Quantcast
Channel: Yusuf Garaad
Viewing all 305 articles
Browse latest View live

Socdaalkeygii Woqooyiga - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Afraad

$
0
0

Dayaarad ku nooc ah kuwii aan ku safri jirnay
Socdaalkeyga magaalooyinka waa weyn ee woqooyiga Soomaaliya sannadihii 1989 iyo 1990 wuxuu ahaa socdaal nolosheyda ku yeeshay saameyn aad u weyn.  

Dulmi badan oo Soomaali ay u geystay Soomaali kale ayaan arkay.  Rag aan qaarkood Taxanahan uga warrami doono ayaan ku kala bartay – dhinac wanaagsan iyo dhinac gurracanba.  Khibradda aan socdaalkaas ka helay ayaa aakhirkii qeybta ugu weyn ka qaadatay go’aanka aan ii fudueyn ee ahaa in aan dalkeyga ka haajiro.

Xamar markii aan joogay, ayaga oo ka xun, shacabku waxay ka hadli jireen warar dhiillo leh oo ka dhacay Burco iyo Hargeysa.  Hadallo aan mid walba la yaabo oo kolleey run iyo qaar been ah isugu jiri karay ayaan maqli jiray.  Laakiin wax kasta oo aan hore u maqlay iyo cid aan hore isu aragnay oo ma jirin marnaba ii diyaarin kartay waxa aan la kulmay markii aan tegey Berbera, Hargeysa, Burco iyo Borame.

Magaalo kasta waxaan soo bandhigi doonaa sawirka guud ee xaaladdii aan ku arkay markii aan tegey 89 iyo / ama 90.   Waxaa kale oo aan wax ka taaban doonaa dhacdooyin iyo kulammo goos goos ah oo aan goob joog u ahaa, kuwaas oo marka la isku daro dhibic yar uun ka noqonaya xaqiiqada dhan ee meesha taallay inta aan joogay, ka hor iyo ka dibba. 

Ujeeddadeydu ma ahan in aan qof ama qabiil farta ku fiiqo.  Waxaan rabaa in aan xog la wadaago ummadda Soomaaliyeed si ay gacan uga geysato tilmaamidda baaritaanka wixii dhacay. Iyo si ay wax uun ugu biiriso fahamka taariikhda dhow ee Soomaaliya.  Waxaa kale oo aan uga dan leeyahay in ay qayb ka noqoto waxbarasho horseedda in mustaqblka ay dadkeennu ka fogaadaan taas oo kale iyo xad gudub kasta oo aadane ka dhan ah.

Ugu dabeyn waxaan uga dan leeyahay in aan anigu isku daweeyo.  Ugu yaraan in aan isku qanciyo in aan billaabay in aan guto waajibkeyga ah in si sax ah u soo gudbiyo fahahmkeyga waxa dhacay inta aan goobjoogga u ahaa. 

Berbera


Berbera waxay ahayd magaalo aanuu raad dagaal oo oogada ahi ka muuqan.  Waana sax oo gudaheeda laguma dagaallamin berigaas.  Dagaal ay indhuhu qabtaan kuma arkeysid.

Guryaha iyo waddooyinku waa ay dhisan yihiin. Dadweynuhu waa joogaa magaalada inkasta oo ay dad yar tahay.  Laakiin waa magaalo si u dansan.  Ma dareemeysid in aad joogto magaalo caadi ah.  Intaa wax baad tabeysaa meel ay wax si ka yihiinna ma tilmaami kartid.  Waa sida raashin aan cusbo lahayn.

Waa Magaalo mareysa heer niyad jab ah.  Dadku indhaha uun kaa eegayo.  Qof kuu xog warrameya ay aad u adag tahay in aad aragto.  Farxad iyo furfurnaan la’aanta magaaladu waa mugdi kaa daahaya in aad magaalo dareento, kana mid ahaato.  

Dhaqaaluhu waa liitaa. Dhaqdhaqaaq ganacsi oo macna leh ma arkeysid.  Waa Dukaan, makhaayad iyo hotel yar oo aan marti badneyn.  Mar ayaan arkay, ayaan u maleynayaa, xoolo aan badneyn oo la dhoofinayo.  Sidoo kalena marmar ayaa dad tarxiil ah la keenaa.

Waxaa intaa dheereyd xan lid ku ah ciidammada siiba militeriga iyo nabadsugidda saraakiishooda qaar ka mid ah.  Waxaa lagu eedeyn jiray xarig iyo bahdil noocyo kala duwan ah in ay u geystaan dadweynaha magaalada.  Ragga qaar ayaa lagu eedeyn jiray in ay baadaan qofkii wax haytsa. Qaar kale waxaa lagu eedeyn jiray cagajugleyn qaarna dhaqan xumo kale.

Ciidammada


Waxaa fadhiya militeri.  Ugu yaraan afar goobood oo airporka iyo dekeddu ay ka mid yihiin ayay xaruumo ku leeyihiin.

Taliyuhu waa nin ciidanka Badda ka soo jeeda.  Aad ayay dadku uga sheegtaan.  Inta aadan arag ayaaba khalkhal lagugu abuurayaa.

Marar badan ayay shaqo toos ahi na dhex martay. Mararka qaar waxay ahayd shir ay dad badani fadhiyaan.  Qaarna waxay ahaayeen labadeenna oo keliya.  Weligeey kama maqal kelmad qallafsan.  Kamana dareemin kuleyl iyo cadaawad ka muuqata oo uu u qabo dadka degaanka iyo dad kale toona.  Wuxuu aniga iigu muuqdaa nin mas’uul ah, Allah-na caabbuda. 

Waan xusuustaa habeen aan aniga iyo nin ajnebi ahi la kulannay. Aniga oo hor fadhiya aayan ka fekerayay war ninka sidaan u deggan ee sidaan u tasbiixsanaya iyo sidee isu qaban karaan xadgudubyada laga sheegayo?  Allah ayaa wax kasta og.

Mar kasta wuxuu gacanta ku sitay tusbax yar oo aan u maleynayo in uu ahaa nooca tirsigiisu yahay 33.  Dadku aad ayay uga baqi jireen ugana sheegan jireen. Howshayada samafalku gacan ay uga baahatay oo inta aan ugu tagnay uu maya na yiri ma xusuusto. 

Nooca hadda Madaxda looga sheegto ma ahayn xaalka Berbera.  Keliya qof aad is barateen kuguna kalsoon ayaa kuu sheegi karay cabashada Madaxda.

Saldhigga booliiska ayaa magaalada ku dhex yaalla.  Marmar baan Magaalada ku arkaa booliiska dharka ciidanka lebbisan oo lugeynaya ama baabuurtooda ku jooga.  Xiriir badani nama dhex marin Booliiska iyo Taliyihiisa midna.

Guryo gaa-gaaban oo aad mooddo goob ganacsi oo magaalada gudaheeda ah baddana aan ka fogeyn waxaa ah Taliska Nabad Sugidda.

Ciidanka Nabadsugiddu ma qaato lebbiska iyo baabuurta lagu yaqaan ciidanka.

Hubkiisu waa bastoolad.  Xataa haddii ay kuu muuqatana shaarka ayaa ka sarreeya oo waxay ka dhigan tahay sida in ay qarsoon tahay. 

Taliyaha NSS ee Berbera waa nin aammus badan anigana in badan shaqo nama dhex marin.  NSS waa magacii berigaa loo yiqiin Nabadsugidda.  Taliye ku xigeenka waxaad ka dareemeysaa awood ama waa dabeecad cadcad oo uu u dhashay.  In badan ayaan isugu nimid shaqo.

Xafiis yar oo ka kooban qolal gaa-gaaban oo badda agteeda ah ayay deggan yihiin.  Waxaa la ii sheegay in meel dadka lagu xiraa ay ku taal isla xaruntaas.  Socdaalka ayaga ayaa ka mas’uul ah.  U maleyn maayo marka laga reebo ICRC in ay waayadaa arki jireen ajnebi kale oo ka degeya ama ka dhoofaya Berbera.

Malahayga waa sababtaa midda ku kalliftay arrinkii ugu horreeyay ee aniga iyo ayaga na dhex mara.  Waa muran maamul oo ka dhashay markii ay damceen in ay lacag ka qaadaan ajnebiga imaanaya magaalada sidii in ay dibadda ka yimaadeen.

Markii aan u tegey ee aan in wadahadalnay Taliye-ku-xgeenka, waxaan ka dareemay in uu ogaa in aanuu qiil haysan.  Sidaa darteed anigu isukuma dayin in aan fahamsiiyo in Soomaaliya ay mid keliya tahay, Qofkan ajnebiga ahina uu ka soo degey Muqdisho.  Isla visihii uu dalka ku soo galayna uu haysto.  Waxa keliya oo isagu ku leeyahayna ay tahay hubin in ay waraaqahaas haystaan.  Keliya waxaan tusay in aan taas fahamsan nahay wax ka sokeeya oo aan aqbali karnaana aanay jirin.

Wuu i soo siiyay baasabboorradii, halkaas ayuuna ka billowday xiriir toos ah oo aniga iyo isaga na dhex mara.   Wuxuu ahaa nin ay dad badani ka sheegtaan.  Wuxuu ahaa nin hadallo cadcad.  Mararka qaarna wuxuu ahaa nin gar qaata.  Waxaas oo dhan waa sida uu aniga iila dhaqmay.  Ma ogi sida uu ula dhaqmi jiray shacabka magaalada.

Waxaan ka Taxanaha ku soo qaadi doonaa arrimo aad u culus oo uu Taliye Ku Xigeenka NSS-ta Berbera igala hadlay oo qaarkood ay ka mid yihiin taariikhda dhacdo muhiim ah oo Berbera xilligaas la soo gudboonaatay.

Taliyaha Nabadsugidda marnaba nama dhex marin howl sidaas ah oo toos ah.  Waxaan arki jiray isaga oo magaalada dhex maraya.  Wuxuu ahaa nin afgaaban.  Aad looma ilaalin jirin.  Dadkuna badiyaa kama caban jirin.

Taliyaha Booliisku wuxuu ahaa nin dhallinyar oo afgaaban.  Isaga iyo Guddoomiyaha Degmada ma xusuusto wada shaqeyn na dhex martay.

Berbera waxay ahayd magaalo ay colaaddu dhan walba u saameysay.  Laakiin qofka sii jooga magaalada una dhug yeesha ayaa dareemi karay in uu dagaal silloon ka socdo magaalada sida aad ku arki doonto Qaybaha kale ee Taxanahan.



Su'aal Askari Berbera - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Shanaad

$
0
0
Ka sokow xiriirka mas'uuliyiinta iyo shacabka oo aan kala shaqeeyo Madaxa Xafiiska, howsha iigu weyn ee aan Berbera u tegey waa in aan fasiro sababta ay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ay u yimaadeen Berbera iyo Howlaha ay qabanayaan.

Sidoo kale  waxaa la iga rabaa in aan faafiyo Qaanuunka Caalamiga ah ee Dagaalka.  Waxaa la iga doonayaa in aan ku faafiyo ciidanka, hey’adaha Dowladda iyo  dadweynaha siiba ragga da’  dagaallami karta ku jira ama ku dhow.

Waxaan ku qalabeysan ahay buugaag iyo waraaqo ku qoran Soomaali, Ingiriis iyo Carabi.

Waxaan sitaa aflaam kala duwan oo ka sheekeynaya bilaha iyo Laanqeyrta Cas iyo Xeerarka Dagaalka iyo tusaalayaal taariikh ah oo xeerarka dagaalka laga fulinayo goob dagaal oo dhab ah.  

Waxaan sitaa mashiinka daara filimka ay dhumucdiisu tahay 18mm iyo midka lagu daawado sawirrada ee isagu is roga.  Waxaan sitaa Shaashadda filimka laga daaawado. Waxaan sitaa dab-dhaliye  fudud oo culeyskiisu uu dhowr kiilo uun yahay.

Waxaan sitaa cod baahiye iyo laba mikrofoon.

Xeryaha ciidanka iyo shaqaalaha Bisha iyo Laanqeyrta Cas ayaan ka billaabay howsha.

Xeryaha ciidanka badiyaa galab ama habeen ayaan tagaa.  Subaxa waxaana culeyska saaraa nooc kasta oo ay leeyihiin shaqaalaha Basha Cas iyo Laanqeyrta Cas - hadday noqon lahaayeen kalkaaliyayaal caafimaad, dhallinyaro khibrad qaadasho u jooga, shaqaalaha xafiisyada, kuwa gaadiidka iyo farsama yaqaannada, kuwa nadaafadda iyo nooc kasta oo kale sida ilaalada.

Su'aal Askari


Ciidammadu inta badan si wanaagsan ayay xeryahooda iigu soo dhoweeyaan. Marka aan casharkeyga jeediyana su’aalo iyo jawaabo ama ra’yi ayaan inta badan is weydaarsannaa.  Marmar anigaa weydiiya su'aalo dood dhalin kara si aan u qiyaaso fahamkooda iyo sida ay u arkaan Qaanuunka Dagaalka.  Tusaale ahaan waxaan weydiiyaa sideed u aragtaa nin kula dagaallamaya haddii aad dhaawac ku qabato in aanad dilin ee weliba aad oggolaato in la daaweeyo?


Habeen ayaan Berbera cashar ku wada qaadannay. Filim isla mowduuca ahna waan daawannay. Waxaan xusuustaa askari dhallin yar oo iyada oo saraakiishii u madaxda ahaa ay fadhiyaan su’aal i weydiiyay.   Inta aad labada dhinacba dhaawacooda daaweyn lahaydeen sow kama habboona in aad na heshiisiisaan? Ayuu iiga nixiyay.

Waxaan u sheegay mas’uuliyadda Bisha iyo Laanqeyrta Cas in ay ku kooban tahay daryeel aadminnimo oo samafal ah.  In ay dooneyso in dhinacyada dagaallamaya ay dhexdhexaad ka ahaato si ay ugu adeegi karto rayidka, dhaawaca iyo maxbuuska dagaal.  In aanay mas'uuliyaddeeda ka mid ahayn siyaasad, dhexdhexaadin iyo heshiisiin kooxo dagaallamaya toona.

Askariga oo ahaa nin da' yar intaa kuma harin. Su’aashiisii xigtay ayaa iiga sii yaab badneyd.  Wuxuu igu yiri in aad dhaawaca labada dhinacba daweysaan waxaa ay sii daba dheereyneysaa dagaalka.  Qof dhaawac uga maqnaan lahaa goobta dagaalka ayaad soo daweyneysaan oo ku soo noqonaya faltanka dhib hor leh ayuuna geysan karaa.  Markaa waxaa habboon in aad ka shaqeysaan sidii aan isu af garan lahayn oo aan u heshiin lahayn.  Haddii adnaan taa awoodin in aad naga dhex baxdaan ayaa la qaatay.

Ma ahayn feker aan ka fili karay in uu i weydiiyo askari dable ah oo laga yaabo in Muqdisho ama gobol laga soo qafaalay.  In uu saraakiil igu hor weydiiyana waxay i tustay in aan xaalku ahayn sidii aan militeri ku aqaannay.

Qafaal


Ciidanka ka dagaallamaya Woqooyiga waxaa ku jiray dhallinyaro la soo qafaalay.  Makhaayadaha, waddooyinka iyo goobaha cayaaraha inta ciidan uu gaadmo ku tago ayuu soo ururin jiray wiil kasta oo kuray ah oo qori qaadi kara.  

Markaa inta xero ciidan la geeyo, timaha laga xiiro, tababbar gaaban oo sida qoriga loo rido u badan la siiyo oo tuute, qori iyo rasaas farta laga saaro ayaa la geyn jiray goob dagaal.  Xabbadda marka la hor dhigana wuxuu ku khasbanaa in isaga la dilo ama uu is difaaco oo dilo ciidanka horjooga.

Waxaan xusuustaa niman aan is naqaan oo Sucuudiga laga soo tarxiilay oo aan Berbera isku aragnay in maalin ay i geeyeen guriga ay joogeen oo uu lahaa nin sarkaal militeri ah.  

Waxaa guriga ka adeegaya wiil aad u yar oo haddiiba uu taban sano gaaray, malahayga, aan laba ama saddex sano ka badani ula jirin.  Wuxuu ku hadlayaa af-guriga looga hadlo degaannada koofurka qaarkood siiba aagga Balcad iyo Banaadir.

Waxaan sarkaalka weydiiyay wiilkan yari reer Berbera ma ahan ee sidee halkaan ku yimid?  Wuxuu ii sheegay sarkaalku in wiilka la soo qafaalay oo uu ka mid ahaa ciidan isaga loo keenay in uu dagaal geliyo.

Laakiin, ayuu yiri,  markii aan arkay ninka sidaan u yar waxaan goostay in aanan geyn goob dagaal. Waxaan ku soo daray ciidanka ilaalada ah ee aniga ila shaqeeya, laakiin adeegyada yaryar ayaan u dirsadaa.

Waxaan weydiiyay sababta uu dib ugu celin waayay meeshii laga keenay.  Wuxuu ku jawaabay in uu ka baqayo in mar kale dib loo soo qafaalo oo goobta dagaalka la geeyo.

Sarkaalkaas waxaan beri dambe ka warhelay in isaga lagu dilay dagaalka.

Iskuul La’aan

Magaalada hal iskuul kama furna.  Inkasta oo sannad dugsiyeed lagu jiro haddana iskuul ma furna.

Nin akhyaar ah oo aanan hadda magaciisa xusuusan ayaa dhallinyarada da’ ahaan Dugsi Sare ahaan lahayd af Ingiriis u dhiga.  Waxaan u maleynayaa in ay ahaayeen laba fasal.  Wuxuu ku dhigaa qol ka mid ah dhisme Iskuul ahaan jiray.

Maalin ayaan soo arkay isaga oo wax dhigaya.  Aad ayaan ugu bogay garashadiisa, is xilqaankiisa, hagar la’aanta uu casharka u bixinayo iyo waalidnimada iyo baarrinnimada qabku ka maqan yahay ee uu carruurta ula dhaqmayo.  Waxaa haddana i tabaatay sida uu keligii u yahay, una yahay agab la’aan. Sida maamule, macallimiin kale iyo shaqaale Iskuul ay kaalintoodu u maqan tahay.

