyo biyo aan ku shubnay, xataa hal taayar lagama beddelin.

Wuxuu ahaa safar guul noogu dhammaaday.

Xarig

Laakiin warka aan Muqdisho ugu nimid wuxuu ahaa in Cali oo aan Hargeysa u xilsaarany in uu waraaqaha ku goobo qoysaska ay u socdaan xabsiga la dhigay.

Ma ahayn marka keliya ee Cali ay ciidammada amnigu ay xireen. Marna wakhti gaaban ka dib ayay iskood u soo daayeen.  Marna waxay kalliftay in aan la xiriiro Madaxa Radio Hargeysa, Xasan – Kuuriya, si uu General Morgan u wargeliyo.  Tabtaas ayaan Cali xabsiga uga soo deynay.

Waxaa billowday in annaga oo la kaashaneyna Ururka Bisha Case e Soomaaliyeed xarumihiisa Gobollada, iyo hey’ado kale oo badan in aan jawaabo ka helno wakiillada aan Gobollada u xilsaarnay in ay goobaan qoysaska Maxaabbiista.

Wakiillada qaar waxay ahaayeen dad ay ICRC shaqo gelisay, qaarna waxay ahaayeen dad Dowladda u shaqeeya oo si samafal ah uga qeyb qaadanaya howsha.

Safar Kale

Safarkii marka aan maalmo yar ka nasannay, Beatrix iyo anigu waxaan isu diyaarinnay safar kale oo aan ugu baxayeno Wanla Weyn, Buur Hakaba, Baydhaba, Luuq, Garba-Haarreey, Buur Dhuubo iyo Qansax Dheere.

Markan waxaa socdaalka nagu wehlisa Kornelia oo u timid in ay shaqada ka beddesho Beatrix oo loo beddelay Lima, dalka Peru. 

Buur Hakaba - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Afar iyo Tobnaad

$
0
0
Beatrix, Cornelia oo iyada shaqada ka beddeli doonta maalmo gudahood iyo aniga ayaa subax ka dhaqaaqnay Muqdisho.  Waxaan sii marnay Afgooye, Wanla Weyn.

Waxaa kale oo aan sii marnay Leego iyo Yaaq-Beri-Weyne oo ah degaan aad u qurux badan oo beryahaas ay dad awood u lihi ay isaga daydeen in guri labaad oo Kahmiista iyo Jimcaha la tago ay ka sameystaan.  

Mar xillligaas in yar ka horreysay ayay ahayd markii iigu horreysay ee caana geel oo aniga oo arkaya la lisay oo kulul aan halkaa ku cabbo aniga oo degaankaas u soo raacay saaxiibbo iyo walaalo. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee caano geel sidaa u cusub aan cabbo.  Waxaan arkay in ay aad uga dhadhan duwan yihiin dhaayda geela ee aan makhaayadaha ka cabi jiray ama xataa guriga marka suuqa laga soo iibiyo ka dib.

Waan ka gudubnay oo dhowr tallaabo meel ka sokeysa buundada saaran togga Buur Hakaba ka sokeeya ayaa waxaa nagu joojiyay ciidammo meesha deggan oo baara baabuurta u tallaabeya Buur Hakaba iyo kuwa ka soo baxaya ama ka soo gudbaya.

Qaddar kooban markii su’aalo uu na weydiiyay aan uga jawaabnay ayuu askari goobta taagnaa noo fasaxay in aan socodkeenna sii wadanno.

Waxaan wadannaa gaari kiro ah oo aan ka soo qaadannay sharikadda Meryl.  Gaarigu waa Land Cruiser. Beatrix oo gaariga wadday waxaa u geli weyday marsha kale oo dhan marka laga reebo midda dib u celisa gaariga.

Si kasta haddii aan yeelnay oo aan isu beddelnay oo la demiyay oo la daaray marnaba gaarigu waa diiday marsha hore.   Waxay kalliftay in gaariga ay gadaal u dhaqaajiso oo isaga oo gadaal u socda ay kala fireyso oo aan Buur Hakaba ku galno annaga oo fuushan baabuur gadaal-gadaal u socda oo magaalada oo dhami ay na soo eegeyso.

Ma ahayn sida ugu qurxoon ee lagu tago magaalo aad howl ugu socoto, laakiin waxay ahayd sida markaas ay dantu nagu kalliftay.

Anigu isla markiiba waxaan ku soo dhacay bas meesha taagnaa oo Xamar u soo socda.  Markii aan Xamar imidna Taksi ayaan qaatay oo waxaan tegey xafiiska hey’adda oo ku yaallay Wasaaradda Dalxiiska dhabarkeeda, meel aan ka fogeyn Sayidka.  Madaxa hey’adda ayaan uga warramay xaaladda. 

Waxaan halkaas ka soo kaxeystay Land Cruiser kale iyo xarig bir ah oo gaariga kale aan ku soo jiidno.  Inta aan qorraxdu dhicin ayaan Buur Hakaba ugu imid labadii gandhood oo Hotel degay anna qol ii qabtay.  Halkaas ayaan ku hoyannay.

Habeenkaas waxaan Buur Hakaba isku aragnay Macallin ka mid ah Macallimiinteydii Dugsiga Hoose ee Buulo Burte, Gary Gobber, oo weli Wasaaradda Waxbarashada ka tirsan.  Waxaan ka xumahay in aanan Macallinkeyga aqoon magaciisa rasmiga ah.  Inkasta oo magacaan loo yiqiin waa Macallin Soomaali ah.

Waxaa kale oo aan wakhti isla qaadannay saaxiib aan isku horin ahayn Ururka Shanaad, waardiye ama santari aan habeenno dhowr ah wada qabannay markii aan ku jiray Dugsiga Tababbarka Xalane.  Isaguna macallin ayuu markaan ka yahay Buur Hakaba isaga oo soo dhammaystay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole.

Buur Hakaba waa buur aad u weyn, laakiin ka duwan buurihii aan ku soo arkay Hiiraan, Bari, Shiikh iyo Borama.  Buur dhagxaan ah ma aha ee waa hal dhagax oo weyn oo is-haysta oo keligiis buur ah.

Degaanka intiisa kale waa dhul siman.

Waagu markii uu baryay ayaan labadii baabuur isku soo daba xirnay waxaanna ku soo laabannay Muqdisho xilliga qadada.


Gaari kale ayaan diyaarsannay, waxaanna ku ballannay in aan berri subax mar kale u baxno safarkeenna Luuq ee naga dhicisoobay.

Baydhaba iyo Luuq - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Shan iyo Tobnaad

$
0
0
Goor subax ah ayaan gaari wanaagsan kaxeysannay oo aan toos u aadnay Baydhaba.  Saddex ayaan nahay - waa Beatrix, Cornelia iyo aniga.  Hotel Eden ayaan ku degnay saddxdeennuba.

Xuseen oo Madax u ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed faraciisa Gobolka Bay ayaa howsha baadi-goobka qoysaska hore u sii waday.  Xuseen waa Madaxa Bisha Case ee Baay, waana macallin Jaamici ah oo Dugsiga Sare wax ka dhiga.  Waa nin deggan, xushmad badan oo shaqo yaqaan ah. labadiisa shaqana daacad u ah.

Isla maalinta aan nimid ayaan Xuseen la qaadannay shir.  Warbixin ayuu na siiyay.  Dokumenti hor lehna waan kala qaadannay.

N. S. S*.

Subax hore ayaan quraac u fariisannay makhaayadda hotelka.  Waxaan ku jirnaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee safarkeenna maanta aan ugu amba baxeyno Luuq.  Annaga oo quraacaneyna, iskana hubeyneyna in ay wax walba noo dhan yihiin oo aan qorshaheenna ku soconno, ayaa waxaa ii yeeray saddex nin oo fadhiya miis aan naga fogeyn.  Mid nimanka ka mid ah ayaa i soo dul istaagay oo hadal gaaban igu yiri waan kuu baahan nahay ee noo imow. 

Waan u tegey.  Waxay gashan yihiin muraayado madmadow, waxaadna mooddaa in ay wax qarinayaan xataa qaabka ay iila hadlayaan ma ahan caadi.

Aniga oo ka koobinaya, waxay ii sheegeen in ay ka tirsan yihiin Nabad Sugidda Qaranka, NSS, ayna doonayaan in ay su’aalo i weydiiyaan.  Waxaan su’aashoodii ugu horreysay uga jawaabay in aniga iyo labadan gabdhood aan ka soconno Laanqeyrta Case ee Caalamiga ah, ICRC.  Su’aasha labaadna waxaan uga jawaabay in gabdhaha dhalashadoodu ay tahay Swiss.

Waxay yiraahdeen Ethiopia miyaad ka timaaddeen?  Maya ayaan ugu jawaabay ee Xamar ayaan ka nimid.  Waxay daba dhigeen, hadda ma Ethiopia ayaad u socotaan?  Mar kale ayaan u sheegay in aan xaalku sidaa ahayn.

Cabbaar ayay aammuseen oo is fiiriyeen.

Su’aalahooda markaan qiyaasay waxaan gartay in ay ka warheleen in aan waraaqo ka keennay Ethiopia, kuwa kalena aan hadda u sidno.

Waxaa aan u fasiray ICRC iyo waxa ay qabato.  Intaa ka dibna waxaan u sheegay howsha aan wadno iyo waxa ay tahay.  Waxay yiraahdeen yaa idiin fasaxay?  Marka aan gabdhaha ku laabtay oo aan ka soo qaaday ayaan nimanka hordhigay dokumenti.  Waa waraaqo caddeynaya oggolaashada Dowladdu in ay howshaan la socoto.

Intaas ka dib way i fasaxeen.

Gabdhaha markii aan u fasiray waxa miiska aan tegey ka dhacay iyo sida ay ku dhammaatay ka dib, waddada Yurkud ayaan ku dhacnay.

Gedo

Yurkud waa tuulo u dhexeysa Baydhaba iyo Luuq  dhagax miiran ah.  Dhagxaan aad mooddo in hadda lagu daadiyay ayaa waddada karooran.  Inteenna baabuurka saaran, sheeko warkeed daa ee waxaa adag in aan is maqalno. 

Waxaan uga gudubnay Luuq.  Waxaan ku degnay qolo Mareykan ah oo joogtay xerada Qaxootiga Halbo. Waxaan u maleynayaa in ay ahayd Halbo Two.  Casho iyo jiif ayay na siiyeen subixiina wey na quraaciyeen inta aan shaqo loo kallahin.  Luuq ayaan subaxaas ka billownay howshii baadi goobka qoysaska.

Habeen labaad ayaan seexannay Luuq.  Subixii xigay waxaan u baxnay safar dheer oo qallooc ah.  Waxaan ku hakannay tuulada Meyka-reebay.  Cillad ayaa gaariga naga gashay.  Nasiib wanaag, dhakhso ayaan uga saarnay.  Markii aan u weecannay Garbahaarreey oo aan joognay saacado kooban laakiin aan dad badan kula kulannay waxaan sii wadannay safarkeenna.  Waxaan u gudubnay Buur Dhuubo iyo Qansax Dheere.  Annaga oo kax la ah daal, boorka dusheenna saaranna aad yaabto ayaan u soo hoyannay Baydhaba iyo mar kale Hotel Eden.

Maalintii xigtayna waxaan ku soo laabannay Muqdisho.

Adam Aw Xersi oo hadda ah Wasiir ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa mar dambe ii sheegay in nin ay isku magaalo ahaayeen laga warhelay in Ethiopia ay dhaawac ku qabaty.  Waaxaa looga duceyn jiray Dugsi Quraanka iyo Masaajidkaba in Allah ka soo badbaadiyo.  Ninkaas waxaa mar dambe la soo sheegay ayuu yiri in la dilay.  Waxaa shakiga naga saaray aakhirkii waraaq aad safarkaas keenteen oo maxbuusku soo qoray.

Markii aan Baay iyo Gedo ka soo laabannay, safar kele oo noo qorsheysnaa Beatrix in aan isu raacno wuxuu ahaa Kismaayo.

Muddo markaas dhowr bilood laga joogo ayaan Kismaayo ku tegey safar dhulka ah aniga oo ka socda Radio Muqdisho.  Inkasta oo aan safarka Kismaayo aad uga soo helay, howsha maxxiistuna ay wadnaha iiga taallay, kolkaan waan ka cudur daartay safarka.  Beatrix waxay Kismaayo isu raaceen Faaduma Shiikh Cabdi oo ka tirsanayd xafiiska ICRC.

Taxanaha 

Taxanaha Maxaabbiistu wuxuu geli doonaa Qormooyin ku saabsan, heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia iyo kala beddeleshadii Maxaabbiista dagaal ee labada dal. 

Waxaan ka warrami doonaa sida aan u amba bixinnay dhowrkii kun ee ka joogay Ethiopia ilaa aan geyno Diri Doa.  Iyo maalin shaqo tii abid iigu farxad badnayd oo ah soo laabashadii Maxaabbiista Soomaaliya ee ICRC ay ka soo qaaday Dire Dawa.

Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa ku soo dhoweeyay airporka.   Ka dibn waxay Dowladdu dejisay xerada militeriga ee Xalane.  Halkaas oo aniga iyo Cornelia aan wareysi kula yeelannay Maxbuus kasta goonidiisa.

-----------------------
*NSS waa ciidankii qarsoodiga ahaa berigii Madaxweyne Maxamed Siyaad.

Heshiis Soomaaliya iyo Ethiopia - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Lix iyo Tobnaad

$
0
0
Berhanu Bayeh
Dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa xigay xaalad aan col ahayn nabadna ahayn.  Waxaa soohdinta labada daraf ka fadhiyay ciidan xoog leh si haddii midka kale uu lacalla soo duulo ay isaga daafacaan.  Waxaa dal kastaa uu hubeynayay Jabahadaha la dagaallamaya kan kale.  Waxaa idaacadaha labada caasimadood ka baxayay dacaayad ka dhan ah midka kale. 

1988 ayaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo Hoggaamiye Mengistu Hailemariam ay ku kulmeen Djibouti, caasimadda Jamhuriyadda Djibouti.

Labada hoggaamiye waxay la noolaayeen xanuunka Jabhado ku sii xoogeysanaya.  Awoodda militer ee jabhadaha, culeyskooda   siyaasadeed iyo galaangalkooda diblomaasiyadeedba waxay khatar ku hayeen jiritaanka Dowladaha labada Hoggaamiye ay Madaxda ka yihiin iyo xataa jiritaanka ilaa xad dalalkooda.

Wadahadalka marka loo fariistay, labada dhinac midkood wuxuu soo jeediyay in xaaladda colna aan ahayna nabadna aan ahayn ee tan 1977 taagnayd laga baxo.  Wuxuu soo jeediyay in xaaladdaas looga gudbo in ciidanka soohdinta isku hor fadhiya la kala qaado.  Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la joojiyo dacaayadaha uu mid waliba kan kale ka fidinayo. 

Marka intaas la helo oo ay kalsooni abuuranto in loo gudbo ka wadahadalka soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal.

Dhanka kale, sidaa ma dooneyn mana oggoleyn.  Wuxuu qabay in waxa ugu horreeya ee laga wadahadlayaa ay noqdaan muranka soohdinta.  Taas oo aan laga heshiinna ma imaan karto ayuu yiri kalsooni iyo in xiriirka caadi laga dhigo.

Waa laba mowqif oo isdiiddan haddana  labada dhinac mid waliba mowqifkiisa ayuu ku adkeystay.  Labada Hoggaamiye sidaa ayay ku kala kaceen.  Wadahadalkana wax natiijo ahi kama soo bixin sida uu mas’uul miiska wadahadalka fadhiyay ii sheegay.