Maalmo ka dib ayaan ku laabtay.  Waxaan wada soconnaa gabar aan wada shaqeyno oo Swiss ah.   Ardaydii ayaan kala hadalnay howsha Laanqeyrta iyo Bisha Cas.  Waxaan kala hadalnay xeerarka dagaalka.  Waxaan u daaray filim ku saabsan Laan Qeyrta Cas oo af Ingiriis ku hadlaya.  Waxaan u qeybinnay buugaag iyo waraaqo inta badan af Ingiriis ku qoran qaarna aan anigu Soomaaliyeeyay oo ku saabsan muwduucyada aan kala hadalnay.

Ayaan dambe ayaan ku soo laabtay oo waxaan u qeybiyay bugaagta wax lagu qorto iyo qalmaan.

Waxaan ahaa nin dhallinyaro ah oo firfirconi iyo isku kalsoonaan badan ku shaqeeya laakiin aan waayo arag ahayn oo ay dunidu la fudud tahay.  Wax kasta waan isku qaadi jiray aniga oo mooda in aan ka lib keeni karo.  Buugga Saaxiibbo Kasbo oo an akhrisay tobaneeyo sano ka hor ayaan ku dhaqmaa.   In badanna waa ay ii shaqeysay.

Waxaan u qabay in qof kastaa uu wanaag rabo.  Kii markaas ka dhacsanna in la tusi karo wanaagga. 

Uma haysan in ay dhici karto in wax macquul ah aan qof ka dhaadhicin kari waayayo.  Wax kasta oo wanaag ah in dadku isla fahmi karo ayaan u heystay. 

Weli waan u haystaa, laakiin khibradda ayaa i bartay in mar kasta iyo meel kasta aanay taasi ka shaqeyn.

Iskuulka Berbera waxaan aamminay in macallimiin uun loo waayay.  Macallin ka shaqeyn kara magaalo shidan maxaa keenaya Berbera? Ayaan is weydiiyay.

Waxaan ka fekeray in aan is biirsanno oo annaga oo dhowr ah aan ardayda Berbera Iskuul u furno.  Waxaan talada ka qeyb geliyay dad kala duwan oo Xamar iyo Berbera jooga.  Waxaan damcay iyada oo mutaddawacnimo ah oo aan aniga lacagi iiga bixin in aan macallimiin u helno afarta fasal ee kala sarreeya ee dugsiga Sare.  

Qorshaheygu wuxuu ahaa marka aan Dugsiga Sare saldhig u yeelno, in aan furno fasal kasta. In ardayda Dugsiga Sare kuwooda ugu fiican aan Macallimiin uga dhigno Dugsiga Dhexe iyo kan Hoose.

Waxaan mid mid u raadiyay macallimiintii ka dhigi lahayd Dugsiga Sare maaddo kasta oo lagu qaato.  Ina abtigeey oo ahaa Jaamici Kulliyadda Macallimiinta ka soo baxay,  Xisaabta iyo saddexda maaddo ee sayniska ah ee lagu dhigo Dugsiga Sare aad uga wanaagsan ayaa iga aqbalay in uu Berbera ii raaco.  Wuxuu aqbalay in uu diyaar u yahay in uu mutaddawacnimo ku tago Berbera. Wuxuu ii sheegay in haddii loo diyaariyo meel uu seexdo iyo wax uu cuno uu aqoontiisa ugu deeqi doono ardayda.

Waxaan doonayay in aan dhowr maaddo aniga lafteydu dhigo.  Shaqada Qaranka markii aan ahaa, Xisaab, Kimisteri iyo Ingiriis intaba waxaan ka dhigay Dugsiyada Sare ee Sakhaawaddiin iyo General Daud.  Haddii aan is diyaariyana mar kale waan dhigi karaa.

Aniga oo weli ku jira xulidda macallimiin Dugsi Sare oo aan Muqdisho iyo Berbera labadaba ka raadinayo ayaa qof howsha dhinac uga jiray uu isaga oo aan i wargelin wuxuu arrinkii hor dhigay mas’uul sare oo Wasaaradda Waxbarashada ah, kaas oo jawaabtiisu ay noqotay "Suurta-gal ma aha".  

Sida uu saaxiibkeey yeelay ma ahayn dariiqii aan is lahaa aad u martid oggolaashada Wasaaradda Waxbarashada.  Laakiin mar haddii MAYA la ii soo qaaday, waxaa khasab ah in aan dib u dego, oo aan aqbalo in aan hungoobay.

Markaas uun ayaan billaabay in aan dib isugu noqdo oo aan u qaatay in ay dhici karto in aan faraha kula jiro howlo aanan fahamsaneyn.  In 'waa macquul' oo keliya aanay ku filleyn in woqooyiga ra'yi laga rogo waxqabad xataa haddii uu yahay mid dadka iyo dalka u dan ah. 

Isbitaalka Qalliinka ee Berbera - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Lixaad

$
0
0

Isbitaal cusub oo qaliinka oo ICRC ay ka hirgelisay Berbera ayaa bartamihii Agoosto 1989 billaabay in uu dhaawac qaabbilo. 

Laba qeybood oo ay yaallaan 33 sariirood ayaa lagu billaabay howsha.  Laba dhakhtar oo qalliin ah iyo afar kalkaaliye caafimaad ayaa lagu billaabay.

Waxaa diyaarintoodu socotay afar qeybood oo kale oo marka ay dhammaystirmaan, isbitaalka qaadkiisa gaarsiin doona 77 sariirood. Laakiin marka xaalad deg deg ahi ay jirto Isbitaalku wuxuu awoodaa in uu seexiyo 100 dhaawac ah.

Waa isbitaal qalliinka dhaawacyada dagaalka lagu sameeyo.  Qalab wanaagsan ayaa yaalla.

Isbitaalka waxaa ka howlgala Dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad iyo sheybaarayaal dhammaantood u dhashay dalal dhowr ah oo Yurub ah.

Waxaa loogu tala galay in uu daweeyo dhaawaca dagaalka iyada oo aan loo eegin dhinaca uu xabbada u ridayo iyo in uu rayid yahay iyo in kale.

Inta aan ka warqabo militeri dhaawac ah waa la keenay, dhaawac SNM ahna waa la soo dhigay.  

Taliyaha Militeriga ee Burco ayaan xusuustaa maalin uu hey'adda la soo xiriiray oo uu ka codsaday in laga soo qaado dhaawac SNM ah oo ay ciidankiisu qabteen.  In aan maalintaas goobjoog ahaa darteed ayaan u xusay laakiin markaas oo keliya ma ahayn keenista dhaawaca SNM.

Dhaawaca Militeriga iyo dhaawaca SNM waxaa labadaba ka badnaa dhaawaca rayidka ee isbitaalka lagu qalo lana seexiyo. Rayidku wuxuu isugu jiray reer guuraa dhex istaagay beer miino, musaafar ayaga oo gaari wata ay miino la kacday iyo dadka rayidka ah ee magaalooyinka oo si uun xabbad ama qarax ula kulmay.

Miinada siiba midda waddooyinku waxay ahaayd farsamo dagaal oo SNM ay caan ku tahay.

Waxaa kale oo uu isbtaalku daweeyaa bukaan socod reer Berbera ah ama degaanno kale ka yimid.

Militeriga waxaa laga yaabaa in ay dhaawacooda meelo kale geyn jireen marka ay awoodaan. Waxaan hubaa in dhaawac badan loo qaadi jiray saddex Isbitaal oo militerigu ku lahaa Muqdisho.


ICRC waxay toddobaad kasta laba jeer raashin siisaa labada Isbitaal ee kale ee Berbera. Midkood waa Isbitaalka Qaaxada kan kalena waa Isbitaalka dhimirka.


ICRC waxay diiwaan gelisaa dadka rayidka ah ee la waayay. Waxaa laga yaabaa in la dilay, xabsi ay ku jiraan ama ay iskood u qaxeen iyada oo aan laga warqabin. Waxaa dhici karta in dalka gudihiisa ay ku barakaceen ama ay ka tallaabeen soohdinta.

Dayaaradaha ICRC


Waa sawir aan tusaale u soo qaatay
Dayaarad hal matoor leh oo ICRC ay leedahay ayaa dhaawaca ka soo qaadda Shiikh, Burco, Ceerigaabo, Hargeysa iyo Borame.

Dayaaraddu waxaa ay isbitaallada rayidka ee magaalooyinkaas geysaa daawo iyo qalab caafimaad.

Ma ogeyn in ciidanka airporka Berbera fadhiyaa uu intaa daba-gal ku hayo dayaaraddan yar ee ICRC. Ma ogeyn in ay hubiyaan in ay tagtay meesha uu duuliyuhu sheego in uu tegayo. 

Maalin ayay dayaaraddu u baxday Ceeri-Gaabo.  Markii ay soo laabatay ayay ciidanka airporka joogaa ay weydiiyeen duuliyaha meesha uu ka yimid.  Duuliyaha oo ahaa nin dhallinyar oo Swiss ahi wuxuu ciidanka u sheegay in uu  Ceeri Gaabo ka yimid.  Isaga iyo nin la socday ayay ku xannibeen airporka.

Markii laga wadahadlay arrinta, wuxuu ciidanku qiil ka dhigtay in uu hubo in aan dayaaraddu tegin Ceeri Gaabo ee looga baahan yahay in uu duuliyuhu runta ka sheego meesha uu tegey.

Aakhirkii waxaa soo baxday in duuliyuhu aanuu caga dhigan Ceeri-Gaabo.  Ceyryaamo awgeed ayuu degi kari waayay.  Sidaa darteedna isaga oo aan ku deign Ceeri – Gaabo ayuu ku soo laabtay Berbera.

Dayaarad kale oo taa la nooc ah oo iyadana ICRC ay leedahay waxay isku xirtaa Muqdisho iyo Berbera oo maalintii mar ama laba jeer ayay u kala duushaa.

Hub-ka-dhigis General


Isbitaalka xag maamul iyo xag shaqaba waxaa gacanta ku haysa ICRC laakiin wuxuu ku furan yahay magaca Bisha Case ee Soomaaliyeed iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

Dhallinyaro ka tirsan Bisha Cas ayaa marmar tababbar Gargaarka Degdegga ah u sameeya dhallinyarada reer Berbera oo qaarkood markii dambe ay shaqooyin kala duwan ka heleen Isbitaalka.

Saraakiisha militerigu haddii ay shir ama cabasho u yimaadaan goob ay ICRC leedahay sida Xafiis, Isbitaalka, Goobta aan ka cunteyno iyo xataa Guryaha aan deggan nahay xeer ayaa noo yaallay ayaguna muran la’aan ayay u hoggaansami jireen.  Nidaamku wuxuu ahaa in aanay la soo gelin.  Bastoolad, qori ama banbaano.

Waxaan xusuustaa General markaas ahaa Taliyaha Qaybta 21aad ee Hargeysa oo noogu yimid miiska aan ka cunteyno. Waxaa loo diiday in uu bastooladdiisa la soo galo.  Suunka baylka ah ee galka bastooladdu u suran yahay ayuu iska furay oo u dhiibay askari ilaaladiisa ah.  Ka dibna isaga oo sacabbooleey ah ayuu keligiis miiska noogu yimid.

Laakiin maalin ayaa niman hubeysan oo isku beel ah ay gaadiidka hey’adda oo dhan mid kasta oo waddada marayay ay qabteen oo ay meel ku xannibeen.  Isbitaalkana inta ay hub la galeen ayay gaadiid ka qaateen.

Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha maamulka iyo kuwa Xafiiska ICRC ee magaalada ayaa isu socon waayay, goobohooda shaqada iyo guryahoodana u kala socon waayay.  Waxay noqotay in lug la adeegsado.

Xafiiskeyga Muqdisho ayaan maalintaa fadhiyay. Waxay noqotay in aniga ooo aan gurigeyga ku laaban aan isla maalintaas u duulay Berbera si aan waanwaanta wax uga galo. 

Waxaan beesha gaadiidka la wareegtay ku marti qaaday meel lagu shiro oo Isbitaalka ka tirsan.

Waxaa ii soo baxday in dhaawucu markii uu batay, uu isbitaalku go’aansaday dadka hadda ka hor la qalay ee soo bogsoonaya kuwooda ugu xaalad roon in laga saaro Isbitaalka. Waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Degmada.  Beeshani waxay markaas ku doodeysaa in dadkii la soo saaray oo dhami ay noqdeen beeshooda oo sooc ah.  Waxay taas u aaneynayaan oo ay tuhmayaan in ay ka dambeeyaan dhallinyarada reer Berbera ee Isbitaalka ka shaqeeya.

Baaritaan kooban oo deg deg ah ayaan sameynay. Waxaana soo baxday in go’aanku uu ahaa mid sax ah oo ku saleysan xaaladda caafimaad ee bukaan kasta oo isbitaalka laga saaray marka la barbardhigo kuwa lagu reebay isbitaalka iyo kuwa maalintaas la soo dhigay.

Halkaas ayay nimankii falka geystay iyo odayaashoodu ay ku garawsadeen gefkeeda.  Raalli gelin ay ka bixiyeen iyo ballan qaad in aanay mar dambe dhici doonin. Gaadiidkii oo dhanna waa ay soo fasaxeen.

Hargeysa - Taxnaha 89 - 90 - Qaybta Toddobaad

$
0
0

Aniga oo Berbera ka soo qadeeyay ayaan goor galab ah ka degey garoonka Dayaaradaha ee Hargeysa. Waa bilihii ugu dambeeyay 1990. 

Muuqaalka koowaad oo ay indhaheygu qabtaan wuxuu ahaa garoonka dhexdiisa.

Hal dayaarad oo kuwa dagaalka ah oo aan u maleynayo in ay ahayd Mig 17 ayaa meel iiga muuqata. Dayaaraddu waa duug. Mana hubo in ay kici karto. 

Meel ka yara durugsan ayaa waxaa taal haan aan u qaatay in shidaal ku jiro ayse dhici karto in waxa ku jiraa ay biyo yihiin.  Nin caato ah oo aan si xayi ah u socon ayaa la lugeynaya baaldi. Weelka uu sitaa wuxuu ka sameysan yahay caag madow.  Waa baaldi nnooca dhismaha loo adeegsado oo dadka qaar u yaqaan sakeel.  Baaldiga ayuu u hoorsaday dareeraha haanta ku jiray.  Ka dibna si tartiib ah ayuu ugu dhaqaaqay dhanka dayaaradda isaga oo ka dhowraya in uu dareeruhu ka daato.

Intuu sallaan dayaaradda ag yaalla kor u fuulay ayuu dareeraha meel ku shubay.  Anigu barta aan taagnahay  ugama jeedi karin in dayaaradda lafteeda uu ku shubayo iyo in weel kale oo dayaaradda dhex yaalla uu ku shubayo. Ma aqaan in ay biyo ahaayeen iyo in ay shidaal ahaayeen waxa uu dayaaradda ku shubayo.

Laakiin waxaa halkaas aan ka helay sawir ah in ciidanku xaaladda uu ku jiraa aanay wanaagsaneyn.

Laba nin oo midkood dareewal yahay oo labaduba u shaqeeya hey’adda ayaa keligeey iga soo qaaday garoonka.

Waa xilli roob ah.  Dhulku waa doog indhaha u roon. Neeacaw udgoon ayaa dhacaysa. Sanka ayaan la raacayaa. Maaddaama aan Berbera ka imid si gooni ah ayaan u macaansanayaa neecawda.

Guri ay hey’addu degganeyd oo ku began xagga dambe ee halka ay Madaxtooyadu hadda tahay ayaan tegey.  In yar ka dib gabbalka ayaa dhacay.  Ma aqaan baqdin iyo waxa ay tahay - weligeey ma arag gudcur ama mugdi aan waxba ka arki waayo haddii aan nalka ka fogaado.

In badan ayaan maqlayay Hargeysa waxa ka dhacaya.  Markii la ii sheegay in aan Hargeysa tegayo waan jecleystay oo waxaan doonayay in aan indhaheyga ku soo arko xaaladdu sida ay tahay.

Hadda oo aan soo dhex istaagay jirkeygu waa diiddan yahay.  Waxa meesha ka dhacayna waan dareemay, anigana baqdin ayaa i gashay.

Gudcur dam ah, roobabbow iyo colaad ayaan dhex taagan ahay.

Waxaa dhacaysa rasaas aad dhawaaqeeda ka garaneyso in kor loo ridayo. Mar xaafado naga fog ayay ka dhacaysay.  Marna xaafado nagu dhow iyo guryaha nagu xiga.  Marmar labadaba way ka dhacaysaa. Teel teel ayay magaalada marba meel ugu dhaceysaa.

Aad uma xusuusto sababta xilligaas nagu kalliftay laakiin aniga iyo saddex ajnebi ah ayaa gaari qaadannay in yar ka dibna waan soo laabannay.  Waxaan gaarnay guri kale oo isia hey’addu ay degganeyd.

Intii aan soconnay dad waxaan ka aragnay in yar oo malahaa aan toban dhammeyn oo ka cunteynaya meel buush ah oo qiyaasteyda ku beegan Baar Hargeysa.

Mar dambe waxaan ogaaday dadka meeshaas wax ka iibsadaa in ay yihiin ciidan.


Gidaarrada ayaa ii warramay


Maalintii xigtay ayaan keligeey gaari qaatay. Waddooyin kooban ayaan maray. Ma arag cid ii warranta.  Laakiin war waxaa iigu filnaa inta ay indhaheygu qabteen. 

Hargeysa waxay Berbera kala mid tahay in aanad heleyn cid kuu warranta.  Laakiin waxay uga duwan tahay in aanad dadba arkeyn.  Iyo waliba, in ay yar yihiin wax aad u baahan tahay in aad dad weydiiso. Waa sadar muuqdaa su’aal ka dhan.

Waxaa ii warramay cidlada waddooyinka iyo burburka “dhismayaasha” magaalada. 

Dagaal toos ahi magaalada kama socdo marka aan tegey.  Laakiin saqaf kasta, gidaar kasta iyo waddo kasta ayaa ra’yi kaa siinaya sida ay wax u dheceen.

Ku dhowaad dhammaan dhismayaasha magaalada saqafku waa maqan yahay. Midkii saqaf leh waxaa ka muuqda dalool weyn ama kuwo yaryar oo badan ama labadaba.

Gidaarrada intooda badani wey dumeen oo waxay noqdeen dhagxaan badan oo dhulka daadsan. Qaar kale in baa taagan.  Midka aan dumin waxaa ku xardhan rasaas aad mooddo in lagu naqshadeeyay.

Berbera waxaan dareemeyay jawi cakiran. Laakiin Hargeysa waa goob dagaal. Si dhab ah ayaad lafaaga ugu baqeysaa oo nafta ayaa diideysa.