Berbera

Madaxweyne Siyaad dalka ayuu ku soo laabtay wuxuuna ka billaabay booqasho uu ku tegey degaanno ay ka mid yihiin Hargeysa iyo ka dib Berbera.

Isaga oo ku sugan Berbera, Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa soo gaartay farriin ka timid Ethiopia.  Diblomaasi Sare oo Soomaali ah oo farriinta siday ayaa ku wargeliyay in wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia uu diyaar u yahay in uu yimaado Muqdisho si uu wadahadal ula galo Dowladda Soomaaliya.  Siyaad arrintaa wuu aqbalay.

April 1988 waxaa Muqdisho ka soo degay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Berhanu Bayeh iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wadahadal labada Dowladood ku dhex maray Muqdisho ka dib ayay Soomaaliya iyo Ethiopia soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen qodobbo dhowr ah.

Waxaa uu heshiiskaasi dhigayay in ciidammada la kala fogeeyo oo mid waliba uu dib uga sii gurto soohdinta, in la labada dhinac uu mid kastaa joojiyo propagaandada ka dhanka ah midka kale iyo in labada dal ay is-wedyaarsadaan maxaabbiistii ay ku kala qabsadeen dagaalkii 1977.

War-murtiyeedka waxaa wadajir u soo saaray Axmed Maxamuud Faarax iyo Berhanu Bayeh.

Axamed Maxamuud Faarax wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaare Ku Xigeen, wuxuuna ka tirsanaa Guddiga Siyaasadda ee halka Xisbi ee siyaadeed ee dalka ka jiray.  Axmed waxaa kale uu ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka oo ay xubno ka ahaayeen 25-kii sarkaal ee talada dalka xoog kula wareegay 21-kii Oktoobar 1969.

Berhanu Bayeh, waa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia.


ICRC

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas dhowr jeer oo hore ayuu Soomaaliya iyo Ethiopia u qoray waxa afka diblomaasiyadda lagu yiraahdo Afti Rasmi ah (note verbale).  Wuxuu u soo jeediyay labada Dowladood in Maxaabbiista la isu celiyo.  Aftida Rasmiga ah ee ugu dambeysay waxaa labada Dowladoodba ay ICRC u dirtay 14 Maarso 1988.

Markii April ay ka war heshay in ay labada Dowladood ku heshiiyeen in Maxaabbiista ay is weydaarsadaan, ICRC mar kale ayay labada Dowladoodba u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay iyadu fuliso howlgalka kala beddeleshada maxaabbiista.

Labada Dowladoodba waa ay aqbaleen.  Waxay ahayd tallaabo aadminnimo oo macna weyn ku fadhida.

Galabta uu soo dhacay warka ku saabsan in heshiis ay ku gaareen Soomaaliya iyo Ethiopia in ay maxaabbiista is weydaarsadaan, waxaan joogay Wakaaladda Wararka ee SONNA.  Waxaan markiiba telefoon ku wargeliyay Madaxa ICRC oo ka warsugayay waxa ka soo baxa wadahadalka labada Dowladood.

Xusuus iyo Uur-ku-taallo

Waxaan galabtaa soo xusuustay hadalkii Cabdulle Bashiir markii aan ugu tegey Naar Weyne. Waxaan u sheegay wiilkiisu in uu nool yahay kuna xiran yahay Ethiopia.  Saaxiibkiis oo arrintaa quus ka muujiyay ayuu Cabdulle ugu jawaabay "inta labada Oday ka wadahadlaayaan eey ka shiran tahay". Sheekadaas waxaad ka akhrisan kartaa Qaybta Afraad ee Txanaha Maxaabbiista oo cinwaakeedu yahay Caliyaale iyo Naar Weye.

Nin oday ah oo maxaabbiista Ethiopia ka mid ah, oo ku jiray Isbitaalka Digfeer ayaan isagana maalmihii heshiiska xigay waxaan weydiiyay in uu maqlay in labada Dowladood ay heshiis gaareen oo la geynayo dalkiisa.

Ismaynaan af aqoon oo waxaa noo kala tarjumayay mid ka mid ah Maxaabbiista Ethiopia oo af Soomaali bartay ku dhowaad 11-kii sano ee uu Soomaaliya ku xirnaa.

Odagii in door ah ayuu af Xabashi ku hadlayay.  Waan la yaabay meeshii aan haa ama maya ka sugayay, hadalkan badan ee uu taxayaa wuxuu noqon karo.

Tarjubaanka ayaa markiiba ii fasiray.

Wuxuu odagu sheegay noloshiisa in laba jeer uu damcay in uu is dilo.  Mar waxay ahayd ayuu yiri markii beertiisa laga soo dhex qabtay, naagtiisii iyo dukaankiisii laga soo kaxeeyay ee xabsi Muqdisho yaalla la dhigay.  Si iyo wax aan isku dilo ayaan heli waayay ayuu yiri.

Marka labaad ee aan damcay in aan is dilo waa hadda ayuu yiri.  Waa marka aan muddada intaa le’eg xabsi ku jiray aniga oo aan waxba galabsan ee hadda la igu jeesjeesayo ee la i leeyahay dalkaaga ayaa lagugu celinayaa. 

Waxaan soo xusuustay nolosheydii oo habeenkii ma seexdo.  Waxaana i haysa in aan is dilo.

Tirada Maxaabbiista Labada Dhinac - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Toddoba iyo Tobnaad

$
0
0
Soomaaliya gudaheeda maxaabbiista Ethiopian-ka ah waxaa lagu hayay afar goobood oo ay ka mid ahaayeen Xabsiga Dhexe ee Xamar, Dhanaane iyo Laanta Buur.

ICRC waxaa loo oggolaa saddex xabsi oo ay ku arki jirtay isu geyn 266 maxbuus oo Ethiopian ah iyo duuliye Cuba u dhashay oo isagana dagaalka lagu soo qabtay.  Markii ay labada Dowladood heshiiyeen, Soomaaliya waxay ka aqbashay ICRC in ay iyadu fuliso howgalka kala beddelaadda maxaabbiista. 

Markaa waxaa ICRC loo oggolaaday in ay booqato saddexxdii xabsi ee ay hore u tegi jirtay iyo mid afraad oo hor leh.  Xabsiga afraad waxay ICRC ku soo aragtay oo ay liis gareysay 2,659 maxbuus oo Ethiopian ah.  Waxay u badan tahay in ku dhowaad 11 sano oo ay xirnaayeen maxaabbiistaasi ay ahayd markii ugu horreysay ee ay arkaan cid ka baxsan Soomaalidii gacanta ku haysay.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay ICRC tuseen isu geyn in ka badan 3,500 oo maxbuus oo Ethiopian ah mid ka mid ahi waxay ahayd gabar Soomaali ah oo aan gooni uga warrami doono. 

Bishii Luulyo waxay ICRC dib isugu soo celisay xubnaha 300 oo qoys oo Ethiopian ah oo ku kala xirnaa xabsiyo kala duwan oo Soomaaliya gudaheeda ah.
Sida hooyo iyo wiilkeed xusuus weyn igu reebay oo ka mid ahaa dadkii aan dhoofinnay.

Waxay ahayd hooyo Ethiopian  ah oo maalmiheedii ugu dambeeyay Soomaaliya, xanuun dartiis taallay Isbitaal Banaadir.  Xilli salaadda subax la addimayo ayaan ka soo qaaday Isbitaalka oo aan geeyay Airporka maaddaama ay subaaxaas ku qornayd duullimaadka ugu horreeya ee geynaya Dire Dawa. 

Waa ay iska wanaagsanayd. In markii aan airporka joognay oo aan howl kale ku jiray ayaan goor dambe arkay iyada oo ooyaysa.  Waan ka naxay. Maaddaama aynaan is af aqoon, waxaan sababta ooyinta weydiiyay qaar la joogay. Waxaa la ii sheegay in ay aragtay wiilkeeda oo xabsi laga soo saaray.

Jannaale

Maaddaamada ay maxaabbiista Ethiopian-ku aad u tiro badnaayeen isla markaasna ay xabsiyo kala duwan ku jireen waxay ICRC qabanqaabisay xarun geshiin ah ama ku meel gaar.  Dowladda Soomaaliya waxay xaruntaas ka dhigtay Ceel Jaalle, oo ka titsan magaalada Marka.  Waa degaan aad u qurux badan. Waa meel kacsan oo dhinacna ay xigto buur bacaad ah dhinaca kalena badda.  Waa muuqaal aad u qurux badan siiba marka qorraxdo ay soo baxayso iyo galab-gaabkii ilaa qorrax dhaca.

Sarkaal ajnebi ah iyo aniga ayaa naloo diray in aan soo aragno goobta. Waxaan soo hubinney qolalka jiifka, kushiinka iyo meesha wax lagu cuno, xafiisyada iyo musqulaha.

Waxaan xusuustaa soo laabadkii in aan sarkaalkaas aan wada shaqeyneynay oo dalka ku cusbaa aan soo marsiiyay waddo ka duwan middii aan Marka ku tagnay.

Waxaan u weeciyay dhinaca Jannaale aniga oo sii marsiiyay, beerta Adan Cadde, tuulada Mushaanni oo aan booqannay beerta Cabdalla Mushaanni iyo aakhirkii Jannaale.  Waxaan xusuustaa in uu igu xanaaqay.  Wuxuu yiri halkaani waa Yurub oo kale.  Inta aynaan Muqdisho ka soo bixin maxaad iigu sheegi weyday in aan dhul noocaan ah tegeyno?  Waxaan weydiiyay waxa uu sameyn lahaa.  Wuxuu yiri qalab ayaan soo qaadan lahaa Madaxa Xafiiskana waxaan nooga soo qaadi lahaa fasax in aan caawa halkaan ku hoyanno.

Ma ogeyn waxa uu ula jeedo halkani waa Yurub.  Waayo anigu markaa Yurub ma aqoon. Markii aan Yurub tegey kuna wareegay ayaan arkay in meelo badan ay ku leedahay dhul beereed iyo dhir aad u waaweyn.  Geedaheedu aad ayay u jirrid weyn yihiin sida geedo aan ku arkay Jannaale, Jamaame iyo Mareerreey.

Ethiopia

Sannadkii 1988, intii ud dhexeysay bilihii Jannaayo ilaa  Agoosto, ICRC waxay booqatay saddex goobood oo dalka Ethiopia ah oo isu geyn ay ku soo aragtay 238 maxbuus oo Soomaali ah.

18-kii Agoosto ayay Dowladda Ethiopia u fasaxday ICRC in ay maxaabbiistaas u qaaddo dalkooda.  Dowladda Ethiopia waxaa kale oo ay ICRC u fasaxday in ay mid mid u weydiiso maxaabbiista oo ay hubiso in uu doonayo in uu ku laabto dalkiisa.

Ka hor inta aan maxaabbiista la soo qaadin, ayaa booqashadii ugu dambeysay waxay ICRC ku tagtay xabsiga Dire Dawa ee lagu hayay maxaabbiista Soomaalida.  Laba maalmood oo keliya ayaa ka harsanayd billowga daadgureynta iyo kala beddelaadda maxaabbiista.

16 maxbuus oo Soomaali ah oo hor leh oo aan ICRC weligeed arag ayay Ethiopian-ku keeneen.

Tirada guud ee maxaabbiista Soomaalidu waxay sidaa ku noqotay 254.

Qabanqaabada ugu Dambeysa - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Siddeed iyo Tobnaad

$
0
0
Marka
Maxaabbiista Ethiopian-ku waxay ku xirnaayeen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, Xabsiga Dhanaane, Laanta Buur iyo Hawaay oo ku taalla Sablaale agteeda.

Waxaan Qaybta 17aad ee Taxanahan ku sheegay in Xabsiga marka laga soo saaro Maxbuus kasta la geynayay Ceel Jaalle inta aan dalkiisa lagu celin.

Akhristow waxaad is weydiin kartaa sababta.


Waayo?

Maxaabbiista Ethiopian-ku waxay intooda badani ay xirnaayeen ku dhowaad 11 sano. Markaa waxa la goostay in dalkoodii aan la isaga celin uun ee la helo muddo yar oo u dhexeysa maxbuus iyo qof xor ah.

Markaa waxaa la goostay in la geeyo Ceel Jaalle dhowr maalmood ka hor inta aan lagu celin dalkooda.

Ceel jaalle waxay ahayd xarun caafimaadkooda lagu baaro, dharka maxaabbiista looga beddelo, ay timaha ku jartaan, qubeys wanaagsan ay ka helaan, raashin nafaqo leh ay ku cunaan, qof waliba uu iskiis xor ugu yahay  goorta uu seexanayo iyo goorta uu toosayo iyo faa’iidooyin kale oo badan marka xabsi la barbardhigo.

Qof kasta oo ka mid ah maxaabbiistaas Ethiopian-ka ah, suuqa dharka aan cusbeyn ee magaalada Muqdisho ayaan dhar iyo kabo uga soo iibannay.  Iibinta dharka waxaa igala qeyb qaatay saaxiibbo Soomaaliyeed oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC iyo qaar kaleba.


Jadwalka Gaadiidka

Maxaabiista Ethiopia waxay ku jireen afar xabsi oo kala fog fog iyo laba Isbitaal oo Muqdisho ku yaal; Digfeer iyo Banaadir.  Tiradoodu waxay kor u dhaaftay 3,500.
 
Bal qiyaas intaas oo maxbuus, oo ciidan iyo rayidba leh, oo mid kasta la rabo in lagu qoro duullimaad.  Waliba ka hor inta aan la gaarin socdaalkiisa la rabo in la geeyo Ceel Jaalle.  Marka duullimaadkiisa la gaarana saacado ka hor laga soo qaadayo Ceel Jaalle oo la geynayo garoonka Muqdisho.  Ka hor inta aanuu dayaaradda cagta saarinna ay labada Dowladood ay kala saxiixanayaan iyada oo ay ICRC oo howsha fulineysana ay dhinac ka saxiixeyso.

Waa howlgal maalin oo dhan iyo saacado badan oo habeen ah socda oo jadwal ciidan, mid shaqaale iyo mid gaadiid dhul iyo cirba u baahan.

In maxaabbiis laga qaado goob oo mid kale la geeyo waxay u baahan tahay oggolaasho in ka badan hal hey’ad ay sameyneyso, dokumenti la hubiyay oo haddana xafidan, ilaalo ku filan oo labada goobood joogta iyo mid waddada marsiisa.

Maxbuus kasta waxaa la rabaa in la geeyo Ceel Jaalle ka hor inta aan la dhoofin.  Ceel Jaalle mar qura ma wada qaado maxaabbiista oo dhan.  Markaa waa in la hubiyaa in kolonyada baabuurta maxaabbiista ka qaadeysa Ceel Jaalle ee u socota Garoonka Dayaaraduhu ay ka soo baxday Ceel Jaalle, ka hor inta aan gawaarida u socota Ceel Jaalle aanay ka soo bixin xabsiga mid uu yahayba.  Sidaasna lagu wargeliyaa hey'adaha ay khuseyso oo dhan oo ay isla aqbalaan.

Sidoo kale, Gawaaridu inta aanay ka soo bixin Ceel Jaalle waa in la hubiyaa dayaaradda ka imaaneysa Dire Dawa  saacadda ay imaaneyso si aan maxaabbiistu ugu qorraxoon airporka iyaga oo sugaya dayaarad dalkooda ku celisa.

Dayaaradda Dire Dawa ka soo kacaysana waxay ku xiran tahay sida ay diyaar u yihiin Maxaabbiista Soomaalida ee ay ka soo qaadi lahayd Ethiopia.

Waxaas oo dhan waxaa dhinac socda hey'ado badan; Ciidanka Asluubta, Laanta Socdaalka, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo isha ku haya tallaabo kasta oo la qaadayo iyo cid iyo wax kasta oo xabsiga laga saarayo, la dhoofinayo ama la soo gelinayo dalka.

Yaa ka Mas’uul ah?

Haddii ay si wax noqdaan ama wax aan lagu talo galin lala kulmo, si looga baaqsado daah, waxaa hey’ad kasta oo howsha ku lug leh looga baahnaa mas’uul go’aan qaadan kara isla markaas iyo isla goobta.   

Dhinaca Dowladda Soomaaliya hey’adaha ka socda oo dhan waxaa wakiil ka ahaa oo go’aankooda loogu imaanayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Maax, oo ahaa Madaxa Guddiga kala wareejinta Maxaabbiista.

Isgaarsiinta VHF
Dhinaca Ethiopia waxaa wakiil ka ahaa Danjiraha Ethiopia u fadhiyay Muqdisho,

Howshaas xooggeeda waxaa hagayay mas’uuliyiin tiro badan oo ka tirsan ICRC oo qaarna ay hore dalka u joogeen, qaar aad uga badanina ay howlgalka u yimaadeen.  Qaar Soomaaliya joogo, qaarna Ethiopia.

Dhinaca ICRC waxaa u sarreeyay Richard Anderegg oo ah Madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya.

Anigu goobaha aan shaqo u tagey, oo weliba aan qaarkood aad ugu noqnoqon jiray waxay ahaayeen Xabsiga Dhexe, Xabsiga Dhanaane, Isbitaallada Digfeer iyo Banaadir iyo Ceel Jaalle.

Safaaradda Ethiopia waxay ku taallay meel u dhaxeysa Madbacadda iyo Xeebta Secondo Lido.  Waxay ahayd safaarad laga feejigan yahay oo shacabku rumeysnaa in ilaalo qarsoon ama basaasiin ay dul fadhiyaan 24-ka saac, qofka galana uu dhib la kulmo marka uu ka soo baxo.   Iyada lafteeda dhowr jeer ayaan u tegey howl maxaabbiista la xiriirta.

Berigaas ma jirin telefoonka la qaato, internetna haba sheegin.  Baabuurta ICRC ayaa waxaa noogu rakibnaa Raadiyaha loo yaqaan VHF.  Isaga oo anteena gacanteyda ka dheer lehna  wuxuu noo ahaa kan Gacanka hadda loo yaqaan oo berigii aan u niqiin Walkie Talkie.  Dabcan ICRC, iyo hey’adaha Dowladda oo iyaga dhexdooduna sii kala duwan waxaan dhammaanteen haysannay mowjado kala duwan.

Maxaabbiista Dagaalka oo Soomaaliya ku soo laabtay - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Sagaal iyo Tobnaad

$
0
0
Madaxweynaha oo soo dhoweynaya Maxaabbiista dagaalka
Waa Talaado.  Taariikhdu waa 23 August sannadka 1988.  Waxaa maanta billaabanaya isu celinta maxaabbiista dagaalka ee Soomaaliya iyo Ethiopa. 

Waa maalin-shaqo tii abid iigu farxad badnayd.  Waa maalintii ay xorriyaddooda dib u heli doonaan dad looga talo galay in ay dagaal ku dhinteen toban sano ka hor.  Dad aan inta badan ehelkoodii aniga oo ICRC ka socda aan soo wargeliyay in ay nool yihiin.  Dadkaas ayaa maanta dalkooda ku soo laabanaya.

Waa maalinta iigu horreysa ee aan arki doono rag aan magacyadooda hayo. Xaasaskooda iyo carruurtooda aan aqaan.  Qaar aan hooyinkood ama aabbayaashood la kulmay.  Qaar aan Muqdisho kula kulmay.  Qaarna aan kula kulmay safarkii dheeraa ee aan ku maray dalka intiisa badan. 

Laakiin aan iyagu, waa maxaabbiistee, jiritaankeygaba ogeyn, maadaama aynaan weligeen is arag, ismaqal, macaammil toos ahina aanuu na dhex marin.

Ma ahan maxaabbiista keliya in aan kulmi doono.  Waxaa kale oo aan la kulmi doonoaa ehelkoodii aan u kala warqaadi jiray oo qaarkood ay ka yimaadeen gobollada si ay u soo dhoweeyaan aabbahood, walaalkood, wiilkooda, adeer ama abtigood.

Gelinka hore ee maalintaas Talaadada ah waxaan dirqi uga baxsaday in aan anigu xabsi galo.  In howshaas oo shaqaale fara badani ku jirayna, aanay aniga iyo mas’uuliyiin kale oo la isla keen xiri lahaa aanay darteen u baaqateen.  Sidii darteedna waxaan halis u galnay in aan maalintaas gefno.

Xabsiga Dhanaane

Gelinka hore ayaan shaqo u baxnay aniga, laba Swiss ah oo ICRC ah, nin filim-soo-saare ah oo la doonayo in uu barnaamij ka sameeyo howlgalka, waxaan u maleynayaa in dhalashadiisu ay ahayd Nigerian.  Waxaa na wehliya sarkaal ka socda Hey’adaha amniga Soomaaliya.  Waxaan isu raacnay xabsiga Dhanaane.

Nooca gaariga uu watay Sarkaalku
Waxaan wadannaa saddex gaari - laba Landcruiser oo ICRC ah iyo baabuur jeep ah oo uu wato mas’uulka amnigu.  Sarkaalka amnigu dhar rayid ah ayuu qabaa, laakiin gaariga uu wato waxaa marsan midabka Xoogga Dalka.

Markii aan tagnay, ayuu ninkii filim qaadaha ahaa waxaa uu billaabay in uu video ka duubo maxaabbiista Ethiopian-ka ah.  Waxay ahayd arrin la isla wada ogaa.  Laakiin waxaan arkay Sarkaalkii Amniga ka socday oo gariiraya caro darteed.  Wuxuu si  kulul amar ku siiyay Sarkaal Ciidanka Asluubta ah in uu kaamerada ka qaado ninkan ajnebiga ah.  Sarkaalkiina askari ayuu ku amray fulinta amarka.

Anigu markaas maskaxdeydu waxay gashay xaalad is-difaac ah.  Sideen uga badbaadaa in aan xabsi ku galo murankan billowga ah?  Waa dhaqan aan illoobi doono marka aan sannad kale howsha ku jiray oo aan Berbera ka howlgalay.


Labada Sarkaal ee ICRC midka aniga madaxda ii ahaa ayaan u tegey oo aan iri meeshaan jawigeeda uma bogin ee aan ka laabanno. Waxay i weydiisay maxaa dhacay? 

Ma ahayn meel wax la isugu fasiri karo oo waa la is wada ag taagan yahay.  Wakhtiguna wuu socdaa oo askarigii amarka la siiyay wuxuu ku sii socdaa ninkii filimka qaadayay.

Sarkaalka amnigu ma faraxsana, ayaan ku soo koobay hadalka.  Waxay tiri arrintan waa lagu heshiiyay oo waan u fasireynaa.  Waxaan ku iri joogi maayo ee xafiiska ayaan tegayaa ee waa inoo hadhow.

Aniga oo aan oggolaasho sugin ayaan gaarigeyga qaatay.

Dhanaane marka aan joogay Radiyaha baabuurka iigu xiran iyo gacanka aan sitay midna ma lahayn signal.  Marka aan Xalane ku soo dhowahay ayaan la hadlay Madaxa Ergada ICRC.  Waxaan u fasiray xaaladda.

Aniga oo waddada Maka al Mukarrama ku jira ayaa Xafiisku i soo wacay oo la ii sheegay in aan ku laabto Dhanaane oo xaaladda aan ka soo bixiyo warbixin buuxda.  Waxaan u sheegay in aanan Dhanaane tegi karin,  laakiin aan falayo wixii aan karo.

Dib ayaan u laabtay.  Waxaan u tegey askari waardiye ah oo hor taagan Xerada Militeriga Xalane.

Wixii aan ka baqayay ayuu ii xaqiijiyay.  Baabuur astaanta ICRC ee keyga ku xardhan oo kale ay ku dhegsan tahay in uu goor dhoweyd maray halkan oo dhinaca magaalada u gudbay.

Maaddaama aan daqiiqadahaas kooban aan howshii xabsiga lagu soo dhammeyn, isla markaana aanay saraakiisha ICRC ku laaban xafiiskii, Radiyana kula hadal waxaa noo soo baxday in aanay xor ahayn.

In yar ka dib waxaa la ii diray in aan soo ogaado hey’adda xirtay iyo meesha lagu xiray.  Dalabkaas inkasta oo uu xafiisku ii soo gudbiyay waxaa uu ka yimid dhinaca Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha.

Xuuraansi ka dib waxaan ka warhelay in ay ku xanniban yihiin xarunta Dhexe ee Nabadsugidda ee FIAT agteeda ah.  Wasiir ku Xigeenka ayaa markaa in aan tago xarunta NSS, wuxuuna ii tilmaamay sakraakla aan la xiriirayo.  Intii markii aan yeelay, waa la soo fasaxay saddexdii ruux ee ajnebiga ahaa ee xannibnaa. 

Gegida Dayaaradaha

Maxaabbiista Soomaaliyeed oo Xamar ka soo degay
Galabtaas waxaan aadnay airporka.  Halkaas oo ay ka soo degeysay dayaarad ICRC u kireysan oo sidda kooxdii ugu horreysay ee Maxaabbiis Soomaali ah oo xabsiga laga soo daayay.

Dad badan oo soo dhoweynaya maxaabbiista ayaa gegida tuban.  Waxaa dhoobaan ehelka maxaabbiista oo qaarkood gobollada ka yimideen.  Ugu yaraan maxabuus kasta hal qof ayaan ehelkiisa ka aqaan oo ah midka aan waraaqaha u geyn jiray kana soo qaadi jiray ama iyagu xafiiska noogu keeni jiray.

Markii aan gaariga ka soo degay ee aan qaarkood isa salaannay si aan farxadda ula wadaago, waxay ahayd shucuur aanan tilmaami karin.  Qaarkood xabadka ayaan isa saarnay ka dibna way i sii deyn waayeen.  Muddo dhan ayaan isku dhegganeyn.

Ehelka waxaa wehliyay, dad badan oo daawasho u yimid.

Madax badan oo uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ayaa goobta jooga.  Waxaa wehliya Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa mas'uulka saddexaad ee dalka ugu sarreeya, Wasiirka Gaashaandhiigga iyo madax kale oo badan.

Waxaa kale oo jooga cutubyo ka tirsan salaan-sharafta Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada barxadood ee gegida dayaaradaha, waa midda gudaha iyo tan dibadda wuxuu jawigoodu ahaa mid farxad filan waa’ ku ah inta badan dadka goobta jooga.  Wuxuu ahaa jawi farxad ay muujiyaaan waalid dib u helay wiilkoodii, marwo ay toban sano ama ka badan ka dib ay is arkayaan saygoodii, iyo carruur dib u helay aabbayaashood.

Labada sawir ee aan qormadaan ku soo qaatay, waxaa qaadday Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed, waxaana Arbaco 24 Agoosto 1988 daabacay wargeyska Xiddigta Oktoobar. Wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo Najmatu Oktoobbar oo ahayd af Soomaali waxay ka mid ahaayeen Wargeysyo hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha.  Sidoo kale, Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed oo ahayd Wakaaladda keliya ee qaadda sawirrada rasmiga ah ee Dowladda iyo dhacdooyinka dalku waxay hoos imaaneysay Wasaaradda Warfaafinta.

Sarkaalka Amniga
Muddo ka dib markii aan shaqo kale isugu nimid Sarkaalkii amniga  ee aan subaxaas ka yata fashiliyay isku daygiisii xarigga, wuxuu igu yiri, ma ogid howsha aad ku jirtaa waxa ay dalka u dhimeyso.   Anigu ugama jawaabin.  Sababta oo ah waxaan u arkay marka ay ugu sahlan tahay in weedhaasi ay tahay daandaansi, haddii kalena uu hanjabaad ula jeedo.  Waxaan goostay in aanan cayaarta uu billaabay aanan kala qeyb qaadan.

Wuxuu ahaa nin aad iiga weyn, iigana khibrad badan runtiina aan tixgelin u hayay.  Waxaanse u arkayay howsha aan wadaa in ay ahayd mid samafal ah oo weliba u gargaareysa  Askar iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xabsi shisheeye ku jira.   Waxaa kale oo aan u arkayay in aan Wasiir ku Xigeenka u fududeeyay xallinta wixii caqabad ku ah howlgalka uu isagu mas’uulka ka yahay, caalamkuna uu indhaha ku hayo.

F. G.

Taxanuhu wuxuu u gudbi doonaa, soo dhoweyntii maxaabbiista Soomaaliya oo badankood saddex duullimaad ku yimid dalka.  Iyo maxaabbiistii Ethiopia oo ciidan iyo shacab leh oo 10 maalmood la daad gureynaya, jawiga gegida dayaaradaha ee Dire Dawa waxay ahayd.  Waxaa kale oo aan taaban doonaa maxaabbistii Soomaaliya markii ay ku soo laabteen sida loola dhaqmay iyo inta aan ka warqabo waxa ay maanta, 2018, ku sugan yihiin.

Wasiir Maax iyo Danjire Asmamaw - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Labaatanaad

$
0
0
Maax (bidix), Anderegg (dhex), Asmamaw (midig)
Howlgalka ICRC ay ku kala wareejineysay maxaabbiista dagaal ee Soomaaliya iyo Ethiopia wuxuu billowday Talaado 23 Agoosto 1988, wuxuuna socday toban maalmood.  Inta badan laba dullimaad ayay sameyn jirtay dayaaraddu maalin kasta oo laba jeerna ay Muqdisho ka kaceyso, laba jeerna ay ka soo kacayso Dire Dawa.  Laakiin maalmaha qaar waxay sameyneysay saddex duullimaad.

Qormadii tan ka horreysay waxaan ku sheegay in Muqdisho uu soo gaaray duullimaadkii ugu horreeyay ee keenay maxaabbiista Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Siyaad oo ay wehliyaan Madax kale oo badan ayaa ku soo dhoweeyay garoonka.  Waxaan xusay in ehelka Maxaabbiistu ay yimaadeen airporka iyo in ciidanka salaan sharaftu ay miyuusik tumayeen.
Maxaabiista Soomaalida oo soo degaya
In dadweyne fara badan uu isugu soo baxay gegida oo uu ka qeyb qaatay soo dhoweynta, damaashaadka iyo farxadda galabtaas ka jirtay gegida dayaaradaha, ayaan xusay.

Ciidanka Soomaalida ah ee ku xirnaa Ethiopia in ka badan toban sano, waxaa keenay saddex duullimaad oo ka soo qaaday Dire Dawa.  Dullimaad kastaa mar gooni ah ayuu yimid.  Kii ugu dambeeyey habeen ayuu soo degey.  Madaxweynaha Jamhuriyadda ayaa duullimaad kasta Maxaabbiista la socotay ku soo dhoweeyay garoonka.

Maxaabbiista Soomaalida waxaa la dejiyay Dugsiga tababbarka militeriga ee Xalane si ay ugu nastaan, caafimaadkooda loo baaro, ciidanku uga warqaato, ehelkoodu ugu soo booqdo, iyaguna marka ay doonaan ay magaalada u baxaan.

Aniga iyo Sarkaal kale oo ka tirsan ICRC, ciidanka Soomaaliyeed ee xabsiga Ethiopia laga soo daayay waxaan ugu tagnay xerada xalane, waxaanan isaga daba noqoneynay dhowr maalmood halkaas oo aan mid mid wareysi ugula yeelannay.