Hargeysa waa Cidla’ 

Xilli duhurku dhow yahay ayaan baabuur ku dhex maray magaalada.  Waxaa ka soo billaabay aqal ku beegan xagga dambe ee meesha ay hadda tahay Madaxtooyadu.   Waxaan maray waddada Hargeysa ugu muhiimsan haddana ugu dadka iyo gaadiidka badan.

Marka aan ku dhowahay Saldhigga Booliisku meesha uu yahay, inta aanan gaarin halka looga leexdo waddada weyn ee loo aado dhinaca Bridge-ka ayaan gaariga joojiyay.  Ka soo degay.  Jiho kasta ayaan midba mar eegay.  Inta ay markaa indhaheygu qaban kareen, ma arag gaari socda ama meel yaalla oo aan keyga ahayn.  Xataa ma arag hal qof oo socda ama meel fadhiya. Mana arag wax astaan u ah in magaaladan dad ku nool yahay.

Qofka aan Hargeysa aqoon, waddada aan ka hadlayaa waa midda magaalada ugu weyn bartankeeda.  

Dareen aan ku cabbiro ma aqaan.   Magaalo aan dad joogin waa sida qof weyn oo aan dhar gashaneyn oo waddada maraya.  Naxdin iyo murugo ayaa igu kulmay.

Naxdin sababta oo ah filan waa ayay igu noqotay.  Waan baqay sababta oo ah Hargeysa waan ogaa sida ay u cammirnayd dad, gaadiid iyo ganacsi. Hadda waa ay maran tahay. Dadkii joogi jirayna waan ogahay in qaar badan la dilay. Inta ugu badani ay qaxday.  In qaar kale uu duurka ku jiro oo dagaallamayo.

Waan murugooday.  Inta qof rayid ah oo aan waxba galabsan meesha lagu dilay.  Inta dad aan awoodin da', caafimaad ama xataa saboolnimo darteed ay dantu ku kalliftay in ay qaxaan. Ugu dambeynta waxaan dhibsaday awood darreyda ah in wax aan ka qaban karaa aanay jirin dhibaatada aan dhex taagan ahay.

Hore ayaan u gudbay oo waxaan tegey meel hadda shidaalka laga qaato dhinaceeda dambe oo ka soo horjeedda meel ahaan jirtay ENC. Waa meel  ku beegan Isbitaalka Edna gadashiisa. Meel bannaan oo halkaa ku taalla ayaa waxaa jooga dad haween iyo waayeel u badan oo raashin loo qeybinayo.

Fannaanadda Caanka ah Sahra Axmed oo gacan siineysa Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed ayaan goobtaas ku arkay.

Waxaan u gudbay xaafadda dalcadda saaran ee ENC horteeda ku beegan oo dhammaanteed cidla’ ahayd.  Markii aan soo laabtay, nin aan ku arkay meesha raashinka lagu qeybinayaa wuxuu ii sheegay in xaafaddaas aan cid tagtaa jirin. Mar dambena aanan ku laaban.

Dadka ku Sugan Hargeysa

Haweenka iyo carruurta magaalada joogay aad ayay u tiro yaraayeen. Rag marka ay noqoto waxaa magaalada ku sugnaa ciidan, qaxooti iyo dad aad u tiro yar laakiin aan ka soo jeedin beelaha lagu tiranayo in ay Jabhadda SNM taageero u hayaan.

Nin Qaxooti ah oo aan la sheekeystay wuxuu ii sheegay in ay jeclaan lahaayeen in ay dalkooda ku laabtaan.  Markii aan weydiiyay waxa ka hor taagan wuxuu ii sheegay in ay doonayaan in ay carruurtooda iyo haweenkooda kaxaystaan. Qolyaha Jabhadda [SNM] ayaan uga baahan nahay ayuu yiri in aan ka ammaan helno.  Sababta uu iila hadlayaa waxay ahayd in Laanqeyrta Cas ay Jabhadda ka keento in ay nabad gelinayso Qaxootiga ku laabanaya dalkiisa.

Ninka Qaxootiga ah wuxuu ag fadhiyay oo aan kula kulmay garoonka Kubbada Cagta ee Tima Cadde oo raashin loogu qeybinayay dad aan tiro badnayn.

Arrintaas ma ahayn markii ugu horreysay iyo markii keliya ee aan ka maqlo Soomaalida Ethiopia ee Qaxootiga u joogtay aagga Hargeysa iyo Berbera.

Waxa ka dhexeeyay Qaxootiga iyo SNM waxaan ku fasiri doonaa qayb kale oo Taxanahan ka mid ah.

Maalmo dabadood waxaan ku laabtay Berbera.  Waxaan uga sii gudbay Muqdisho halkaas oo aan ehel iyo saaxiibbo fara badan oo qaarkood yihiin reer Hargeysa aan uga warramay socdaalkeyga waxa aan soo arkay.

Borame - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Siddeedaad

$
0
0

Muqdisho intii aan joogay waan maqli jiray colaadda iyo dhibaatiinyinka kale ee ka jira Hargeysa iyo Burco. Marmarna waxaan maqli jiray dhib ka jira Berbera.

Marka laga soo tago siddexdaa magaalo ee jiho ahaan isugu beegan sida ku dhowaad xaglaha Saddex-xagal qumman, ma fileyn in aan arki doono dhib kale oo weyn oo woqooyi ka jira oo colaaddu ay u sabab tahay.

Qiyaastaasi sax ayay noqon weyday markii aan tegey Borame iyo nawaaxigiisa.

Dhowr jeer ayaan Awdal tegey sannadihii 1989 iyo 1990.  Markii aan tagay xaaladdeedu ma wanaagsaneyn.  Marnabana kama soo reyn muddadaas.

Garoon dayaaradeed oo aan laami la saarin ayaan ka soo nabad degnay.  Dadkii hey’adda u shaqeynayay ee na soo doonay iyo kuwii dayaaradda raaci lahaa ayaan ugu nimid garoonka.  Nin Soomaali ah oo waxaa halkaa taagan ay shaqadiisu tahay in mar kasta oo ay dayaarad soo degeyso ama ay kaceyso uu ku rooro dhabbaha dayaaradaha ilaa dhanka ugu dambeeya si uu xoolaha iyo dadkaba uga fogeeyo ugana ilaaliyo ilaa ay dayaaraddu soo degto ama ay kacdo.

Markii aan Borame gudaha u galay ee aan arkay tirada badan ee dadka magaalada ku sugan iyo sida ay u cammiran tahay waxaan moodayay magaalo caadi ah. Markii iigu dambeysay Borame 1987 ee aan wada soconnay Beatrix, hadda ayayba igala dad badan tahay.

Wakhti badan iguma qaadan in aan fahmo in ay magaaladu ku jirto xaalad aad u xun oo gobolka Awdal intiisa badani uu la wadaago.

Adduunyo-Gaddoon

Borame waxaa ku goobtay colaad laba jiho ka haysata, dad ku soo jabay oo ka soo qaxay magaalooyin kale siiba Hargeysa iyo Gebiley, Qaxooti ka yimid Ethiopia oo xeryo magaalada bannaankeeda ah ku sugan iyo jilaal adag oo daba dheeraaday.

Colaaddu waxay ka socotaa laba jiho.  SNM waxay badiyaa ka soo weerartaa dhinaca Bari.  Beel kale oo inta badan ay xulufo ahaan jireen reer Borame, Goblka Awdlana ay wada yaallaan, ayay dhowr jeer isku laayeen dhinaca woqooyi taas oo markii dambe keentay in ay kala qaxaan labada beelood. Isku dhaca labadan beelood, Borame waxay markaas ku eedeyneysaa saameyn SNM.

Waxaa intaa dheer Qaxooti aad u fara badan. Waxaa Borame dul deggan Qaxooti reer Ethiopia ah oo inta aan arkay aan ahayn Soomaalida Ethiopia.  Aroortii waxay u foofaan buuraha iyo meelo kaleba si ay u soo jejibiyaan dhir ay xaabo ahaan u shitaan qaarna ay magaalda u iibgeeyaan. Hadde waa subax kasta.

Taasi waxay xaalufisay dhirtii.

Sidii in aan intaasi dhib ugu filneyn, waxaa ugu darsamay jiilaal aad u kulul. 

Akhristaha aan ka warqabinow, inkasta oo degaanka Borame xoolo laga dhaqdo haddana waa degaan qodaal ama beeraleey ah.

Magaalada Borame culeyska saaran waxaa ka mid ah mid uga yimid ehel iyo qaraabo.  Magaalda waxaa ku soo biiray barakacayaal ka soo qaxay Hargeysa iyo magaalooyin kale oo dagaalku dhulka dhigay.  Ma ahan keliya dad asal ahaan ka soo jeeday Borame oo u soo gurya-noqday.  Laakiin rayid badan oo degganaa Hargeysa, markii dagaalka fool-ka-foolka ahi uu ka billowday dad badani waxay u qaxeen magaalada weyn ee ugu dhow - Borame. 

Oday reer Borama ah ayaa soo koobay xaaladda Awdal ay ku jirtay xilligaas.  Wuxuu ka mid ahaa rag aan baabuur isla raacnay oo safar dhulka ah aan gobolka Awdal intiisa badan ku marnay. Borame gudaheeda sida looga dareemayo si ka culus ayaan intaba indhaheenna ugu soo aragnay colaadda, qaxootiga iyo jiilaalka.

Odagu wuxuu qabay oo ka dhab ahayd in adduunku dhammaan rabo oo adduunya gaddoonkii la soo gaaray.

Da’diisa isaga oo cuskanaya wuxuu yiri:  Intaas aan jiray weligeey ma arag waxan oo colaad ah, Qaxooti wax walba diiranaya, iyo jiilaal sidan u adag oo haddana wada socda!  Waxani waa adduunyo-gaddoon.


Duullaan

Aniga oo galab la sheekeysanaya akhyaar reer Borame ah ayaa waxaa korkeenna isdaba joog uga dhacay qori aad u culus oo weligeey aanan maqal shanqartiisa argaggaxna wata.  Raggii aan wadajoognay markiiba way dhaqaaqeen iyaga oo wejiyadoodu ay durba isbeddeleen.  Mid ii warramay iyo laba is wareysatay ma jirin.

Waxay u dhigantay marka hadda Muqdisho meel aad joogto uu qarax ka dhaco dareenka ay dadku muujiyaan.

Inta badbaadda iswareysigu waa dambeyn doonaa laakiin qacda hore waa nin walbow naftaa.

War maxaa dhacay? Ayaan ku celceliyay.  Baabuurkii u horreeyay ayaa dhaqaaqay iyada oo qof ii jawaabay aanuu jirin.

Anigu waxaan u qaatay in la isa soo galay oo uu magaalada dagaal ka dhex socdo.

Nin ayaa hadal kala dhimman oo aan isku toosneyn igula hadlay waxaanan ka fahmay in isbitaalka ay raggii wada qabteen xataa ilaaladii guriga qaarkood.  Isbitaalka ayaan aniguna aaday.

Sannadaha badan ee aan dhex marayay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya weligeey ma arag goob dhiillo dagaal oo intaa le’egi ay taallo. Waan arkay goob ka murugo badan, laakiin ma arag goob ka walaac, qiiro iyo xamaasad badan.  Baabuur weyn oo dhiig leh ayaa laga dejiyanayaa dhaawac qaarkii taahayo iyo meyd. 

Hooyada barooraneysa, tan la aammusinayo, gabadha laga hortaagan yahay in ay indhaheeda saarto muuqaal la is leeyahay qalbigeedu ma xammili karo...  Baroorta iyo catowga haweenka iyo waxa is qabsatay qeylada ka baxaysa ragga oo qaarkii uu amar bixinayo, ini ay dayac tilmaamayso, kuwo kale ay wax saxayaan, mid kale ila qabo leeyahay iyo waxyaabo la hal maala.

Ma ahayn muuqaal indhaha iyo dhegaha toona u roon.

Waxaa isaguna meesha taagan baabuur weyn oo kacsan oo u diyaar ah in uu dhaqaaqo oo rag qaylinayaa ay ag taagan yihiin. Waxaan moodayay in ay dhaawac kale doonayaan. Waxayse ahayd marka keliya ee aan abidkeey isa soo taagay goob dagaal laga abaabulayo.

Dhallinyaro ayaa markiiba gaariga ku boodday.  Qaarkood waxay sitaan qoryo.  Kuwo kalena waa gacna maran yihiin oo waa sacabbooleey.  Gaarigii koowaad waa dhaqaaqay, kii labaadna wuu sii buuxsamayay marka aan ka tegey.

Meesha dhaawaca laga keenay oo aan magaalada ka fogeyn ayay u socdaan. SNM ayaa soo weerartay Goraya-Cawl oo in badan ka sokeysa Gebileey.

Qoriga la riday waxaa markii dambe la ii sheegay in uu ahaa qoriga Ruushku u sameystay lidka dayaaradaha ee dhumcdiisu ay tahay 37 mm ee Soomaalidu ay ugu yeerto dhexroorka dumcdiisa oo tiro Talyaani ah, Trenta Sette. Rabbi mahaddii waxay ahayd markii iigu horreysay iiguna dambeysay ee qorigaas shanaqatriisa aan maqlo.

Waa baaq ay magaaladu isla taqaan in marka la maqlo Trenta Sette la isugu soo baxo barxadda Isbitaalka hortiisa ah. Waa saddex midkood – waa dhaawac la keenay, ama waa qeylo-dhaan gurmad-doon ah. Haddii kale waa sida galabta oo kale oo labaduba ay isla socdaan.

Mobile-foon ma jiro, haddana wararka ka imaanaya jiidda dagaalku si joogta ah ayay isaga soo daba dhacayeen.  Magaalada oo dhanna waxay la mid ahayd in ay dagaalka ku jirto.

Sheekada aan maqli jiray waxay ahayd in ay Dowladdu hubeyso reer Borame si ay ula dagaallamaan SNM. Muuqaalka aan anigu galabtaas arkay wuxuu ahaa mid inta markaas ah aan ka dareemi karay in reer Awdal ay ahaayeen dad ku jira dagaal ku-qabatay ah oo aanay xataa beel ahaan ugu abaabulneyn.

Habeenkaas waxaan Borame gudaheeda ku arkay gaari kuwa dagaalka ah oo cilladeysan.  Nin makaanik ah ayaa habeenkaa ku dhafray oo ku shaqeynayay iftiinka tiriig ama mataramakis u shidnaa.

Isbitaalku ma ahayn meel la isku wareysan karo.

Markii aan ka soo laabannay ayaan nin weydiiyay dhallinyarada dagaalka u socday qaarkood qori ma sidan ee maxay u aadeen goobta?  Wuxuu ii sheegay ragga qoryaha sita marka mid la dilo in qorigiisa la siin doono mid sacabbooleey ah.

Nin aan Borame ku saaxiibnay oo aan hore uga doodi jirnay dagaalka ayaan is aragnay.  Ra’yiga aan kula doodi jiray ayaa ahaa in ay hubaal tahay in xal loo heli karo dagaalka kala dhexeeya SNM.  Waxaan ka eegayay in labada dhinac ay in badan oo fac-ka-fac ah is dhaleen, degaan wadaag ay yihiin iyo SNM oo ciidanka Dowladda dagaal kula jirta in ay danteedu ku jirto in aanay is leyn reer Awdal.

Wuxuu hadda ka hor ii qiray in la is dhalay, oo hooyadii ay tahay beelaha taageera SNM.  Inanta uu isagu dhaleyna uu qabo nin isaga reer abtigiis ah.

Laakiin saaxiibkeey wuu iga diidi jiray sida aan arrinta u dhigayo. Isaga oo dooddiisu ay mar walba ahayd reer Awdal duullaan kuma aha SNM ee difaac ayay uga jiraan.  SNM haddii aan dani ugu jirin in ay nala dagaallamaan heshiis kale uma baahna ee duullaanka uun ha naga daayeen.  Annagu dhulna kuma haysanno, wax kalena uguma soconno.

Galabtaas wuu ila hadlay isaga oo isku dayaya in uu ra’yigeygii u quus-gooyo.  Wuxuu igu yiri waad arkeysaa.  Ma innaga ayaa duullaan ku ah degaan SNM mise iyaga nagu soo duulay?

Carada wejigiisa ka muuqatay iyo garaaca wadnihiisu xowliga uu ku socday oo neetfiisa laga dareemi karay ma ahayn kuwo saamaxaya in dood deggan lala geli karo.

Hadalka uu yirina waxaa uu inta markaas ah u markhaati furayay xaaladda aan dhex taagneyn.  Waan ka gaabsaday oo Doodda lama sii wadin.

Awdal - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Sagaalaad

$
0
0
Goor subax ah ayaan ka baxnay Borame. Dhowr ICRC ah ayaan nahay waxaase na wehliya dhowr oday oo reer reer Awdal ah.

Waxaan sii marnay Qolujeed.  Waxaan soo xusuustay in markii maqalka Qolujeed iyo Xariirad iigu horreysay aan ka maqlay walaalkeey oo ka tirsanaa militeriga oo xilligii 1977 tegey degaankaas.

Qolujeed dadkii aan kula kulannay waxaa ka mid ahaa laba nin oo oo aan Soomaali moodayay hase yeeshee ku wada hadlaya af aan garan waayay. Waxaa la ii sheegay in uu yahay af Cafari.

Waxaan u gudubnay Boon.  Waa magaalo eg kuwa laga daawado aflaamta lo’leyda Mareykanka (Cowboys).   Degaanka ay dhacdo, sida ay u taal iyo marka aad soo gasho in qof waliba uu ku soo eegayo. Ma hubo in sababtu ay ahayd Alard oo u dhashay Swiss oo na wehliyay. Hilib biyo lagu kariyay oo middiyo waaweyn oo daab leh lagu cunayo ayaa nala siiyay.

Halkaas ayaan dadkii isu soo baxay kala hadalnay howsha Laanqeyrta iyo Bisha Cas.  Qol weyn dhexdiisa ayaan ugu shiday filim howlaha Laanqeyrta Cas ka hadlaya oo su’aalo iyo jawaabo ay daba yaalleen.

Waxaan xusuustaa in dad macluul ah oo filimka ay ka daawadeen uu markii dambe qof i weydiiyay dalka ay u dhasheen.  Markii aan u sheegay wuxuu yiri dadka dalkaas ayaa Soomaalida ka liita ee iyaga u geeya gargaarka.