Maxaabiista Ethiopian-ka ah

Maxaabbiista Ethiopia qaybtii ugu horreysay markii laga keenay Ceel Jaalle oo ay soo gaareen Garoonka Dayaaradaha ee Muqdisho, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Maax ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Danjiraha Ethiopia u fadhiya Muqdisho, Asmamaw Kelemu.
 
Richard Anderegg oo ah Madax Ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa isuguna daraf ka saxiixay warqadda lagula kala wareegayo Maxaabbiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas, Axmed Sahal Cali, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda Maxaabbiista Ethiopia lagu wareejinayo Dowladdooda.

Wasiir ku Xigeenku oo hadal gaaban jeediyay wuxuu xusay in isu celinta maxaabbiistu ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii dhex maray labada Dowladood.

Danjiraha Ethiopia oo munaasabadda ka hadlay wuxuu sheegay xusuusta ay maalintani ku reebi doonto shucuubta labada dal.

Maxaabbiista Ethiopian ayaa iyagana duullimaadkoodii ugu horreeyay uu maalintaas ka duulay Muqdisho.

Garoonka dayaaradaha ee Dire Dawa soo dhweyn xoog leh ayaa loogu sameeyay maxaabbiista Ethioppia ee aan Muqdisho ka qaadnay.  Jawiga garoonka Dire Dawa wuxuu ahaa mid aad uga duwan kan garoonka Muqdisho.  Taas waxaan ku faahfaahin doonaa qormada tan xigta.

Isu geyn labaatan dullimaad oo Muqdisho iyo Dire Dawa u kala gooashaya ayay sameysay dayaarad u kireysan ICRC oo Maxaabbiista labada dhinac mid walba ku celineysay dalkiisa.

F. G.
Taxanaha waxaa ka harsan Jawiga gegida dayaaradaha ee Dire Dawa sida uu ahaa oo dhoweyntii loo sameeyay maxaabbista Ethiopian-ka ah ee ku xirnaa Soomaaliya in ka badan toban sano.  Waxaa kale oo aan taaban doonaa maxaabbistii Soomaalidy markii ay ku soo laabteen sida loola dhaqmay iyo inta aan ka warqabo waxa ay maanta, 2018, ku sugan yihiin. Waxaa kale oo aan ka warrami doonaa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd Maxaabbiista Ethiopia.

Dire Dawa 1988 - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Kow iyo Labaatanaad

$
0
0
Dire Dawa, 1988
Khamiis, 1-da September 1988, waxaan subax hore u shaqo tegey xafiiska ICRC.   Waa maalinta ugu dambeysa howlgalka kala beddelashada Maxaabbiisra Soomaaliya iyo Ethiopia. 

Waxay maalintu iigu qorsheysnayd in aan xafiiska ka shaqeeyo ugu dambeyn ilaa saddexda iyo barka galabnimo.  Wax ka ogow, ayaan is lahaa, gunaanadka howlgalka.

Muqdisho 1988, Cabdinuur Sh. oo ka socda Radio Muqdisho 
Markaa ka dib waxaa ii qorshaysnayd in aan u shaqo tago Radio Muqdisho oo aan ku qoran ahay in aan soo jeediyo warka Shanta galabnimo iyo kan Siddeedda fiidnimo oo isagu ah war ka baxa labada idaacadood ee dalku leeyahay, Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.

Aniga oo xafiiska ICRC fadhiya ayaa garoonka dayaaradaha Muqdisho waxaa iga soo wacay Madaxa ICRC.  Wuxuu ii sheegay in aan degdeg ku imaado gegida dayaaradaha, kuna soo talo galo in aan tegayo Dire Dawa, galabtana aan soo laabanayo.

Madaxa Radio Muqdisho ayaan farriin u diray in socdaalkaas aan u baxayo, qorshuhuna yahay in aan imaan doono wakhti iigu filan in aan warka diyaariyo akhriyana.  Laakiin haddii ay dayaaraddu wax noqoto ama ay wax kale dhacaan oo aan imaan waayo in aan warka la igu halleyn.

Farriintaas waxaan faray weryiga SONNA ee gegida dayaaradaha, Cali Jaamac Cali, Cali-Kuus, oo isaga dayaarad kasta oo kacaysa iyo mid kasta oo soo degeysa ka warqabay, xataa haddii uu gurigiisa joogo.

Waxaan dayaaradda la sii raacay qaybta ugu dambeysay Maxaabbiista Ethiopia oo dalkooda lagu celinayo.

Garoonka Dire Dawa

Sheekooyinka aan ka haysto Ethiopia oo ilaa yaraanteydii aan dadka ka maqlayay ayay markaas ku saleysan tahay aragtideyda aan ka qabo Ethiopia.  Sheekooyinkaas oo dhan marka la isu geeyo, wax fiicani kuma jirin.  

Hadda waxaan u socdaa Ethiopia. Weliba munaasabaddu waa mid dhinac farxad ka leh oo Maxaabbiistii la soo daayay, dhinacna murugo ah oo ku soo xusuusineysa dhimashadii, dhaawicii iyo burburkii dagaalka.

Inkasta oo aan u socdo howl samafal ah, dayaaradda aan la socdo iyo aniga jeebka shaarkeygaba ay ku asteysan tahay calaamadda Laanqeyrta Cas, haddana baqdini igama maqneyn.  Waayo sheekooyinka aan maqli jiray ayaan ii oggoleyn in aan cabsi la'aan ahaado.

Waxaan ka degnay Dire Dawa.  Garoonka waa la buuxaa.  Madax Dowladda ah, Saraakiil Sare oo ciidanka ah, fannaaniin, weriyayaal iyo dadweyne.

Eskista - Sawir tusaale ah
Markii ay billaabeen Maxaabbiistu in ay soo degaan ayaa waxaa billowday, sawaxan isugu jira miyuusik, baroor iyo maxaabbiista oo qaar badani ay dhulka dhunkanayaan.

Baroortu waxay isugu jirtay dad kor u ooyaya oo hadal ku daraya iyo qaar ay ilmadu dhabannadooda iyo dharkoodaba qoysay laakiin afkoodu xiran yahay.

Nooca dambe waxaad ku arkeysay madaxda qaarkood iyo gabdhaha sida quruxda badan u cayaaraya Eskista oo ah cayaar Ethiopia ay dhaqan u leedahay oo caan ku ah in garbaha looga cayaarsiiyo hannaan ay ishu la dhacayso. Galabtaas ayaa iigu horreysay waana cayaar aan weli jeclahay daawashadeeda.

Ayaga oo jiibka iyo jaanta la haysta, sinaha haysta, oo garbaha ka cayaaraya ayay haddana ilmadu ka qubaneysaa.

Marba qof ayaa burburaya. Intuu madaxa gacmaha saarto, ama dhabannada qabsado ayuu qeylo ama ooyin ku dhufinaya marka uu u jeedo  Maxbuus ehelkiisa ah oo albaabka dayaradda ka soo baxay oo cagta soo saaray meesha u sarreysa sallaanka.

Aad ayaan ugu faraxsanaa in maxaabbiista la is weydaarsaday.  Aadna waxaan ugu faraxsanaa in howshaas oo dadkii fulinayay aan ka mid ahay ay si wanaagsan maanta ku soo gaba-gabowday.

Haddana waxaan niyadda iska iri, khalqigan oo dhan waxa ka ooyiyay waa Soomaali.  Haddana dadka garoonkan buuxiyay aniga ayaa Soomaali ka ah.

Ma Khasab baa?

Xafladdii marka ay dhammaatay, ayaa la keenay nimankii ugu dambeeyay Soomaali ee berigaas laga soo qaado Ethiopia.

Ma xusuusto in ay laba ahaayeen iyo in ay saddex ahaayeen.  Midkood caato ah, timo jilcan oo indha godgodan asii eegmadiisu ay fiiqan tahay ayaa diiday in la soo qaado.  Waxaan maqlayay asaga oo keligii isla hadlaya oo leh – ma qasab baa?

Ninkaas isaga oo weli la jooga ICRC iyo saraakiishii Ethiopian-ka ahayd ayaan uga soo tagnay Dire Dawa.

Wuxuu ka mid ahaa maxaabbiis labada dhinac ah oo diiday in ay dalkooda ku laabtaan.  Somaalida diidday in Xamar lagu soo celiyo waxay ahaayeen fara ku tiris.

Ethiopian-ka qaar badan ayaa diiday in ay Ethiopia ku laabtaan.  Waxaa dib-u-dejin loo weydiiyay dalal ay ka mid yihiin Canada, Mareykan iyo Australia.

Muddo dhan ayaan magaalada isku arki jirnay iyaga oo dhoof sugaya.  Qaarkood waxay arday ka noqdeen oo aan macallin ugu ahaa Xarunta Dhaqanka Faransiiska oo ay af Faransiis ka baran jireen.

Maxaabbiista diidday in lagu celiyo dalkoodii, ama aan dhaho dalka ay dartiis u xirnaayeen waxaa ka mid ah gabar Soomaali ah, oo la xirnayd Ethiopianka.  Markii la soo daayay ayay diidday in lagu celiyo Ethiopia.  Qorma gooniya ayaan uga warrami doonaa.

Markii ay dayaaraddu ka kacday Dire Dawa oo ay hawada gashay ayay cabsidii I deysay.  Waxaa kale oo aan ku farxay in xilliga aan Muqdisho tegi doonno uu ii saamaxi doono in aan ka gaaro oo aan akhriyo warka Shanta Galabnimo.

F. G.

Sawirka koowaad oo ah Dire Dawa, anigu waxaan gashan ahay jaakad madow iyo funaanad cagaaran oo ay in yari  ka muuqato.  Waxaan taagan ahay meel u dhow dayaaradda laakiin aan aad u muuqan. Ninka gashan khamiiska cad ee caafimaadka ee dayaaradda hoos taagan, ninka dheer ee dhabarkiisa ku beegan ee gacmuhu ay xabadka u saran yihiin isuna dhaafsan yihiin ayaan daba taagan ahay. Heinz oo i garab taaganina wuu i soo eegayaa.

Mumina oo diidday Ethiopia - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Laba iyo Labaatanaad

$
0
0
Mumina, Beled Weyne 1988
Gabar Soomaali ah ayaa ka mid ahayd maxaabbiista ay Soomaaliya ku soo qabatay dagaalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia.

1988 ayay labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ay ku heshiiyeen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid tahay in maxaabbiista dagaalka la sii daayo, la is weydaarsadana, ayaa la soo daayay gabadha Soomaalida ah.

Mumina ayaan magaceeda ku soo koobayaa. 

Maxaabbista dagaalka lagu soo qabtay dhalashadoodu waxay ahayd Ethiopian.  Waxaa wehliya Duuliye dagaal oo Cuba u dhashay iyo Mumina.

Dhammaantood waa la soo daayay.  Marka laga reebo qaar diiday in lagu celiyo Ethiopia, intii kale oo dhan Dire Dawa ayaa la geeyay.

Mumina waa ay diidday in la geeyo Ethiopia.  Waxay tiri maxaan ka doonaa Ethiopia? Anigu Ethiopian ma ihi mana rabo in la i geeyo Ethiopia.

Waxaa la weydiiyay halka ay rabto in la geeyo.

Beled Weyne, ayay ahayd jawaabteedu.

Markii la sii wareystay waxay ku adkeysatay in reerkeedu deggan yahay Beled Weyne ayna dooneyso in ay dib ugu laabato.

Ciidanka Asluubta sheekadoodu sidaas waa ay ka beddelnayd.  Waxay yiraahdeen gabadha waxaa laga soo qabtay goobta dagaalka iyada oo tuute ku lebbisan bambaana sidata. 

Aniga iyo Mumina

ICRC aniga ayay ii xil saartay in aan Mumina geeyo Beled Weyne.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay ku xirnayd ayaan ku soo booqday.  Waan la sheekeystay si aan u fahmo nooca qofka aan qaadayo iyo waxa aan uga talo-geli karo.  Waxaa iiga yara muuqatay qof aan hadalkeedu iswada lahayn.  Qof aan cuqdad iyo xanaaq midna qabin. Laakiin aan sheekadoodu si macquul ah isugu taxnayn.

Dhinac waxaa iiga muuqata gabar miskiin ah in ay tahay.  Mar waxaan arkay in su’aalaha qaar iyada oo aan ka fekerin ay markiiba jawaab deg deg ah soo tuureyso sida carruur.  Marna waxaan arkay in ay u muuqato qof adadag nolol noocyo kala duwan ahna khibrad u leh.

Aniga oo meel saari la’ ayaan ka soo laabtay.

Waxaan u tegey saaxiibkeey aan ciyaal Buulo Burte isla ahayn, Xasan Faarax, oo markaa ka tirsan Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed.  Waxaan ka codsaday Xasan in uu ii raaco Beled Weyne oo ila goobo Mumina qoyskeeda.

Isaga iyo Bisha Cas labaduba waa ay iga oggolaadeen soo jeedinta.


Hotel Buraaqo


Inkasta oo Mumina ay xor tahay, haddana xabsiga ayay deggan tahay. 

Mumina in aan xabsiga ka soo saaro wakhti ayay qaadan kartaa - inta waraaqaha aan sito la hubinayo, Taliyaha oggolaasho laga helayo, saxiix la iga qaadayo.  Markaa ma dooneyn in howshaas aan qabto isla subaxa aan safarka u baxayno.

Goor galab ah ayaan Xabsiga tegey oo aan ka soo qaaday Mumina.  Inta aanay soo deyn ayay ciidanku ii digeen.  Waxay yiraahdeen gabadhani waa ciidan tababbaran.  Yaanay ku gaadin oo kugu dhufan meel halis ah markaana gaarigaaga iyo adigaba idiin af duubin Ethiopia ee iska ilaali, siiba marka aad tagtaan Beled Weyne oo soohdinta u dhow.

Aniga iyo nin darawal ah oo ila socday ayaa Mumina soo qaadnay.  Waxaan dejiyay Hotel Buraaqo oo ku oolli jiray dabka, ka soo horjeedka Maajoor.

Hotelka waxaan la lahaa macaammil wanaagsan.  Maamulaha Buraaqo, Cabdullaahi, kana mid ah ardayda Jaamacadda, ayaan u digay oo aan u sheegay khatarta la iigu sheegay gabadha.  Markaa qolka uu dejinayo ayaan isla eegnay.   Haddii ay wax dhacaan sida uu iila soo xiriiri lahaana waan ku ballannay.

Mar labaad ayaan fiidkii ku soo laabtay aniga oo uu ila socdo Xasan Faarax.  Mumina waan la sheekeysannay.  Waxaan u sheegay in aan aroorta isu raaci doonno Beled Weyne oo ay diyaar ahaato.

Markii aan ka soo tagnay, Xasan wuxuu ii xaqiijiyay shakigii aan qabay oo ah in aan sheekadeedu isku toosneyn.

Subixii xigay ayaan Mumina, Xasan faarax, Darawal ICRC ah iyo anigu aan gaari Landcruiser ah qaadannay oo aan u amba baxnay Beled Weyne.

Waxaan xusuustaa mar aan sii mareynay tuulada Graziani oo buur dhakadeed ku taal, in aan gaariga ka degnay oo aan shaah u fariisannay makhaayad xoogaa ka durugsan laamiga.  Gaariga waxaan dhinac dhignay laamiga markaas ayaan makhaayadda bannaankeeda fariisannay.

Intii aan shaaha cabbeynay ayay Mumina iyada oo aan waxba noo sheegin ay si dhakhsa leh u kacday oo u dhaqaaday dhinaca baabuurka.

Saddexdeennu annaga oo aan is wareysan ayaa nin waliba ku orday baabuurka oo waan uga hor marnay.  Waxaa nagu jirtay baqdin ah in ay dooneyso in ay gaariga la baxsato.

Way nala yaabtay.  Gaariga xagga dambe ayay gashay oo boorsadeeda kala soo baxday shay yar oo ay markaas u baahnayd.

Bilaash-xayteyaal in aan nahay ayaan isu aragnay.  Laakiin weli ma ogin waxa ay damacsanayd.

Qoyska Mumina

Beled Weyne ayaan tagnay.  Mumina waxay aqootay dariiqyada magaalada.  Sidii ay noo tilmaameysay ayay na geysay gurigii reerkooda.  Laakiin reerkeedii ma deggana.  Markii aan wareysannay dadkii guriga degganaa, waxay noo tilmaameen xaafadda ay u guureen reerkii guriga degganaan jiray.  Waan tagnay.  Halkaas ayaan reerkii ugu geynay.  Waa qoys hooyo iyo aabbe iyo carruur ka kooban oo iska fiidsanaya.

Way aqoodeen Mumina.  Waxay na weydiiyay meesha aan ka keennay?

Inta aynaan idiin warramin, xaggeed ku ogeydeen gabadha ayaan weydiinnay?

Waxay noo sheegeen in gabadha la waayay beri hore.  Waxay ku dareen la iigu daray in xanuun xagga dhimirka ah qabtay.

Aniguna markaas ayaan reerka uga warramay waxay soo martay Mumina iyo xabsiga aan shalay galab ka soo saaray.

Habeenkaas waxaan aad uga walaacay oo nasiib darrada ku dhacday gabadhaas iyo dulmiga aan ku talo-galka ahayn ee lagula kacay.  Waxay ahayd habeenkii u horreeyay habeenno aad u badan iyo weliba maalmahooda oo aan ka fekero cuqubada dhacday.  Marnabana xusuusteyda kama go’do.

Ilaa iyo hadda ma garan, dadka sanooyin badan ay la nooleyd sida ay u garan waayeen in ay tahay qof xanuunsan.


Subixii xigay ayaan ku laabannay reerka oo aan soo hubinnay in Mumina la aqbalay iyaduna ay ku qanacsan tahay.

Dardaaran ayaan halkaa ku kala qaadannay.  Isla markaasna waxaan subaxaas ka soo qaaday sawirka halkan ka muuqda.

Waxaan is iri, Mumina iyada oo daryeel u baahan ayaa daanno loo raacday oo xabsiga la dhigay.

Xabsiga Orlando – 10 Sano, 7 Bilood & 1 Maalin - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Saddex iyo Labaatanaad

$
0
0
Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta ee Havana
Orlando Cardoso Villavicencio waa duuliye u dhashay dalka Cuba.  Waxay ciidammada Soomaaliya ka soo qabteen aagga Harar.  Taliyihiisii iyo rag kaleba waxay ku dhinteen weerarkii gaadmada ahaa ee isaga lagu soo qabtay.

Waxaa lagu soo xiray xabsiga Laanta Buur ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu halkaa ku xirnaa toban sano, toddoba bilood iyo hal maalin. Keligii ayuu gooni u xirnaa.

Wuxuu ka mid ahaa Maxaabbiistii la sii daayay 1988.  Waxaa la geeyay Dire Dawa.  Halkaas oo uu kula kulmay ehelkiisa iyo Madaxda Ethiopia.

Ka dib waxaa la geeyay Havana, caasimadda Cuba.  Wasiir ayaa ku soo dhoweeyay garoonka dayaaradaha.  Waxaa la marsiiyay baaritaanno caafimaad iyo daaweyn, u badan xagga dhimirka.

Markii la qabtay da'diisu waxay ahayd labaatameeyo.  Derajadiisa ciidan hadda waa Gaashaanle Dhexe.   Waxaa u dheer in la siiyay Billad-geesi.  Waa Billadda Geesinnimada ee Jamhuriyadda Cuba.

Buug uu qoray ayuu uga warramay sannadihii badnaa ee uu ku jiray xabsiga Soomaaliya.

Buugga oo cinwaankiisu yahay Reto a la Soledad, wuxuu ku qoran yahay afka Spanish-ka oo ah afka looga hadlo dalka Cuba.  Cinwaanka waxaa loo fasiri karaa U-Gegsiga Kelinnimada ama Iska-caabbinta kelinnimada.

Wareysi

Idaacad ayuu uga warramay sida uu isu maareeyay sannadihiisii xabsiga Soomaaliya iyo dareenkiisa amaba dareen la’aantiisa marka uu Cuba ku laabtay.

Xabsiga wuxuu sheegay in uu dhib badan kala kulmay.  In ka badan konton jeer ayay duumo igu dhacday ayuu yiri.  Daawana ma helin.

Sannadkii afraad ayay iigu darnayd ayuu yiri markii ay igu goobteen duray culus iyo duumo. Ninkii i ilaalinayay ayaa iga naxay oo Asparin i siiyay ayuu yiri.  Wax badanse ima tarin.

Maaddaama raashinka la i siin jiray uu ahaa mid ay nafaqadu ku yar tahay, ilkaha ayaa i bolalay, ayuu yiri.

Dhowr jeer ayaan ka fekeray in aan is dilo.  Laakiin haddana marna kuma qancin in aan isdilo.

Waaq-Laawe

Dadka qaarkii marka ay xaalad noocaas ah ay galaan waxay u weecdaan xagga diinta oo ay ka raadiyaan awood ay isku xajiyaan.  Adigu sidaa ma yeeshay?  Ayaa la weydiiyay.

Anigu qof diineed ma ahi ayuu yiri.  Inkasta oo mar ay xaaladdu i geyeysiisay in aan Jilbajabsado oo aan Rabbi baryo.  Haddana waxaan u arkay xaalad silloon in ay tahay sababta oo ah waxba ma dareemeyn.  Markaa waan iska daayay.

Qoraaga Ruushka ah ee Fyodor Mikhailovich Dostoyevsky ayaa hadda ka hor toban sano oo shaqo gacmeed khasab ah lagu fuliyay isaga oo ku jira xabsi ku yaalla Siberia.  Dostoyevsky wuxuu sheegay in markii xabsiga uu ka soo baxay aanuu waxba dareemin.  Markii aan Dostoyevsky  ku akhrinayay xabsiga ma fahmin arrintaas.  Laakiin markii aan ka soo degay gegida dayaaradaha José Martí ee Havana ayay igu dhacday tabtii uu qoraalkiisa ku tilmaamy Dostoyevsky ee isaga ku dhacday markii laga sii daayay xabsiga Siberia.

Mar baan xusuustaa nin isku dayay in uu iga dhaadhiciyo in ay diintiisu ka sarreyso dhaqankeyga.  Bal qiyaas, muranka naga dhex  dhici kara nin muslim ah oo mintid ah iyo aniga oo Waaq-Laawe ah.

Waxaan hordhigay qaaciddada ah in wax kasta oo dunidan ka dhaca ay jiraan wax kale oo muuqda oo sababay.  Aad ayuu uga xumaaday.

Laakiin markii ugu horreysay oo diin aan dareemay inta aan xabsiga ku jiray waxay ahayd riyo. 

Waxaan ku riyooday baabuurkii aan la socday markii la i soo weeraray ee la i qabtay.  Waxaa baabuurka wada Nebi Ciise. Midigtiisa waxaa fadhiya, Captain Corona oo weerarka ku dhintay. Aniguna dhanka dambe ayaan sariirta baabuurka jiifaa. 
Nebi Ciise ayaa gadaal ii soo eegay oo igu yiri xaggeen u soconnaa?  Aniguna markaas ayaan gogasha ka soo booday oo aan is arkay in aan joogo Laanta Buur.

Waxay ahayd xilli calwasaad iyo islahadal badan.  Weligeey anigu Kaniisad ma tegin. Laakiin diimaha kama soo horjeedo.  Diimaha oo dhanna aad baan u xushmeeyaa.

Waxaa jira dad aan ku bartay akhriska Bible.  Qaarkood waa kuwa aan dad ugu jecel ahay, sida Maryam, Nebi Ciise hooyadiis.

Dhibka aan ku jiray waxaan isku illowsiiyay ayuu yiri ma-daneyn ama daneyn la’aan.  Derbi aan hawadu ka gudbi karin ayaan dunida isaga ooday, ayuu yiri.  Waxaa igu wareegsanaa, ayuu yiri, kuwii i soo xiray.  Waxaa i hareeyay cadaawadda la ii qabo.  Xataa marka ay sheelada ama qolka aan ku xiran ahay hortiisa jirdil ku sameynayaan waan iska xiri jiray, ayuu yiri, oo waan iska indhasaabi jiray waxa horteyda ka dhacaya.

Dadku waxay i weydiiyaan, ayuu yiri, waxa aan dareemay marka aan Cuba ku soo laabtay.  Waxay iga sugayaan in aan iraahdo farxad badan ayaan dareemay iyo niyaddeydu waa ay kacsaneyd. 

Jawaabteyduse waa, ‘Waxba’.  Wax aan dareemay ma jiraan.

Ma fileyn ayuu yiri billad geesi in la i siin doono.  Waana wax wanaagsan in la i siiyay.  Laakiin dareen uma lihi.  Derbigii aan isku ooday markii aan ku jiray Xabsiga Laanta Buur, oo dunida oo dhan aan isaga ooday ayaa weli dareenkeyga iyo qalbigeyga ku gadaaman.  Kamana rogi karo.

Walkman

ICRC marka ay xabsiga igu soo booqato ayaan heli jiray ayuu yiri qof aan af Spanish kula hadlo.  Xabsiga waxaan ku bartay ayuu yir afafka Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka.

Ingiriiska waxaan bartay ayuu yiri akhriska iyo qoraalka aniga oo aan aqoon sida loogu hadlo isla markaana aan fahmi karin haddii lagu hadlo.

Ilaaladeyda ayaa mid u sheegay buu yiri in aan af Ingiriis aqaan, waayo waxay arkeen aniga oo buugaag Ingiriis ah akhrisanaya.  Markaas ayuu ila hadlay, hase yeeshee waxba waan ka garan waayay.

Waxaan weydiistay in uu qoro waxa uu ii sheegayo. Markii aan akhristay, oo aan fahmay, ayaan aniguna qoraal ugu jawaabay ayuu yiri.

Siddeed sano markii aan xabsiga ku jiray ayaa la ii oggolaaday, ayuu yiri, Walkman.  Markaas ayaan bartay sida erayada Ingiriiska iyo afafka kale ee aan bartay loogu dhawaaqo.

Waxaan billaabay in aan barto sida miyuusigga loo qoro, xataa waxaan sii baray maxaabbiis kale.

Tababbarka militeri miyaa ku siiyay adadayga aad uga badbaadday xabsigaa dheer iyo dhibaatada ku haysatay, ayaa la weydiiyay.

Wuxuu ku jawaabay – tababbarka militeri waa i anfacay, laakiin waxaa ka sii xoog badnaa tababbarkeyga siyaasadeed iyo mabda’a aan aamminsan ahay.

Inta aan xabsiga ku jiray waxaan isku dayay in aan akhriyo wax kasta oo aan heli karay. Sheekada Dagaal iyo Nabad ee uu qoray Leo Tolstoy ayaa ka mid ahayd waxa aan akhriyay. Waxaan ka helay in wax waliba sida ay yihiin loo qabto.

Galaangalka Cuba


In badan waxaan is weydiin jiray ayuu yiri, Cuba maxay wax uun u sameyn la’ dahay lagugu sii daayo.

Wuxuu mar dambe ka warhelay, in uu dadaal badan oo diblomaasiyadeed uu sameeyay Isidoro Malmierca Peoli, waa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Cuba laga soo billaabo 1976 ilaa iyo 1992.

Madax badan oo caalamka ah ayuu ka codsaday in ay xaqiijiyaan ama ay gacan ka geystaan in maxbuuska Cuba u dhashay laga soo daayo xabsiga Soomaaliya.

Madaxda uu Wasiirka Cuba uu arrinkaas dartiis ula kulmay waxaa ka mid ah, Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Bettino Craxi, oo isagu Soomaaliya yimid 1985.  Inkasta oo aanan markaa ogeyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arrinta maxbuuska Cuba, haddana waxaan ka mid ahaa weriyayaashii socdaalkiisa ka warramayay.  Wuxuu booqday Muqdisho, Kismaayo iyo Hargeysa.

Madaxda kale ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cuba uu ka codsaday sii deynta Maxbuuska Cuba ee ku xiran Soomaaliya waxaa ka mid ah Andreotti oo dhowr jeer Ra’iisal Wasaare ka noqday Talyaaniga,  Madaxweynaha Faransiiska Mitterand iyo Senator Kennedy.

Waxaa iyagana waraaqo isla codsigaas ah ay Cuba u qortay, Pope John Paul II oo ahaa wadaadka u sarreeya Kaniisadda Katooligga iyo madax kale.

Orlando Cardoso Villavicencio si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabtay Dareen la’aanta iyo qalbiga qufulan.  Wuxuuse sheegay in aanay ka wada baabbi’in ee ay marmar ku soo kacdo.

Cafis


Waxaa jira ayuu yiri dhib haddii uu ku gaaro aan magdhaw lahayn.  Si kale haddii loo dhigo, waxaa jira dhaawac aanuu kaa bogsiin karin magdhow.  Ciil iyo cuqdad midna uma qabo, ayuu yiri, kuwii Laanta Buur igu ciqaabay.

“Hawaale*, oo isaga oo tukanaya dhintay, beri hore ayaan cafiyay”, ayuu yiri.  Wuxuu raaciyay “Maanta iyo mustaqbalka ayaan culeyska saaraa.”

 ----------------------------------------------------------

*Hawaale, waxaan u qaatay in ay noqon karto Cawaale.

Ka dib 1988 - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Afar iyo Labaatanaad

$
0
0
Maxaabbiistii 77 markii dalka lagu soo celiyay 1988 waxaa loo soo dhoweeyay si sharaf leh.  Sida ugu sarreysa ee Qarannimo ayaa loo soo dhoweeyay.

Nin ka mid ah saraakiishii Xabsiga Ethiopia laga soo daayay, wuxuu ii sheegay in markii uu dayaaradda ka soo degayay ay indhihiisu qabteen aabbihiis oo la taagan Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Bal qiyaasi farxadda uu muuqaalkaasi ku dhalin karo nin naf ka samray oo ku dhowaad kow iyo toban sano xabsi ugu jiray ciidan uu la dagaallamay.

Maxaabbiista waxaa la dejiyay xerada Xalane.

Muddo markii ay halkaa ku jireen ayay qaadeen tallaabo ay dhiirri weyni ka muuqato.

Maalin ayay isa soo raaceen oo ay waddada cagta saareen.  Waxay ahayd  wax aan berigaas shacabka iyo shaqaalaha Dowladda aan midna ku dhicin.  Ciidan warkiiba daa.  

Waa bannaanbax cabasho ah.   

Waxay ka sheegteen daryeel la’aan.  Waxay ka cabanayaan in  Xalane lagu illoobay.

Markaas ayay qaddiyadda Maxaabbiistu mar kale ay dibadda u soo baxday.

Arrintaasi waxay kalliftay in ay Madaxda Sare ee Qaranku ay hoos u dhugtaan xuquuqda nimanka dalka u dagaallamay.  Xabsi u galay ayada oo qaarkood uu dhaawac ku yaal.  Ku dhowaad kow iyo toban ama ka badan ku jiray xabsi shisheeye.

Cabashadoodii marka la dhegeystay Dowladdu waxay qaadatay tallaaboyin.  Sarkaal raggaas ka tirsanaa oo aan dhowaan telefoon kula xiriiray ayaa ii faahfaahiyay tallaaboyinkaas. Wuxuu ii sheegay in Maxaabuus kasta la siiyay dhul cabbirkiisu yahay 20 mitier oo dherer ah iyo 20 mitir oo ballac ah.