Markii ay howlaheennii noo dhammaadeen ayaan dadka qaarkii weydiinnay xog hoose. Waddada Xaliimaale ayaan rabnay in aan ogaanno in ay miino leedahay iyo in kale. Waxay noo sheegeen in aanay miino lahayn.  Sababta waxay ku sheegeen in toddobaadkii hore uu maray baabuur booliisku leeyahay.

In hla baabuur maray daliil uma noqon karto in aan waddadu lahayn miino. In miino la dhigaana uma baahna toddobaad. Waxayse ahayd xogta keliya ee dhab ah ee ay na siin kareen.

Waddada Xaliimaale ayaan marnay annaga oo cabsi qabna.  Waxayse ka sii darnayd markii aan tagnay Xaliimaale.  Meeshii aan sugeynay in ay baqdintu naga harto maaddaama aan ka soo gudubnay waddadii miinada looga baqayay, waxaan la kulannay cabsi hor leh.

Markii dhowr guri aan hooddi niri cid noo jawaabtana aan weynay. ayaan bannaanka cod kore uga dhawaaqnay bal in qof jooga Xaliimaale uu jiro iyo in kale. Xaliimaale dhammaanteed waa cidla’. 

Qof keliya waan ka weynay.  Astaan wanaagsan ma ahayn.

Annaga oo yaabban ayaan u gudubnay Weeraar.  Halkaas ayaan ayaan hoyannay oo aan habeenkaas kula sheekeysannay dadka tuulada, filimna aan ku wada daawannay. 
Waxaan ku arkay nin ii sheegay in aan Jaamacadda wada dhigannay ahaase Kulliyadda Jiyolajiya. Markii aan weydiiyay waxa uu Weeraar ka qabanayo, wuxuu ii sheegay in Buuraha Gobolkaan laga helo macaadin aad u qaali ah.  Dhagxaan yaryar oo qiimahoodu sarreeyo ayaa halkan laga guraa ayuu yiri oo aan Djibouti u iibgeeynayaa.

Berigaas waxaan arkay dhowr nin oo magaalooyin kala duwan aan kula kulmay oo sita dhagxaan aan badneyn oo uu qurux badan ama dhalaalaya. Waa dhagxaan uu qiyaastii mid waliba la eg yahay caagga biyaha laga cabbo furkiisa.  Waxay ku sheegayeen in dhagaxaasi uu goynayo qiimo weyn haddii la geeyo Djibouti.

Soo laabdkii waxaan soo marnay waddo kale. Degaannada aan soo marnay waxaa ka mid ah Ruqi iyo Beysaarre inta aynaan iman Baki oo ahayd xarunta Gobolka Awdal.  Ka dibna waxaan ku laabannay Borame.

Degaannada aan marnay waxay u badnaayeen dhul dhagax ah oo waddadu aanay wanaagsanayn.  Baabuurku masaafo dheer ma gaari karo maanta oo dhan marka uu socdo.  Mararka qaar waxay nagu kalliftay in aan u daaddegno togagga waaweyn oo ayaga bacaad ah oo halkaas aan wakhti dhan ku socono.

Degaannadaas aan marnay oo dhan waa laga dareensanaa colaadda gobolka ka taagan iyo jiilaalka.

Maalin ka din waxaan ku laabtay Berbera. Alar oo safarkaas aan wada galnay wuxuu u dhashay Switzerland. Wuxuu mar dambe noqday Madaxa Socdaalka dalkiisa. London ayaan ku wada casheynay oo aan uga sheekeysannay xusuustii Awdal.

Qaybta soo socota ee Taxanah waxaan uga hadli doonaa safar dhulka ah oo annaga oo saddex ah aan u kala soconnay Berber, Shiikh, Qoyta iyo Burco sannadkii 1990. 

Togdheer - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Tobnaad

$
0
0
Saddex annaga oo ah ayaan ka amba baxnay Berbera. Peter* oo Swiss u dhashay iyo Patrick oo Belgium ah ayaan wada soconnaa. Qorshaheennu waa in aan caawa u hoyanno Burco. Shiikh ayaan sii mari doonnaa.

Burco marka aan tagno waxaan xog wareysan doonnaa in waddada Oodweyne ay nabad tahay oo gaari lagu tegi karo. Haddii aan loo qaateen ka helno jawaab haa ah, waxaan damacsan nahay in aan Madaxa ICRC weydiisanno oggolaasho aan ku tagno Oodweyne.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee dhaulka aan ku safarno meel ka baxsan Gobolka Awdal.  Waxaan baqdin weyn ka qabnay miinada lidka baabuurka ee waddada la geliyo.

Cabsi iguma yareyn. Wuxuu ahaa safar aan aad u dheereyn laakiin welwel badan. Ilaaheey Burco wuxuu na nabad geeyay goor galab-gaab ah.

Fiidkii war waxaa naga daba yimid ah in Qoyta oo galabta aan soo marnay lagu gubay baabuur militeri oo in yar naga dambeeyay oo isaguna jihada Burco u soo socday.

Waxaan u fahamnay in aan galabta sigannay.  Waxaase nooga baqdin badneyd soo laabadka sida aan waddadaas ku mari doonno.

Burco

Burco waxay ahayd magaalo aad u burbursan.  Waddooyinkeeda toos toosan ee dhaadheer ee cidlada ah waxaa la iigu sheegay in ay miino dhex filiqsan tahay. Waxaa kale oo la ii sheegay in hub kale oo aan weli qarxin uu meelaha qaar yaallo ama ku aasan yahay. Sidaa darteed kuma dhex wareegi karin magaalada.

Aniga oo aan laamiga ka leexan ayaan waddooyinka dhaadheer aan ka soo qooraansanayay baabuurkeyga dhexdiisa. Meelaha qaar waxaan taagnaa in door ah bal in aan dad uga jeedo xaafadaha dhexdooda.

Waxaa jiray meelo aad u kooban oo haddana teel teel ah oo ciidan, hey'ad dowladeed ama makhaayad iyo laba ah oo dhammaantood si teel teel ah ku soo jeeda waddada laamiga ah.  Halkaas ayaa ahayd meesha yar ee astaan nololeed aan ku arkay.  Inta yare ee magaalada jooga waxay badankood degganaayeen waddada dhanka Caynaba ka timid haddii aad ku joogto oo aad hore u sii dhaafto waddada Shiikh ka timid xaafadda yare ee dhanka midig kaa qabaneysa ee Isgaarsiintii hore ee magaalada iyo hey’ado Dowladeed ay ku yaalleen.

Marka aan fursad u helay in aan magaalada gudaha u galo waxay ahayd mar aan raashin ku qeybineynay meel magaalada ka mid ah oo aan sii marnay waddo hore loo sahmiyay in la mari karo.  Sawir aanan illoobeyn oo indho xumo ah ayaan galabtaas kala kulmay goobta oo markii gabbalku sii dhacayo aan joojinnay howsha.

Saboolnimada aan Rabbaani ahayn ee ay colaaddu dadkaas badday ayaa i damaqday.

Xagga dadka magaalada jooga waxaad moodeysay in ay dhaanto Hargeysa. Beryahaas waxaa Radio Muqdisho laga sheegi jiray in dadkii ka qaxay Hargeysa iyo Burco ay billaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii. Ma ogi dadka aad u tirada yaraa ee aan arkay in ay ahaayeen dad ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee daanta kale ee soohdinta Ethiopia ku yaalla.  

Waxaad ka qiyaas qaadan karnaa dadka aan ku aragnay Burco in ay ahaayeen dad qiyaasteyda ka tiro yar dadka aan kula kulannay Tuulada yar ee Beer.

Xogta waddada Odweyne ee aan helnay waxay ahayd in aan gawaaridu mari karin oo ay miineysan tahay.

Xaaladda waxaa uga sii daray ciidan ka goostay Burco iyo ciidan laga daba-diray oo daryaanka hubka ay isla dhacayaan oo sii fogaanaya aan maqleynay habeenkii koowaad ee aan Burco nimid.

Badiyaa ciidan qabiil isku bahaystay oo doonaya in ay ku biiraan Jabhadda USC ayaa beryahaa dhowr jeer ka goostay ciidanka Xoogga Dalka.

Hargeysa guuto dhan oo Taangiya ah ayaa intoodii badnayd ka goosatay.

Burco iyo meelo kalena ciidammo ayaa mid mid iyo koox kooxba uga goostay.

Beer

Subixii xigay waxaan aadnay tuulada Beer oo Burco Bari uga beegan laamigana aan ka fogeyn.

Tuuladaas waxaa ku sugnaa dad badan oo qaarkood la yiri waxay ka soo laabteen xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee ku yaallay Ethiopia.

Tuuladu dad ahaan aad ayay u cammirnayd.  Qaadkeeda dad ka badan ayaa joogay.  Qiyaasteyda dadka aan Burco ku aragnay waxaa ka badnaa dadka ku sugnaa Beer.

Waxaa kale oo dadka Beer aan ugu tagnay aan ku arkay cabsi la’aan in ay nooga warramaan dagaalka ay tuuladu aragtay. Tuulada ayaa nala dhex marsiiyay oo nala tusay xabbad weyn oo nooc gantaal u eg ah oo aan weli qarxin oo meel bacaad ah dhex taalla.

Waxay nooga warrameen oo kale xaaladda aadminnimada ee meesha ka jirta.

Burco ayaan markii dambe ku laabannay.

Fool-ka-fool

Maalintii dambe waxaan billownay safar aan dib ugu laabanayno waddada Shiikh.  Waxaan istaagnay Qoyta oo aan Shaah ka cabnay. Waa tuuladii lagu qarxiyay baabuurka ciidanka.

Ka dibna raggii meesha fadhiyay markii aan is wareysannay waxaan si xushmad leh uga codsannay in tuulada dadka ku sugan ay isu soo baxaan si aan uga warranno socdaalkeenna.

Dad badan ayaa markiiba isu soo baxay meel waddada dhinaceeda ah.  Halkaas ayaan ugu warbixinnay hey’adda Laanqeyrta Cas howlha ay ka waddo degaanka.  Waxaan u sheegnay in joogitaankeennu uu ku xiran yahay oggolaashada Dowladda ka sokow, in shacabku uu raalli ka yahay howsha aan ka wadno degaankooda.

Waxaan u sheegnay haddii ay cabasho ama diidmo jirto in aan diyaar u nahay in ka dhegeysanno. Waxaan ka codsannay in ay na nabad geliyaan, howsheena ay gacan nagu siiyaan inta karaankooda ah.

Ballanqaad ayaan helnay.

Markii ay dadkii sii kala tegayaan ayaa nin ii yimid oo igu yiri ma kula faqi karaa? Haa ayaan ku iri. Garabka ayuu i qabtay oo dhinac iila baxay.  Wuxuu yiri waxa aad ka hadleyso waan garanayaa. Gaarigii ciidanka halkaan lagu gubay ayaad ka hadleysaa.

Waxaan kuu sheegayaa, ayuu yiri, in aynaan idinka duullaan idinku ahayn. Waan idin naqaan markii aad galab dhoweyd halkaan mareyseenna waan idin arkaynay.  Gaariga la gubayna wax badan idinkama dambeyn.  Ragga gaariga gubay waad soo ag marteen waxna idiinmay yeelin.  Idinka oo aan baqdin naga qabin howshiinna wata.  

Hadal cad ayuu igula hadlay. Xataa umaan baahanayn in aan weydiiyo cidda uu metelo.  Waan u mahadceliyay, kana dhaqaaqay.

Halkaas ayaan safarkeennii ka sii wadannay. Ilaa aan Berbera u hoyannay isla maalintaas.

-----------------------------------------------

*Safarkaasi wuxuu ahaa kii ugu dambeeyay ee aan wadagalnay Peter.  Sabti 6 – dii Oktoobar 1990 ayaa Peter lagu dilay inta u dhexeysa Darar-weyne iyo Hargeysa.

Kaaliyaheyga Berbera - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Kow iyo Tobnaad

$
0
0
Xafiiska Berbera waxaan uga baahday qof ila shaqeeya. Shuruudaha kaalinta shaqo ma badnayn. Waxay ahaayeen in uu qofku haysto ugu yaraan shahaaddo Dugsi Sare, ku hadlo qori karana Soomaali iyo Ingiriis, isla markaasna uu adeegsan yaqaan Computer.  

Haddii aanuu aqoon adeegsiga computer-ka waa in uu yaqaan sida teeb wax loogu qoro, dhakhsana u baran karo computer. Waxaa kale oo looga baahnaa in uu dadweyne isu soo baxay la hadli karo, isla markaasna farsamada ku wanaagsan yahay oo mishiinka filimka daara sahal lagu bari karo. Hadduu gaari wadi yaqaan ruqsadna u haysto ka sii wanaagsan.

Waxaan filayay wiil ama gabar dhallinyaro ah oo reer Berbera ah in uu fursaddaa ka faa’iideysan doono.

Dad dhowr ah markii aan weydiiyay qof shuruudahaas ka bixi kara oo Berbera jooga waxaa la ii sheegay nin Jaamici ah oo howshan gudan kara.

Waa nin ka soo baxay Kulliyadda Macallimiinta Lafoole. Dagaalka ka hor wuxuu ahaa Macallin Dugsi Sare. Af Ingiriiskiisu aad buu u wanaagsan yahay. Waa nin mas’uul ah oo wax kala garanaya.

Hargeysa markii laga qaxay ma hubo in uu ku go’doomay iyo in uu isagu doorbiday in uu joogo.  Waxaase la ii sheegay in Sarkaal uu xiriir kala dhaxeeyay uu magangeliyay oo uu gurigiisa ku hayay.  Sababta uu hadda Berbera ugu sugan yahay waxaa la ii sheegay in ay tahay in uu sarkaalkii halkan keenay si uu u socdo, hawa u qaato oo uu uga raysto guriga uu dhex fadhiyay muddo sannad ka badan.

Xafiiska ayaan ugu yeeray.  Waa nin la ayni ah Macallimiinteydii Dugsiga Sare. Markiiba shaki igama gelin in aan shaqaaleyno.  Tijaabo kooban ka dib Xafiiska ayuu ku soo biiray.

Aqoontiisa ka sokow, macallinkani waa nin sannad ka badan ku jiray magangelin u dhiganta nooc xabsi guri oo kale ah.

Neecaw wanaagsan, qorrax, socod iyo xorriyad midna ma haysan. Arrintaasi waxay u saameysay jir ahaan iyo sidaan is iri maskax ahaanba siiba xagga kalsoonida.

Taasi waxay ra’yi iga siisay sida ay u nool yihiin Ragga tirada yar ee aan ka qaxin Hargeysa.

Ruqsad

Waxaan goostay in aan Muqdisho u geeyo tababbar shaqada uu qaban doono, barashada Madaxda hey’adda iyo weliba bal in uu ku soo yara nasto oo jawigan colaadda iyo cabsida ah uu ayaan ka soo nasto.

Markaan goostay in aan ku dhaqaaqo tallaabadan ayaan ka warhelay in aanan oggolaasho la’aanteed aanan Muqdisho geyn karin muwaaddinkan Soomaaliyeed.

Waxaa la ii sheegay in loo baahan yahay oggolaashaha Taliyaha Militeriga.

Ma jirin amar qoraal ah ama sharci sidaa dalbaya. Haddii aan Taliyuhu idinka warqabin waxaa dhici karta, ayaa la igu yiri, in ciidanka Airporka joogaa uu Macallinka u diido in uu safro.  Waa marka ay ugu yar tahay. Haddii kale waxaaba dhici karta in ciidanku kaxeysto.

Macallinka aan shaqaaleysiiyay waxaan weydiiyay in uu wax ka qabo in aan magaciisa hor dhigo Taliyaha militeriga oo aan u sheego in uu Muqdisho u tegayo tababbar.

Wuxuu ii sheegay in isaga iyo Taliyaha militerigu ay is yaqaannaan. Carruurtiisa ayaan Macallin u ahaan jiray inta aan dagaalku qarxin 1988, ayuu yiri.

Si aan ugu tegi karo ayaan jirin, laakiin haddii aad adigu i hor geyn karto, waan hubaa in aanuu maya i odhan doonin, ayuu raaciyay.

Ma xusuusto labada midda aan yeelnay laakiin Taliyaha waan ka soo helnay oggolaashaha in Macallinka aan isu raacno Muqdisho.

Tababbarkii wuu qaatay. Madaxda iyo shaqaalaha hey’addaba waa ay is barteen.  Qaraabo badan ayuu la kulmay. Saaxiibbo ayuu la caweeyay.

Walaalkii ayaa ahaa Madaxa ama ka mid ah Madaxda ugu sarreysa Wakaaladda Batroolka, fadhigiisuna wuxuu ahaa Muqdisho.

Markii uu Muqdisho ayaan joogay, Macallinkii wuu is beddelay muuqaal ahaan iyo niyad ahaanba.

Baqdin waxaan ka qabay in uu diido in uu ku laabto Berbera.  Taas oo aniga ii abuuri lahayd dhib in aan ku laabto Berbera.

Nasiib wanaag diyaar ayuu u ahaa in uu shaqadiisa billaabo. Berbera ayaan ku soo wada laabannay halkaas oo aan wadajir uga howlgalnay.


Macallinkaas ila shaqeeyay magaciisu waa Farxaan Mooge.

Ku-sime ma aha Sii-haye

$
0
0
Marar badan ayaan arkay iyada oo la isku khaldayo Ku Sime iyo Sii Haye ama loo adeegsanayo sidii in ay isku macno yihiin oo midba marka la doono la adeegsan karo.

Farqi ayaa u dhexeeya labada.

Ku-sime ama Ku-sinto: waa mas’uul si ku meel gaar ah u haya xil inta uu qofkii ku magacawnaa uu Xafiiska ku soo laabanayo.  Waxaana xilka u dhiiba isla qofka jagada haya ee maqnaan doona safar, fasax ama xanuun awgiis.

Sii-haye ama Sii-hayso: waa mas’uul haya xil aan qofna ku magacawneyn muddada uu heyn doonana aan la aqoon.  Waayo waa xil qofkii hayay uu dhintay, xilka laga qaaday oo aanuu ku soo noqoneyn ama uu is-casilay.

Si kale haddii aan u dhigo, Ku-sime waa qof xilka ku simaya qofkii xilka hayay oo maqan. Waa sida Ku-simaha Agaasimaha.