Waxaa laga siiyay agagaarka Km 13 waddada Afgooye.

Nin maxaabbiistaas ka mid ah wuxuu ii sheegay in dhulkii uu hadda qilqiil ku jiro oo ay soo baxeen dad doonaya in ay la wareegaan oo ay qaataan.

Xalane Ka dib
Waxaan ciidankaas qaar ka mid ah kula kulmay degaanno kala duwan intii aan u shaqeynayay ICRC iyo ka dib BBC hadda inta aan taxanaha wadayna qaar hor leh ayaan helay xiriirkooda.

1990 Berbera waxaan maalin ku arkay nin sarkaal ah oo isugu keey sheegay in uu ka mid yahay maxaabbiistii ay ICRC ka soo qaadday Dire Dawa.  Wuxuu igu yiri markii aan Dire Dawa ka soo baxaynay maxaabbiis aan badneyn ayaa diiday in dalka lagu soo celiyo.  Annaguse waan sugi la’ayn inta dalka aan ku soo laabaneyno.  Hadda waxaan u arkaa in kuwii diiday in ay soo laabtaan ay iga nasiib badnaayeen.

Maxaa dhacay markii aan weydiiyay, wuxuu ii sheegay in uu ku jiro dagaal aanuu raalli ka ahayn.  Haddii uu diidana uu isaga dil mudan karo.

Hargeysa mar aan joogay aniga oo BBC ka socda, nin ayaa igu soo orday oo furfuray waraaq duug ah oo sida qardhaas ama xersi uu dhowr jeer isku laabay.  Waxaa ku qornayd in uu ka mid ahaa maxaabbiistii dagaalka ee ay ICRC ka keentay Ethiopia.

Hadda ka hor aniga oo jooga New York ayaan la xiriiray Qardho oo aan baadi goobay Batun oo madaxeyga ku taagnayd tan iyo waagii aan aniga iyo Beatrix ugu tegnay Qardho.  Socdaalkii berigaa ee Qardho iyo Boosaaso Qaybta Laba iyo Tobnaadee Taxanaha ayaan uga hadlay.  Walaalkeed oo aan berigaas uga war keennay in uu ku xiran yahay Ethiopia ayaan doonayay halka uu ku dambeeyay in aan ogaado.

Batun farriinta ay ii soo fartay waxay ahayd in ay aad u xusuusato maalintii aan u warkeennay.  Nasiib darro waxay igu wargelisay in uu walaalkeed geeriyooday.  Allah ha u Naxariisto.

Taxanahan intii aan waday waxaan helay xog hor leh oo ku saabsan maxaabbiista iyo dadka aan magacyadooda soo qaaday qaarkood.

Qaybta Saddexaad ee Taxanaha waxaan ku soo qaatay Suleymaan iyoWalaalkiis. Akhriste ay Suleymaan walaalo yihiin oo berigii Maxaabbiistana ay labada oo wada socdaa igu soo booqdeen Xafiiska ICRC ayaa igu soo wargeliyay in saaxiibkeey Suleymaan uu geeriyooday.  

Walaalkii oo maxaabbiista ka mid ahaa waxaan warka ku helay in uu dalka dibaddiisa ku nool yahay.

Isu geyn, intooda nool ma jirto cid ka warqabta iskaba daa in ay daryeel helaan.

Ethiopia

Peter G. Stocker
Marka aan barbadhigay Maxaabbiistii Ethiopia ee 1988 laga sii daayay Soomaaliya, inkasta oo aanan aad uga warqabin, ugu yaraan waxay leeyihiin Urur ayaga u taagan - ciidan iyo rayidba. 

Sannadkii 2012 ayaan ka warhelay Symposium hal maalin ah oo ay wadajir u qabanqaabiyeen Ururka dhibbanayaasha Dagaalkii 1977 ee Ethiopia iyo Soomaaliya iyo Hey’adda ICRC.

Ujeeddada kulanku waxay ahayd in la qiro waxa ay mareen Maxaabbiistii Dagaalka ee Ethiopia iyo Maxaabbiistii Rayidka ahayd oo labaduba u xirnaa Soomaaliya.

Madaxii ICRC ee Ethiopia ee xilligaas, Peter Stocker*, ayaa ka mid ahaa dadkii hadalka ka jeediyay.

Wuxuu sheeegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in ay munaasabaddu noqoto mid ku wajahan in loo qiro qaddarinta iyo daryeelka ay mudan yihiin dadka rafaaday intii ay xirnaayeen iyo ka dib labadaba.

Aniga, khibraddeyda kooban waxay i bareysaa in qayb weyn oo waxtar u leh dadka muddo intaa le’eg xirnaa ay tahay in laga dhegeysto waxa ay soo mareen iyo dareenkoodu waxa uu ahaa ama uu hadda yahay.  Waa haddii sida Fyodor Dostoyevsky markii Siberia laga soo daayay iyo duuliyihii kuubbaanka Orlando Cardoso Villavicencio markii laga soo daayay Laanta Buur, aan qalbiyadoodu xirmin oo aan dareenku ka suulin waxa ay soo mareen dartood.

 ---------------------
 *Peter Stocker, waa khabiir aan in badan soo wada shaqeynay.  Waxaan si dhow ula shaqeeyay sannadihii 1989 iyo 1990.  Wuxuu ahaa mas’uulkii horseedka ka ahaa hirgelinta iyo ka shaqeyseeinta Isbitaalka Qalliinka dhaawacyada Dagaalka ee ICRC ee Berbera.  Sidoo kale wuxuu horseed ka ahaa tegitaanka iyo ka howlgalidda ICRC ee Hargeysa, Burco, Borama, Ceerigaabo, Sallaxleey iyo Ceel Af Weyn sannadihii 1989 iyo 1990.  Labada goobood ee dambe waxaa haystay Jabhadda SNM.  In ICRC ay Dowladda Soomaaliya ka hesho oggolaasho ay ugu duuli karto Sallaxleey iyo Ceel Af Weyn si ay howlo samafal ah uga fuliso waxaa loo galay dadaal badan oo caqabado la kulmay laakiin akhirkii lagu guuleystay.

Wuxuu kale oo horseed ka ahaa howlihii ay ICRC ka fulisay dalka Soomaaliya markii ay burburtay Dowladda Soomaaliya.

Gunaanad - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Shan iyo Labaatanaad

$
0
0
Wargeyska Xiddigta Oktoobar
Waa Qaybta ugu dambeysa ee Taxanaha Maxaabbiistii 77.  Waxaan ku soo bandhigayaa tirkoob guud iyo macluumaad kooban.

Ka dib markii 1988 ay labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ku heshiiyeen in maxaabbiista la isu celiyo, waxay labaduba ay ka aqbaleen ICRC in ay fuliso howsha kala beddelaadda maxaabbiista.

Talaado 23ka Agoosto 1988 ilaa iyo Kamiis   1da Sebtember 1988 ayay 10 dullimaad u kala gooshtay Muqdisho iyo Dire Dawa dayaarad ay soo kireysay ICRC.

Tobankaas maalmood ayaa 3,543 maxbuus oo Ethiopian ah oo isugu jira ciidan iyo rayid oo 530 ka mid ahi ay yihiin carruur aan qaan gaar ahayn iyo hal duuliye oo Cuban ah waxaa laga qaaday Muqdisho waxaana la geeyay dalka Ethiopia.

246 askari oo Somali ah ayaa lagu soo celiyay dalkooda.

Maxaabbiista badankood waxay xabsi ku jireen ku dhowaad 11 sano.

Mid ka mid ah saraakiishii xabsiga Ethiopia laga soo daayay wuxuu ii sheegay in waraaqaha ICRC ee ka yimid qoysaska Maxaabbiista la keeni jiray xabsiga qiyaastii afrtii biloodba mar.   Marka waraaqaha la qeybiyana uu xabsigu noqon jiray shanqar la'aan inta maxbuus waliba uu akhrisanayo xogta qoyskiisa kuna mashquulayo xusuustooda iyo malihiisa.

Bilaha xigana ay maxaabbiistu iska wareysan jirtay qof walba warka loo soo sheegay.

Inkasta oo aanan anigu xusuusan, sarkaalkaasi wuxuu ii sheegay in gabar Soomaaliyeed oo sarkaal ahi ay ka mid ahayd maxaabbiista la xirnayd ee dagaalka lagu qabtay, dalkana ay dib ugu soo wada laabteen.

Ka dib dagaalkii 1977 labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ma oggoleyn in ay dayaaradi isaga tallaabto hawadooda.  Dayaaraddii ICRC ee 1988 maxaabbiista sidday, waxaan u maleynayaa in ay ahayd markii ugu horreysay ee dayaaradi ay u kala gooshto labada dal tan iyo dagaalkii 1977.

Maxaabbiista labada dhinac intii ay socotay, waa sannadkii 1988 waxay wadashaqeyn dhow oo weliba xasaasi ahi ay na dhex martay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Maax.

Waxaan u aqaan mas’uul aan isla weyni aqoon, garyaqaan ah, isla markaana dareen u leh xuquuqda aadanaha.

Maxaabbiis Ajnebi ah
Maxaabbiista Ethiopian-ka ah intii laga daad gureynayay xabsiga dhexe ee Muqdisho, waxaa soo baxday in maxaabbiis ajnebi ah oo dhowr ahi ay ku xiran yihiin xabsiga.

Maxaabiistan ajnebiga ah, waxaa lagu haystay eedeymo aan wax xiriir ah la lahayn dagaalka marka laga reebo nin u dhashay Senegal.

Kiisaskooda markii dib loo eegay waxay isugu jireen arrimo u badan xadgudub xeerarka socdaalka oo ah in ay dalka visa la’aan soo galeen.  Maxaabbiista qaarkood waxay ku doodayeen in markab laga soo tuuray iyo waxyaabo la mid ah.

Waxaan ka xusuustaa nin u dhashay dalka Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo markaas loo yiqiin Zaire, nin Morocco u dhashay iyo nin dhalashadiisa la garan waayay oo marba dal sheegtay Safaaradaha dalalkaasina ay sheegeen in aanuu u dhalan dalkooda.  Dalalka uu sheegtay waxaa ka mid ahaa Indonesia iyo Singapore.

Waxaa kale oo jiray nin u dhashay Senegal oo sheegay in uu yahay weriye oo Ciidanka Xooggu ay ka soo qabteen aagga Jigjiga.  Wuxuu sheegay in uu yahay weriye aan doonaya in uu labada dhinac ee dagaalka ka warrmo laakiin lagu eedeeyay in uu ahaa basaas.

Maxaabbiistaas waxay qaarkood xirnaayeen sannado badan.  Waxaan u amleynayaa in uu ugu wakhti dheeraa weriyaha reer Senegal oo xirnaa in ka badan 10 sano.

Dowladda Soomaaliya waxay ICRC ka codsatay in maxaabbiistaas ay ku celiso dalalkoodii.

Midba mar ayaan ka dhoofinnay maxaabbiistaas marka laga reebo ninka dalkiisa la aqoon waayay kaas oo dib u dejin loo weydiiyay dal saddexaad.

Weriyaha Senegal u dhashay waxaan xusuustaa in khadka duullimaadkiisu uu ahaa mid sii maraya Paris.   Ma ahayn keliya in aanuu visa Faransiis ah haysan oo ma haysan, ee xataa waxaa dhacsanaa Baasabboorkiisa.

Waxaan xusuustaa in aan Safaaradda Faransiiska ee Muqdisho ka helnay oggolaasho ah in uu sii mari karo Paris si uu u qaato dayaarad geysa Dakar.

Mxaabbuus kasta inta aan dalka laga dhoofin waxaa la diyaarinayay waraaqo looga baahan yahay hey'ado kala duwan sida Isbitaal, booliiska, Laanta Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo qaar kale.

Hey'adaha qaar waxay ahayd in la horgeeyo maxbuuska taas oo kalliftay in aan xabsiga ka soo saarno oo aan ku hayno Saldhigga Booliiska ee Wardhiigleey.  Marka aan u tago Saldhigga aniga oo doonaya in aan Maxbuus geeyo hey'ad ama laba, mararka qaar waxay igu dari jireen askari booliis ah.

Maxaabbiis Ajnebi ah waa qormo aan daabacay 2016 oo aan ku yara faahfaahiyay howlgalkaas kooban.

Qaybtan 25aad ayaa ugu dambeysa Taxanaha maxaabbiistii 77 oo soo billowday Isniin 5ta Febraayo 2018.

Mahadcelin


Waxaan u mahadcelinayaa akhrisatayaasha bloggan siiba inta akhrisatay Taxanahan.  Waxaan aad ugu mahad celinayaa inta akhrisay, la wadaagtay saaxiibbadood isla markaasna ka dhiibtay ra'yigooda, ii kordhisay macluumaad, maskaxdeyda ku dhaliyay su'aalo, ama weydiimo ii soo bandhigay aan uga jawaabay.  Waan ku cudur daaranayaa inta aan ka jawaabi kari waayay, aan ka ilduufay ama aan ka gaabsaday. 

Waxay ii bidhaamisay fahamka, dareenka, rabitaanka iyo weliba xiiseynta akhrisataha.  

Waxaan si gooniya ugu mahadcelinayaa saaxiibbada ii duceyay.  Waxaan oo aan leeyahay ducada aammiin, intaas oo kale iyo ka bandanna Allah ha idiin kaso.

Waxaan akhristayaasha ka raalli-gelinayaa maalmaha qaar aan ka mashquulay, ka nastay ama xaaladda magaalada Muqdisho ee aan deggan ahay ay iila muuqan weyday munaasab in aan Taxanaha si joogta ah u daabaco.

Rabbi ka sokow waxaan mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa ragga ka tirsanaa Maxaabbiista ee gacanta igu siiyay macluumaadka qaarkiis. 

DH  A  M  M  A  A  D

1989 iyo 1990

$
0
0
Waa laba sano oo muhiim u ah taariikhda Soomaaliya ee casirga ah.  Waa laba sano oo haddii aad fahamto wax badan kaaga tari kara in aad fahamto waxa maanta dalka ka taagan.

Waxaan dhowaan kula wadaagi doonaa Qormooyin Taxane ah oo kooban oo ku saabsan in ka mid ah nolosheydii iyo shaqadeydii samafal ee labadaas sano.

1989 iyo 1990 waxaan ka shaqeeyay magaalooyinka Muqdisho, Berbera, Hargeysa, Burco, Baki iyo Borame.  Muqdisho iyo Berbera ayaa labaduba xarun ii ahaa oo Xafiis, hooy iyo gaadiidba aan ku lahaa. 

Magaalooyinka kale waxaan ku tegi jiray safar shaqo oo cirka ah colaadda darteed, marka laga reebo Burco oo aan 1990 baabuur ku tagay aniga oo ka soo baxay Berbera, ugana soo laabtay.

Waxa aan ka warramayaa dhibic ayay ka dhigan yihiin marka la barbar dhigo dhacdooyinkii labadaas sano.  Sida iyo sababta ay wax u dhacayeen iyo qofka ama kooxda geysatayna lama wada ogaan karin. Laakiin dhibicda aan soo bandhigayaa waa dhibic sax ah oo aan anigu u soo joogay.

Waxaan kula wadaagi doonaa inta ay isheydu qabatay iyo waxa uu dareenkeygu ahaa. Waxa keliya oo wehliya macluumaad aan il lagu kalsoonaan karo ka helay raadraacna leh.

Ujeeddadeydu waxay tahay in aan taariikhda kooban ee aan goobjoogga ka ahaa aan la wadaago inta aan goob joogga ahayn - ha noqdeen in aan markaas dhalan ama ha noqdeen qaar markaa joogay laakiin aan daneyneyn ama waayay xog dhab ah.  