Sii-haye waa qof xil hadda bannaan sii heyn doona ilaa laga magacaabo ama laga doorto qofkii xilkaa qaban lahaa. Waa sida Sii-hayaha Agaasimaha ama Agaasinka.

Eraybixinta maamulka oo si sax ah loo adeegsado waxay qayb ka noqon kartaa kobcinta af Soomaaliga maamulka.

Sahra Axmed Barakadeedii

$
0
0
Xilli aad u adag ayay howl adag oo samafal ah ka qeyb qaadatay,  waxaana ka soo gaartay dhibaato.

Waxay ahayd markii dagaalkii 1988 dartiis ay Hargeysa iyo Burco ka qaxeen dadkii degganaa, laakiin ay ayadu goosatay in ay gacan ka geysato gargaarka inta magaalada ku hartay iyo dadka tuulooyinka deggan.

Waxay la shaqeysay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo isagana ay wada shaqeynayeen Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

Oktoobar 1990 iyada oo oo joogta Darar Weyne oo Hargeysa aan ka fogeyn ayaa gaariga ay la socotay oo ICRC ay lahayd uu xumaaday.

Iyada iyo qaar ICRC ahi waxay hore u sii raaceen baabuur uu leeyahay Booliisku. Weerar ay SNM ku soo qadday gaariga ayuu ku dhintay Peter oo ka tirsanaa ICRC, waxaana wadajir loo afduubay Sahra iyo Antonella Notari oo u dhalatay Switzerland.

Sahra iyo Antonella waxaa lagu hayay hal goob.

Markii Antonella la sii daayay 1990 ayaa labada isugu dambeysay ilaa dhowr iyo toban sano ka dib aan labadoodaba ku casumay xafiiskeygii London.

Sahra iyo Antonella waa isku burureen.

Waxay ahayd kulan ay xusuusteen murugo xanuun badan.  Haddana wuxuu ahaa kulan uu is araggoodu farxad geliyay.

Halkaas ayaan saddexdeenna iyo qaar kale oo aan casuumay oo ay fannaaniin Waaberi ahi ay ka mid ahaayeen aan ku wada qadeynay.

Mar kale ayaan aniga iyo Antonella ku soo booqannay Sahra guriga ay London ka degganeyd, halkaas oo iyada iyo fannaaniin kale aan wakhti dheer kula sheekeysannay.

Maanta ayaan Antonella ku wargeliyay geerida Sahra Axmed. Aad ayay uga murugootay geerida Sahra. Iyada oo Sahra u murugoonaysa, Antonella waxay tiri:

Sahra Ahmed Jama waxaan ku xusuustaa sidii ay ii qaboojisay markii aan ka warhelay in Peter oo aan wada shaqeyneynay uu dhintay. Waan kala daatay. Labadeennuba waxaan joognay xarun ciidan oo SNM ay ku lahayd lama degaanka ku yaalla Somaliland. Gacanta ayay i qabatay markaas ayay i geysay geedo gadaashood. Sida carruur ayay iigu qubeysay.

Isku af kumaynaan hadal. Laakiin waxaan isu fahamnay sida gabdho walaalo ah. Waxay ahayd qof aad geesi u ah, oo ay ka go’an tahay in ay dadkeeda u gargaarto. Qalbi furan oo gacanqabasho wata ayay kula dhaqmaysay qof kasta, kuwaas oo aan ka mid ahayn annaga oo ka soconna ICRC.

Weligeey ma illoobi doono.  Barakadeedii ayaa weli igu jirta. Aniguna waxaan ducadeyda u dirayaa qoyskeeda.  Waxaan u rajeynayaa in ay nabad ku noolaadaan.

Bisha Cas ka hor, Sahra Axmed, waxay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay Hobollada Waaberi. Sidaa darteed waa fannaanad magac dheer oo Soomaali badankeed ay taqaan.


Walaalkeey ayay Sahra ahayd fannaanadda uu dhegeysigeeda ugu jecel yahay. Labadaba Allah ha u naxariisto.


Allah ha u naxariisto. Jannada Allah ha ka waraabiyo. Inta jecelna Samir iyo Iimaan Allah ha ka siiyo.

Qaxooti - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Laba iyo Tobnaad

$
0
0

Gobolweynaha Geeska Afrika wuxuu ahaa degaan ay dad badina ku caddiban yihiin sannadihii toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii. Abaaro, dagaal Dowlado dhex maray, qaar Jabhado iyo Dowlad u dhexeeyay, kacdoon iyo afgembi ayaa Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya  dadweynahooda qaar badan ka dhigay kuwo marba dhinac u hayaam oo soohdimaha ka tallaaba.

Dad badan oo reer Sudan ah oo ka qaxaya dagaalka Dowladdooda iyo Jabhado u dhexeeya ayaa u tallaabay Ethiopia. Isla xilligaasna Ethiopian ka qaxay Dagaalka u dhexeeya Dowladdooda iyo Jabhado ayaa u tallaabayay dhinaca Sudan.

Sidoo kale, iyada oo Soomaaliya ay la ciirciireyso boqollaal kun oo Qaxooti ka soo galay Ethiopia, ayay boqollaal kun oo Soomaali ahi ay ka tallaabtay soohdinta oo ay u qaxday Ethiopia.

Qaxootiga Ethiopia

Siddeetameeyadii waxaa Soomaaliya joogay qaxooti aad u fara badan. Waa Qaxooti ka yimid Ethiopia. Wuxuu billaababay in uu ka soo qaxo Ethiopia bartamihii toddobaatanaadkii. 

Dalka Ethiopia waxaa isugu darsamay kacdoon, afgembi, abaar iyo colaad.  Gobollada Hararghe, Bale iyo Sidamo oo ah kuwa soo xiga Soomaaliya waxaa aad u saameeyay dagaalkii 1977 iyo 78 dhex maray labada dal ee deriska ah iyo dagaalladii daba joogay ee ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ahaa ee Jabhadihii ay Soomaaliya ku hubeysay Ethiopia.

Degaannada Soomaalida Ethiopia waxaa u dheeraa siyaasad lagu eedeeyay Taliskii Mengistu, oo ku salaysnayd in si ulakac ah la isugu deyay in Soomaalida laga barakiciyo gobolkeeda oo lagu soo riixo Soomaaliya. Arrintaasi waxay dhacday dagaalka ka dib.

Mengistu waxaa laga weriyay in uu mashruucaas ku tilmaamay mid xal kama dambays ah u noqon doona dhibaatada Gobolka Soomaalida. Sida uu qoray the Guardian, waregys ka soo baxa London oo soo xigtay Qaxootiga waxaa marar badan dhacday in si bareer ah raacatada looga rasaaseeyo xoolaha si ay u ceyrtoobaan oo ay uga hayaamaan degaankooda.

Arrimahaas is biirsaday waxay sababeen in ay Soomaalida gobolku ay u qaxdo Soomaaliya iyo Djibouti. Sidoo kale Oromada iyo Ethiopianka kale ee deggan Bale iyo Sidamo iyagana in badan ayaa u soo qaxay Soomaaliya.  Waxay marka hore qaarkood ay galeen Kenya iyaga oo maalintiina is qarinaya habeenkiina hayaamaya.

Tirada Qaxootiga ku sugan Soomaaliya aad ayaa la isugu khilaafay. Waxaa lagu tuhunsanaa Dowladda Soomaaliya in ay tirada buunbuunisay si ay ugu hesho gargaar iyo si ay ugu ceebiso Ethiopia.

Qarammada Midoobay waxay ku qiyaastay tirada Qaxootiga Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya in ay ahayd ugu badnaan 610,000 oo ruux.  Tiradaas oo haddii ay sax tahay aan iyaduba yareyn.

Ka sokow in tirada lagu murunsanaa, Dowladda Soomaaliya waxay ku doodeysay in saddex ruux oo kasta oo qaxooti isu dhiiba uu wehliyo ugu yaraan hal qof oo isna qaxooti ah laakiin aan is dhiibeyn ee la degaya qoys Soomaaliyeed. 

Soomaalida Gobolka ka soo qaxday xeryo qaxooti ma wada gelin ee qaar badan waxay la noolaadeen qoysas Soomaaliyeed oo ay ehel yihiin.

The Guradian wuxuu qoray in afartii ruux ee Soomaaliya ku nool uu midkood qaxooti yahay.

Xeryaha Qaxootiga

Dowladda Soomaaliya waxay sameysay Hey’adda Qaxootiga Qaranka oo u xilsaaran Qaabbilaadda, badbaadada iyo daryeelka Qaxootiga ku sugan Soomaaliya gudaheeda. Hey’adda Qaxootiga Qaranka waxay wada shaqeeyaan hey’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay, UNHCR.

Waxaa loo sameeyay xeryo Qaxooti oo qaarkood marka aad tagto aad moodeeyso magaalo dhan, laakiin in badan oo ka mid ah ay calool xumo ka muuqato.

Gobollada Qaxootiga la dejiyay oo badnaa waxaa ka mid ahaa Awdal, Woqooyi Galbeed oo ay degganaayeen Hargeysa iyo Berbera, Hiiraan oo ay degganaayeen Beled Weyne iyo Jalalaqsi iyo Gedo oo ay degganaayeen magaalada Luuq.

Anigu waxaan shaqo u tegey xerada Qaxootiga Gannad ee magaalada Hargeysa sannadkii 1985 iyo xerada Qaxootiga Halbo ee magaalada Luuq 1987.  Sidoo kale waxaan socdaal aqoon kororsi ah ku tegey xerada Qaxootiga Luuq Jeelow ee magaalada Beled Weyne dabayaaqadii 1985.

Dhibaatada Aadanaha ee taalla xeryahaasi ma ahayn mid yar inkasta oo ay kala darnaayeen.

Gannad

Tusaale waxaan u soo qaadanayaa xerada Gannad. Waa goob ay ku yaallaan Bakhaarrada raashinka Qaxootiga. Bakhaarrada waxaa maamusha hey’adda CARE oo qandaraas ka haysata hey’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay UNHCR.  Sida uu qoray danjirihii Mareykanka ee berigaa fadhiyay Soomaaliya, Gannad ma ahayn xero Qaxooti oo rasmi ah, laakiin Ethiopia ayaa waxaa gaaray warka ah in Gannad oo Hargeysa agteeda ah laga helayo raashin.  Dadkuna markaas ayay soo bartilmaansadeen meesha loogu sheegay raashinka.

Danjiraha Mareykanka oo booqday wuxuu ku tilmaamay in ay lahayd muuqaal cadaab oo kale ah. Afartameeyo kun oo ruux ayaa goobta ku sugan. Waxay ku hoydaan qoryo la isku tafay oo lagu dedey baakado, saxaarado iyo wixii ay gacantu soo qabato.

Dadka intaa tiro le’eg oo hal goob ku sugan haddana malaha musqulo. Xataa mid keliya. Qashinka dheefshiidkoodu soo saaray ayaa xerada daafaheeda ka muuqda.

Qaxootiyadaas kuwooda magaalo u dhow, sida Gannad oo Hargeysa ku ag taalla, raashinka la siiyo waxaa u wehliyay in ay magaalada ku yaacaan si ay howl u qabtaan ama adeeg u fuliyaan oo ay xoogaa lacag ah uga soo helaan. Laakiin xeryaha magaalooyinka ka fogfog sida Bixin Duule ma jirin meel ay gaari karaan.

Dib u dejin

Waxaa si xoog leh suuqa loo geliyay in uu jiro barnaamij ay Dowladdu dooneyso in ay Soomaalida Ethiopia dib u dejin uga sameeyso Gobollada Woqooyi si halkaasi ay halkaasi ugu noqoto degaan rasmi ah oo ay abid ugu noolaadaan.

Tuhunkaasi wuxuu sii xoogeystay markii 1988 ay SNM weerartay Burco iyo Hargeysa, gudahana u gashay ka dibna ay ciidammadii Dowladdu ay duqeeyeen labada magaalaba. Taasi waxay sababtay in dadkii degganaa labadaas magaalo ay ku dhowaad dhammaantood ay ka qaxaan dalka kana tallaabaan soohdinta. Xeryo Qaxooti ayaa ka sameysmay Ethiopia ay Soomaali ku nooshahay.

Degaankii ay ka qaxeenna waxaa ku haray Qaxootigii awal ka yimid Ethiopia.

In dadkii degaannada woqooyigu ay Qaxeen laakiin uu Qaxootigii Ethiopia ka yimid uu degaanka joogo waxay sii xoojisay tuhun ama borobagaando mid ay ahaydba fekerkii ahaa in dhulka dad kale lagu beerayo.

Intaa waxaa dheereyd in SNM ay ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya in ay Qaxootiga ka qeyb gelisay dagaalka.  Arrintaas oo eedeyn u keentay Dowladda Soomaaliya lagana qaaday tuhun.

Anigu shakhsiyan ma xaqiijin karo sida ay ku billaabatay iyo dhinaca billaabay, laakiin SNM iyo Qaxootiga Soomaalida ah ee ka yimid Ethiopia waxay isu qaadeen colaad marar badan xabbad gaartay.

Anigu marka aan Gobolka tegey, Qaxootiga Soomaalida Ethiopia ee aan arkay waxay ahaayeen kuwo aan dooneyn colaadda in ay qeyb ka ahaadaan oo raba in ay helaan waddo nabad ah oo ay u maraan Ethiopia si ay degaankoodii ugu laabtaan.

Qormadii Hargeysa ayaan ku xusay in aan la kulmay nin Qaxooti ah oo arrintaa igala hadlay.

Sidoo kale, safar dhulka ah oo aan ka nimid Burco, markii aan ka daaddegnay Buuraha Shiikh, waxaa gacanta noo taagay nin waddada dhinac taagan. Wuxuu noo haatiyay waraaq uu gacanta ku hayay.  Markii aan u istaagnay, waraaqda waxaa ku qornaa codsi ay Qaxootigu ku dalbayaan in loo cayimo marin sugan oo nabad ah oo ay uga tallaabaan soohdinta. Anigana afka ayuu intaa iiga sheegay iyada oo codsi iyo catow fara badani uu wehliyo.

Dil ay SNM u geysatay Qaxooti iyo dil ka dhacay Berbera oo dadka qaar ay ku eedeeyeen Qaxootiga waxaan ku soo qaadan doonaa Qayb kale oo ka mid ah Taxnaha 89 -90, haddii Eebbe idmo.

17 lagu dilay Berbera - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Saddex iyo Tobnaad

$
0
0
Goor fiidkii ah ayaan cashada ka dib waxaan aaday guryaha ICRC u kireysan ee Berbera midkood.

Waxaan ku ballansan in aan halkaa isku wareysanno laba dhakhtar oo Soomaali ah oo magaca Bisha Cas ku jooga Isbitaalka Berbera iyo Farsamayaqaan Raajada Isbitaalka mas’uul ka ah. Saddexduba Muqdisho ayay ka yimaadeen.

Sheeko ka dib waxaan wada cayaarnay kubbadda cagta ee miis dushiis gacanta lagu cayaaro.

Dhowr jeer ayaan rasaas maqalnay. Inkasta oo Berbera ay caadi u ahayd shanqarta rasaastu haddana si gooni ah ayaan tan u qoonsaday.  Dareen ayay i gelisay. Markii aan weydiiyay waxaa dhallinyarada mid ka mid ahi iigu jawaabay in aan anigu beryahan Xamar ku maqnaa oo aan malahaa illoobay laakiin ay Berber mar walba noocan tahay.

Berbera marka aan habeen soconno, ka sokow calanka ICRC oo weyn oo baabuurka xagga hore u suran, hoostana uu kaga shidan yahay nal kor u ifinaya, waxaa khasab ah in nalka gudaha ee baabuurku uu shidan yahay.

Aniga oo sidaa ku socda ayaan u hoyday guriga aan degganaa oo ku yaalla xaafadda Burco-Shiikh.

Mayd bannaan yaalla

Aroor hore, abbaaraha lixda subaxnimo ayaan tegey goobta aan ka cunteyn jirnay. Ma ihi dadka xilligaas quraacan yaqaan ee waxaan doonayay in aan shah ka cabbo. ka dibna aan halkaa iska raacno duuliyaha dayaaradda ICRC oo aan ku ballansan nahay in aan u safarno Muqdisho.

Markii aan imid miiska raashinka oo ku yaalla isla xaafaddeyda Burco Shiikh, isheydu ma qaban duuliyihii. Waxaan ka hubsaday Shaqaalaha in uu duuliyuhu quraacday. Waxay ii sheegeen in uu ku baxay meydka. Markii la ii sheegay in xalay la dilay 17 nin, la iina tilmaamay barta meydku yaal oo isla xaafadda Burco Shiikh ah, ayaan markiiba dhaqaaqay aniga oo socod boobaya.

Dariiqa aan sii marayay waxaa dhegeheyga isu dhiibayay baroorta ka baxaysa guryaha waddada la teedsan.

Meel bannaan ah, oo xusuusteyda aan dhismayaasha magaalada ka fogeyn wax ka badan dhowr boqol oo tallaabo ayaa waxaa yaalla meydka toddoba iyo toban rag ah.

Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in laba iyo toban ay is ag yaalleen ayaga oo garbahoodu ay siman yihiin. Waxaa ka muuqday dhaawacyo rasaas.. 

Shan nin oo garba-duub u xiran gooni ayay u yaalleen. Rubadda ayaa dhiig uga yaallay. Waxaan ka dib ka warhelay in shanta nine e goonida u yaalla lagu dilay middi.

Waxaa meydka dul taagan rag dhowr ah. Murugada wajiyadooda ka muuqata ma ahan mid aan erayo ku soo gudbin karo. Goobtu hadal ma alaha. Shanqar kalena ma maqleysid marka laga reebo dadka qaar aad neeftooda maqasho. Qaar ayaad ka maqleysaa shanqar neef ka weyn, hadalna aan ahayn oo sida reen ama riin ah. Indhaha la isma siin karo. Qof waliba wuxuu hoos ayuu u eegayaa meydka.

Fahamkeygu wuxuu ahaa in aan cid ku dhacdaa jirin in sida ay diintu wadajir la guto waajibka wadareed ee ay diintu na fareyso ee ah in meydka la dhaqo, janaaso lagu tukado, ka dibna la aaso.

Goobta cid qori haysataa ma taagna. Dowladda oo loo tirinayo in ay dilka ka dambeyso cid matashaa ma taagna.  Haddana qof waliba wuxuu og yahay, dadkii nimankan dilay, uguna talo galay in ay halkaa dhigaan meydka si inta kale ay ugu quus qaadato, in aanay goobta ka fogeyn.