Waxaa kale oo aan ugu talo galay dad dhacdooyinka qaar ka aamminsan war aan sax ahayn amaba ka faafiya.


Ugu dambeyn waxaan ugu talo galay in dhallinyarada aqoonhayannada ah ee taariikhda baaraya aan tilmaamo una bidhaamiyo raad ay daba geli karaan si taariikh buuxda oo sax ah ay u soo banhigi karoodaan.

Taxanahaas waxaad ka akhrisan kartaa isla bartaydaan oo cinwaankeedu yahay: 
http://yusuf-garaad.blogspot.co.uk/

Fadlan ila wadaag haddii aad hayso macluumaad wax ku biirin kara dhacdooyinka aan ku soo qaadi doono Taxnaha.


Akhris, faham iyo faallo wanaagsan ayaan kuu rajeynayaa.

Montpellier – Taxanaha 89 – 90 – Qaybta Koowaad

$
0
0
Paris, 14 Luulyo 1989
1989 ayaan waxbarasho kooban u tegey dalka Faransiiska.  Waxaan tegey Jaamacadda Paul Valéry ee magaalada Montpellier. 

Waxaan ahayn Shan Macallin oo Soomaali ah oo af faransiis ka dhiga xarunta Dhaqanka Faransiiska ee Muqdisho.   Afarta kale hore ayay waxbarasho ugu tageen dalka Faransiiska oo mid naga mid ah waxaan u maleynayaa in uu shan sano halkaa degganaa.  Cali-mar-dhoofku waa aniga.

Dayaarad nooca airbus ah oo ay leedahay Somali Airlines oo Muqdisho aan ka raacnay ayaan ku tagnay garoonka Fiumicino ee magaalada Roma. Dayaaraddeennii waxay u gudubtay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.  Saacado yar ka dib waxaan Roma ka raacnay dayaarad kale oo markiiba na geysay garoonka Charles de Gaulle ee Paris goor fiid ah.  Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan arko iftiinka qorraxda oo maalin oo kale ah iyada oo saacaddu ay tahay sagaalka fiidnimo.

Subixii xigay ayaan train-ka dheereeya ee TGV ka raacnay istaanka tareennada Paris-Gare-de-Lyon. Saacado ka dibna wuxuu na geeyay Montpellier.

Montpellier waa magaalo dalxiis iyo waxbarasho oo 10 km keliya u jirta xeebta koofureed ee dalka Faransiiska ee badda Mediterranean-ka.

Waxaan ugu tagnay dhallinyaro reer Djibouti ah oo na soo dhoweeyay oo qaarkood aan anigu weli isku xiran nahay.  Mid ka mid ah oo Diblomaasi sare noqday ayaan dib isu helnay muddo hadda dhowr sano laga joogo.

Kacaan 200 jirsday 

Université Paul-Valery Montpellier 3
Montpellier waxaan u tagnay in aan qaadanno casharro loogu talo galay Macallimiinta dhiga afka Faransiiska.  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa qabanqaabisay.  Waxay ku soo beegtay sannadguurada laba boqolaad ee ka soo wareegytay Kacaankii Faransiiska.

Fantasiyo iyo damaashaad ayaa meel walba ka socda.  Munaasabadda ugu weyn ee loo dabbaal degayaa waa maalinta 14 Luulyo 1989 oo ah sannadguurada laba boqolaad ee Kacaanka Faransiiska.  Laba boqol oo sano ayaa ka soo wareegtay markii xabsiga Bastille ee magaalada Paris loo dhacay, taas oo ku asteysan maalinta Kacaanka Faransiiska.

Wuxuu ahaa Kacaan dhiig badani ku daatay.  Taariikhyahannada qaar ay ku tilmaamaan dhacdooyinka ugu waaweyn ee dunida in uu ka mid ahaa.  Ma ahayn in Boqor Louix XV1 la dilay oo keliya.  Ma ahayn oo keliya in Boqortooyadii Faransiiska lagu beddelay Jamhuriyad.   

Faransiisku wuxuu weerar ku qaaday dalal ka baxsan kiisa qaarkoodna ay aad uga fog yihiin oo Bariga Dhexe iyo bartamaha Ameerika ku yaal, halkaas oo uu dhulka dhigay wixii Boqortooyo ka jiray.

Laakiin 14-ka Luulyo markii aan gaarnay waxay noqotay in aan maskaxdeennu u soo jeedin Kacaan Faransiiska oo dhacay 200 oo sano ka hor iyo damaashaadka hadda loo sameynayo.  Magaalo iyo dal qalbigeenna meesha ugu muhiimsan uga yaal ayaa hadda qalalaase ka taagan yahay.  Muqdisho ayaa la isku dilayaa.

Subaxnimada  Jimcaha ee 14-ka Luulyo 1989 waxaan nabad uga soo toosnay Hoyga Vert Bois ee Jaamacadda oo aan deggan nahay.  Ma ogeyn in dalkeenna ay maanta ka dhici doonaan waxyaabo naga sii jeediya munaasabadda weyn ee muddo la sii hadal hayay.  Ma ogeyn in dhowr boqol oo Soomaali ah la dili doono maanta.

Waxay ahayd markii Salaadda Jimcaha ka dib uu dhacay bannaanbax.  Wuxuu ka billowday Masjidka Shiikh Cali Suufi ee Xaafadda Casa Popolare ee degmada Hodon.  (Masjidka Shiikh Cali Suufi, xusuusta keliya ee uu markaa ii lahaa waxay ahayd in aabbahay aan kula tukunnay janaasada).

Bannaanbaxa waxaa ka dhalatay Rabshad.  Bannaanbaxayaasha iyo ciidanka Dowladda ayaa foodda is daray.  Ciidanka waxay fureen rasaas.  Waxaa la rasaaseeyay dadkii bannaanbaxayay ayaguna dhagxaan ayay la dhecayeen ciidanka amniga.  Wararka qaar ay sheegayeen in shacabka bannaanbaxaya ay ku soo dhex dhuunteen dad hubeysan.  Dhimashada iyo dhaawaca ka sokow, dad badan ayaa xabsiga loo taxaabay.

Wararka qaar waxay sheegeen in dadka dhaawaca ahi aanay isbitaal tegi karin, baqdin ay ka qabaan in la xiro awgeed.

Internet weli ma dhalan.  CNN ma dhowa.  Al Jazeera ha sheegin.  Radio Muqdisho Montpellier lagama dhegeysto.  Haddana, warku wuxuu nagu soo gaaray Montpellier.

Waxaa keliya oo aan haysannaa waa Telefishinka iyo wargeysyada Faransiiska iyo Raadiyayaasha RFI iyo BBC.  Iyagana wararka aan ka dhegeysannay walaac uun ayay noo sii kordhiyeen.  Waxaa noo dheer telefoon aad u qaali ah. 

Sida ay qortay New York Times oo soo xiganeysa wakaaladda wararka AP, Africa Watch oo ah urur Xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa faafisay in 400 oo ruux lagu dilay Muqdisho 14-ka Luulyo 1989.

Kaniisadda Muqdisho

Si buuxda la isuguma waafaqsana dhacdadaas waxa sababay iyo xataa sida ay u dhacday.  Sagaalkii bisha Luulyo ayaa Muqdisho lagu dilay Salvatore Colombo oo ahaa baadariga u sarreeya Kaniisadda Katooligga ah ah ee Muqdisho.  Dilkaas waxaa loo xiray wadaaddo la tuhunsanaa in ay ku lug leeyihiin.

Colombo wuxuu ahaa nin muddo dheer degganaa Muqdisho. 1947 ayuu xersiga wadaadnimada ka soo qaatay magaalada Milano.  In yar ka dibna wuxuu yimid Muqdisho.  Intii ka dambeysayna Muqdisho ayuu degganaa.

Kaniisadda waxaa ugu badan oo ay u adeegtaa qiyaastii kun Talyaani ah oo deggan Muqdisho. Ajnebi kale ayaa isaguna taga.  Danjire Mareykan ah oo bartamihii siddeetamaadkii Muqdisho joogay ayaa sheegay in uu habeen saqdii dhexe Kaniisadda uga qeyb galay ducada ciidda masiixiga ah ee Easter.

Safiirka oo ay sheekeysteen Baadariga ayaa qoray in Maxamed Siyaad Barre aanuu Salvatore Colombo u oggoleyn in uu Soomaaliya ku faafiyo diinta Katooligga.  Laakiin Siyaad uu doonayay deeqda Katooligga.  Sidaa darteed ayuu Colombo dalka keenay wadaaddo kaniisadda ka tirsan oo ah kalkaaliyaal caafimaad oo isugu jiray lixdan Talyaani ah iyo dhowr iyo labaatan Hindi ah.  

Waxay ka howlgalayeen Isbitaallada magaalada qaarkood.  Waxaa kale oo kalkaaliyaasha caafimaadka garab socday mashruuc ay waddo hey’adda Caritas Somalia oo 100 ceel oo tuulooyin ku yaal lagu rakibayo bamba gacan-maal ah oo shidaal la’aan biyaha ka soo saareysa ceelka. Bambadu waa sanca Austria.


Habeenkaas waxaan Montpellier seexannay annaga oo la murugeysan warka dhiillada ah ee naga soo gaaray dalkeenna.  Laakiin meesha aan joogno iyo telefishinkaba waxaa ka socda fantasiyo iyo damaashaad aan kala go’ lahayn.  Dhallinyarada reer Djibouti oo keliya ayaa ogaa xaaladda aan ku sugan nahay.

Xarig & Xabaal-Wadareed - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Labaad

$
0
0
In afar boqol oo ruux isla maalin gudaheed lagu dilay Muqdisho waxay ahayd murugo inteeda la'eg. Laakiin intii aan joognay Faransiiska dhibka Soomaaliya ka dhacay kuma koobnayn 400 oo ruux oo maalin keliya lagu dilay Muqdisho.  Ma ahayn oo keliya in isla maalintaas xabsiga loo taxaabay dad aad u fara badan.  Dilka iyo xariggu intaas kuma istaagin.  

Waxaa la dilay 47 qof oo rayid ah oo aan Maxkamadi xukumin.  Xataa dacwad laguma soo oogin.  Waxaa lagu dilay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho.  Waxaa la sheegay in ay qabiilka ay ahaayeen dartiis loo beegsaday.  

Laakiin warkaasi iguma soo gaarin inta aan joogay Faransiiska.   Waxaan ogaan doonaa isla subaxa aan Muqdisho ku soo laabto.

Sida ay saxaafaddu uga hadashay dhacdadii 14 – ka Luulyo ee Muqdisho, iyo wararka toos noo soo gaaray waxay nagu abuureen walaac.

Qaarkeen waxay codsadeen in wakhtiga la soo gaabiyo si aan Muqdisho ugu noqonno.  Waxaase jiray saaxiib aad isugu dayay in uu iga dhaadhiciyo in aan labadeennu iska dhiibno Paris.  Waan ka diiday. Isaga laftiisu wuu yara shakisanaa oo markii aan ka diiday wuu na soo raacay.  Laakiin Talyaaniga marka aan soo mareyno ayuu naga haray oo uu Roma iska dhiibay.

Sannad ka dib ayay ahayd marka aniga oo Muqdisho ka soo cararay uu igu soo dhoweeyay Talyaaniga.  Wuxuu igula kaftamay in aan hadda gartay in aan khaldanaa markii aan sannadkii hore diiday in aan is dhiibo.


Qabiil Dulman

War naxdin leh oo i soo gaaray inta aan Faransiiska joogay wuxuu ahaa in Xamar lagu xiray tobaneeyo dhallinyaro ah saaxiibbadeey ka mid yihiin oo lagu eedeeyay dembiyo dhowr ah oo ku abtirsada Qaran-dumis.  

Waa eedeyn culus oo keeni kartay dil toogasho ah.  

Qaar badan oo nimankaas ka mid ah waan is naqaan, ugu yaraan laba ka mid ahna waxaan nahay saaxiibbo dhow.

Waraaq uu ii soo diray ayuu walaalkeey iigu sheegay xarigga nimankaas gaar ahaanna saaxiibbadeey. Labada saaxiib waa niman aan Jaamacadda wada dhigannay, isku xaafad nahay, marmar aan is raacno, mar marna aan guryaha isku booqanno.  Walaalkeey isaga oo dhankaa ka eegaya ayuu iiga digay in aan dalka ku soo laabto. 

Walaalkeey waan ku ogaa in uu dalkiisa aamminsan yahay.  Waddaniyadduna ay ku weyn tahay.  In aanuu dalka ka quusanna waxaa daliil u ah in inta aanan anigu dalka ka soo bixin in yar ka hor uun uu ka soo laabtay waxbarasho uu ku soo qaatay magaalada Bath ee dalka Ingiriiska iyo ka sii hor dalka Jarmalka.

Waxaanse ogaa in aan walaalkeey ogeyn in aan anigu ogaa waxa nimankaas loo xiray.  Sidoo kale in aan ogaa waxa aan aniga iyo iyagu ku kala geddisan nahay.

Hadda ka hor ayaa mid ragga la xiray ka mid ah oo aynaan xataa aad isu aqoon, uu igu martiqaaday in aan howsha kala qeyb qaato.  Sabab wuxuu iiga dhigay in aan nahay qabiil dulman oo markaa aan u baahan nahay in aan wax iska caabbinno. Waxaan weydiiyay cidda ay howsha ku wada jiraan.   Dhowr nin ayuu ii sheegay oo dhammaantood ka mid ah kuwa hadda la ii sheegay in la xiray. 

Waxaan ku iri ninyahow aniga iyo adigu isma naqaan.  Arrinta aad igala hadleysaana waa xasaasi.  Waxaan arrintaa kala xaajoon doonaa ragga aad tirisay mid ama qaar ka mid ah oo kalsooni ay naga dhexeyso.  

Gaarigi ayuu watay.  Marka uu iga dhaqaaqay ayaan qaatay gaarigeyga oo waxaan gurigiisa ugu tegey nin saaxiibkeey ah oo kooxda ka mid ah.  Cabasho ayaan u jeediyay dadka aynaan si wanaagsan isu aqoon ee ay ii soo dirayaan ee arrimaha xasaasiga ah ila soo gelaya in ay iga joojiyaan.  Wuxuu ii ballanqaaday in ay ammaan i siin doonaan.

Waxaan xusuustaa in habeen aniga oo tobankii fiidnimo socda oo shaqo ka soo rawaxay aan ku arkay isla saaxiibkaas asaga oo fadhiya makhaayad ku taalla Xamar Jadiid.

Waxaan u sheegay saaka shaqadii aan u kallahay markii ay galabta ii dhammaatay in aan mid kale u gudbay oo aan hadda uun ku laabanayo gurigeyga.  Waxaan u sheegay in aniga oo sidaa mashquul u ah aan haddana ka warhayo shirarkooda iyo dacaayadaha ay derbiyada ku qoraan ama waraaqaha ay daadiyaan.  Waxaan u sheegay in aan hubo dadka sida aan howlaha kale ugu mashquulsan ahay si la mid ah u mashquulsan laakiin ku mashquulsan daba-galka dadku in aanay ku war la’ayn xogta aniga i soo gaartay.

Waan xusuustaa isaga oo isku daraya kaftan iyo kiis-iska-waal  ayuu igu yiri, Yusuf marka aan dalka xoreyno waxaan ka baqayaa xilka aan kuu dhiibno aad ka baqdo in aad qabato.

Inahaas dartood, waxaan ogaa nimanka la xiray in ay ahaayeen koox bareertay oo ku howlan falal lid ku ah Dowladda.

Anigu waan isku kalsoonaa oo waan ogaa in aanan lug ku lahayn falalka saaxiibbadeey loo xiray.  Laakiin waxaanan hubin in ay nabadsugiddu sidaa og tahay iyo in kale.

Inta aynaan ka soo bixin Faransiiska, waxaan la xiriiray Diblomaasi Yurub u dhashay oo aan is naqaan si aan xog uga helo xaaladda Muqdisho.  Wuxuu ii sheegay in ay xaaladdu aad hoos ugu dhacday, mustaqbalkana aan la saadaalin karin. Wuxuu ii sheegay oo kale in uu diyaar iila yahay in uu igala shaqeeyo haddii aan goosto in aanan Soomaaliya ku laaban oo aan doonayo in aan dalkiisa tago si aan magangelyo u weydiisto.  Waad mahadsan tahay ayaan ku iri, laakiin isma dhiibayo.

ICRC oo aan u shaqeeyo iyadu waxay ii soo jeedisay in haddii ay wax i tareyso uu Peter Stocker, Madaxa ICRC ee Soomaaliya uu diyaar u yahay in uu airporka isagu iga soo doono.

Taasna waan ka mahadceliyay laakiin waan iska diiday.  Weli markaas waxaan aamminsanaa Qaranka iyo Dowladda.  Waxaan is ogaa in siyaasadda la isku baacsanayo aanan qayb ka ahayn.  Waxaan u haystay xataa haddii la igu qaldamo oo la i xiro in aan caddeyn karo in aanan qayb ka ahayn waxa socda ee aan ahay samafale qunyar socod ah.  Waxaan moodaa in la kala garqaadanayo.

Paris ayaan ka soo duulnay oo Roma uga degnay dayaaradda.  Ka dibna Roma ayaan ka soo raacnay dayaaradda Somali Airlines oo subax hore na keentay dalkeenna.

Muqdisho

Airporka Muqdisho markii aan ka soo degay oo aan ka soo gudbay Saraakiisha Socdaalka, waxaan ku imid saraakiisha kastanka.  Dadkeennii dayaaradda ka soo degay oo hal saf isdaba soconna ayaan ku nimid miisas is garab yaalla oo dhanka mid naga haya. Miis kasta waxaa gadaashiisa taagan nin ama laba baaraya boorsooyinka.  Midka igu soo aaday wuxuu furay boorsadeyda, asaga oo aan aniga i eegeyn ee boorsadeyda marba shey kor u qaadaya ayuu igu yiri hebel iyo hebel waa la xiray.  Waa labadeydii saaxiib ee walaalkeey ii soo sheegay.

Waan ka gudbay waxaana i soo qaaday walaalkeey Ismaaciil oo wata gaari Land Rover ah.   Markii aan ka soo baxnay albaabka airporka ayuu i weydiiyay waxa dhacay ma maqashay?  Waxaan moodayay nimanka la xiray in xukun ku dhacay laakiin arrin ka culus ayuu iiga warramay.

Wuxuu ii sheegay 47 ruux oo isku beel ah in lagu dilay xeebta Jaziira.  Sida wax u dheceen ayuu faahfaahin iga siiyay. 

Madaxeyga way ka dhaadhici weyday in sidaasi ay suurta gal tahay.  Wax uun baa meel ka khaldan ayaan is iri ama xogta ayaa kala dhimman.

Haddana walaalkeey iga weyn oo aanan been ku aqoon Dowladdana u shaqeeya  ayaa ii faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.  Waan ka xishooday in aan ku iraa waxa aad sheegeysaa macquul ma ahan laakiin runtii warkiisu waa iga daaddegi waayay.

Walaalkeey waxaa ka muuqday niyad-jab weyn iyo murugo. Sida wuxuu u hadlayay in talo fara ka baxday oo ay Dowladdu gaartay meel aan ka soo noqosho lahayn.  Xataa su’aalihii aan weydiiyay qaarkood wuu ka aammusay in uu iiga jawaabo qaab muujinaya in uu ii arko nin aan weli xaaladda fahmin.  Airporka ilaa Xamar Jadiid wax kale kama aynaan hadal.  Xataa reerkeenna oo dhib noo gaar ahi uu nala soo gudboonaaday intii aan maqnaa, ilama soo qaadin.

Markii aan shaqooyinkeygii ku laabtay, maalinba maalinta ka dambeysa xaqiiqo aan rajeynayay in ay been tahay ayaan ku khasbanaaday in aan rumeysto.

Dhacdadaas xanuunka badan aad ayaa wax looga qoray.  Qofka doonaya in uu wax ka ogaado  buug af Soomaali ku qoran oo dhacdadaas keliya ku saabsan oo cinwaankiisu yahay Xeebta Geerida ayaa waxaa qoray Cabdi Shire.

Xogta ugu badan ahna mid sugan waxaa bixiyay nin dhibbanayaasha ka mid ahaa, oo rasaasta Rabbi ka badbaadiyay.

Xeerarka Dagaalka - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Saddexaad

$
0
0
Saaxiibbadeydii la xiray intii aan waxbarashada ugu maqnaa Faransiiska, markii aan dalka ku soo laabtay waan ka baqay in aan soo booqdo.  

Maxkamadda badbaadada ayaa maalin loo qabtay in la soo taago.  Warku waa i soo gaaray laakiin marnaba kuma aanan talo jirin in aan tago Maxkamaddooda.

Mid saaxiibbadeyda xiran ka mid ah ayaa walaalkiis iigu yimid gurigeyga.  Wuxuu i weydiistay cinwaanka Amnesty International in aan siiyo si uu hey'addaas ugu wargeliyo in walaalkii la xiryay.  

Inkasta oo intii aan Faransiiska joogay anigu aan Amnesty ku wargeliyay in raggaas xabsiga la dhigayintii, haddana asaga waxa keliya oo aan u sheegay in aan u soo raadin doono cinwaanka uu i weydiistay.

Saaxiib laga Shakiyay

Bishii Abriil 1990 waxaa la soo daayay mid ka mid ah saaxiibbadeey.  Arrintaasi la yaab ayay noqotay.  Dhallinyaradii magaaladu waa ay ka shakisay ninka la soo daayay.  Welibana waa ay ku xanaaqday.  Waxaa suuqa loo geliyay in ay dhici karto in uu ahaa basaas ka tirsan NSS.  In sababta nimanka loola xiray ay ahayd in uu xabsiga gudihiisa ku soo basaaso oo xogtooda ugu dambeysa uu ka soo ururiyo.

Ragga qaar lafahooda ayay uga baqeen oo waxay billaabeen in ay isaga ka fogaadaan kana sheekeystaan ayaga oo xamanaya. 

Anigu gurigeyga ayaan ku martiqaaday si aan uga wareysto sida ay wax u dheceen.  Isagana aan afkiisa uga helo waxa uu ku fasiro sii deyntiisa. 

Waxaa uu ii sheegay in raggii ay isla xirnaayeen iyo isagu ay iska warqabaan raallina ay isaga yihiin in uu xabsiga ka soo baxay.  Wuxuu iigu daray in uu yahay nin iyaga ka wakiil ah, danahoodana ka shaqeeya. 

Wuxuu ii sheegay in uu toddobaad kasta uu iyaga ku soo booqdo xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo markaa loo wareejiyay.  Awal waxay ku xirnaayeen oo isaga laga soo daayay Godka Nabad Sugidda oo dadku ay ugu yeeraan Godka Jilicow.  Xilligaas waxaa Godka Madax ka ahaa Jilicow naftiisa.

Kooxdu waxay weli ku eedeysan tahay dembiyo ku abtirsada Qaran - Dumis oo xukunkoodu noqon karo dil toogasho ah.

Waxaa kale oo uu ii sheegay in ninka labaad ee aan saaxiibka ahayn ee awal la igu wargeliyay in la xiray aanuu xirnayn.  Markii uu ka warhelay in la is xirayo ayuu magaalada ka cararay oo baaddiye aaday ayuu igu yiri. Mar dambe waxaa soo baxday in aanuu baaddiye aadin.  Wuxuu ku dhuuntay guri aan guriga waalidkii ahayn oo degmo kale oo isla Muqdisho ah ka tirsan.

Waxaa kale oo aan ogaa Macallin Jaamacadda wax ka dhiga oo isagu marka uu ka warhelay in amar lagu bixiyay in la soo qabto, markiiba dhakhsa isu qaban qaabiyay oo u fakaday baadiyaha Ethiopia.  

Saaxiibkeyga xabsiga ka soo baxay, arrinta iigu yaabka badnayd ee uu habeenkaa ii sheegay waxay ahayd in markii la xiray la tusay sawirkeyga oo la yiri ma taqaan ninkaan.  Ka dibna wax laga weydiiyay xiriirka aniga iyo isaga naga dhexeeya.  Iyo in aan howlaha qaar ka wada shaqeyno iyo in kale.

Anigu ma ogi cidda ka mas’uulka ahayd, laakiin xaaladda Muqdisho ee berigaas waxay ahayd mid kacsan.  Waxaana socday oo la dareemi karay awood isku dayaysa in ay dadka oo awalba careysnaa ay sii kiciso iyo in ay ka hor keento Dowladda.

Xaa la Yiri?

Muqdisho, waxaan dhowr jeer ku arkay waraaqo la yiri magaalada ayaa xalay lagu daadiyay.  Ma hubo in ay isla kooxdan qaarkood ay saaxiibbadeey yihiin ay ka dambeeyeen iyo in cid kale ay soo abaabushay. 

Waraaqaha qaarkood cinwaankoodu wuxuu ahaa Xaa la yiri?

Waraaqahaas waxaa ka mid ahaa qaar madaxda Qaranka lagu bahdilayo iyo qaar Madaxda looga been sheegayo.  Qaab waxay u qornaayeen la leeyahay Hebel wuxuu yiri oo markaa hadal xanaf leh afka loo gelinayo.  Siyaad wuxuu yiri iyo Samatar wuxuu yiri ayaa ka mid ahaa, laakiin kuma koobnayn labadaa mas'uul.

Madaxdaas waxaa afka loo gelinayay hadal gef ku ah mansabkooda. Erayo shacabka ama reer loogu gooddinayo.  Hanjabaad iyo baqdin gelin.  Faan iyo wax kasta oo shacabka ku diri kara.

Mawaaddinka caadiga ah ee warqaadda dariiqa ka helaa in uu rumeysto waxa ku qoran waraaqda iyo in kale waa howl isaga u taalla.  Laakiin marnaba suurta gal uma ahayn muwaaddinku in uu xaqiiqada ogaado.  Ma jirin  si uu ku ogaan karin in Siyaad uu hadalkaa yiri ama uu fikirkaas qabo iyo in kale.  Xaggeyba isku arki?

Kuma koobnayn Madaxda Dowladda oo keliya.  Waxaa la qorayay magacyada dad Siyaasiyiin hore ah ama Ganacsato waaweyn ah iyo xataa Hoggaamiyayaal Dhaqan.  Waxaa markaa iyagana afka loo gelinayo hadallo iska caabbin ah, caddaalad u dirir ah ama ku saleysan u-daneynta iyo daafaca xuquuqda shacabka.  

Meesha madaxda markaa joogtay laga yeersiiyay hadallo qadaf iyo xilkasnimo darro ah oo shacabka ku diraya, waxaa kooxda kale ee la Boqrayo loo xulay erayo uu shacabku ku jeclaado oo xilkasnimo iyo xikmad ku dhisan.

Harare


Dhowr usbuuc ka dib waxaa aqoon kororsi la iigu diray magaalada Harare ee dalka Zimbabwe. Tababbarku wuxuu ku saabsan yahay howlaha Laanqeyrta iyo bisha Cas gaar ahaan Xeerarka Caalamiga ah ee Dagaalka iyo faafintooda.

Kenyan, Ethiopian, Ugandan, dad Sudan u dhashay iyo qaar ka socda dalal kale oo badan oo Afrikada Bari iyo tan Koofureed ah ayaan ku biirnay aniga oo ICRC ka socda iyo nin sammigeey ah oo ka socday Ururka Bisha Case e Soomaaliyeed.

Haddii aan soo kobo xeerarka dagaalka ama Axdiga Geneva waxaa uu ka digayaa in wax la yeelo dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha dagaalka.  Wuxuu ka digayaa in la dilo dadka aan markaa dagaalka ka qeyb qaadan karin sida dagaalyahanka dhaawaca ah ama xanuunsan iyo kuwa is dhiiba.  Sidoo kale wuxuu ku baaqayaa in aan marnaba wax loo dhimin goobaha diinta sida Masaajidda, goobaha Caafimaadka, gaadiidka caafimaadka iyo hantida rayidka ee aan dagaalka qeyb ka ahayn.

Wuxuu si faahfaahsan u qeexayaa xuquuqda dhinacyadaas aan sheegay oo dhan.  Waxaa kale oo uu xeerku qeexayaa in dilka dhinacyada ay tahay in la nabadgeliyo uu yahay dembi dagaal.

Zimbabwe waxay markaas xor ahayd sagaal sano oo keliya. Halka dollar ee Mareykan ah wuxuu sarrifkiisu ahaa laba dollar oo Zimbabwe ah.

Waxaan berigaas ku soo bartay Harare, Shiikh Maxamed Yaasiin oo markaa hanti ku haystay, mucaaradna ahaa.  Shiikh Yaasiin dhowr jeer ayuu Madaxweyne u tartamay laga soo billaabo 1994.

Sii socod iyo soo laabad waxaan midkiiba saddex maalmood joogay magaalada Nairobi oo ahayd markii iigu horreysay.  Waxaan ku degey Panafric Hotel.  Soo laabadkeygu wuxuu ku beegnaa Toddobaad taariikhi ah. Waxaa la dumiyey derbigii shubka ahaa ee kor u dhisnaa 3.6 miitir ee kala qeybin jiray magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, oo berigaas u kala qeybsanaa laba dal oo kala madax bannaan - Jarmalka Bari iyo Jarmalka Galbeed.  

Waxaan arrintaa u soo qaadayaa in ay astaan u ahayd billowga dhammaadkii dagaalkii qaboobaa.  Wuxuu dabciyay loollankii u dhexeeyay reer Bariga oo Soofiyeetigu hormuud u ahaa oo Berlin-ta Bari ay ka mid ahayd.  Iyo reer Galbeedka oo Mareykanku hoggaanka u hayay ayna ka mid ahayd Berlin-ta Galbeed.

Dadka qaar ayaa qaba in duminta derbigaasi ay saameyn dadban ku yeelatay burburka Soomaaliya.


Markii aan Muqdisho ku soo laabtay shaqadeyda ICRC waxaa lagu soo daray in aan wakhtigeyga shaqada Barkiis ka howlgalo Xafiiska Berbera.  Iyo sidoo kale in aanan Berbera ku ekaan ee inta aan halkaas joogo aan safarro joogto ah ugu baxo degaannada woqooyi ee ay ICRC ka howgasho hadba midkii howsheyda looga baahdo.  

Xafiiska Berbera ku soo xigaa waxay markii dambe hey'addu ka abaabushay Borame.  Laakiin howlgalku kuma koobnayn labada magaalo ee wuxuu ku baahsanaa Hargeysa, Burco, Ceeri-Gaabo iyo markii dambe Sallaxleey.  Wuxuu gaaray tuulooyinka qaar sida baadiyaha Gobolka Awdal iyo tuulooyin ay ka mid yihiin Darar weyne oo nawaaxiga Hargeysa ah iyo Beer oo Burco bannaankeeda ku taal.

Wixii aan Berbera iyo magaalooyinka kale ee aan tegey aan kala kulmay qaarkood waxaan ku soo qaadan doonaa Qaybaha soo socda ee Taxanahan 89 iyo 90.
Viewing all 305 articles
Browse latest View live