Waxay iigu darnayd, markii aniga oo meydka dul taagan aan gacanteyda ku arkay camera aan awalba sitay, iskuna soo illoobay. Haddii aan sawir ka qaadi lahaa, uma maleynayo in aan hadda sadarradaan qori lahaa.

Muqdisho

Daqiiqado ka dib, aniga iyo duuliyihii ayaa u safarnay Muqdisho. Dayaaraddu hal matoor ayay leedahay waxay badiyaa ku duushaa 10,000 ilaa 14,000 oo cagood, intaa daruuraha ayay dhex mushaaxaysaa. Aad ayay daruuraha, dabaylaha iyo buuruhuba ay u ruxaan. Wayna socod gaaban tahay oo qiyaastii 4 saacadood ayay u kala socotaa labada magaalo.

Dad badan ayaa ku mataga ama qaata kaneeni ka hor istaaga qaarna aad u dhibsadaan safarka dayaaraddan yare e intaa ruxmeysa.  Anigu qaybta dambe ayaan ka mid ahaa.

Maalintaas markii aan Berbera ka soo kacnay muragada i haysay, fekerka igu dhashay iyo riyo maalmeed ayaan dhex muquurtay. Waxaan arkay annaga oo Muqdisho dul nimid. Dhibkii aan safarka dayaaradda yar ku qabay, daqiiqad ma dareemin.

Xamar markii aan imid dad ayaan arrintii uga warramay. Waxaa ka mid ahaa rag aad iiga khibrad badan siiba xagga siyaasadda oo midkood uu madaxda Dowladda ka mid ahaan jiray, la xiray shaqadana laga saaray.  Mid kale wuxuu ka tirsan yahay Raggii ugu baaqay Madaxweyne Siyaad in uu xilka ka dego.

Waxaan u sheegay in aan u baahan ahay si aan ugu tago Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan arrintaan ugu sheego. Waxay soo istaageen in aanan sidaa yeelin. Waxay taladooda ku saleeyeen in laba mid ay tahay. In uu og yahay oo uu raalli ka yahay. Ama in uu og yahay waxna aanuu ka qaban karin. Intaa waxay raaciyeen in ay suurta gal tahay in uu dhib iiga yimaado aniga.

Waan ku qancay hadalkooda. 

Waxba

Laakiin suurta gal iima ahayn in aan la aammusnaado waxa aan arkay ee aan goobjoogga u ahaa. Waxaa iga go’nayd in xataa haddii hadalkeygu aanuu waxba ka qaban karin arrinta, in aan dhankeyga dadaal ku baaqan.

Waxaan goostay in aniga oo aan cidna la tashan aan go’aan qaato.

Waxaan la ballamay mas’uul sare oo Dowladda ka tirsanaa, Jaamacadda Macallin ka ah, laguna tirinayo in ay is xigaan Madaxweynaha.

Markii aan telefoon kula hadlay oo aan u sheegay in aan doonayo in aan kala hadlo arrin xasaasi ah, wuxuu ii sheegay in uu xafiiska ICRC howl u imaan doono oo uu markaas igu soo mari doono xafiiskeyga.

Inkasta oo aan go’aan qaatay, haddana sida aan is lahaa wuxuu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo uu dhib iga soo gaari karo. Welwel iguma yareyn.

Mas’uulkii markii uu Xafiiska iigu yimid, qolka ayaan hoosta ka xirtay aniga oo murugo iyo baqdin la neeftuuraya ayaan u sheegay waxa aan arkay oo dhan.

In yar ayuu aammusay inta aanuu ii jawaabin. Neef culus ayuu neefsaday. Wuxuu igu yiri, Yusuf waxaad ka hadleysaa Berbera oo in ka badan kun kiilomitir noo jirta. Halkan aan joogno ayay ka dhacaan waxa aad sheegeyso.

Maxaa laga qaban karaa? Ayaan weydiiyay.

Jawaabtiisu waxay ahayd: “Waxba”.

Tirada toban Orommadu waxay dhahdaa Ku-dhan.  Macnaha in tiro ay ku dhan tahay toban.

Aniga kelmadda Waxba waxay ii noqotay in hadalka Soomaaliya uu ku dhan yahay. Waxayna qeyb weyn ka noqotay waxyaabaha igu qanciyay in aan dalka ka dhoofo.


Qaybta Afar iyo Tobnaad ee Taxanahan 89 iyo 90 waxaan ku soo qaadan doonaa sida uu u dhacay dilka Berbera.

Sida iyo Sababta Dilka Berbera - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Afar iyo Tobnaad

$
0
0

Scodaalkeygii xigay ee Berbera waxaan imid aniga oo niyaddeydu ay aad hoos ugu dhacday.

Aniga oo ka arga-gaxay dilka Berbera ee 17 nin oo aan meydkooda dul istaagay. Iyo in ay meelmar noqon weyday rajadii aan qabay ee ahayd marka aan caasimadda tago, ee aan hoos ugu warramo qof mas’uul ah, in arrintaa laga dhiidhin doono, tallaabo degdeg ah la qaadan doono, ciqaab adagna la marsiin doono ciddii ay ku caddaato in ay falkaas geysatay.

Socdaalkan Berbera wuxuu noqday mid dilkii 17-ku uu maskaxdeyda dhinac kasta u hareeyay.  Si aan ugu talo galay iyo si aanan xukumin labadaba. 

Wuxuu sidoo kale hareeyay kulammada aan Berbera ku yeeshay.

Aad ayaan u daneynayay in aan ogaado xogta nimanka la dilay, dadka dilay iyo sababta. Waxay ahayd daneyn aanan anigu wada xukumin ee uu i hagayo dareen aadminnimo oo ka dhashay fal-ma-dhacdo wax aan u haystay laakiin aan markhaatiga ka ahaa. Dhanka kale, maaddaama aan ahaa nin yar oo soo koraya waxaan doonayay in aan fahmo bulshadeyda aan ka midka ahay ee har iyo habeen i hor iyo hareera joogta waxa suurta galka ka ah.

Xogta waxaan raadinayay aniga oo aad isaga jira in ay ciidanka Dowladdu uu i ogaado in aan mowduucaas daneynayo. Xogta qaar waxaan ka helay ilo aanan ka fileyn oo ka mid ah kuwa aan iska ilaalinayay - waa ciidanka sirdoonka NSS.

Wixii ii soo baxay ayaan qormadaan kugula wadaagayaa.

Xog

Waxaa la ii sheegay dadka la dilay in intooda badan laga soo qabtay meel shaaha laga cabbo, wadajirna loogu dhegeysto idaacadda BBC. Qof arkayay qabqabashada ayaa laga sheegay in aanuu marnaba u qaadan in dadka la dili doono. Sabab wuxuu ka dhigay in mid iyo laba cararay aan la eryan rasaasna laga daba ridin.

Waxaa kale oo la ii sheegay in uu jiro nin ka badbaaday dilkii oo dhaawac ah oo hadda yaalla Isbitaalka Berbera ee ICRC iyo Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Ninka badbaaday waan xusuustaa in aanan xog wareysi la yeelan maaddaama ay indhaha iyo dhegeha magaalada oo dhami ay isaga dul saaran yihiin.

Nin aan hore uga codsaday wuxuu i soo gaarsiiyay liiska magacyada 17-ka marxuum. Waxaan ku riday bakhshad aanan dib u furin ilaa aan ka dhoofo Soomaaliya.

Waxaa sheeko la iigu sheegay in ciidanka Dowladdu uu dilka geystay.

Waxaa kale oo aan maqlay in dilka ay geysteen niman ka yimid xero Qaxooti oo ku taallay meel magaalada Berbera aad uga durugsan. Weliba waxaa lala xiriiriyay in uu dilku ahaa aargoosi fal ay hore SNM u geysatay Qaxootiga isla xeradaas.

SNM waxay gubtay Booyadda keliya oo biyaha u dhaamin jirtay Qaxooti deggan meel oommane ah. Waxay isla weerarkaas ku dishay shan nin oo Qaxooti ah oo la socday booyadda.  Dilkaan hadda Berbera ka dhacay, waa aargoosi falkaas daba jooga ayaa la igu yiri.

Waa ay igu adkeyd in aan rumeysto in niman Qaxooti ahi ay rag intaa tiro le’eg ay hal habeen ku dilaan magaalo uu ciidan badani deggan yahay.

Laakiin marka aan arkay falka Berbera ka dhacay iyo jawaabta aan Muqdisho kala kulmay waxay qiyaasta u diideen halbeegga si sax ah loogu garan karo waxa la rumeysan karo iyo waxa aan dhici karin ee caqligu diidayo.

Nabad Sugidda

Habeen ayaa annaga oo casheyneyna waxaa ii yimid gaari ay nabadsugiddu leedahay oo i doonaya. Taliye ku xigeenka nabad sugidda ayaa ii soo diray. Waa ninkii ay reer Berbera ka caban jireen.

Dadka aan markaa wada joognay qaar ayaa talo igu siiyay in aanan habeennimo raacin ciidan ee aan berri subax xafiiskiisa ugu tago. 

Taladaasi ma xumeyn laakiin ma yeelin. Waxaan ogaa haddii uu damco in uu khasab iiga kaxeeyo meesha aan ku casheynayo in aanay jirin cid iga difaaci kartaa.  Waxa kale oo aan ogaa in iyada oo laga yaabo in aanuu xumaan ila damacsaneyn ay diidmadeydu ka careysiin karto.

Nimankii uu ii soo diray ayaan raacay. Waxaan u tegey isaga iyo nin kale oo wada fadhiya gurigiisa. Cabsi iguma yareyn. Waxaanna sugi la’aa in aan maqlo ama aan ficil ahaan u arko waxa uu iigu yeeray xilligan.

Wuxuu yiri kolleey waad ka warqabtaa 17-ka nin ee magaalada lagu dilay.  Caawa waa habeen adduun, nin Soomaaliyeed ayaad tahay, oo goobjoog ah, waxaan kuugu yeeray in aan kuu sheego xogta dhabta ah ee sida dilku u dhacay. Waxaan billaabay in aan ka koobiyo sheeko dheer oo uu ii mariyay oo aniga igu noqotay filan-waa’.  

Nuxurka Sheekada Taliye ku Xigeenka NSS ee Berbera uu ii sheegay waa sidan:

Goor ay qorraxdu sii dhacayso ayaa waxaa ii yimid nin reer Borame ah oo gaari weyn wada. Ninku waa yara khalkhalsan yahay. Wuxuu ii sheegay in uu Berbera hadda soo galay oo uu ku yimid waddada Dhanka Shiikh ka soo gasha magaalada. 

Wuxuu ii sheegay in marka uu ka soo hoobtay buuraha Shiikh ay joojiyeen niman ku hubeysan qoryo. In ay sida afduub oo kale ay xoog ku soo raaceen gaarigiisa ayna u tilmaameen in uu waddadiisa ku socdo. Inta aanuu soo gaarin kontoroolka Berbera in ay ka degeen gaariga, oo ay u soo lugeeyeen dhanka magaalada. Waxay hadda ku soo beegan yihiin xaafadda Burco-Shiikh.

Nimanka tiradooda marka uu qiyaasay waxaan gartay in aanan anigu haysan ciidan u babac dhigi kara oo ku filan in ay raggaas is hor taagaan. 

Sidaa darteed, waxaan markiiba u tegey Taliyaha militeriga. Waxaan u sheegay xaaladda. Waxaan ka codsaday in uu ciidan i siiyo si aan raggaas u qabqabanno inta aanay dhib geysan.

Wuxuu iigu jawaabay in uu isagu ka howlgeli doono. Markii aan u sheegay in aan wakhti jirin oo ay tahay in uu hadda soo dhaqaaqo, wuxuu igu yiri iska daa oo anigaa howshaas igu hallee.

Aad ayaan ula yaabay ayuu yiri. Aniga oo fahmi la’ ayaan ka soo tegey. Ka dibna wixii aad ogayd ayaa dhacay.

Taliye ku xigeenka Nabadsugidda Berbera oo weligeen aynaan Dowlad iyo Taliye ciidan isla xaman ayaa mar qura iiga xog warramay xad gudubkii ugu cuslaa ee aan abid goob joog ka noqdo. Welibana wuxuu calaamatu su’aal madaxa ka saaray Taliyaha militeriga ee Berbera.

Marka uu sheekadaan ii wado waxaa iiga muuqday dareen ah in uu ka gubanayo dilka. In uu doonayo in uu iska fogeeyo mas’uuliyadda dilka. In uu rabo in lala ogaado sababta ay ciidanku u daafici waayeen shacabka.

Taliye ku xigeenka Nabadsugiddu marka uu xogtaa i siinayo, anigu ma qiyaasi karin xiriirka wada shaqeyn ee isaga iyo Taliyaha militerigu sida uu ahaa mararkaa ka hor si aan u barbardhigo sida uu u dhaqmay marka warkan la gaarsiiyay.

Mana jirin wax aan ku qiyaaso waxqabadka Taliyaha militerigu nooca uu ahaa si aan ra’yi uga qaato in ay ka ahayd mas’uuliyaddiisii oo uu dayacay iyo in ay ahay hoosaasin oo uu wax ka ogaa howlgalka lagu fuliyey fal-dembiyeedka culus. 

Sallaxley - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Shan iyo Tobnaad

$
0
0
Inkasta oo laba Wasiir oo isaga ka horreeyay mid ay ka suurta geli weyday kan kalena ay oggolaashadiisii fuli weyday, Wasiir cusub oo Arrimaha Gudaha qabtay ayaa Laanqeyrta Cas u fasaxay in ay u tallaabi karto goobo ay ku sugan tahay SNM oo dalka Soomaaliya gudhiisa ah.

Wasiirku oggolaashadiisa wuxuu raaciyay in  farsamo ay hey'addu la fariisato militeriga degaankaa jooga.

Xilli habeen ah ayaa shir la isugu yimid magaalada Berbera. Laanqeyrta Cas iyo Saraakiil sare oo Militeriga Soomaaliya ka tirsan ayaa isla gorfeeeyay faahfaahinta. Shirka oo aan fadhiyay waxaa la si weydiiyay meelaha ay Laanqeyrta Cas tegeyso, gaadiidka la adeegsanayo, cidda tegeysa, walxaha la qaadayo - kuwa laga soo tegayo iyo inta soo noqoneysa iyo su’aal kale oo kasta oo ay ciidanku ka fekeri kareen.

Militeriga waxaa hoggaaminayay Taliye ku Xigeenka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo isaga iyo saraakiil la socotay ay ka soo duuleen Muqdisho. Waxaa fadhiyay Saraakiisha ugu sarreeysa Talisyada militeriga ee Hargeysa, Burco iyo Berbera oo aan fadhinno. Waxaan xusuustaa in Laba Taliye oo u kala dambeeyay, aan filayana in ay ayagu ugu dambeeyeen Taliska Qeybta 26aad ee Hargeysa ay labaduba fadhiyeen. Waxay ahaayeen General iyo Gaashaanle Sare. Ma aqaan sababta ay shirka u wada fadhiyeen.

Mararka qaar waxay tegeysay in labada dhinac midkood ay ergadiisu madaxa is geliso oo ay hoos isu wareystaan.

Shirku wuxuu ku dhammaaday militeriga oo sheegay in uu soo dersi doono arrinta.

Jawaabtiisu waxay aakhirkii noqotay mid waafaqsan oggolaashihii Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Laanqeyrta Cas waxay u duushay Sallaxley oo ay gaarsiisay howlaha Samafalka. Anigu kama mid ahayn kooxdaas.

Waxay Laanqeyrta Cas u ahayd tallaabo horumar ah, maaddaama 1988 loo diiday in ay tagto Hargeysa iyo Burco.

Markan oo la joogo 1990 ay mareyso, ma ahan Hargeysa, Burco, Berbera iyo Borame oo keliya ee loo fasaxay ay ka howlgasho degaan ay SNM gacanta ku hayso oo dalka gudihiisa ah.

Sababta ay siyaasadda Dowladdu isu beddeshay oo ay uga suurta gashay in ay Laanqeyrta Cas u fasaxdo in ay ka howgasho degaan aan Dowladdu gacanta ku hayn oo Soomaaliya ka tirsan waxay inta daneyneysa uga baahan tahay is weydiin iyo baaritaan. 

Yusuf-kii kale... Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Lix iyo Tobnaad

$
0
0
Qaybtan waxaan ku soo qaadanayaa arrin aniga ila soo gudboonaatay laakiin aan khuseyn dhacdooyinkii woqooyiga. Waa ninkeed-guba' aniga i saameysay, sawrika guud ee nolosheydii berigaasna in yar ka tilmaameysa.

1988 ayaan filayaa in ay ahayd aniga oo gaari wata oo ka imid dhinaca Jaamacadda Ummadda. Markii uu gaarigeyga meel fog ka aqoonsaday ayaa Isbitaal Banaadir agtiisa waxaa astaan baaq ah i siiyay oo i joojiyay nin saaxiibkeey ah oo mooto wata oo jihada aan u socdo cagsigeeda u socda. 

Axmed waa xisaabiye ka tirsan wasaaradda Sportiga laakiin markaas arday ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ii sheegay in lacagtii Wasiirku uu ii soo qoray ay diyaar tahay oo  aan maanta qaadan karo.

Anigu Wasaarad Sport uma shaqeyn weligeey. Lacagna kuma lihi. Waan ku wareeray waxa uu ii sheegay saaxiibkeey. Markii aan ka xaqiijiyay cadadka lacagta, in magaceyga ay ku qoran tahay iyo in Wasiirku uu amarka bixiyay, laakiin aanuu aqoon sababta uu Wasiirku lacag iigu qoray ayaan toos u abbaaray Wasaaradda Cayaaraha. Xisaabiye kale, Siciid, oo isagana aan is naqaan oo Wasaaradda ka tirsan ayaan u tegey. Waraaqo ayuu baarbaaray wuxuuna ii sheegay in Yusuf-Garaad uu saaka qaatay lacagtiisa. Dabcan qofka lacagta bixiyay ma ahayn qof aniga wejigeyga yaqaan wuxuuse u haystay in weriyaha Radio Muqdisho uu yahay qofka uu lacagta siinayo.

Madax Wasaaradda ah ayaan wargeliyay in qofka magaceyga ku qaatay lacagtu aanuu aniga ahayn. 

Aniga oo arrintaas la yaabban ayaa maalin waxaan Wasaaradda Warfaafinta isku aragnay AUN Cali Siyaad oo ka tirsan kooxda Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada. Wuxuu ii sheegay in uu Xafiiska Wasiirka Waxbarashada ka ceyriyay nin Wasiirka sugayay oo magaceyga ku socday.

Waxaa xigay dhowr dhacdo oo yaryar oo mid kastaa ay iskeed iigu muujisay in uu jiro qof inta aan fahmay magaalooyinka Muqdisho, Wanla Weyn iyo Baydhaba dad kula kulmay oo magaceyga iyo mehereddeydaba u sheegtay kuna daneystay.

Dadka la khalday waxaa ka mid ahaa Saalax oo gurigeyga iga soo wacay oo aan xusuusan waayay safarka baska ee aan wada raacnay ee uu ka sheekeynayo. Oo ay ka darnayd in uu isna la yaabay in xataa aan xusuusan waayo martiqaadkii uu saaxiibbadiis isugu yeeray oo aniga madaxeyga uu noogu sameeyay Wanla Weyn.

Nambarka telefoonka sida uu ku helay markii aan weydiiyay wuxuu ii sheegay saaxiibkiis ay Wanla Weyn ku wada nool yihiin uu ka ogaaday in aan qaraabo nahay ka dib markii ay iga wada dhegeysteen Idaacadda.  Markaasna uu sidaa uga soo qaatay nambarka.

Ninkii waan ka cudur daartay. Waxaan u sheegay in aanan weligeey bas u raacin Wanla Weyn, martiqaadna aan la iigu sameyn. Sidoo kale waxaan u sheegay in aanan aqoon xataa hal qof oo u shaqeeya sharikadda uu ii sheegay in uu isagu wakiil uga yahay Wanla Weyn magaceeduna uu isaga naaneys u yahay.  Isaga oo jahawareeray, codkiisana aan ka tuhmay in uu u qaatay in aan ka abaal dhacay ayaan telefoonka dhammeynay.

Waxaa i galay welwel ku saabsan in qofka magacayga adeegsanayaa uu magaceyga dembi ku geysan karo ama ugu yaraan uu fadeexad sameeyn karo. Si aan taas uga hor tago, waxaan afeef geeyay oo aan arrinka la socodsiiyay Laanta Dembi-Baariista Booliiska, CID iyo Hoggaanka Baarista ee Nabadsugidda, NSS. 

Sidoo kale waxaan wargeliyay dhammaan Xafiisyada aan ka shaqeeyo - Radio Muqdisho, ICRC iyo Xarunta Dhaqanka Faransiiska.  Saaxiibbadeey iyagana waan la socodsiiyay arrinta.

Meher


Maalintii iigu darnayd, gabar dhallinyar oo will yari uu la socdo ayaa timid Radio Muqdisho.  Waa gabar aniga i goobeysa. Markii la ii keenayna waxay aniga, weriyayaal aan wada taagnayn Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa hortiisa iyo ninkii noo keenayba ay cod hoose nagu weydiisay - Yusuf-Garaad kale ma jiraa oo Radio Muqdisho ka shaqeeya? Waxaan ku niri maya. Iyada oo xishooneysa, isla markaana jahawareersan ayay igu tiri abbow iska raalli ahow, wayna naga dhaqqday.

Anigu sidaa Gabadha ugama harin. Markaan qalada ka saaray ee ay oggolaatay bal in aan is yara wareysanno ayaan meel la fariistay iyada iyo wiilkii keenay Wasaaradda Warfaafinta.

Sheeko dheer oo eray kasta oo macluumaad xambaarsan aan dirqi iyo dulqaad uga soo saaray ka dib waxaan fahmay in ninka ay raadineysaa uu yahay nin Radio Muqdisho yaqaan. Sababta oo ah wuxuu u tilmaamay oo ay si sax ah iigu sheegtay qaabka uu u dhisan yahay studio-ga warka laga tebiyo. Waxay tilmaan fiican iga siisay sida uu ninku u eg yahay.

Waa tan iigu darane waxay ii sheegtay in ninku uu yahay ninkeeda. Waxay kula mehersan tahay magaceyga.

Qalbiga ayaa la igu dhuftay oo dhulka ayaa ila wareegay. Meher oo dhami adduun ii dhimman ayuu ahaa. Iskaba daa maareynta meher been abuur ah, magaceygana ah!

Ma aqoon si aan wax yeelo.

Gaari markaa ma wadan. Haddana waan helay mid aan Gabadha ku geeyo guri ay ku soo degtay oo ku yaalla Howl Wadaag meel aan ka fogeyn Dugsiga Sare. Muhiim ayay ii ahayd meesha ay deggan tahay in aan soo arko si haddii aan u baahdo aan dib ugu laaban karo. Weliba waan la ballamay.

Waxaan markiiba la tashaday culimmada Radio Muqdisho oo aan aad isugu fiinceyn iyo qaar kaleba. Waxaan la tashaday saaxiibbo dhowr ah oo iga khibrad badan.

Arrintu waxay igu khasabtay in aan dhab uga shaqeeyo si aan u joojiyo ninkaan magaceyga iyo shakhsiyaddeyda weerarka ku ah.

Dhowr nin oo dadka weriyayaasha aad u jecel ah, qaar ay yihiin weriyayaal-iska-yeel iyo kuwo aanan shaqsiyaddooda ku kalsooneyn oo ka shaqeeya saxaafadda laakiin aan magac weyn ku lahayn ayaan qaar ka shakiyay. Aniga oo gabadha kaashanaya oo ay dusha iga eegeyso ayaan nimankii midba meel kula kulmay - Radio Muqdisho, Tiyaatarka, Xarunta Ururka Dhallinyarada iyo goobo kale. Midkoodna wuu noqon waayay ninkii aan goobayay ee "sammigey" ahaa.

Gabadhii si aan qarsoodi lahayn ayaan isugu warrannay. Waxay iga qancisay in aan dhankeeda culeys iiga imaan doonin. 

Waxayna ka qanacday in aan meesha meher jirin. Ayaan ka dib waan amba bixiyay. Waxay ku laabatay reerkooda iyo gobolkii ay ka timid.

Wiil Jalaqsan


Sannad iyo ku dhowaad laba markii aan baadi-goob ku jiray, ayaa maalin aniga oo jooga Berbera waxaa ii soo dhacday farriin iigu timid teleprinter oo ah aalad isgaarsiineed oo ka duwan Telkis. Waa ka hir inta aan Fakis soo bixin.

Wuxuu ahaa qalab ka duwan messenger, SMS iyo email oo iyagu farriinta marka aad wada qorto aad mar keliya direyso.  Teleprinter, marka aad fartaada xaraf dhag ku siiso xarafkaasi sida uu uga muuqanayo shaashaddaada uguna qormayo xaashi suran mashiinkaaga ayuu isla markaas uga muuqanayaa shaashadda qofka kale ee aad la xiriireyso wuxuuna ku qormayaa waraaqda u suran mishiinkiisa. Xarafkii aad dhag-siiso isku mar ayuu ku qormayaa labada dhinacba oo markaan ah Muqdisho iyo Berbera. 

Farriinta ii soo dhacday waxay leedahay:

Yusuf, waa la qabtay Yusuf-kii kale. Dhakhso u soo gal Muqdisho.

Farriintu waxay ka soo billaabatay saaxiibkeey weriye Cabdulqaadir Cali Iidle. Subaxaas ayuu goor hore shaqo weriyennio u tegey wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo ku taallay nambar Afar. Gabar shaqaalaha ka mid ah ayaa salaantay oo ku tiri saaka maxay weriyayaashu noogu soo wada kallaheen?

Markii uu weydiiyay weriyaha kale ee ay aragtay saaka ayay u sheegtay in Yusuf-Garaad uu fadhiyo Xafiiska Maareeyaha. Cabdulqaaddir maaddaama uu dacwaddeyda la socday, in aan Berbera ku maqan ahayna uu ogaa, laamiga ayuu ka tallaabay. CID ayuu tegey oo ka soo kaxeystay laba askari. Ninkiina waxaa lagu jeebbeeyay isaga oo fadhiya xafiiska Maareeyaha.

Cabdulqaadir wuxuu wargeliyay Xafiiska ICRC oo ii soo diray farriinta.

Subixii xigay ayaa aniga oo ay i wehliyaan Cabdulqaadir Cali Iidle, Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane iyo weriyayaal kale oo aan u maleynayo in uu midkood ahaa Cabdullaahi Khaddiib waxaan tagnay Xarunta CID. Waxaa na qaabbilay mas’uul ay xusuusteydu ii sheegeyso in uu ahaa Cusmaan-Gasgas.

Ninkii markii la soo saaray wuxuu noqday nin aan dhowr jeer ku arkay Radio Muqdisho oo salaan wanaagsan iyo xushmad reer magaalnimo ay naga dhaxeyso. Waxay saaxiib yihiin weriye caan ah oo ragga i tababbaray ka mid ah.  Waa nin dheer, jalaqsan, igana lebbis qurxoon.

Nin adeer u ah oo hanti haysta ayuu keligii kula noolaa guri weyn.

Wuu isku keey duubay. Wuxuu muujiyay in uu ka xun yahay falalka uu sameeyay.  Cafis ayuu i weydiistay. 

Booliisku markii ay horteenna ku wareysteen wuu qirtay waxyaabo dhowr ah. Qaarna wuu dafiray.

Anigu waxaan isaga iyo booliiskaba u sheegay in aan cafinayo haddii uu ii ballanqaadayo in uu magaceyga ii nabadgeliyo.

Su’aalo ay booliisku weydiiyeen iyo waraaqo ay ka saxiixeen ka dib, waa la sii daayay.

Maaddaama aan ahaa nin aad u mashquulsan, shaqadeydana ay ka mid ahayd howl samafal oo xasaasi ah khatarna wadata, ma sii dabakicin ee waxaan ku laabtay Berbera.

Nasiib wanaag, TV iyo internet dartood, maanta suurta gal ma ahan in qof caan ah magaciisa lagu caana maalo maaddaama qof walba oo caan ah sawirkiisa la arki karo marka loo baahdo.

Baaq in dhakhso loo daayo Samafale Afduuban

$
0
0
Waxaan si naxariis leh ugu baaqayaa dadka xalay Muqdisho ku afduubay kalkaaliye caafimaad oo ICRC ka tirsan in ay si dhakhsa leh oo shuruud la'aan ah u sii daayaan samafalaha.

Waa ceeb in qof dadkaaga u soo gurmaday aad waxyeesho waana dembi.

Waxaan ku baaqayaa in Kalkaaliyaha Caafimaad oo xalay lagu afduubay Muqdisho aan wax la yeelin.

Iyo in si shuruud la’aan ah loo daayo oo xorriyaddeeda loogu soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.


ICRC waa hey’ad samafal oo caalami ah oo dalka Soomaaliya sannado badan ka fulineysay howlo samafal ah oo waxtaray qoysas aad u badan oo Soomaaliyeed.

Terra Allah ha u Naxariisto

$
0
0
Maxamed Aden Xersi Terra oo aan in badan soo wada shaqeynay, muddana madax ii ahaa ayaan maqlay in uu geeriyooday.  Allah ha u naxariisto. Jannada Allah ha geeyo.

Maxamed markii magaciisa iigu horreysay waxay ahayd markii aan idaacadda ka dhegeysan jiray aniga oo dhigta Dugsiga Dhexe ee Maxamuud Xarbi ee idaacaddu ay ka mid ahayd meelaha muhiimka ah ee aan ka barto aqoonteyda guud ee taariikhda, siyaasadda, dhaqanka iyo culuum kale oo badan oo ay ka mid yihiin eraybixinta af Soomaaliga.

Wuxuu weriyayaasha iiga duwanaaday markii aan ku wada noolaannay xaafadda Towfiiq, walaashiisna ay ka mid noqotay ardayda iskuulka ee aan macallin u ahaa markii aan gudahanayay qeybta macallinnimada ee sannadka Shaqada Qaranka oo la gudan jiray inta aan Jaamacad ama shaqo kale la gelin.

Markii Radio Muqdisho ii qaatay tifatire wararka iyo weriye horraantii siddeetanaadkii Maxamed Aden Xersi si wuxuu ka mid ahaa weriyayaashii sare ee khibradda tobaneeyo sano ah lahaa ee aan si shakhsi ah isugu barannay Wasaaradda Warfaafinta.

Qormadan kooban waxaan Maxamed Aden Xersi ugu yeeri doonaa Terra oo ahaa magaca inta la shaqeysaa ay u taqaan.

Wuxuu ahaa nin bulsho oo dad la socod wanaagsan, ilbax ah, kuna xiran dhallinyaro fara badan. Haddana wuxuu ahaa nin shaqo. Mintid ku ah mas’uuliyaddiisa iyo howlkasta oo uu qeyb ka yahay. Wuxuu ahaa nin isku kalsoon, ku sharfan bulshada, dhowrsan, dood badan oo isku daya in la is qanciyo, isku sina wax la isula fahmo.

Wuxuu warfaafinta u shaqo billaabay isaga oo ka soo baxay Dugsi Sare.  Wuxuuna doorbiday in uu aqoontiisa kororsado. Wuxuu galay Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in uu ahaa Dufcaddii koowaad ee lagu furay Kulliyadda.

Qalin jebintiisa ka dib waxaa loo magacaabay Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA. Inta uu ahaa Agaasimaha SONNA wuxuu Radio Muqdisho u soo saari jiray Barnaamij la yiraa Raadraaca Taariikhda oo sida magaciisa ka muuqata ku saabsan Taariikh, ahna midda Soomaalida. Barnaamijkaas aniga ayaa ka akhrin jiray Idaacadda ka dib marka Madaxa Radio Muqdisho uu soo akhriyo. Waxaan xusuustaa maalinta ay qodob isku qabteen Terra iyo Madaxa Raadiyaha dooddii dhex martay iyo sida uu Terra u u fasiray arrinta uguna adkeystay mowqifkiisa.

Muddo ka dib, Terra waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Idaacadaha Soomaaliyeed oo ay hoos yimaadaan Madaxa Radio Muqdisho iyo Madaxa Radio Hargeysa.

Markii aan howl samafal oo Laanqeyrta Cas aan ka billaabay Berbera 1989 waxaan Agaasiamaha ka codsaday in la iga beddelo Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa aniga oo ah war akhriye iyo Tifatire labadaba.

Sabab waxaan ka dhigtay in aan ka shaqeeyo howl samafal oo xasaasi ah oo aan ka fidiyo Woqooyiga. Sidaa darteedna aan ogaan la’aanteey ula kulmo dad ka tirsan Jabhadda SNM. Allah ha u naxariistee, Maxamed Aden Xersi oo markaa Agaasime ii ahaa wuxuu ku adkeystay in aan joogo Xafiiska Wararka laakiin markii dambe wuu igu aqbalay in uu igu wareejiyo soo saaridda Barnaamijyada oo aan awalba aan ka qeyb qaadan jiray.

Terra waxaa uu ka mid ahaa markii Dowladda Soomaaliya ay burburtay 1991, dadkii Soomaalinnimada u fekerayay ee u haystay in Dowladda la riday mid kalena ay dhalaneyso shaqaduna ay halkeedii ka socon doonto.  Markii ay Dowladdu dhacday wuxuu markiiba u soo shaqo tegey Wasaaradda Warfaafinta. Ka dib markii xaaladda taagan uu ku qanci waayay, Maxamed Aden Xersi, wuu ka dhoofay dalka wuxuuna tegey Nairobi.

Mar aan Maxamed Aden Xersi ku kulannay Nairobi 1995 wuxuu talo iyo gacanba iga siiyay socdaallo shaqo oo aan midba mar ku tegey Kismaayo iyo Boosaaso iyada oo dagaalkii sokeeya oo markaa cusbaa awgii ay isu socodka Soomaalida iyo isdhexgalkeeda dalka gudhiisu ay aad xaddidan tahay siiba dadka ay bulshadu magacooda taqaan.

Muddo ka dib, Terra waxaan ka wadashaqeynay BBC isaga oo ka qeyb qaatay howlaha Xafiiska BBC ee Nairobi.

Terra wuxuu ka mid ahaa weriyayaal iyo mas’uuliyiin Nairobi ka billaabay idaacad ku hadasha af Soomaali.  Markii dambe ee uu u wareegay London oo uu ku biiray xaaskiisa, Maryan Cali Muddeey, wuxuu Terra ka howlgalay Telefishinka Universal.

Meel kasta oo uu tago iyo duruuf kasta oo uu ku sugan yahay Terra wuxuu ahaa nin xirfaddiisa u daacad ah aamminsan in bulshada la wargeliyo, aqoonteeda guud kor loo qaado, lana sameeyo wareysiyo iyo dodo horseeda kala warhel, isu garaabid iyo isfaham.

Markii aan Muqdisho ka wadashaqeyneynay Warfaafinta ka sokow wuxuu saaxiibbo ku lahaa Jaamacadda oo uu arday ka noqday iyo Ururka Dhallinyarada.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska reer Adan Xersi oo dhan in Ilaah Samir ka siiyo. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa , Faadumo Aden Xersi iyo saygeeda Cabdinuur Shiikh Maxamed Isaxaaq iyo carruurtooda.

Doorashada Guud ee 2020

$
0
0
Dhibaato ku hortaalla haddii aad si uun isu diidsiineyso xal wanaagsan uma heli kartid. Keliya marka ugu horreysa ee aad adigu shakhsi ahaan isugu qirto in ay  dhibaato jirto, adigana ay xal kaaga baahan tahay ayaad billaabi kartaa in aad deristo dhibaatada, si nadiif ahna uga fekerto xalkeeda.

2016 Doorasho ayaa la isku afgartay in la qabto sannadka 2020. Doorashada waxaa lagu heshiiyay in ay markaan noqoto qof iyo cod dalka oo dhan ah.

Weli dariiqaas ayaa lagu socdaa rasmi ahaan. Laakiin laba sano gudahood in shacabka Soomaaliyeed uu helo xuquuqda uu u leeyahay in uu Madaxdiisa soo doorto ma ahan wax sahlan. Intaas waa la wada qiran yahay. Xaqiiqada muuqata, laakiin afka laga dhowrayo oo sir loo ekeysiinayo waa in aanay suurta gal ahayn.

Sababuhu waa ay badan yihiin. Qaarkood waa sababo amni sida Shabaab. Qaar kale waa kuwo siyaasad sida Somaliland.

Waxaan qabaa in aan la joogin xilligii la qiran lahaa in aan doorasho cod iyo qof ahi ka dhici karin Soomaaliya oo dhan 2020. Xilligii taas la qiri lahaa waa la soo dhaafay.

Maxaa hadda nala gudboon?


Waxaa habboon in aan laga daahin in xaqiiqada horteenna taalla aan afka lagala xishoon. Doorasho qof iyo cod ahi Soomaaliya oo dhan kama dhici karto 2020.

Maalin kasta oo na dhaafta iyada oo aan taa la qiran, waa maalin ka lumeysa wakhtiga kooban ee doorashada loogu diyaar garoobi lahaa.

Dowladda waa lagula xisaabtami karaa intii ay howshaa ka qaban kartay in ay qabatay iyo in kale. Laakiin in Dowladda lagu eedeeyo wax awooddeeda ka baxsan, waxaa ka habboon in la wada goobo qaabka doorasho ee ugu wanaagsan ee suurta galka ah, haddii la waayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah.

Doorashada 2020 waxaa khasab ah in ay baro dheereyso ama ay ka sarreyso doorashadii 2016. Waayo?

Si aan aan su’aashaas uga jawaabo waxaan si kooban u xusayaa wadiiqada ay soo martay Dowladnimada Soomaaliya ee casriga ah. Marka aan taa milicsanno ayaan filayaa in jawaabta su’aashan laga dheehan karo.

Waxaan eegayaa Baarlamaannada la dhisay tan iyo 2000 iyo sida isaga oo aan qof iyo cod ku imaan uu haddana mid waliba kii ka horreeyay uu uga sarreeyay marka ay noqoto matalaadda shacabka.

Carta, Djibouti, 2000

Sannadkii 2000 ayay ahayd markii dalka Soomaaliya oo aan Dowlad lahayn muddo toban sano ah, la unkay Baarlamaan Soomaaliyeed.

Waxaa xubnaha badankood soo xulay Madaxda Dhaqanka. Kooxaha hubeysan ee  ku hardamay dagaalkii sokeeye  marka mid iyo laba laga reebo lagama qeyb gelin Baarlamaankii 2000.

Ma jirin Baarlamaan ka horreeyay oo la barbardhigo. Waxaa guul ahayd in ay Soomaaliya yeelatay Baarlamaan.

Si awoodda loo ballaariyo, waxay Dowladdani aqbashay in ay Dowladda iyada beddeleysaa ay noqoto mid ay kula bahowday Hoggaamiye Kooxeedyada.

Nairobi, 2004,

Baarlamaanka lagu dhisay Nairobi wuxuu soo kordhiyay in Hoggaamiyayaasha Dhaqanka keligood aan loo deyn xulidda xubnaha Baarlamaanka ee ay Hoggaamiyayaasha kooxaha hubeysani ay ayaguna qeyb ku yeeshaan. Wadajir ayay u soo xuleen xubnaha Baarlamaanka.

Ka dib markii ay wadaxaajood la gashay, waxay Dowladdani suurta gelisay in ay awoodda la qeybsato oo ay Dowladnimada ku soo darto wadaaddo leh garab hubeysan iyo kooxo siyaasadeed oo la xulafo noqday.

Djibouti, 2009

Baarlamaanka lagu dhisay Djibouti wuxuu ahaa mid isaguna sii ballaariyay awoodda. Wuxuu ku soo daray koox ay wadaaddo hormuud u yihiin, oo leh garab hubeysan.

Dowladdani waxay suurto gelisay in doorashada 2012 aanay ka dhicin caasimad shisheeye ee ay ka dhacdo dalka gudihiisa. Waxayna soo afjartay xilligii Ku-Meel-Gaarka ahaa.

Muqdisho, 2012

Baarlamaankii lagu soo xulay caasimadda Soomaaliya iyo Xukuumadihii uu dhisay waxay meel wanaagsan gaarsiiyeen dhismaha Dowlad Goboleedyada iyo in xulidda xubnaha Baarlamaanka loo beddelo doorasho ay codkooda dhiibtaan xubno aad u kooban oo bulashada laga soo xulay.

Libinta kale ee ay Dowladdani gaartay waxay ahayd in doorashada xubnaha koobani ay codkooda ku dhiibanayaan ay ka dhacdo shanta caasimadood ee Dowlad Goboleedyada iyo caasimadda dalka.

Lix magaalo, Soomaaliya 2016
Ballantu waxay ahayd doorasho qof iyo cod ah in ay Dowladda hadda jirtaa dalka gaarsiiso 2020. Uma muuqato in ay taasi ahaan karto.

Haddii doorasho guud oo qof iyo cod ah ay na gaarsiin weydo, waxaa khasab ah in ay Dowladdu la timaaddo hab awoodda u soo dhoweeya dadweynaha si ka sii wanaagsan habkii 2016 lagu soo doortay Baarlamaanka hadda jira.

Taas lama heli karo ilaa marka hore lagu dhiirrado in la qirto yaqiinta ah in aanay suurto gal ahayn in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho guud oo qof iyo cod ah sannadka 2020.

Waxaan u rajeynayaa Dowladdu in aanay ku fashilin dhaqankii Dowladnimo ee Soomaaliya ee soo taxnaa tan iyo sannadkii 2000. Oo ah in mar kasta oo doorasho ay dhacayso ay ahaato mid dadweynaha uga dhow tii iyada ka horreysay. Ujeeddadu waa si ugu dambeynta loo gaaro matalaadda ugu wanaagsan oo ah mid ku timid doorasho ka dhacda Soomaaliya oo dhan, qof iyo cod ah, oo xalaal ah.

Brexit, malahayga, waa Tusaale Somaliland

$
0
0
Soomaalida oo dhan, marka Djibouti laga reebo, waxaa ugu yaraan midkiiba mar gumeystay Ingiriiska*. Marka laga reebo Soomaalida Kenya oo 1963 xornimada la qaadatay Kenya inteeda kale, wuxuu ugu dambeeyay Somaliland oo uu ka baxay 26 Juun 1960.

Gobolka Soomaalida Kenya, markii uu Ingiriisku ku daray Kenya, Soomaaliya waxay Ingiriiska u jartay xiriirka Diblomaasi oo safaaraddiisii waa laga saaray Muqdisho.

Soomaali kaliya ma ahan ee Boqortooyada Ingiriiska xilligii gumeysiga waxaa lagu tilmaamay Boqortooyada aan calankeeda cadceeddu u dhicin. 

Waayo? 

Boqortooyada Ingiriiska marka waddankeeda ay qorraxdu u dhacdo oo calanka la dejiyo, waxaa calankeedu saarnaa oo uu ka babbanayay dal ay gumeysato oo dhaca cirif kale oo caalamka ah oo maalin jooga.

Boqortooyadii ay awooddeedu caynkaa ahayd, haddana xubin joogta ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa si aan mugdi ku jirin uu shacabkeeda inta badani afti caadyaal ah ku go’aansaday in uu ka baxo Midowga Yurub.

Ka bixitaanka Yurub oo uu go’aankeeda Shacabka Ingiriisku qaatay, Yurubna ay aqbalsan tahay, ayaa keliya sidii kala baxaasi u dhici lahaa waxaa laga furay wadahadal maaratoon noqday welina aan dhammaan oo u dhexeeya Yurub iyo Ingiriiska. Wadahadalkaas oo loo bixiyay Brexit weli ma dhammaan.

Midowga Soomaaliya waa ka fac weyn yahay, kana qoto dheer yahay Midowga Yurub, waayo Yurub iyadu ma ahan dal qura oo leh hal hoggaamiye.

Markaa, Somaliland haddii ay dooneyso in ay ka baxdo Midowga ay kula jirto Soomaaliya inteeda kale, waanan ogahay in ay dad aad u badan oo reer Somaliland ahi ay sidaa ku taamayaan, wadiiqada ugu habboon, ugu sharciyeysan, ugu nabadgelyada badan, uguna ilbaxsan waa in ay taa ku gaarto wadahadal ay la gasho dalka intiisa kale oo cidda qaanuun ahaan u matashaa ay tahay Dowladda Federaalka.

Wadahadalkaas oo mabda’ ahaan socda, laga soo billaabo June 2012 markii uu ku curtay Chevening, oo ah hoyga nasashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, oo ku taal meel aan ka fogeyn London, oo aniga oo suxufi ah aan goobjoog u ahaa iyo dhowr jeer oo aniga oo ergay metalaya Soomaaliya ah aan uga qeyb qaatay Djibouti iyo Istanbul, waan ogahay in uu yahay gaabis diinku ka dheereeyo.

Haddana Somaliland waxaa la gudboon in ay wadahadalkaa dardar hor leh geliso si uu natiijo u dhalo. Ogow natiijadu waxay noqon kartaa midow lagu qanacsan yahay ama kala go’ la isla qaatay. Wixii ay labada dhinac isla qaataan, ma jirto Dowlad ama Urur is-hor taagi kara.

Sidoo kale ayaan u soo jeedinayaa Dowladda Soomaaliya in ay u aragto qaddiyadda Somaliland oo dhul ahaan iyo dad ahaanba aan la xaqiri karin in ay leedahay mudnaanta koowaad si uu dalku isu raaco ama iyada oo raalli la isaga yahay fagaare loogu kala faataxeysto.


Hadalkeygu jawaab uma aha mowqifka uu qaatay Madaxweyne Muuse Biixi oo dhowaan Burco hadal ka jeediyay, laakiin waa aragtideyda shakhsiga ah.

------------------
*Ingiriiska waxaan ula jeedaa Boqortooyada Midowday ee Great Britain iyo Ireland-ta Woqooyi.

Maan la heshiinno Shabaab!

$
0
0
Ciidanka Shabaab badankiis waa dhallinyaro Soomaaliyeed. Waa dhallinyaro uu gabay Qarankoodu. Waa dhallinyaro ku dhashay ama ku barbaaray iyada oo uu maqan yahay Qaran suga amnigooda. Waayay Dowlad siisa adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad. Aan helin Hey’ado u abuura fursado shaqo. Aan arag adeeg garsoor oo cidda ku xad gudubta uu isaga qaban karo. 

Waa dhallinyaro loo diiday nidaam u suurta geliya in ay codkooda ku cabbiraan doorasho degaan iyo mid Qaran oo hadba qofka ama xibsiga ay doonayaan ay ku taageeraan. Waa dhallinyaro uu Qaran burburka nagu dhacay u diiday nabad iyo nololba.

Intaas oo dhan waxay noqotay in iyaga loo daayo in ay is dabbaraan.

Waxay ka mid yihiin malaayiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dacdarreysan. Qaarkood waxay ka qeyb galeen dagaallada noocyada kala duwan ee dalka ka dhacay. Qaar kale waxay noqdeen burcad badeed.  In badan ay iyaga oo qax ah ayay badaha isku qaadeeen kuwaas oo qaar badani ay ku naf weyeen.  Qaarkood ay xeryo qaxooti oo aad u nolol adag ay ku qaateen tobannaan sano.  Qaar badan lagu soo dhoweeyay xabsiyo dalal shisheeye. 

Intooda dadaashay ee Ilaaheey u suurta geliyay in ay xaalad adag ay wax ku bartaan, in yar oo nasiib leh ayaa shaqo heshay.  Inta kale ayaga oo shahaaddo Jaamacadeed ama laba haysta ayay ku shaqo la’ yihiin dalka gudihiisa.

Waxaas oo dhan waxaa sabab u ah Qaran burburka dalka ka dhacay.  Kaas oo aanay wax mas’uuliyad ah ku lahayn dhallinyarada maanta joogtaa.

Meesha Bannaan Buuxi

Kaalintii ay gabtay Dowladda Soomaaliya oo hawada ka maqnayd ugu yaraan toban sano, waxaa u loollamay in ay buuxiyaan kooxo kala duwan.

Qaarkood waa wadaaddo ay qaarkood isku dayeen in ay wax ka qabtaan baahida waxbarashada. Qaar kalena sugidda amniga iyo garsoorka. 

Waxaa iskaashaday wadaaddo ay qaarkood qabaan afkaar aad u durugsan iyo kooxo ajnebi ah oo dalalkooda dembiyo ka soo galay oo gabbaad iyo markii dambe saldhig ka dhigtay dalkeenna. Kooxda dambe sababta ay dalkeenna u xusheen waxay ahayd in ay ka faa’iideystaan maqnaashaha awood Dowladeed oo ka hor istaagta.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo arka caddaalad darrada ku haysata dalkooda gudihiisa ee Soomaali ama ajnebi u gaystay, maqla caddaalad darrada ku dhacaysa muslimiin ku sugan degaanno kale oo caalamka ah, waxaa loo jeedsiiyay in sida keliya ee caddaalad ay ku heli karaan ay tahay qori caaraddiis.

Waxaa la tusay in ay sidaas guul ku gaari karaan. Haddii lacalla ay militeri ahaan ku guuleysan waayaanna aakhiro Allah ku abaal marin doono Jannada.

Dhallinyrada ku jira howlgalka noocaas ah, waxaa ku goobtay amni darro joogta ah iyo caddaalad darro la deristay.  Cidda keliya oo wax u sheegtaana waxay ku akhrineysaa afkaar xag jir ah, midka keliya oo wax siiyaana wuxuu siinayaa tababbar sida qof ama wadar-qof loo dilo iyo aaladdii lagu dili lahaa.

Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah in Qaranku uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd ubadkiisa ee xagga sugidda amniga, barbaarinta iyo ka ilaalinta in niman caalamka la doondoonayaa ay u helaan in ay u noqdaan macallimiin lagu daydo.

Caddaalad-darro Bulsho

Waxaa colaadda Shabaab sii soofeeyay caddaalad-darrada bulsho ee Soomaalida dhexdeeda ah ee lidka ku ah diinta Islaamka iyo ilbaxnimada casriga ah sida dadka lagu takooro dhalashadooda iyo dulmiga saami qeybsiga siyaasadeed ee qabaa’ilka qaarkii lagu hayo. Dulmigaas oo mar kastaba ka jiray dalka Soomaaliya wuxuu ugu sii darnaa tobankii sano ee xigay burburka Dowladda.

Doodda Shabaab waxaa iyaguna qiil u doonay falal xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha oo ay ciidammo ajnebi ah ama wakiilladoodu ay ka geysteen dalka Soomaaliya gudihiisa xilliyo kala duwan.

Dowladdii ay fashilaaddeeda iyo maqnaashaheedu eeddaas geysteen, marka ay hadda soo naaxdo, ee ay billowdo in ay isku daydo in ay amniga sugto caddaaladna raadiso, sax ma tahay in ay isla dhallinyaradii at gabtay ay ku tilmaanto dembiilayaal? Weliba dembiilayaa ay tahay in la laayo ama la soo qabqabto si mid-mid loogu toogto?

Marka dhallinyarada noocaas ah la wajahayo, maxaa Qaranka la gudboon?

Wadahadal, Qarax-joojin iyo Is-af-garad


Waxay iigu muuqataa intii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ku jira laga horgeyn lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciidan ah, oo markaa ay dhallinyarada Soomaaliyeed isku dhammaan lahayd, in ay waajib tahay in laga fekero in la helo hab loo kala badbaadin karo dhallinyarada. Waxaan ognahay in isu geyn dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaan karto cudud Soomaaliyeed, ayada oo isla markaasna la xaqiijinayo in khatarta Shabaab laga badbaado amaba dhammaanteed la soo afjaro.

Waan ogahay oo waa wax sahlan in afka laga sheego, xaqiijintuse ma sahlana.

Laakiin waa ayo qofka u haysta in Qaran burburka nagu dhacay xal loo helo in ay tahay howl sahlan?

Xalku kuma imaanayo in annaga oo aan si cad uga doodin, aragna sida ay xal u keeni karto aan soo minguurinno siyaasadda dalal kale ay Shabaab kula dhaqmaan.

Shabaab badankeed waa Soomaali. Cidda uga badan ee ay dilaan waa Soomaali. Cidda ay nabad iyo horumar ka hortaagan yihiin waa Soomaali. Waxaa waajib nagu ah in aan helno hab aan ku qanacsan nahay in aan wakhtiga ugu yar ku gaari karno in aan dhibkooda ka gudubno, iyagana inta ugu badan aan ku badbaadin karno maaddaama ay mas'uuliyadi naga saaran tahay oo ay yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu Qaranku gabay.

Aragtideydu waxay tahay in si dhab ah looga shaqeeyo in Shabaab lala galo wadahadal ujeeddadiisu ay tahay in lagu soo xero geliyo intooda Soomaalida ah.

Waan ogahay in ay Dowladda hadda jirta iyo Dowlado ka horreeyay ay ku baaqeen in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafin doono.

Laakiin waa kala laba in idaacadaha laga sheego in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafinayo iyo in si dhab ah looga shaqeeyo in dhallinyarada Shabaab ku jirta la helo waalidkood iyo walaalkood, la helo "Shiyuukhdii" wax bartay, in la helo saaxiibbadood. In intaas oo dhan lala kaashado in ay badbaadiyaan naftooda iyo tan walaalahooda Soomaaliyeed. In marka lagu qanciyo in ay soo laabtaan, haddana si tifatiran loogu sheego sida ay u soo laaban karaan iyo meesha ay ku laabanayaan. In loo diyaariyo barnaamijyo u abuuraya fursado. Intaa wixii ka dambeeya in ay helaan xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee datruurku uu u oggolaanayo.

In Madaxda al Shabaab ee Soomaalida ah lala furo wadahadal si qoto dheer oo miisaaman looga fekeray, ujeeddaduna ay tahay in marka hore la gaaro xabbad iyo qarax-joojin marka xigtana lagu gaaro is afgarasho si loo kala badbaado loogana wada qeyb qaato dib-u-dhiska dalka.

Dulucda qoraalkeygu waa in aan xakameyno carada ay nagu khasbayaan wiilasha isku dhex qarxinaya shacabka dhexdiisa ee leynaya dad ehelkooda ah oo aan waxba galabsan welibana aanay aqoon.

Waa in aan fahamnaa una xanuunsannaa midka isqarxinaya laftiisa ee naftiisu ay xabbadda la qiimaha noqotay. Waa in aan ka fekernaa in aan isaga badbaadinno, si ay bulshaduna uga badbaaddo.


Tallaabo wax ay tarto mooyee aan waxba dhimenyn oo laga billaabi karo waxay tahay in marka hore ay Dowladdu joojiso toogashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ka tirsan ee xabsiyada ku jira.
Viewing all 305 articles
Browse latest View live